HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO TALAADO 9-KA AGOOSTO 2022-KA
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Si Weyn Loogu Soodhaweeyay Kampala
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soom aaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ay uga bil aabatay dalka Uganda ayaa si diirran loogu soo dha weeyey magaalada Kampala ee Caasumadda dalkaas.
Madaxweynaha oo garoonka diyaaradaha calaamiga ah ee Entebbe uu ku soo dhaweeyey Wasiirka Arri maha Dibadda Uganda Mudane Odongo Jeje Abuba khar, ayaa salaan Sharaf ka qaatay cutubyo ka tir san Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaas, halka koo xo ciyaar dhaqameed ah ay bandhig-dhaqameed ku maamuuseen booqashada Madaxweynaha iyo wafd igiisa.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo boo qashadiisa Uganda ay qaadaneyso saddex maalm ood, ayaa wada-hadallo ku qotoma xoojinta iyo hor umarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaa didda iskaashiga la qaadan doona dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu ku sug an yahay dalka Uganda waxa uu ka qeyb geli do onaa madasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doonta, iyadoo ganacsatada iyo khubarada dhaqaale ee labada dal ay gorfeyn doo naan iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca waxsoosaarka.
Ra'iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Wakiilka QM ee Soomaaliya
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka So omaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo xafiiskiisa ku qaabilay, Ergayga gaarka ah ee Xogyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soo maaliya, James Swan, ayaa kala hadlay xoojinta taageerada hay'adaha QM ay siiyaan Soomaaliya. Wakiilka QM ayaa ugu ha mbalyeeyey Ra'iisul Was aaraha, ansixinta xukuu madda iyo barnaamijkeeda oo Dorraad ay meel mar iyeen Golaha Shacabka, isagoo xaqiijiyey sida ay u ga go'an tahay hay'adaha QM in ay xoojiyaan taage eradooda. Labada masuul ayaa sidoo kale, isla soo qaaday arrimaha ammaanka, abaaraha ka jira dalka oo lagu wajaho gurmad mideysan iyo sidii la isu waa fajin lahaa taageerada saaxiibada caalamiga ah iyo qorsheyaasha dowladda mudnaanta u leh.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Qa ramada Midoobay taageerada ay la garab taagan yi hiin Soomaaliya, xukuumaddiisuna ay diyaar u tahay in si dhow ay u wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo gu ulaha la hiigsanayo.
Madaxweyne Xasan Sheikh Oo Ganacsatada Ka la Hadlay Kobcinta Maalgashiga Dalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa kala arrinsaday iskaashiyada ganacsi ee heer gobol iyo kobcinta maalgashiga dalka.
Madaxweynaha ayaa Ganacsatada Soomaaliy eed ugu baaqay in ay xoojiyaan doorkooda ku aad dan xoojinta maalgashiga dalka iyo wax soosaarka, isagoo ku bogaadiyey dhabar adaygga ay ku waj aheen duruufihii dhaqaale ee adkaa ee la soo ma ray, taas oo muujinaysa hal ab uurka maalgashi iyo ganacsi ee ay ku tilmaaman yihiin dad ka Soomaaliyeed. "Dowladd aani waxay ka shaqeyneysaa in ganacsatada loo fududeeyo dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo maalgashi. Dalkaan in uu noqdo dal dhaqaalahiisa furan yahay baan rabnaa, suuq xor ah in uu yeesho baan rabnaa. Fursadaha dalkaan ka jira meel ay Adduunka ka jiraan waa yar tahay.”
Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dalka Uganda kaga qaybgali doonta Shirka Ganacsiga iyo Maalg ashiga ee Soomaaliya iyo Uganda, kaasi oo ujeedk iisu yahay sare u qaadidda ganacsiga u dhexeeya labada dal, iyada oo ganacsatada Soomaaliya iyo Uganda ay ku lafo-guri doonaan fursadaha maalga shiga, ganacsiga iyo
Cumar Filish: Ciyaal weerada waxay ka dhashe en duulaan-kii mucaaradka
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo marti ku ahaa barnaamij uu qabtay TV-ga Univer sal ayaa sheegay in ciyaal weerarada Muqdisho dad ka ku dhibaateeya ay ka dhasheen ciidankii Bad baa do Qaran ee dowladdii Farmaajo la dagaalamay.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in wax kasta ay sabab leeyihiin, isagoo sab abta keentay in ciyaal weero ka dilaa cdo Muqdisho u tiiriyey qalalaasihii siy aasadeed ee magaaladu ay gashay bi lihii ay socotay doorashadu.
"Ciyaal weeradu waa caqab na heysata, wax kas tana waxay ku yimaadiin sabab, magaaladaan Muq disho waxaa ka dhacay dagaallo siyaasadeed, muca aradkii ayaa hub qaatay oo soo weeraray dowladii xil igaas joogtay,” ayuu yiri Cumar Filish.
Sidoo kale duqa Muqdisho wuxuu sheegay in ma rkii ay Muqdisho gashay qalalaasaha siyaasade ed, la saadaali karay in raadad xun ay ka dhalan kar aan tallaabooyinkii ay mucaaradku qaadeen.
"Raadkii ay rabshadahaasi reebeen, qeyb ka mid ah ayaan wajaheynaa, hadda sidii hore waa la dham aa, hey’adaha ammaanka ayaa la tacaalay oo wax badan ku guuleystay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray duqa Muqdisho.
Sidoo kale wuxuu sheegay in weli aan guul laga gaarin howlgallada looga hor tegayo burcada iyo ciy aal weerada, "Waa jiraan caqabado kale oo fool xun oo ka dhashay wixii ka dhacay magaalada, sida bu rbur soo gaaray magaalada,” ayuu yiri.
Wuxuu guddoomiyuhu intaas ku sii daray, in mar kii uu mucaaradku hubka qaatay ay ka maamul aha an iyo dowladda dhexaba ku sii jeedeen dagaalka Al-Shabaab, sida uu hadalkiisa u dhigay.
"Nooma qorsheysneyn, ciidan hubeysan iyo ma daafiic in magaalada dhexdeeda la isla dhici doono, waxaana ka dhashay burcad iyo gaangis mar hore magaaladaan laga nadiifiyey,” ayuu yiri.
Ugu dambeyntii guddoomiye Cumar Filish wuxuu shee =gay in hadda la xaliyey qalalaasihii siyaasad eed oo dalka ay doorasho ka dhacday, isla markaa na lala tacaalayo sidii loo ciribtiri lahaa burcadda iyo ciyaal weerada.
DAD ajaaniib ah oo lagu xukumay Muqdisho
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Sooma aliya ayaa xukuno xabsi ah ku riday labo nin oo mid yahay ajaanibi u dhashay dalka Tanzania, midna he ysto dhalashada wadanka Sweden, asalkiisuna ya hay Soomaali.
Ninka u dhashay Tanzania oo dalka ka soo galay xuduuda Ken ya ayaa mudo dheer ka tirsanaa Al-Shabaab, waxaana la qabtay xilli uu ku howlanaa siduu ugu bi iri lahaa kooxda Daacish.
Ninkaan ayaa ku tababartay gudaha Soomaaliya, wu xuuna hadda ka hor ku dhaawacmay dagaal ay Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose.
Waa 40 sano jir u dhashay Tanzania, gudaha Al-Shabaab waxaa looga yaqaanay Abuu Zubeyr, wax aana si farsameysan u soo qabtay sirdoonka Sooma ali, xilli uu qorsheynayey inuu isku dhiibo kooxda ka le ee Daacish, isagoo ku sugan degmada Jilib.Xiriir kii uu la sameeyey Daacish ayuu dhex u galay sirdo onka Soomaaliya, sidaas ayaana lagu hor gee yey maxakamadda ciidamada oo Shalay ku xukun tay xa bsi ‘daa’in’ ama madaxaa haku furto.
Sidoo kale Cabdiraxmaan Nuur Yuufus (Xiis) oo asalkiisu yahay Soomaali heysta dhalashada dalka Sweden ayaa la xukumay Shalay, ninkaan ayaa So omaaliya soo galay sanadkii 2019-kii, si Al-Shabaab uu uga barbar dagaalamo.
Xiis, oo Al-Shabaab u soo iibiyey qalab ay u adee gsadeen weerarkii Manda Bay ee gudaha Kenya, ay uu sanadkii hore sirdoonka Soomaaliya ka soo qa btay degaanka Kuunyabarrow ee koonfurta Sooma aliya.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada G/le Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo soo saaray xukun ka Maxkamadda ayaa Cabdiraxm aan Nuur Yuufus (Xiis) ku xukumay 15 sano oo xabsi ah.
Xasan Sheekh: Kampala waxaan ka furi doo naa iskuullo lagu barto afka iyo taariikhda Soomaliya
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Ma xamuud oo Shalay gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa Habeen hore la hadlay masu uliyiinta
safaaradda iyo jaaliyadda Soomaal iyeed ee ku nool dalkaas.
Madaxweynaha oo aad u amaan ay firfircoonida jaaliyadda Soomaali yeed reer Uganda ayaa soo hadal qa aday muhiimadda ay leedahay in la weyneeyo oo dunida la gaarsiiyo dhaqanka wanaags an ee umad da Soomaaliyeed.
"Safiirka iyo mas’uuliyiinta safaaradda waxaan far ayaa in caruurta jaaliyadda dhaqankooda la ogaado, wasaaradda waxbarashadu waxay Kampala ka furi doontaa iskuullo Afka Soomaaliga iyo taariikhda soo yaalka Soomaalida lagu barto,” ayuu yiri Madaxwe ynaha Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Soomaalida re er Uganda uga mahad celiyey doorkooda dib u dhis ka safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda, taas oo lagu dhisay olole isku tashi ah.
"Qofkii arki jiray gurigaan sida uu u ekaa ama ay dhibi jirtay dayacaadii heysatay, wuxuu dareemayaa muhiimada ay leedahay in dadku isku tashadaan oo qof walba uu sameeyo wixii uu awoodo,” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bolaalkii qof ee uu la hadlayey wuxuu ku guubaabiy ey in hadii sida reer Uganda oo kale ay Soomaalidu isku kaashato in deg deg dib loogu soo celi karo dow ladnimadii naga burburtay.
"Cadowga nagu habsaday waan iska dul qaadey naa, Soomaaliya oo nabad ah oo shucuubta dunidu u soo dalxiis tagto, ayaan u taaganahay inaan same yno, 15 sano cadowga dalkeena ka dagaalamaya, si wadajir ah ayaan isaga qabaneynaa,” ayuu yiri Mada xweyne Xasan Sheekh.
Cali Guudlaawe Oo Daah Furay Shirkii 1aad Ee Golaha Wasiirada Hirshabeelle
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabe elle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Shalay daahfuray shirka banbaxa Golaha Wasiiradda Hirshabeelle.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku xigeenka,
Yuusuf Axmed Hagar, Gudo omiyaha Baarlama anka Cabd ixakiim Luqmaan Xaaji Max am ed Ku Xigeenadiisa, Xubna ha Golaha Xukuumadda, Latal iyaal sar sare iyo qeyba ha kala duwan ee bul shada. Kulan wadareedk aan oo ah kii 1aad ee nuuciisa ah oo xukuumadu qa bato waxaa socon doonaa labo Maalmood waxaana looga haddli doonaa barnaamij ka xukuumad da,han aanka abaabulka iyo wadasha qeynta G/ Wasiiradd a, waxa uuna dib u fiirin do onaa waaj iba adka sha qo ee GWasiiradda & Wasaaradaha iyadoo la xaqi ijin doono wadajirka & wadashaaqeynta Golaha
Madaxweynahaa Puntland oo magacaabis sameeyay
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Si ciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Ma da xweyne oo ku saabsan magacaabid Saddex La-tal iye Madaxweyne oo kala ah, La-taliyaha Siyaasad da iyo Dimuqraadiyadda, La-taliyaha Mashaariicda iyo Kheyraadka Dabiiciga iyo La-taliyaha Arrimaha Bulshada.
War-saxaafadeed kazoo baxay Xafi iska Madaxweynaha ayaa lagu shee gay in Madaxweynaha Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoontooda iyo waayo-aragnimado oda shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
Waxaa Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri) loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrima ha Bulshada.
Waxaa Cismaan Yuusuf Maxamuud loo magac aabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siy aasadda iyo Dimuqraadiyadda.
Waxaa Axmed Siciid Ismaaciil (Qolombi) loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrim aha Mashaariicda iyo Kheyraadka Dabiiciga ah.
*Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Mada xweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
Maxamuud Sayid Aadan oo bedelay mowqifki isii diidmada xukuumadda R/W Xamza
Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad gobo leedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa beddelay mowqifkiisii hore ee diidmada xuku umadda cusub ee uu dhowaan soo dhisay ra’iisul wasaaraha Somaaliya Md. Xamza Cabdi Barre.
Sayid Aadan ayaa shaaca ka qaa day inay weli jirto tabashadii ay Beel ahaan qabeen, balse wuxuu tilmaamay inay wada-hadleen ra’iisul wasaaraha, ayna ballameen.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu sidaas darteed uu beddelay mowqifkiisii, isla-markaana uu taageera yo xukuumadda cusub, isaga oo u hambalyo u diray ra’iisul wasaare Xamza.
Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in muhiimadd u ay tahay is qancin, si uu horey ugu sii socda qaran ka Soomaaliya.
"Waan u hambalyeynayaa ra’iisul Wasaare Xam za, xukuumaddiisa iyo madaxweynaha, maalin dhaw eyd aniga iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxa aan kasoo saarnay dhaliil, haddana inta aan ansixinta la gaarin waan wada hadalnay waxa aan kaga heshiinay in tabashadaas wax la qabto, xalke edana uu jiro, qarankana horay u socdo oo aan isb aaro iyo Lug-gooyo lagu sameyn” ayuu yiri Mudane Maxamuud Sayid Aadan.
Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in xukuumadda cusub ay hortaallo howl adag, loona baahan yahay in lala shaqeeyo.
"Xukuumaddaan xilliga dalka uu marayo xagga amniga, Midnimada Bulshada, Dhaqaalaha, Abaarta, Mishkilada ku hareereysan aad & aad ayay u farab adan yihiin, Xukuumaddaan waxaa laga filan karaa iyada oo arrintaan ku xisaabtameyso, waaya-aragni ma ay jirto, marka la fiiyo Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoonka Baarlamaanka iyo Xukuu madda inteeda badan oo xog ogaal u ah in laga fi kiro sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka jira” ayuu sii raaciyey Madaxweyne ku xigeenka maamul ka Jubbaland.
Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo Dorraad xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay codka kalsoonida siiyeen xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Madaxwenayaasha Koofur Galbeed Iyo Dowladd Deegaanka Oo Heshiis Culus Gaaray.
Madaxweynaha Dowladda deegaanka Soomaali da Mustaf Cagjar iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Laftagar een, oo ku sugan Itoobiya ayaa ka wada hadlay xaa lada amni xadka xili dhawaan Al-Shabaab dagaal cu lus ku qaaday Dowlad deegaanka kadib markii ay ka tallaabtay xadka G/Bakool.
Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen xubno ka socda la bada dhinac ayaa diiradda lagu saaray arrinta xadka iyo sidii ay isaga kaashan lahaayern dagaalka ka dhanka ah shabaab oo labada maamulna caqabad ku ah.
Qoraal ay madaxtooyada dowlad deegaanka ka soo saartay heshiiska ayaa lagu sheegay in la iskula qaa tay sidii Alshabaab looga sifeyn lahaa xuduudda ay wadaagaan labada deegaan. "Iyada oo laga duulayo heshiiska iskaashi ee dhanka amniga ee ka dhexe eya labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa ku lan ku dhexmaray Madaxweynaha DDS iyo dhiggiisa Dowladd-goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaa liya, kulanka ayaa salka ku hayo sidii Alshabaab loo ga sifeyn lahaa xuduudda ay wadaagaan labada de egaan.” ayaa lagu yiri qoraalka.
Si kastaba, Madaxweynaha Koofur Galbeed Ca bdi Casiis Lafta-Gareen ayaa Jimcihii diyaarad mila tari oo gaar ah looga qaaday Baydhabo, waxaana maalmo kahor uu qaabilay saraakiisha ugu sareysa ee sirdoonka Itoobiya, iyadoo ay xigtay heshiiskan.
Mustafe Maxamuud Cumar Cagjar ayaa hore ugu dhawaaqay in si looga gaashaanto duullaanka Sha baab ay ciidamadiisa samayn doonaan aag ka caag gan aragaggaxisada oo aan ahayn dhulka dowlad de ggaanka Soomaalida, lamana oga in heshiiskan uu arrintaasi daba socdo.
madaxwenayaasha koofur galbeed iyo dowladd deegaanka oo heshiis culus gaaray.madaxwenaya asha koofur galbeed iyo dowladd deegaanka oo he shiis culus gaaray.
Dowladda Soomaaliya & QM oo ka wada hadlay gurmadka Abaaraha
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaa liya u qaabilsan Arrimaha Bani’aadanni mada iyo Gu rmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi shakuur Warsame ayaa kulan la qaatay ku xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula. Ergeyga iyo wakiilka ayaa iska xog-wareystay halka ay marayaan howlaha gargaarka ee labada dhinac iyo tallaabooyinka ay hadda tahay in la qaado ee dardargalin, wacyi-galin iyo u qeylo-dha aminta Dowladaha, deeq-bixiyayaasha iyo dadka wax heysta.
Waxa ay bogaadiyeen howlaha lama huraanka ah ee ilaa hadda qabsoomay, waxayna hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay dhaqaale badan iyo is ku-duwid xooggan, si looga baaqsado in macluushu daad goosato xaalkuna intaan ka sii xumaado.
Adam Abdelmoula ayaa bogaadiyay sida Dowlad da Federaalka diiradda u saareyso howlaha gargaar ka, iyadoo dhinacyadu dood wax ku ool ah ka yee sheen sidii looga hortagi lahaa in xaaladdu faraha ka baxdo macluul daranna dillaacdo.
Adam oo sidoo kale ah Xiriiriyaha iyo Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Hawlgalka Kaalme ynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ba llan qaaday in QM sameyneyso xarumo waawayn oo howlgallada gargaarka laga dardar geliyo.
Wararkii ugu dambeeyay: Qarax lagu dilay Xil dhibaan oo ka dhacay deg. Matabaan.
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax miino Shalay ka dhacay deegaan ka Bacda oo hoos yimaada deg mada Matabaan ee Gobolka Hii raan, ka asi oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday gaari uu lahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, kaasi oo lagu magac aabo Mursal Xeefow, waxaana ma rkaasi la socdeen mas’uul ka tirs anaa maamu lka degmada Matabaan.
Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa ku geeriyooday Agaasimihii Maali yadda degamada Matabaan Cabdullhaai Cumar Xaa shi (Indha Biriq) iyo ruux kale oo la socday.
Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano katirsan Gobolka Hiiraan
Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan gu utada 5aad ee qeybta 27aad, Ciidanka DANAB & maleeshiyaad degaanka a oo oo howlgallo xoogan ka wada degaano katirsan gobolka Hiiraan ayaa Shalay Al-Shabaab waxaa ay kala wareegeen dega ano hoostaga degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan
Howgalka ayaa waxaa ho ggaaminayo guddoomiya ha Gobolka Hiiraan Cali Je yte Cismaan, waxaana lag ula wareegay degaannada Coomaad, Bacda, Laa nsaban, Bukure iyo degaanno kale, halkaas oo Dorraad diyaaradaha itoobiya ay duqeymo ka fuliyeen.
Saraakiil katirsan Ciidamada guutada 5-aad qeybta 27-aad ayaa sheegay in degaannada ay la wareege en uusan wax dagaal ah ka dhciin kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab, isla markaana ay guud ah aan xaqiijiyeen amniga degaannadaas.
Sidoo kale saraakiisha ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaan ay uga jawaabayen kadib markii saa cadihii la soo dhaafay ay Al-Shabaab gubeen deeg aanno badan isla markaana qaraxyo ku xereen Cee lasha dadka iyo xoolaha ka biya cabi jireen.
Muddo bilo ah ayaa Ciidamada dowladda Soomaal iya oo uu horkacayo guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan waxaa ay howlgallo ka wadaan degaano hoostaa degmooyinka Maxaas & Matab aan, si ay degaannadaas uga saaraan Al-Shabaab
Kulan deg deg ah oo laga yeeshay Amniga Jowhar kadib qaraxyo ka dhacay
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa shir gudoom iyey kulanka Amniga oo ay ka qeyb galeen sara akiisha ciidamada booliiska Hirshabelle Ciidamada Nab ad sugida iyo kuwa xooga Dalka Soomaaliyed
Kulanka oo lagu qabtay Ma gaalada Jowhar ayaa looga hadlay xaalada amni ee Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan Magaalada Jowhar oo maalmihii la soo dhaafay ay qaraxyo ka dhacayeen.
Dhammaan saraakiisha ka qeyb gashay kulanka ayaa waxaa ay Warbixino guud ka siiyeen guddoom iyaha howlgallada Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa howlgalka ATMIS ay ka sameeynayeen degaannada Hir-Shabeelle
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka ayaa laama ha amniga faray in la kordhiyo howgallada looga hort agayo falalka amni darada iyo Qaraxyada ay maleeg een Al-Shabaab ee ka dhacaya Magaalada Jowhar, kuwaas oo ay ku waxyeeloobeen madax iyo Shacab.
Dhawaan ayaa waxaa Magaalada Jowhar ka ka la dhacay qaraxyo mid kamid ah uu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaas oo lagu wee raray Hotel ay deganaayeen wasiiro & Xildhibaano katirsan Maamulka Hir-Shabeelle.
Sarkaal Ciidan oo lagu dilay Muqdisho & faah faa hin laga helayo
Rag hubeysan ayaa waxaa la sheegay in Shalay agagaarka Isgoyska Seybiyaano ee Maaalada Muq disho ay kudileen Sarkaal katirsan Ciidanka Hay’ad da Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya.
Sarkaalka oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi Garaseey (Sheekh Cajaa’ib) ayaa la sheegay in xilliga la dilayay uu watay Gaari nooca raaxada ah, Isla markaana uu khudaar ka iib sanayay Suuqyaraha Seeybiyaano ee degmada Hod an Gobolka Banaadir.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in raggii ka dambeeyay dilka Sarkaalka ay goobta ka baxsad een, iyaga oo horay u sii qaatay Bustoolad iyo Cop muter laptop ah oo uu watay.
Ciidamo katirsan Booliska Gobolka Banaadir ayaa te gay goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo baaritaano ah wallow aan dad lagu qaban howlgalladaas.
Magaalada Muqdisho ayaa mararka waxaa ka dhaca dilal mas’uuliyiin katirsan dowladda, Saraakiil iyo askar loo geysto, kuwaas oo mas’uuliyadooda ay sheegtaan Ururka Al-Shabaab.
Xisbiga Waddani: Dadka intaad xidhi kartaan xi dha, jeelasha Hargaysa buuxiya
Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ay aa diiday kulan uu ka dalbaday wasiirka arrimaha gu duhu, kadib ogaysiiskii mudaharaad ee ay Dorraad u gudbiyeen, xili xukuumadu xabsiga dhigtay masuu liyiin ka tirsan mucaaradka.
Xogeeyaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xu seen Cabdi, ayaa ku andacooday in sharciga ay wa afajiyeen ogaysiiskii mudaharaad ee ay Dorraad u gudbiyeen wasiirka arrimaha guddaha, isla marka ana anay jirin sabab ay ula kulmaan, wasiirka oo ka dalbaday kulan.
"Waxay wasaarada arrimaha guduhu Shalay usoo qortay labada xisbi warqad ay ku dalbanayso kulan, hadda warqada aanu anagu qornay wax ala wixii uu sharcigu naga rabay waanu marnay, wixii baadil ah iyo wixii kibir ahi waa halkiisa ... sabab aanu u kul ano oo layskugu yimaado run ahaantii ma jirto" ayuu yidhi Khadar.
Xogeeyaha ayaa sheegay in isla Shalay oo ay xu kuumadu codsatay in ay la kulanto madaxda ax saabta mucaaradka, ay dhinaca kale bilowday in ay xidh xidho masuliyiin mucaarad ah & dad shacab ah.
"Taa waxaaba kasii daran iyaga oo leh aynu kulan iskugu nimaadno oo labada guddoomiye ee xisbi yada mucaaradka ka dalbanayaan in ay kulmaan, ay aa Shalay waxay bilaabeen in ay dadkii shacabka ahaa iyo masuuliyiintii xisbigaba xidh xidhaan" ayuu yidhi Khadar.
Waxa uu ku goodiyay in anay xukuumadu xoog ku haysan karin Somaliland "Fariintaanu u dirayna waxa weeyaan kuli dadka intaad xidhi kartaan xidha, jeelasha Hargaysa oo dhan buuxiya, Madheera bu uxiya, Siyaad Barre ayaa jeel uu buuxiyo waddan ku haysan kari waayay".
Sidan oo kale, ayay mucaaradku u diideen in ay la kulmaan wasiirka arrimaha guddaha kadib ogaysi iskii mudaharaad ee ay wasiirka u gudbiyeen 25 May, taasi oo keentay in xukuumadu ay gabi ahaan ba joojiso mudaharaadkii dhici lahaa.
Masuuliyiinta xisbiga Waddani ee Shalay la xi dhay ayaa kala ah Xoghayaha Ciyaaraha Yuusuf Nu ux Tadhase, Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Ma wliid Qaro iyo Mukhtaar Mingiste.
Jubbaland oo ka hadashay ciidamo Itoobiyaan oo aan ahayn ATMIS oo gudaha u galay goblka Gedo
Maamulka Jubbland ayaa xaqiijiyay inay ciidmo Itoobiyaan ah oo kasoo gudbay xad ka labada dal ay gaareen qeybo ka mid ah gobolka Gedo, maalmo ka dib dagaalladii Itoobiya Alshabaab kulagashay gobolka Bakool iyo xadka. Wasiirka am niga Jubbaland, Yuusuf Dhuumaal ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya u tageen goblka Gedo sugida amniga xaduudaha, si ay uga hortagaan in Alshaba ab mar kale weerar kusoo qaadaan dowlad deegaan ka Soomaalida.
Wasiirka amniga wuxuu sheegay ciidamada Ito obiya inay ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha ee Doolow iyo buundada magaalada, wuxuuna sheegay inay yihiin ciidamo yar oo aan ahayn sida loo buun buuniyay.
"Waa ciidan aan ka badnayn 200. Waa afar Uur aal oo min 50 ah. Ciidan farabadan iyo waxa la she egayo waxba kama jiraan, annaguna waan ogna hay,” ayuu yiri wasiir Dhuumaal.
Wasiirka waxa uu sheegay inay Itoobiya iska kaa shanayaan la dagaalanka Shabaabka dhibaatada ku haysa gobolka Gedo.
Wuxu sheegay inay ogyihiin meelo badan oo Alshabaab isku urursanayaan, isagoo sheegay inay qorsheynayaan inay doonayaan inay meelo kale kasoo weeraraan Itoobiya.
Dowladda Itoobiya ayaa ciidamadan ay soo gal isay gobolka Gedo ku tilmaamay inay qeyb ka yihiin ka hortagida weeraro Alshabaab mar kale ay qorshe ynayaan inay dalkeeda kusoo qaadaan, sida ay hor ey uga digtay dowladda Maraykanka.
Dowladda Itoobiya oo sheegtay in kooxo mintid iin ah ay ka xoraysay in ka badan kun tuulo.
Dowladda Itoobiya ayaa dib ula wareegtay 1,255 tuulo oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan gobolka Oromada, waxaa na ay dib u dhistay dhismay aal dowladeed oo burburay.
Golaha Amniga Qaranka ay aa bayaan uu soo saaray Axaddii ku sheegay in bili hii la soo dhaafay la qaaday tallaabooyin adag oo la gu soo celinayo amniga iyo dardargelinta dhaq dhaq aaqa dhaqaale.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in 3,180 dagaalyaha n lagu xiray howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaad ka ‘Shanee’ ee dowladda.
Al-shabaab oo dab qabadsiiyay ilaa 7 tuulo oo ka tirsan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan
Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gob olka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalmayaasha Al-shabaab ay dab qabad siiyeen ilaa 7 tuulo oo ka mid ah tuuloo yinka hoostaga degmada Maxa as ee gobo lka Hiiraan. Guddoo miyaha degmada Maxaas Muum in Maxamed Xa lane ayaa sheegay in Al-shabaab ay gubeen oo cee lashii biyaha ay matooradii ka qarx iyeen ilaa 7 tuulo oo ah tuuloiyinka hoostaga degm ada Maxaas ee go bolka Hiiraan.
"Waxay dab qabadsiiyeen 7 tuulo oo ay ceelashii biyaha xata intey qarxiyeen ay duugeen arxan la wa xayasha Shabaab oo hadda beegsi ku bilaabay shac abka, waxay sidoo kale gubeen qaar ka mid ah Isga arsiinta tulooyinkaasi, waxaana hadda qorsheynay inaan ka badbaadino tuulooynka kale" ayuu yiri gudd oomiyaha Maxaas Muumin Xalane.
Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir oo ka mid ah Xildhibaanada laga soo doorto gobolka Hiiraan oo ka hadlaayay tulooyinka ay gubeen Al-shabaab ayaa sheegay in shabaab dhibaatada Hiiraan ay ka wad aan ay tahay mid qabyaaladeysan oo ay ku beegsa nayaan Beesha Xawaadle kaliya.
"Waxaan aad uga xumahay dhibaatada shabaab ay ka geysteen tulooyinka hoostaga Maxaas, waxan cadeynaya in shabaab ay Beesha Xawaadle kaliya beegsi ku hayso, wan ognahay waxay horay u cunaq abateyeen dhamaan deegaanadii beesha sida degm ooyinka Jalalaqsi, Buulaburte, Maxaas, Matabaana iyo Baledweyne ay hada kala jareen dhamaan dee ganada Bariga Hiiraan ayay shabaab hab qabiileed kula dagaalameysa, Dadkeeyga marna madaxa hoor san mayaan shabaabna waan Ka guuleysaneynaa" ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir.
Shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa si weyn u hadal haayo talaabada Al-shabaab ay ku gubeen ilaa 7 tuulo oo ah tulooyin hoostaga degmada Max aas ee gobolka Hiiraan, islamarkaana ceelashii tuul ooyinkaasi ku duugeen Shabaab.
Wararka ugu danbeeyey G/hiiraan "Al-shabaab oo dad rayid ah ku gowracay deega an hoos yimaada degmada Maxaas ee G/Hiiraan
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Teedaan oo hoos yimdaada degmada Maxaas ee Gobolka Hii raan ayaa sheegaya in Shalay halkaasi Al-shabaab ku gowraceen saddex ruux oo shac ab ah. Lama oga sababta rasmiga ee Al-shabaab u gowraceen dadka rayidka ah ee ku sugnaa deegaanka Teedaan.
Al-shabaab ayaa sidoo kale saacadihii la soo dhaafay waxaa ay hawada ka saareen Isga arsiinta deegaannada hoos yimaada degmada Maxaas.
Dhacdani ayaa ku soo aadeysa, xilli dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay Dorraad gubeen guryo ku ya alla ilaa shan deegaan oo hoos yimaada degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan
PUNTLAND oo shaaca ka qaaday inay xirmeen 21 iskuul
Warsaxaafadeed ka soo baxay shirka waxbara shada xaaladaha deg deg ah ee Puntland oo ka dha cay magaalada Garoowe ayaa waxaa looga had lay culusytada soo wajahaya ardayda iyo goobaha wax barasho ee maamulkaasi.
Qoraalka oo ah mid dheer ataa waxaa lagu she egay in Puntland ay wajahayso xaalado adag oo isu gu jira isbedalka cimilada, abaaro dabo dheeraday, duufanno, aafadda ayaxa, rabshado iyo xanuunka Cov ID-19, Isla markaana dhibaatooyinkaasi ay ka dhasheen barakac baahsan.
Wasaaradda waxbarashada Puntland oo sharrax aad ka bixineysay saameyta ay baarta ku yeelatay waxbarashada ayaa xaqiijisay inay xireen illaa 21 isk uul oo ay dhiganayeen 8,624 arday, sido kale abaar tu ay saamaysay 65,320 arday dhamaan goboladda Puntland. warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in si wax looga qabto xaaladdaan adag, ay aa wasaar adda waxbarashada, iyada oo kaashana ysa mashruuca waxbarashada, haya’dda badbaada da Caruurta (Save the Children) ay wabteen shirwe yne looga hadlayey xaaladda ka sii daraysa ee aba arta iyo saamaynta ay ku leedahay waxbarashada, waxaana shirka ka qay bgalay dhamaan bahwadaag ta waxbarashada o ay ku jiraan saraakiisha maamul ka, hay’adaha gargaarka QM iyo kuwa aan dawliga ahayn, bulsha-weynta Puntland, Ganacsatada iyo Qurbajoogta.
Shirku waxa uu soo jeediyay qodobada hoos ku xusan ee ku aadan Ka jawaabidda baahiyaha Waxb arashada xaaladaha deg-dega ah.
In Puntland abaabusho iskuna dubariddo dhaqaal ihii wax looga qaban lahaa saamaynta abaartu ku y eelatay Waxbarashada.
Shirku waxa uu garowsaday ugana mahadnaqay Puntland dhismaha guddiga abaaraha oo ka kooban Maamulka,
Ganacsatada, Qurbajoogta, Culimada iyo gaybaha kala duwan ee bulshada.
Shirku waxa uu dhirigeliyy dardar-galinta taageera da deeq bixiyaasha ee ku aadan wax ka qabadka ab aarta.
In bah-wadagta Waxbarashadu dib u eegis kusam ayso mashaaricda socda, dib-u-qaabeyn dhamaysti ran oo ka jawaabeysa baahiyaha taagan. Adeegya da quudinta, biyaha iyo nadaafadu waa kuwa ugu mudan ee u baahan wax ka qabad.
Shirku waxa uu garowsaday baahida loo qabo sid ii loo heli lahaa dhaqaale ku filan Waxbarashada xaa ladaha deg-dega ah iyo gorshayasha mustaqbalka.
Shirku waxa uu dhirigelinayaa baararujinta iyo wa cyl-gelinta bulshada si loo xaqijiyo in barayaasha yo ardayduba dib ugu laabtaan dugsiyadi abaaruhu saa mayeen.
Wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland oo baaq u diray shacabka iyo mucaaradka
Wasiiro, wasiir ku xigeeno iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada Somaliland, ayaa shacabka u gu baaqay in ay nabada ilaaliyaan, mucaaradkana u soo jeediyay in ay dabaqaan sharciga.
Wasiirka Beeraha Somaliland Eng: Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa sheegay in Somaliland sha rci ku dhisantahay, madax weynuhuna doorasho ku yi mid, doorashana ku tagayo, isla markaana in cayimida mudada doorashadu ay tahay masuuliyada guddida doorashooyinka.
"Dadwaynow sharciyo ayaynu ku dhaqmaynaa, xukuumad ayaynu nahay, waynu is daba joognaa, waa qori isku dhiib, cod ayuu ku yimid Muuse Biixi Cabdi, codna wuu ku baxayaa" ayuu yidhi wasiir Iim aan "Xeer number 91 faqradiisa 1aad wuxuu leeyay ay koomiishanka ayaa cayimaya xiliga la qabanayo doorashooyinka".
Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somalil and DR. Cabdiwali Sh. Cabdillaahi Suufi, ayaa isna dhankiisa mucaaradka ugu baaqay in ay ilaaliyaan sharciga, isaga oo waydiiyay hadii ay Shalay ilaalin waayaan sida ay berri u ilaalin doonaan hadii ay madax noqdaan.
"Xisbiyada mucaaradka waxaanu u sheegaynaa bini adamka iyo xayawaanka waxa u dhexeeyaa waa xeerka iyo nidaamka iyo kala danbaynta, dalk ani waa dalka aad doonaysaan in aad berritoole xukuntaan, hadaydaan sharcigiisii Shalay ilaalinayn, berri sideed umada kale u xukumaysaan" ayuu yidhi wasiir Suufi.
Xubnaha kale ayaa iyaguna hadalo kuwan la mid ah u jeediyay shacabka iyo mucaaradka Somaliland
Bangiga SALAAM AFRICAN Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegay Bangiga TOP FINANCE BANK
War-saxaafadeed rasmi ah oo Shalay oo ay taari ikhdu tahay 8 August, 2022 ka soo baxay Bangiga dhexe ee Uganda (Bank of Uganda), ayaa lagu shaa ciyay in Bangiga SALAAM AFRICAN SAB uu si ra smi ah ula wareegay lahaanshaha TOP FINANCE BANK Limited oo laga furay dalka Uganda sanadkii 2012.
"Waxaan halkan bulshada ku wargelinaynaa in SALA AM AFRICAN BANK(SAB) oo xarintiisu tahay dalka Djibouti uu si rasmi ah ula wareegay bangigii TOP FINANCE BANK, kala wareeggan wuxuu ku suuro galay iyadoo la raacayo ogolaanshaha BANK OF UGANDA laguma saleeyey SHARCIGA HAY’ADA HA MAALIYADDA (Financial Institutions Act – FIA) 2004 iyo wixii shuruuc ah ee uu jideeyey”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.
SALAAM AFRICAN BANK oo xaruntiisu tahay dal ka Djibouti si rasmi ahna albaabada loogu furay sa nadkii 2008, waa bangiga ugu weyn uguna maalgel inta badan dalkaas, sida ay sheegeen hay’ado kala duwan.
Ku dhawaad shan iyo tobanka sano ee uu furnaa SAB waxuu door laxaad leh ku yeeshay dhaqaalaha iyo horumarka Djibouti isagoo sidoo kale cagaha dhi gtay isuna ballaadhiyey wadamada Kenya, Ethiopia, Uganda Iyo waliba Malaysia oo dhawaan uu ka hirgeliyey WAAFI BANK.
SAB oo sida ku cad waraaxaafadeedka Ka soo baxay Bank of Uganda (BoU) haatan si rasmi ah ula wareegay Top Finance Bank Limited, wuxuu noqon ayaa bangigii u horreeyey ee Islaami ah ee laga hir geliyo dalka Uganda, kadib markii dalkaasi uu sharci yeeyey xeerarka Bangiyada Islaamiga ah "Financial institutions (Islamic Banking) regulations” 2-dii Febr uary, 2018 Caga-dhigashada SAB ee Uganda wuxuu cala amad muuqata u yahay ujeedooyinka uu bangigu lee yahay ee ah inuu qayb laxaad leh Ka qaato isku xi dhka ganacsi dalalka Iyo bulshooyinka Afrikada Bari, geeska Afrika iyo Bariga Fog.
Dad ka qeyb geli lahaa doorashada Kenya oo shil ku geeriyooday
Ugu yaraan Saddex qof ayaa ku naf waayay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib Shil gaari oo ka dhacay duleedka Magaalada Mandheera ee dal ka Kenya.
Shilka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii uu rogmaday Ga ari landcruiser ah xilli uu marayay degaanka tesa-ramo ee duleedka Man dheera markii wadihii gaariga uu xakameyn waayay.
Todobo ruux oo kale oo gaariga saarnaa ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah, waxaana is la markiiba loola cararay goobaha caafimaadka ee halkaasi ka dhow, si halkaasi loogu dabiibo.
Booliiska iyo kuwa gurmadka degdega ah ayaa xaqiijiyay in kuwa isbitaalka ku jira ay xaaladdoodu wanaagsan tahay.
Dadka Shilka ku waxyeeloobay ayaa la rumeys an yahay inay u socdeen magaalada Takaba si ay u ga qayb qaataan doorashada guud ee Talaadada be ri ka bilaabaneysa dalka Kenya.
Ciidanka Liyuu Booliska oo soo bandhigay Miino oyin ay sheegeen in laga qabsaday Ururka Al Shabaab
Ciidanka Liyuu Booliska degaanka Soomaalida ayaa sheegay in Ururka Al Shabaab laga qabtay Mi inooyin.Taliye kuxigeenka Ciidanka Liyuu Booliska degaanka Soomaalida Sakariye Cabdi oo Warba ahinta la hadlay ayaa sheegay in ay gacanta lagu dhigey Miinooyin dhan 20 caag oo baaruudo ah, 35 kuwa culus ee burburiya taangiyada iyo dabaqyada iyo kuwa wadooyinka.
Taliyaha ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka Liyuu Boolisku ay mar walba u taagan yih iin sidii degaanka looga difaaci lahaa wax kastoo ha lis ku ah amniga degaanka Soomaalida.
Ma aha markii koowaad ee sidan oo kale usoo bandhigaan waxyaabo la sheegay in Ururka Al Sha baab laga furtay, maalmo ka hor ayaa sidan oo kale Liyuu Boolisku usoo bandhigeen Maxaabiis ay ku sheegeen inay Al Shabaab kamid yihiin iyo waliba qalab tiro badan.
Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara shee gashada dowladda ee ah inay miinooyin ka qabsadeen Ururka Al Shabaab.
Ururka Al Shabaab ayaan wali ka hadlin sheegasha da dowladda ee hore iyo tan dambe ee Shalay ee ah in miinooyin iyo walxaha qarxa laga qabsaday Ur urka Al Shabaab.
Madaxweynaha Mareykanka Oo War Kasoo Saa ray Dhalinyaro Muslim iin Ah Oo Si Fool Xun Loo Dilay
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheeg ay inuu ka careysan yahay dilka afar nin oo Muslim iin ahaa oo lagu dilay gobolka New Mexico ee dalka Mareykanka.
Booliska ayaa baarayaa in dilkan lala xiriiriyay in uu ahaa weerar.Biden ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uu aad uga murugooday dilka ka dhacay magaalada Albuquerque, wux uuna sheegay in ma amulk iisu uu si adag u garab taag an yahay shacabka Muslimi inta ah ee ku nool dalka Mare ykanka.
Booliska ayaa sheegay in qof lagu dil ay halkaas Jimcihii halka laba qof oo kalena la dilay 2dii toddo baad ee lasoo dhaafay.
4 qof ee muslimiinta ah ayaa kasoo jeeday koonfurta Asisa, waxaana lagu dilay weerar gaadmo ah.
Afhayeen u hadlay Muslimiinta gobolka New Mex ico ayaa sheegay in dilkan uu argagax geliyay bulsh ada laga tiro badan yahay ee ku nool magaalada Albuquerque.
Shiinaha oo isku diyaarinaya dagaal uu ku qaado Taiwan
Maamulka Taiwan ayaa ku eedeeyay Shiinaha in uu u biro tumanayo dagaal toos ah oo ka dhan ah ja siiradda, iyadoo dhowaanahan uu dhoolatus milateri ka waday marin-biyoodka Taiwan. Maraykan ku wux uu taageeray Taiwan, isagoo ku eedeeyay dowladda Beijing inay ku dhaqaaqday falal kicin iyo taxaddar-la’aan ah. Xiisadda gobolka ayaa sii socotay afartii maalin ee la soo dhaafay, kaddib booqashadii Tai wan ee Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka, Nancy Pelosi.
Sida laga soo xigtay mas’uuli yiinta Shiinaha, booqashada Nancy Pelosi ayaa noqotay mid khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida marin-biyoodka Taiwan. Warbaahinta Shiinaha oo soo xiganaysa ilo rasmi ah, ayaa ku warrantay in ciidamada dalkaas ay hadda si joogto ah dhoolatus milateri uga sameyn ayaan dhinaca marin-biyoodka "Taiwan”, taasoo waa gii hore loo aqbalay xudduud-badeed aan rasmi aha yn oo u dhexeysa Taiwan iyo dhulweynaha Shiina ha. Si rasmi ah, meelna uguma cadda arrintaas, sida as darteed Shiinuhu wuu ka soo horjeedaa xuddu uddaas.
Dhimasho & dhaawac ka dhashay rasaas lagu furay dad ku sugnaa Goob Aroos ah duleedka Cabudwaaq
Wararka naga soo gaaraya degaanka Qoolaali ee duleedka Waqooyi Bari ee degmada Cabudwaaq Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Nin hubeysan uu degaankaas ku rasaaseeyay dad Shacab ahaa oo ku sugnaa Goob uu kajiray Aroos, waxaana rasa astaas ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay hal Qof ayaa ku dhintay Saddex kalana waa ku dha awacmeen, waxaana falkaan la sheegay in uu salka ku haayo xifaaltan ka dhashay Arooska, iyada oo Ninkii ka dambeeyay falkaas uu goobta ka baxsaday.
Ciidamo katirsan laamaha Amniga degmada Cab udwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa ga aray halka uu weerarka ka dhacay, iyaga oo baadi-goob u galay Ninkii ka dambeeyay falkaas, waxaana saraakiisha hoggaamineysa Ciidanka ay Shacabka ka codsadeen inay kala Shaqeeyaan sidii loo soo qaban lahaa.
Degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud iyo degaannada hoostaga ayaa sanadihii dambe wa xaa kusoo batay dilalka, iyada oo dhawaan goob fag aaro ah lagu toogtay Askari katirsanaa Ciidamada Millatariga, kaas oo degmada Cabudwaaq kudilay Taliye kuxigeenkii Ciidanka Nabadsugida Galmudug iyo Walaashiis.
Islamic Jihad Oo Guul Ka Sheegatay Dagaalkii Qaza Ka Dib Xabad Joojintii Ay Wada-Gaareen Israa’iil
Warshada Korontada ee kaliya ee ku taal Qaza ayaa dib u bilowday shaqadeeda koronto dhalinta, ka dib markii ay heshiis xabad joojin ah kala saxi ixdeen Israel iyo dagaalyahanada Islamic Jihad.
Xuduudda ayaa dib loo furay waxaana dib u bilowday keenis ta shidaalka muhiimka ah; is bitaallada ayaa sheegay in ay la daalaadhacayaan agab la’ aan soo wajahday.
Xabbad joojinta oo ay garwadeen ka ahayd Ma sar, ayaa u muuqata in ay soo afjartay saddex maal mood oo colaad ah, oo ay ku dhinteen in ka badan afartan Falastiiniyiin ah.
Israa’iil ayaa duqeysay wax ay ku sheegtay in ay yihiin goobaha Jihaadka Islaamiga ah ee Gaza,halka kooxdan hubeysani ay boqolaal gantaal oodda uga qaadday Qudus iyo Tel Aviv.
Islamic Jihad ayaa ku dhawaaqday guul inkastoo ay waayeen labo taliye oo sarsare
HAYEEY, XIL WAREEJINTA ISKA HUBI. MARKA AAD QOF XIL KALA WAREEGEE ISKA HUBI SIDA WAX YIHIIN INTA AADAN XILKA LA WAREGIN.
Maaliyadda.
Miisaaniyadda Dalka ee 2022 haddii aan soo qaadano Tirada Million- ka ah oo jajabka aan dib u dhigano.
Waxaad isleedahay Dadka Miisaaniyadda Dajiyay kama fekerin miyaa Xaaladda dhabta ah, mise waa meelaha Bannaan buuxi.kuwa Ansixiyayna ma Akhrin miyaa?.
Miisaaniyadda Halkii laga Ansixin lahaa Bisha January 2022 , waxaa la ans ixiyay 6 Billood kadib, iyada oo la leeyahay 6daa Bil waaba la isticmaalay ansixin la’aan.
dhinaca kale, waxaa ku qoran Dakhligii 2020 waxa uu ahaa $496 Million , san adkii 2021 waxa uu ahaa $ 376 Million. waxaa la yaab leh Snadka 2022 waxa uu noqonayaa $ 907Million, waa koror ka badan 100%. Dowladuhu waxa ey ku faan naan in miisaaniyadoodu korortay 5%, 10%. weli Aduunka lama hayo Dowlad mii saaniyadeedu korortay 140%. xatta kuwa shidaalka helo, hal sano intaasi ma kororto, suura galna ma ahan.
kaba darane. Bishii December 2021 Dowladu waxa ey tiri: waxaan heeynaa oo diyaar ah Mushaarka shaqaalaha ee 6da Bilood ee soo socoto. fiiri isla sanadkii 2021 Dakhligu waxa uu ahaa $ 376.5 Million, kharajkuan waxa uu ahaa 459.8. dowladuu sanadkaa 2021waxa ey ku jirtaa hoos u dhac ama Lacag deyn ku ah oo dhan $- 83.3 Million. Haddii lagu leeyahay Xisaabxirka Dec.2021 deyn,haraa hoos u dhac intaa la eg,$-83.8 ayaa jiro, inety ka keentay Mushaarka 6da Bilood ee ugu horeyso 2022.
ogow waxaad,la wareege Miisaaniyad mala awaal ah oo maree bishii 7aad.
wasaardda kaluumeeysiga
Hayeey iska jir Badda Kaluun kuma harine, waxa jiro heshiisyo hore loo galay wasiiradii kaa horeeyay ey khidmadda heshiiska ey si shakhsi ah ugu soc onee 10 ka sano ee soo socto, xatta hadduu Xilka ka tago oo account shakhsi ah loogu shubaa 10kaa sano.
Hayeey wasaaradda Gaashaan dhiga.
iska hubi, Saraakiil iyo asgar aan jirin oo mushaarkooda si toos ah loo bixiyo. waxa kale oo aad sugee 5000 Asgari oo Ertheria ka imaanee. iska hubi tirada halkaa la geeyey waa ka badan tahay 5000. ma dhici karto in 5000 tababar la ge eyay ey intii soo wada noqdaan, qaar ayaa xanuun uga tagi karay, qaar ayaa ka baxsan karay, qaar ayaa dhiman karay ,qaar kalena waxaa la sheegaa in….. Iska hubi farqiga inta la qaaday iyo inta laguu keenay, iyagaaba kuu sheegi doono marka ey yimaadaan.
Hayeey wasaaradda Arr. Dibadda.
iska hubi,tirada Diplomaasiyiinta, Dadkii waxa ey wada wataan Document Deplomaasi Caruur iyo ciroole.
Hayeey Dowladda Hoose.
iska jirkee, Guryaha Magaalada waa laga hor marsaday Cashuurtii mustaqbal ka iyada oo aan mudadii la Gaarin.
Hayeey Maamul Gobaleedyada.
iska Jirhee, Madaxweyne Maamul Gobaleed waxa uu noqday Hogaamiye Ko oxeed Gobaleed cusub, is barbar dhig sifooyinka Hogaamiaya Kooxeedyadii ho re ee Qabiilada iyo Hogaamiye Kooxeedyada Cusub ee Goballada.
Hayeey iska hubi,Xilka aad la wareegee, waa iga talo.
Hayeey, Kuwa kale iyo kuwa kalena waa jiraan .
FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar Aragtidaada Xur ayaad u tahay.Qore: Yahya Amir
XABBAD JOOJIN KA DHAQAN GASHAY QASA KA DIB SADDEX MAALMOOD OO AY SOCDEEN DUQA YMO
Xabbad joojin u dhaxaysa Israel iyo Falastiiniyiinta ayaa dhaqan gashay ka dib saddex maalmod oo ay socdeen duqaymo ay ku dhinteen ugu yaraan 43 qof.
Mitidiinta Islamic Jihad ee Falastiiniyiinta ayaa sheegay in xabbad joojintu bila aban doonto 23:30 wakhtiga maxaliga ah ka dib wadahadal ay ka shaqaysay Masar.
Xafiiska Ra’isal wasaaraha Israel Yair Lapid ayaa xaqiijiyay xabad joojintaasi in ay jirto. Dagaalkan ugu dambeeyay ayaa ah kii ugu cuslaa ee u dhaxeeya Isr ael &Falastiiniyiinta Qasa tan iyo dagaalkii socday 11 maalmood bishii May 2021.
Milatariga Israel ayaa xaqiijiyay in ay duqaymo ku hayaan bartilmaameedyada Islamic Jihad ee Qasa iyadoo xabad joojintan ay dhaqangashay waxaanay shee geen inay ka falcelinayeen gantaallo la soo tuuray wax yar ka hor, warbaahinta Israel ayaa daqiiqado ka dib sheegtay in qaar ka mid ah gantaalladaas laga soo riday Qasa.
Ruushka Oo Lagu Eedeeyey Inuu Duqeeyeen Wershed Ku Shaqaysa Tamarta Nukliyeerka
Dalka Ukraine ayaa ku eedeeyey dalka Ruushku inay duqeeyeen wershedda ku shaqaysa tamarta Nukliyeerka ee ugu weyn qaaradda Yurub taas oo lagu ma gcaabo Zaporizhzhia, waxayna ku eedeeyeen in Moscow ay ku hawlan tahay "argagax gelin loo adegsanayo Nukliyerka”
Shirkadda tamarta Nukliyeerka ee dawladda Ukraine ayaa sheegtay in ciidamada Ruushku inay waxyeello u geysteen saddex walxood oo la socda heerka shucaaca ee wershedda ku shaqaysa tamar ka Nukliyeerka ee Zaporizhzhia, ka dib weerarkii ay ciidamada Ruushku ku qaa deen wershedda habeenimadii Sabtida, waxaana goobtaas ku dhaawacmay mid ka mida shaqaalaha wershedda.
"In Ruushku uu u isticmaalo nukliyeerka, argagax gelin ama cabsi gelin, wax ay u baahan tahay jawaab adag oo ka timaada beesha caalamka – oo ay ku jirto in cunaqabatay lagu soo rogo warshadaha Ruushka ee ku shaqeeya tamarta Nu kliyeerka iyo xattaa shidaalka nukliyeerka,” ayuu yidhi Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Maraakiibta DAGAALK ee SHIINAHA iyo TAIWAN oo badweynta isku eega naya
Maraakiibta dagaalka ee Shiinaha iyo Taiwan ayaa isku eeganaya badweyn ta, ka hor inta aanu soo gaba-gaboobin afar maalmood oo dhoolatus ciidan ah oo aan hore loo arag oo Shiinuhu sameeyay, kaasi oo ay jawaab uga bixinayeen booqashadii afhayeenka Aqalka Wakiilada Maraykanka ay ku tagtay Taiwan.
Ku dhawaad 10-markab oo kuwa dagaalka ah oo laga le eyahay Shiinaha iyo Taiwan ayaa ka shiraacday meel u dhow marin biyoodka Taiwan, iyadoo qaar ka mid ah maraakiibta Shiinaha ay ka gudbeen dilinta ama xarriiqa aan si rasmi ah la isku gu waafaqsaneyn ee u dhexeysa Shiinaha iyo Taiwan, sida uu sheegay qof xog ogaal u ah arrintaan.Wasaaradda difaaca ee Taiwan ayaa sheegtay in maraakiib, diyaaradaha dag aalka iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ee Shiinuhu ay u muuqato inay sameyna yaan weeraro ka dhan ah Taiwan iyo ciidamadeeda badda. Waxay sheegtay in ay u dirtay diyaarado iyo maraakiib si ay uga fal celiyaan "si habon”.
Taiwan waxa ay sheegtay in gantaaladeeda lidka maraakiibta iyo kuwa kale ee Patriot ee cirka ilaa hawada ay diyaar u ugu yihiin xeebta.
Dhoolatuska Shiinaha oo udub dhexaad u ahaa lix goobood oo ku xeeran jas iiradda uu Shiinuhu ku andacoonayo inuu isagu leeyahay ayaa billoowday Kha miistii, waxaana loo qorsheeyay inuu socdo ilaa duhurnimadii Axadda, sida ay werisay wakaaladda rasmiga ah ee wararka Shiinaha ee e Xinhua 7baadkii hore.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Shiinaha oo ku saabsan in dhoolatusku uu dhamaanayo iyo in kale.
Taiwan ayaa sheegtay in aysan awoodin in ay xaqiijiso in Shiinuhu uu joojiyay iyo in kale.
Booqashada Nancy Pelosi ay todobaadkii hore ku tagtay jasiirada iskeed isku maamusha ayaa ka careysiisay Shiinaha, taasi oo keentay in ay gantaal ballistic ah ku tijaabiso caasimadda jasiiradaasi markii ugu horeysay, iyada oo sidoo kale jartay qeyb ka mid ah xiriirkii isgaarsiinta ee ay la lahayd Maraykanka.
Wararkii Ugu Dambeyay Doorashooyinka Dalka Kenya
Iyadoo wax ka yar 24-saacadood ay ka harsanyihiin doorashada guud ee Ken ya ayaa weli socda safarka ay dadku kaga baxayaan magaa looyinka waaweyn ee dalka oo ay dadku ku sii qulqulayaan deg mooyinka ay si ay codkooda uga dhiibtaan deegaannada ay asal ahaan ka soo jeedaan.
Magaalada Mombaasa ayaa ka mid ah meelaha laga daree mayey safarradaas halkaas oo ay ku nool yihiin dad badan oo Soomaali ah waxa se jira kuwo badan oo aan ka bixin magaalada.
Deegaannada ku yaalla xadka Kenya iyo Soomaaliya ee hoos yimaada deeg aanka Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari kenya ayaa waxaa ka socda diyaar garowga, iyadoo qalabkii codbixinta halkaasi lagu geynayo diyaarado.
Dad gaaraya ilaa 40,000 ayaa la sheegay inay codkooda ka dhiibanayaan doorashada berri
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO TALAADO 9-KA AGOOSTO 2022-KA
...