Madaxweynaha Koofurta Sudan oo ogolaatay inuu saxiixo heshiiska nabadeed

0
Wednesday August 26, 2015 - 11:39:35 in Wararka by
  • Visits: 1274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Koofurta Sudan oo ogolaatay inuu saxiixo heshiiska nabadeed

    Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir ayaa ogolaaday inuu saxiixo heshiiska nabadeed ee dhigayay in la soo afjaro colaada dalkaas ka jirta. Salva Kiir ayaa maanta xilli dambe saxiixi doona heshiiska, kadib markii uu bartamihii bishan uu dii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir ayaa ogolaaday inuu saxiixo heshiiska nabadeed ee dhigayay in la soo afjaro colaada dalkaas ka jirta. Salva Kiir ayaa maanta xilli dambe saxiixi doona heshiiska, kadib markii uu bartamihii bishan uu diiday inuu saxiixo, balse codsaday in 15 maalmood oo dheeri ah la siiyo. Madaxweynaha Koofurta Sudan oo ogolaatay inuu saxiixo heshiiska nabadeed
Mareykanka, Ingiriiska, Qaramada Midoobey Midowga Afrika iyo Urur goboleedka IGAD ayaa garwadeen ka ah heshiiska la dhex dhigayo dowladda iyo mucaaradka.
          Dowladda Mareykanka ayaa horay dhinacyada isku haya Koofurta Sudan u qabatay inay soo afjaraan colaada muddo 20-bilood ka socotay dalkaas, iyadoo waqtigii loo qabtay ku ekeyd 17-kii bishan.
      Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku goodiyay in cunaqabateyn lagu soo rogo doono dhinacyada ku lugta leh colaada, isla markaana la saari doono xayiraad dhanka socdaalka iyo hubka.

         Cadaadiska ka imaanaya Beesha Caalamka ayaa la doonayaa in lagu soo afjaro colaada dheeraatay, iyadoo horay u bur buray heshiisyo ay ka soo shaqeysay IGAD.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip