Waxgaradka beelo ku dagaalamay degmada Warsheekh oo maalintii labaad wadahadallo uga socdo Magaalada Jowhar + Sawirro

0
Wednesday August 26, 2015 - 11:49:18 in Wararka by
  • Visits: 1427
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxgaradka beelo ku dagaalamay degmada Warsheekh oo maalintii labaad wadahadallo uga socdo Magaalada Jowhar + Sawirro

    Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe waxaa ka socota wadahadallo waxgaradka beelo dhowaan ku dagaalamay degaano ka tirsan degmada Warsheekh, waxaana maamulka gobolka oo marti geliyay kulankaan looga hadlayaa sidii loo soo afjari lahaa colaadd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe waxaa ka socota wadahadallo waxgaradka beelo dhowaan ku dagaalamay degaano ka tirsan degmada Warsheekh, waxaana maamulka gobolka oo marti geliyay kulankaan looga hadlayaa sidii loo soo afjari lahaa colaadda u dhaxeysa beelaha walaalaha ah.
Waxgaradka beelo ku dagaalamay degmada Warsheekh oo maalintii labaad wadahadallo uga socdo Magaalada Jowhar + Sawirro

Kulanka oo uu furay Guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe Cali C/llaahi Xuseen (Guudlaawe), waxaa ka qeyb gelaya Xildhibaan Qaasim Cali Nuur, Malaaq Cali Malaaq Colow, Nabadoono iyo waxgarad ka socda beelaha dagaalamay.

Wejiga labaad ee maanta ka furmay magaalada Jowhar ayaa looga hadlayaa qasaarihii ka dhacay dagaaladii ka dhacay degaano ka tirsan degmada Warsheekh, gaar ahaan dhibaatooyinka kala gaaray dhinacyada dagaalamay.


Kulanka oo la filayo in maanta lagu gaaro heshiis rasmi ah, ayaa laga cabsi qabaa in maalin kale oo dheeraad ah lagu daro, bacdamaa ay suurtagal tahay in qodobada qaarkood wadahadaladoodu qaataan waqti aad u dheer.

Dagaalka ka dhacay degaano Bariga uga beegan degmada Warsheekh ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhowaad 20-ruux, tiro intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen, iyadoo sidoo kale hurinta colaadaasi loo xirxiray ganacsato caan ah oo degaanadaasi ka soo jeeda.

Xildhibaan Qaasim Cali Nuur oo kulanka khudbad ka jeediyay ayaa ugu baaqay waxgaradka labada dhinac inay soo afjaraan colaada u dhaxeysa
beelaha walaalaha ah ee soo noq noqotay, isagoona ka dalbaday heshiis rasmi ah ay gaaraan.

Dhinaca kale waxaa kulanka khudbad ka jeediyay Malaaq Xamar iyo Xamar Daye Malaaq Cali Malaaq ayaa sheegay in dagaalka micno darrada ah ee u dhaxeeya beelaha ood wadaagta ah degdeg looga gaaro xal waara.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip