
Qarax Xooggan Oo Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Beledweyn.
...
War goordhow naga soo gaaray magaalada Beledweyn ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay magaalada Beledweyn, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Qaraxa oo Ismiidaamin ahaa ayaa lagu beegsaday xero ciidan oo kutaala deegaanka Kalabeyr, halkaasoo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamo ka titsan Gorgor iyo ciidan Itoobiyaan ah
Waxaa la soo sheegayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo qaraxa kadib la maqlay rasaas xooggan, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah.
Deegaanka Kalabeyr oo ah halka qaraxa uu ka dhacay waxey 20KM dhinaca Waqooyi u jirtaa Beledweyn, waana meel Istiraatiiji ah, waxaana ka baxa Saddex wado oo midi aada Feer Feer, mid kale oo aada gobolada Dhexe iyo wado soo aada magaalada Beledweyn
Qarax Xooggan Oo Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Beledweyn.
...