Warsaxaafadeedka ayaa siddaan u qornaa:
Waxaan hambalyo udirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Caalamka munaasabadda barakeysan ee Ciidda Carrafo.
Alle waxaan ka baryayaa in uu naga aqbalo acmaaasha xajka, sidoo kalena noo aqbalo ducada dhammaan dadka muslimiinta ah gaar ahaan xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan nasiibka u helay in ay gutaan acmaasha Xajka.
Anigoo Ka faaideysanaya fursadaan qiimaha badan ee farxadda Ciidda Carafo waxaan dadka Soomaaliyeed usoo jeedinnayaa in ay gacan ka geystaan farxad gelinta dadkeenna tabaaleysan iyo in la garab istaago.
Sidoo kale waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa geesiyaasha ciidammada qalabka sida ee had iyo jeer heeganka ugu jira difaaca dalkeenna.
Ugu danbayntii, waxaan Alle ka baryayaa in uu Ciiddaan Ciiddeeda inagu gaarsiiyo dalkeena oo nabad ah, barwaaqo ah iyo dadkeena oo heshiis ah.
Guddoonka baarlamaanka oo ka codsaday shacabka Soomaaliyeedd in la caawiyo dadka danyarta ah
Guddoomiyaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuu ugu hambalyaynayaa shacabka Soomaaliyeed munaasabadda maalinta barakaysan ee Ciidda Carafo sanadka 1443Hijriga. Guddoomiyaha ayaa ugu baaqayaa dham