HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER AXAD 3/7/2022

0
Sunday July 03, 2022 - 09:15:41 in Wararka by
  • Visits: 616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER AXAD 3/7/2022

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalab culus u diray Jaamacadda Carabta

Ergeyga arrimaha bani’aadanimada iyo abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdi shakuur Warsame, ayaa xalay fiidkii dham baal qoraal ah oo uu ka siday Madaxwey ne Xasan Sheekh Maxamuud u gudbiyay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abul Gheit.

Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar oo ah Danjiraha JFS ee Masar ahna Wakiilka Joogt ada ah ee Soo maaliya u fadhi ya Jaamacad da Carabta, ay aa xusay in farriinta Madax weynaha Soomaaliya ay tahay mid bini’aa dannimo oo ku aaddan in si deg deg ah loo gu istaago gargaarka shacabka Soomaali yeed ee abaaruhu halakeeyeen.

Waxaa uu sheegay in shirka wasiirra da arrimaha debedda Carabta oo berri loo ga hadli doono arrimaha abaaraha Soom aaliya uu Ergeyga Madaxweynuhu usoo bandhigi doono xaaladda abaarta Sooma aliya, isaga oo codsaday in aan Soomaal iya lagu eegan xaaladda abaraha ee adag.

Ergada Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta ayaa ku micneeyay farriinta Mada xweynaha Soomaaliya in Soomaaliya ay ka codsaneyso Jaamacadda Carabta iyo dalalka Carabeed in ay caawiyaan dalkiisa oo ay abaaro aan horay loo arag muddo 40 sano ah ka jiraan, iyadoo ku dhawaad 7 mil yan oo muwaadiniin ah ay wajahayaan xaa lad macluul ah.

Sidoo kale ergada Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta ayaa intaas ku dar tay in, in ka badan 7.1 milyan oo qof ay dhi baatadu soo gaartay, kuwaasi oo ay ku ji raan ilaa 700,000 oo qof oo ku qasbanaa day in ay ka barakacaan guryahooda si ay u raadsadaan cunto, biyo iyo baad. Tirada dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya ayaa hadda lagu qiyaasay 3 milyan oo qof, xaaladda ayaa sidoo kale ka sii daraysa iyada oo meelo kala duwan oo dalka ahay ka dillaaceen koloriin iyo jadeeco.

Ergeyga madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta ifa faalaha abaaraha ee dalkiisa uu la ildaran yahay iyo saameynta xun ee ay ku yeelan karto shacabka Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay dalalka Carabta inay taageeraan Soomaaliya si ay ula tacaasho dhibaatada baaxadda leh ee halista ku ah malaayiinta qof eeaan aan waxba galabsan.

Ergeyga madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku nuux-nuux saday in loo baahan ya hay in la xoojiyo iskaashiga iyo wadajirka dalalka Carabta si ay u caawiyaan dalkiisa, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo qorshe degdeg ah oo dalalka Carabta iyo gobolkaba si loo yareeyo khatarta musiibooyinka.

Midowga Yurub oo Xasan Sheekh u fasaxay lacagtii laga xayiray FARMAAJO

Midowga Yurub ayaa ku dhowaaqay inuu dib u billaabi doono lacagihii uu ku taa geeri jiray dowladda federaalka ah Soom aaliya oo xayirnaa muddo ka badan sanad.

Taageerada Midowga Yurub ayaa la jooji yey ayada oo looga jawaabayo markii dow ladda federaalka ay ku guuldarreystay inay qabato doorashooyin kadib markii uu dham maaday muddo xileedkii madaxweyne Far maajo 7-dii Februray 2021.

Madaxa Iskaashiga Caalamiga ah ee Midowga Yurub Jutta Urpilainen, ayaa maanta sheegtay in ururka uu Soomaaliya gaarsiin doono lacag dhan €13.5 milyan oo taageero miisaaniyad oo deg deg ah si loo joogteeyo dardarta siyaasadda Soomaali ya, islamarkaana ururka uga qeyb qaato is bedellada ka socda dalka.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in urur ka uu Soomaaliya siin doono €125 milyan guud ahaan sanadkan 2022, si loo taagee ro dowlad dhisidda, isbedellada dhaqaale, adkeysiga iyo tallaabooyinka la xiriira isbed delka cimilada.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Ma daxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu 25-kii May Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ay hoggaamineyso Erge yga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabi lsan Geeska Afrika Annette Weber.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Mi dowga Yurub dib u soo celinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxayna Annette Weber soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub garab istaag ga siyaasadda iyo qorsheyaasha horuma rineed ee Madaxweynaha Cusub ee Soom aaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in la sii amba-qaadi doono, islamarkaana la hor umarinayo qorsheyaasha dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka, si loo dhammeystiro dhammaan shuruudaha ku xeeran arrimaha deync afinta ee dalkeen na.

Danjire Annette Weber ayaa noqotay mas’uulkii ugu sarreyey ee ka socda Mid owga Yurub ee soo gaara Soomaaliya tan iyo burburkii kadib, taas oo muujineysa si da dowladda Soomaaliya ay uga go’an ta hay adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya dunida.

Axmed Madoobe oo amar culus kasoo saaray Kismaayo

Madaxweynaha Jubaland Axmed Max amed Islaam (Axmed Madoobe) oo maan ta la kulmay wakiilada hay’adaha kala du wan ee ka howlagala deegaanada Jubala nd ayaa soo saaray amar culus.

Kulankan waxaa diiradda lagu saara yey sidii hay’adaha ka howlagala guud aha an Jubaland ay gacan oga geysan lahaa yeen taakuleeynta dadka ay abaaruhu saa meeyeen ee kunool deegaanada Jubaland iyadoo oo lagu amray hay’adaha in Degmo oyinka cusub ee Jubaland kusoo kordhay sida Buurdhuubo iyo Dhoobley ay gaar siiyaan mashariicyada hormarineeyd iyo adeegyada aas aasiga ah.

Madaxweynaha Dowladda Jubalan d ayaa sidoo kale u sheegay Wakiilada hay’a daha in muhii mada ugu weyn ee kulankiisa uu ya hay sidii muhiimad gaar ah loo siin la haa dhalinyarada wax ku baratay gudaha Jubaland marka ay timaado shaqaalaysiin ta.

Wakiilada hay’adaha ayaa soo gudbi yey qorshayaal lagu caawin karo dadka ku barakay gudaha deegaanada Jubaland iya goo sheegay in ay door weyn ay ka qaa dan doonaan sidii fursadaha shaqo ee jiro looga fa’iideeyn lahaa dhalinyarada wax ku baratay deegaanada Jubaland.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Amniga Gen. Yuusuf Xasan Cusmaan Dhuumaal, Wasiirka How laha Guud iyo Guriyaynta Ingineer Ismaciil Axmed Garas, iyo Gudoomiyaha Degmada Dhoobley Siyaad Muxumed Xasan.

Golaha Shacabka ee BFS oo fasax galay

Baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha Golaha Shacabka ayaa la shaa ciyay inay galeen fasax, kaas oo la xiriira acmaasha Xajka iyo Ciidul Adxaa.

"Aniga oo fulinaya amarka Guddoomi yaha Golaha, waxaan si xushmad iyo qadd arin leh idiinle socodsiinayaa in Xubnaha Golaha la siiyay fasax Xajka iyo Ciidul Ud xa oo bilaabmaya maanta oo ay taariikhdu tahay 1da July 2022 kuna egyahay 15-ka July 2022.” Ayaa lagu yiri qoraal kasoo ba xay Xafiiska Xoghayaha Guud ee Golaha Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux.

Sidoo kale, Xoghayaha ayaa intaa ra aciyay in Xildhibaannada looga baahan ya hay inay ku soo xaadiraan xarunta Golaha Shacabka maalinta sabtida ee taariikhdu tahay 16-ka July, maadaama ay soo dhaw dahay ansixinta Golaha Wasiirada.

"Maadama oo ansixintii Golaha Was iiradu soo dhawdahay, Waxaa Xildhibaann ada laga codsanayaa in ay ku xaadir ahaa daan Golaha shacabka maalinta sabtida oo taariikhdu tahay 16 ka July 2022 si waa jibaadkiisa Dastuuriga ah Goluhu u guto.” Ayuu yiri ugu dambeyn Xoghaye Cabdika riin Buux.

Maxaa looga hadlay kulanka ay maanta yeesheen Golaha wakiillada Puntland?

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dow lad Goboleedka Puntland, Cabdirashiid Yu usuf Jibriil, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad, Cabdicasiis Cabdullahi Cu smaan ayaa maanta shir Guddoomiyey fad higa 13-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland, Rashiid Ma xamuud Yuusuf oo ay wehliyaan Wasiir Ku -xigeenka & Wasiiru Dawlaha Wasaarad da.

Wasiirka ayaa Golaha uga warbixiyey shaqada ay Wasaaradda u xil saaran ta hay ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaas kadib, Xildhibaannada ayaa wax ka weydiiyey arrimaha Ruqsadaha, Kalluu meysiga iyo Khayraadka Badda, isaganoo markaa kadib ka jawaab celiyay.

Tarsan oo shaaciyey arrin ay Soomaaliya iyo Kenya ku qasban yihiin inay sameeyaan

Danjiraha Soomaaliya u jooga magaala da Nairobi ee caasimada wadanka Kenya ayaa ka hadlay xiriirka ka dhexeeya labada dowladood, kaas oo maalmihii lasoo dhaa fay soo hagaagayey, kadib doorashadii ma daxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Tarsan oo la hadlayey Wariyeyaasha a yaa shaaca ka qaaday in labada dal oo da ris ah aysan kala maarmin, isla-markaana ay labada dhinacba baahi u qabaan xoojin ta xiriirkooda.

Safiirka ayaa sidoo kale xusay in Soo maali fara badan ay ku nool yihiin gudaha dalkaasi, ayna ku leeyihiin ganacsiyo waa weyn, sidaas darteed ay tahay in laga fakiro mustaqbalka dadkaasi Soomaali yeed iyo hagaajinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada shacab.

"Dowladda Kenya iyo annaga oo deris ah waxa aan nahay labo dowladood oo a an kala maarmi Karin, waxa aan leenahay xuduud dheer.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa hal kaan ku shaqeysta, si nabad ah oo xasiloo ni ah oo ay raali ka yihiin Dow ladda Kenya iyo mas’uuliyiintooda, sidaas awgeed waxa ay dadka Soomaalida aad waxa ay ugu baahan yihiin in aan xoojino xiriirkeena, xir iirka Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeya muhiim ayuu inoo yahay iyagana sidoo kal e oo lama kala maarmo labada dal” Danjire Maxamuud Tarsan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya ay ku qasban yihiin inay iska kaashadaan dagaal ka Al-Shahaab oo weeraro ka fuliso labada wadan.

Danjiraha ayaa sheegay in Soomaaliy a iyo Kenya aysan gooni u kala taagnaan karin, isla-markaana ay leeyihiin hal cadow oo ah kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

"Soomaaliya iyo Kenya ma jiro dal go oni u taagnaan kara waayo waxaa naga dhaxeeya hal cadaw oo ah Shabaab oo dhi baato ku ah xasiloonida iyo degenaashi yaha Soomaaliya iyo Kenya, haddii aan ga cmaha is qabsano anaga iyo Kenya shaki kuma jira in aan jebin karno oo aan ka guuleysan karno ka bacdina aan u jeesan karno sidii aan u dhisan lahayn dhaqaalee na una hagaajin lahayn waddamadeena” a yuu markale raaciyey Danjire Tarsan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan la filayo la furo xadka labada dal, sidoo kalena dib loo bilaabo keenista qaad ka ka yimaada magaalada Nairobi ee wada nka Kenya.

Madaxweyne K/xigeenka Puntland oo booqday isbitaal uu ku jiro Garaad Saleebaan

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Go boleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa maanta ku booqday isbi taal uu ku jiro Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud, kaas oo ku yaala Caasimada Garoowe ee Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa tagey halka uu ka jiifo Isbitaalka, Garaad Salee baan Garaad Maxamed Garaad Maxa muud, isagoo is xog wareysi dheer kadib u rajeeyay soo bogsasho deg deg ah.

Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeen ka Puntland Axmed Karaash ayaa halkaas kulan kula qaatay howlwadeenada Isbitaal ka, gaar ahaan dhaqaatiirta ku howlan la ta caalida xanuunka Garaad Saleebaan Ga raad Maxamed, isagoo ku boggaadiyay si da ay shaqada u socota, waxaana uu ka dalbaday in Mas’uulad gaar ah iska saa raan daweynta Garaad.

Fannaanad Soomaaliyeed Khadra Daahir Cige oo geeriyootay

Khadra Daahir Cige oo kamid ahayd fan naaniinta ugu caansan looguna jecelyahay ee abid soo mara fanka Soomaalida ,ayaa ku geeriyootay magaalada Hargaysa iyada oo 65 sanno jir ah.

Khadra ayaa isbitaalka International Hospital oo ku yaala magaalada Hargaysa ugu geeriyootay xannuunka oofwareenka oo kusoo booday 25 bishii Juun kadib mar kii ay marawaxad shidatay xili ay jidhka so o maydhatay (qubaysatay).

Khadra waxay sannadkii 1957 ku dhal atay magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland, isla Hargaysa ayayna fanka ka ga biirtay sannadkii 1974 iyada oo 17 san no jir ah, sida uu sheegay xeel dheere fan need Cumar Seerbiya.

Heesaha ay ku luuqaysay ayaa lagu qi yaasaa 2,550 heesood oo jacayl iyo calaa cal u badan, heesahaas oo Soomaalidu ku sheegto in ay qaar badan oo kamid ahi nol osheeda taabanayeen, lakiin anay iyadu marnaba si faahfaahsan uga hadal,sida uu sheegay wariye Maxamed Cabdi Boosh oo aqoon u lahaa.

Fannaaniita caanka ah ee ka tacsiyo oday geerida Khadra ayaa waxa kamid ah fannaanada Nimco Dareen oo qoraal ay bo geeda Facebook ku baahisay ku tidhi "Al lah ha u naxariisto hooyo Khadra Daahir Ci ge qoyskeedii iyo dhamaan umada Somal iyeed na Alle samir iyo iimaan haka siiyo".

DJ Subeer oo kamid ah dadka ugu ca nsan fanka Soomaalida wakhtigan, ayaa qoraal uu ku baahiyay Facebook, fannaa nada ku sifeeyay in ay ahayd qof nasaba "Khadra Dahiir Ilahay janada Fardowsa ha ka warabiyo nasab kaamila bay ahayd maa mo Khadra Daahir waxan leeyahay ubad keeda ehelkeda iyo dhamaan shacabka So maliyeed samir iyo imaan dhamaanteen al le ha inaga wada siiyo".

Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax, ayaa isna fannaanada Alle jano u waydii yay "Alle SWT ha u naxariisto, Janooyinkii sa ha geeyo marxuumad Khadra Daahir Ci ge oo hadda ku geeriyootay isbitaalka Inter national ee Hargeis, Alle danbigeeda ha dhaafo, su'aashana haw-fudaydiiyo".

Khadra Daahir, ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay daganayd magaalada Hargay sa, iyadoo sheegtay in ay fankii iskaga bax day, waxayna ifka kaga tagtay 5 caruura.

Jubbaland oo hay’adaha gargaarka kala hadashay waxkaqabashada abaaraha.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamad Islaam ayaa la kulmay wakiilada hay’adaha kala duwan ee ka howlagala deegaanada maamulka Juba land.

Kulankan waxaa diiradda lagu saara yey sidii hay’adaha ka howlagala guud aha an Jubaland ay gacan oga geysan lahaa yeen taakuleeynta dadka ay abaaruhu saa meeyeen ee kunool deegaanada Jubaland iyadoo oo la faray hay’adaha in Degmoo yinka cusub ee Jubaland kusoo kordhay si da Buurdhuubo iyo Dhoobley ay gaarsii yaan mashariicyada hormarineeyd iyo adeegyada aas aasiga ah.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland ayaa sidoo kale u sheegay Wakiilada hay’a daha in muhiimada ugu weyn ee kulankiisa uu yahay sidii muhiimad gaar ah loo siin la haa dhalinyarada wax ku baratay gudaha Jubaland marka ay timaado shaqaalaysii nta.

Wakiilada hay’adaha ayaa soo gudbi yey qorshayaal lagu caawin karo dadka ku barakay gudaha deegaanada Jubaland iya goo sheegay in ay door weyn ay ka qaa dan doonaan sidii fursadaha shaqo ee jiro looga fa’iideeyn lahaa dhalinyarada wax ku baratay deegaanada Jubaland.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Amniga Gen. Yuusuf Xasan Cusmaan Dhuumaal, Wasiirka Howl aha Guud iyo Guriyaynta Ingineer Ismaciil Axmed Garas, iyo Gudoomiyaha Degmada Dhoobley Siyaad Muxumed Xasan.

Maxay Koonfur Galbeed kala hadashay Hay,adda Unicef?

Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dow lad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdifataax Mahad Cabdiraxmaan ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka Socday Hay,adda Unicef kuwaa oo Maa nta gaaray magaalada Baydhabo oo xarun ta kumeelgaar ah ee Maamulka Koofur gal beed Soomaaliya

Wafdigaan ayaa waxaa sidoo kale hog aaminayay Wakiilka Hay,adda Unicef Soo maaliya Madam Wafaa saeed.

Kulanka oo Saacado qaatay ayaa waxa ay Wafdiga iyo Agaasimaha Madaxt ooyada kaga wada hadleen Xoojinta Kaal mada Hay,adda Unicef ay siiso Dadka Ba rakacayaasha ee ku nool degaanada Koon fur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kulanka intii uu socday looga hadlay sidii Gar-gaar loo gaarsiin la haa Dadka ay Abaartu Saamaysay ee ku Nool Guud ahaan Deeganada Koonfur Gal beed Soomaaliya.

Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka mid ah gobolada ay sida daran u saame y say abaarta ka jirta guud ahaanba Sooma aliya oo kasii dareeysa marba marka ka da nbeeysa, taas oo isku badashay macaluul sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka qa ramada midoobay.

Madaxweynaha Somaliland oo cafis u fidiyay wariyaal Hargeysa ku xirnaa.

Madaxweynaha Somaliland muuse Bii xi cabdi ayaa cafis u fidiyay wariyaasha ka la ah Cabdijibaar Maxamed iyo Maxamed Cabdi sheekh Ilig oo Hargeysa lagu xiray 15kii bishii April ee sanadkaan.

Wariyaasha ayaa la xiray kadib markii ay qabteen Ciidamada amaanka iyagoo si toos ah u tabinayo isku dhac ka socday xa bsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, ka as oo u dhaxeeyay maxaabiista ku xiran xa bsiga iyo Ciidamada amaanka.

Markii lasoo dayay wariyaasha, waxa ay goob fagaare ah kula hadleen warbaah inta, iyagoona u mahadceliyey dhamaan bahda saxafiyiinta Soomalilan, oo qeeyb weeyn ka qaatay sii deyntooda, waxa ayna sheegeen in ay sii wadi doonaan howlaha ay u hayaan warbaahinta Soomalilan, iyo soo gudbinta wararka saxda ah.

Maxamed Cabdi sheekh Ilig iyo Cabdij ibaar Maxamed ayaa intii ay xabsiga ku jir een waxa ay xukuumadda Soomalilan la kulmeeysay cadaadis uga imaanayo axsa abta mucaaradka Soomaaliland, iyo shac abka Somaliland.

Masjid aan noociisa horey loogu arag oo laga furayo Muqdisho

Warbaahinta ayaa maanta loo soo bandhigay Masjid cusub oo dhawaan laga furi doono magaalada Muqdisho ee caasi madda Soomaaliya, kaasi oo ku yaalla deg mada Waaberi, gaar ahaan agagaarka ga roonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Waxaa qarashka lagu dhisay masjid ka bixiyey ganacsadaha weyn ee Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale, kaasoo masjid ka ugu magac daray Aabihiis Cali Jimcaale Allaha u naxariistee.

Sheekh Axmed Nuur Cali ayaa ah mi lkiilaha ugu sarreeya ee shirkadda isgaarsii nta Hormuud oo ah shirkad bixiso adeegga isgaarsiinta iyo adeegyo kale.

Masjidka ayaa waxaa loo dhisay qaab aad u sarreeya oo ka duwan masaajida ka le ee ku yaalla Muqdisho, wuxuuna u egya hay Masjidyada ku yaalla dalka Turkiga, ay ada oo dhismihiisa uu socday sanado,

Masjidka waxa uu sidoo kale leeya hay qeyb waxbarasho oo jiif iyo cunto leh o o ah laba dabaq, sidoo kalana wuxuu leeya hay masjidka Parking loogu talagalay in la dhigto gawaarida.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa Masj idka laga dhinac dhisay sidoo kale dhowr dabaq oo laga dhigayo goobo dukaameysi, kuwaasi oo qeyb ka ah xeendaabka Masjid ka.

Ma cadda lacagta ku baxday dhismaha Masjidka, hase yeeshee marka la eego qur uxdiisa iyo naqshadda, waxaa cad inay to banaan milyan oo dollar ay ku baxday.

Masjidka ayaa la furi doonaa maali nta Ciidda ee soo socota oo ku beegan 9 Bishan July, waxaana la qorsheenayaa in lagu dukado saaladda Ciidda.

Meydadka afar qof oo laga helay Xeebaha G/Jubbada Hoose, kadib dabeylo ku dhufatay xeebahaasi

Gudoomiyaha Deegaanka Kudhaa Ka diye Ibraahim Cabdulle Oo La Hadlay Ra dio kismaayo codka Jubbaland Ayaa Xaqii jiyay Inay Khasaaro Xoogan Ay Kadhash een Dabaylo Xoogan Oo Xilligaan Kajira Xeebaha Gobolka Jubbada Hoose.

Inta Udhaxayso Xeebaha Buurgaabo Iyo Kudhaa Waxaa Lagu La’ayahay Doo mo Badan Oo Kayimid Dhanka Kaybooni Kuwaas Oo Siday Qaad Kuna Soo Wajah naa Kismaayo.

Tirada Dhimashada Ayaa xilligaan waxa ay maraysaa Afar qof Oo Meydkooda Xeebaha Buurgaabo Iyo Kudhaa laga Helay halka midka kale Aan wali Lahaay nin islamarkaana Hadda Labaadi Goobayo Sida uu Shaaciyay Gudoomiye Kadiye Ibr aahim Cabdulle.

Dhanka kale waxaa jirra bur_bur xoo gan oo soo Gaaray Kudhawaad 20 guri Oo kuyaalo jasiirada Kudhaa Ee gobolka Jub bada.

Guud ahaan Waxaa haatan hakad Uu ku yimid Isu Socodka Doomaha Isaga Kala Goosha Xeebaha Gobolka Jubbada Hoose Kuwaasi Oo haatan La dhaqaaqi Waayay Dabaylo xoogan Oo jirra Awgeed.

Xaaladda abaarta Soomaaliya oo ka sii dareysa, iyo malaayiin ruux oo cunno la’aan wajahaya.

Xaaladda abaarta ee Soomaaliya ayaa ka sii daraysa, iyadoo ay sii kordhayso huba nta la’aanta dhinaca cuntada.

Saameynta ka dhalatay dhibaatooyin is biirsaday oo ay ka mid yihiin ayaxii ku dagay beeraha iyo dhul daaqsimeedka sanadkii 2020 , cudurka COVID19, fatahaado is xig xi gay, sicir barar iyo khilaafyada ayaa xaalad da uga sii daray.

Kooxda ka jawaabidda abaaraha ee qar anka ayaa soo weriyay in biyo yari ba’an iyo cunto la’aan ay saameysay dad gaaraya 6.9 milyan oo qof oo Soomaali ah waddanka oo dhan, waxana xoolaha ay saameysay abaar ta lagu qiyaasay 9.3 milyan oo neef.

Warrarku waxaa kale oo ay sheegay aan in xoolo ku dhow hal milyan oo neef ay u dhinteen dhibaatooyinka abaarta ay reebtay.

Kooxdu waxaa kale oo ay sheegtay in dad gaaraya 700,000 oo qof ay ka tageen Deega nnadoodii iyagoo naq iyo biyo raadis ah, qaa rkood waxay soo galeen magaalooyinka waa weyn.

Afar xili roobaad oo is xig xigay uma di’ In si wanaagsan Soomaaliya dhamaadkii 20 20kii iyo bilowgii 2021kii.

Bilihii u dhaxeeyay March iyo June ee san adkii hore inta badan gobollada koonfurta, ba rtamaha iyo woqooyi-bari aad ayay u yaraa yeen roobabkii guga ee la helay.

Bilihii October illaa December ee sanad kii hore, dayrtu ma di’in inta badan gobollada waddanka. Hadda oo laga sii baxayo xilligii gugana, aad ayay u hooseeyaan roobabka la helay.

Geel ku sumoobay geedo ay daaqeen oo ku dhintay duleedka magaalada Jigjiga

Ku dhawaad 124 neef oo Geel ah ayaa ku dhintay duleedka caasimadda degaan ka Soomaalida ee Jigjiga, kaddib markii ay ku sumoobeen geed ay daaqeen oo ku yaa lay aaggaas.

Geelan oo ka koobnaa 150 neef oo gee la ah ayaa waxa uu kasoo hayaamay dhina ca degmada Xarshin ee gobolka Faafan, is agoo ku socday degmada Gursum ee isla gobolka Faafan, balse markii uu geelu soo gaaray duleedka magaalada Jigjiga ayaa geedo sun ahaa oo uu daaqay waxay sa babeen dhimashada ku dhawaad 124 neef oo Geel ah.

Mid kamid ah dadkii geelan lahaa oo la socday geela ayaa Warbaahinta u sheegay in geela intii ay dhexda kusoo jireen uu me elo kala duwan ka daaqay geedo dhawr ah, oo uu ku jiro geedka Ciinka loo yaqa ano kaddibna ay arkeen geelii oo dhimana ya.

Dhinaca kale dhakhaatiir ka socotay Xa fiiska Xoolaha ee degaanka Soomaalida ayaa gaaray goobtan uu geelu ku dhintay, si ay usoo baaraan waxa keenay in geelu ku sumoobo geedahan, sida ay Warbaahin ta u sheegeen qaar kamid ah masuuliyiinta Xafiiska Xoolaha ee dowlad degaanka Soo maalida.

Dr Maxamuud Maxamed oo ah Agaasi nka waaxda Caafimaadka ee Xafiiska hor marinta Xoolaha ee dowlad degaanka Soo maalida, ayaa Warbaahinta u sheegay inxafiisku uu goobta ay dhibaatadu ka dhacday ee geelu ku dhintay ay u direen koox dhakhaatiir ah oo daryeel u fidiyay geela inta ka samata baxday suntan, isagoo xusay in wixii hadda ka dambeeya uu xafiisku wacyigalin siin doono dadka xoola dhaqatada ah, si ay xoolahooda ula socdaan geedaha ay daaqayaan.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii labaad ee ka dhacda degaanka Soomaalida, iyadoo hadda ka hor sidan oo kale uu geel badan oo daaqay geedo sun ah ay ugu dhinteen degmada Gursum ee gobolka Faafan.

Ukraine oo Turkiga ka codsatay in la qabto markab Ruush ah oo sida 

qamadi ‘laga xaday’ dalkeeda.

Ukraine ayaa ka codsatay Turkiga in uu qabto oo uu xiro markabka Zhibek Zholy ee uu ka babanayo calanka Ruushka kaasi oo a h nooca xamuulka qaada, sidana shixnad qa madiga Ukraine ah oo laga soo qaaday dek edda Berdyansk ee uu Ruushku haysto, sida uu sheegay sarkaal u dhashay Ukraine ah uu na muujiyay dukumeenti ay aragtay wakaal adda wararka ee Reuters.

Sarkaalka oo ka tirsan wasaaradda arri maha dibadda ee Ukraine oo soo xiganayay xog ka timid maamulka badda ee dalkaasi ay aa sheegay in markabka Zhibek Zholy uu si do shixnaddii u horreysay ee qamadi ah oo dhan 4,500 oo tan oo laga raray dekedda Ber dyansk, oo uu sarkaalku sheegay in ay leed ahay Ukraine.

Warqad ku taariikhaysan 30-kii June oo ku socota wasaaradda caddaaladda ee Turkiga, ayuu xafiiska dacwad oogaha guud ee Ukrai ne ku sheegay in markabka Zhibek Zholy uu ku lug lee yahay "in si sharciga baalmarsan u u u dhoofiyo qamadiga Ukraine,” kaasi oo la ga raray Berdyansk kuna wajahan dekedda Karasu ee Turkiga, waxaana uu xafiisku she egay in markabku uu sido 7,000 oo tan oo xa muul ah, taasi oo ah mid ka badan tirada xa muulka uu sheegay sarkaalka ka tirsan wasa aradda arrimaha dibadda.

Xafiiska dacwad oogaha guud ee Ukraine ayaa ka codsaday Turkiga "in uu baaritaan ku sameeyo markabkan, ay qabtaan qeyb ka mid ah qamadiga uu sido si baaritaan loogu sameeyo, iyo in ay dalbadaan macluumaad ku saabsan halka laga keenay qamadigan,” iyadoo warqadda lagu sheegay in Ukraine ay diyaar u tahay in ay si wadajir ah mas’ uuliyiinta Turkiga ugala shaqeyso baaritaan ka.

Sarkaal Ruushka u jooga deegaannada uu haysto ee gobolka Zaporizhzhia ee Ukr aine ayaa Khamiistii sheegay in muddo dhaw r bilood ah oo uu joogsaday ka dib uu Marka bkii ugu horreeyay ee xamuulka qaada uu ka ambabaxay dekedda Berdyansk isagoo aan carrabaabin Zhibek Zholy.

Saraakiisha aqalka Kremlin-ka ee Mosc ow ayaan ka jawaabin dalab ay Reuters ku weydiisay in ay arrintan ka hadlaan.

Ukraine ayaa ku eedaysay Ruushku in uu xaday qamadi laga raray deegaannada ay ciidamada Ruushku qabsadeen tan iyo bishii February oo ay duullaanka militari ku qaa deen dalkaasi. Kremlin-ka ayaa horey u bee niyay in Ruushka uu xaday qamadiga Ukra ine.

Midowga Yurub oo ku dhawaaqay €140m oo loogu talagalay dib u habeynta dhaqaalaha iyo siyaasadda Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in uu Soomaaliya siin doono ku dhawaad 140 milyan oo Yuuro sanadkan, si ay uga taagee raan dib u habeynta siyaasadda iyo arrimaha dhaqaalaha ayna u xoojiyaan u adkeysiga saameynta ba'an ee isbedelka cimilada.

Guddoomiyaha Midowga Yurub ee iskaa shiga caalamiga ah Jutta Urpilainen ayaa ku dhawaaqday in 27-ka xubnood ee Midowga Yurub ay sanadkan kordhinayaan qoondada ay siiyaan Soomaaliya iyo guud ahaan gobol ka Geeska Afrika.

Inta badan maalgelintan waxay aadi doon taa dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo u adkeysi ga isbeddelka cimilada.

"Midowga Yurub wuxuu sidoo kale bi xin doonaa €13.5 milyan oo ah taageero miis aaniyaddeed si loo joogteeyo taageerada dib u habaynta siyaasada Soomaaliya iyo sidoo kale xirmo € 125 milyan oo lagu taageerayo dowlad-dhisidda, dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo u adkeysiga isbeddelka cimilada," ayuu yi ri Midowga Yurub.”

Kordhinta dhaqaalaha ee Midowga Yurub ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay la daalaa dhacayso abaaro ba’an iyadoo meelo badan oo dalka ka mid ah laga soo sheegayo calaamado hore oo macaluul ah


Ilhaan Cumar: Nin Soomaali ah ayaa aniga oo daawanaya lagu dhuftay 38 xabbadood

Ilhaan Cumar, oo ka mid ah xildhibaan nada Aqalka Wakiillada Mareykanka, ayaa ka qayb gashay shir ay bulshada ka yee sheen arrimaha qalalaasaha hubka, waxa ayna isbarbardhig ku samaysay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo magaalada Mi nneasopolis.

Ilhaan ayaa sheeg tay dhinaca qalala asaha ay Minnea polis ku liidato mar ka lala barbar dhig o xeryada Dhadh aab.

"Muddo lix sano ah waxaan nasiib u yeeshay in aanan arkin wax qalalaase ah ilaa inta aan usoo guura yay Minnesota,” ayay tiri Ilhaan.

Hase yeeshee markii ay tagtay Mare ykanka ayay, sida ay sheegtay, la kulantay dhacdooyin argagax leh.

‘Waxaan daawanahay nin Soomaali ah oo lagu dhuftay 38 rasaas ah’

Iyadoo ku cusub Mareykanka ayay goob jo og u noqotay dhowr dhacdo oo dhiig ku da atay.

Waxay dib usoo gocatay mid ka mid ah falalkaas oo ay booliska ku toogteen nin Soomaali ah.

"Sanadkaygii ugu horreeyay ee aan Mareykanka joogay waxaan arkay qpf lagu toogtay Peavey Park, oo isla goobta ku ge eriyooday, xilligaas oo ahayd saddex isbu uc kaddib markii aan aniga iyo aabbeheey imaannay Minneapolis.

"Lix bilood kaddib waxaan goob joog u ahaa oo aan daawaday booliska Minnea polis oo 38 xabadood ku dhufanaya jirka ni n Soomaali soo galooti ah oo dhimirka ka xanuunsanaa, kaasoo aan ku hadli karin luuqadda Ingiriiska,” ayay tiri.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale ka sheekeysay in markii ay Somaaliya kasoo qaxayeen qoyskeeda ka hor ay arki jirtay carruur iskuulka la dhiganaysay oo goobta waxbarashada la aadi jiray hubka.

Xilligaas waxay ahayd markii uu billowday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.

"Waan garanayaa sida uu u eg yaha y qal alaasaha noocaas ah ee hubka, bal se waxaan nasiib igu filan u lahaa inaan so o qaxo oo aan magangalyo ka helo xero qa xooti, halkaas oo aan ku noolaa afar sano anigoo aan ku arkin wax qalalaase ah.”

Dhowr sano oo ay xeryaha qaxootiga ee Kenya ku qaadatay kaddib, Ilhaan waxa ay sanadkii 1995-kii tagtay Mareykanka, waxaana laga qaabilay gobolka New York. Da’deedu markaas waxay ahayd 12 sano.

Siduu u dhacay dilka ninka Soomaali ga ah?

Toogashada labaad ee ay Ilhaan ka sheek eysay waa dhacdadii uu ku dhintay Abuu Qaasim Jeylaani oo ahaa 28 jir, kaasoo ay booliska dileen sanadkii 2002-dii.

Waxaa la toogtay isagoo wata bang ad.

Dda goob joogeyaal ah ayaa sheegay in marka Jeylaani rasaasta lagu furayay uu ku qaylinayay "Allahu Akbar, Allahu Akbar”, sida uu qoray wargayska Daily Mail oo kas oo baxa UK.

Waxa uu dhagaha ka furaystay hada lladii ay booliska uga dalbanayeen in uu ba gadda iska dhigo.

Muddooyinkii dmabe waxaa dalka Mareykanka si xoog leh uga taagnayd doo d ku saabsan in la xakameeyo isticmaalka hubka kaddib markii ay dhaceen toogash ooyin isdaba joog ahaa oo lagu dilay dad ay ku jiraan carruur iskuul lagu weeraray.

Xildhibaannada Aqalka Senate-ka ee gob olka New York ayaa hadda ansixiyay shar ci cusub oo mamnuucaya in hubka aan loo jeedin ee darka hoostooda kagu qarsado lala galo goobaha xasaasiga ah.

Meelahaas waxaa ka mid ah dhismeya asha dowladda, xarumaha laga raaco gaa diidka dadweynaha, goobaha waxbarasha da iyo sidoo kale fagaaraha Times Square.

Isha: BBC Somali

Mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha Mucaaraadka Uganda oo xabsiga laga siidaayay

Maxkamad ku taalla dalka Uganda a y aa Jimcihii dammaanad ku sii daysay Kiz z a Besigye oo ka tirsan mucaaradka dalka a s, kaddib markii u u laba toddobaad ku ji r ay xabsi uu ku sugayay maxkamad, isa go o lagu eedeeyay inuu rabshado hurina yay.

Besigye, oo 66-jir ah, ayaa 14-kii Ju ne lagu xiray caasi madda Kampala isa goo ho gaaminayay mudaaharaadyo looga soo ho rjeeday qii maha maciishada oo cirka isku shareeray, waxaana lagu eedeeyay hurinta rabshado maalintii xigtay.

Jimcihii qareennadiisu waxay codsadeen dammaanad mar kale, garsooraha maxka madda ayaa ogolaaday in la sii daayo Besi gye isagoo sheegay inuu ku qanacsan ya hay in dammaanad qaadka eedaysanaha ay yihiin kuwo wax ku ool ah.

Wuxuu ku amray Besigye inuu bixiyo 2.5 milyan oo shilin ($665) oo damiin ah ta asoo ka mid ah shuruudaha lagu sii deyna yo.

Waxaa lagu amray in markale maxka mada la soo taago 29-ka July.

Dadka reer Uganda ayaa muujiyay ca ro baahsan oo ay ka qabaan sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka, saliidda cunta da, saabuunta, qamadiga iyo badeecadaha kale iyo diidmada dowladda ee ah inay soo farageliso macaamiisha.

Besigye ayaa ku baaqayay canshuur dhimis si loo dhimo sicir bararka, laakiin madaxweyne Yoweri Museveni ayaa diiday fikradda, isagoo ku eedeeyay qiimaha sare ee dagaalka Ukraine iyo masiibada COVID -19.

Qeybaha Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed Oo Ugu Tacsiyenso Marwo:-Biibto Geeridii Walaalkeed Xaaji Maxamuud Axmed Jimcaale {Xaaji Shaataar}

Qeybaha Bahda Saxaafadda Soo maaliyeed Qaar ka mid ah oo kala ah:- Cali Muuse Cabdi Muuse Maxamed Cismaan {M/Kiimiko},C/laahi Maxamed Cumar {Mucjis}, Maxamuud Xasan Axmed {Xuurshe,Cismaan Xuseen Axmed War yeel, Maxamuud Maxamed Nuureey {Jimcaale},C/laahi Maxamed Salaad {Da lle} C/fitaax Maxamed Salaad {Diyeeshe},Cabdi Aadan Guuleed,

Yaaquub C/ hi Guure.C/dir C/lle Nuur {Qalbi Dahab}, Xuseen Cabdi Calasoow,Qaasin C/ /le Neero, Cali Muxuddiin Cali,C/aadir Maxamed Calasoow {Calas}, Cismaanciil Cumar Madoobe,Falastiin Axmed Xaaji,Malyun Sh. Xeydar, Aami no Ladan Axmed, Leyla Cadceed Cismaan, Khadiijo Cabdi Maxmed,Yuusuf Cali Cabdi,Shariif Macallin Maxamed .Maxamuud Xasan Cumar {Adduunyo}, Maxamed Cali Maxamuud {Madka},Amiin Yuusuf Qasaaro, Axmed Maxamuud Dhicisoow, Cabadullaahi Maxamed Xasan Black, Nuur Maxamed Cali N.Qamadi, Sheelh Xasan,Xil. Maxamed Ibraahin Nuur {Macallimuu], Maahir Aadan Jaamac , Faarax Cumar Nuur, Maxamed Shiil Xasan Shiil, Aadan Macaallin C/hi {Aadaamyo},Maxamed Ibraahi Isaaq {Bakistaan}, Xasan Cali Geeseey,Liibaan Cabdi Cali, Cali Maxamed Csmaan{Cali AMEERIKO},Kiin Cumar Makaraan, Luul Xseen Cabdi, Fartuun Cali Guutaale, C/raxmaan Maxmed Cabdi{Waaberi},Aweys Maxamu ud Jilicoow,Shukri Axmed Leyte {Shiimaa},Safiyo Sh. Cali {Safoon} iyo Qaar kale dhammaan Bahada Saxaafadda Soomaaliyeed iyo madaxda ururr ada Saxaafadda iyo Ururweynaha saxaafadda soomaaliyeed ee FESOJ ,SJS, SOWPA,SWJ,Waxaay Tacsi u Tiiraanyo leh u dirayaan Xabiibo Axmed Jimcaale {Biibto} Oo Walaalkeed XAAJI MAXAMU -UD AXMED JIMCAA LE{XAAJI SHATAAR} kuGeeriyootay M/Muqdisho HABEEN KHA MIISTA 30 /7/2022-Ka waxayna leeyihiin samira alle haka siiyo Qoyska iyo Qaraaba da uu Marxuumka ka baxdayMarxuumkana Alle ha u Naxariisto Jannadana hala ka waraabiyo AAMIIN AAMIIN AAMIIN




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip