Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ka Qaybgalay Xuska 1-Da Luulyo

1
Friday July 01, 2022 - 06:57:32 in Wararka by
  • Visits: 304
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ka Qaybgalay Xuska 1-Da Luulyo

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynaha ayaa xusay in dhibaatooyinka curyaamiyey dowladnimadda Soomaaliyeed, tan iyo xornimadii kaddib, ay ugu horreyso qalbi jabka iyo kalsooni darrada shacabka Soomaaliyeed ka soo gaartay dowladdooda, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la dhayo dhibaatooyinkii dhacay, dowladduna ay mudnaan siineyso heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo xal u helidda tabashooyinka jira.

"Dhibaatadii dhacday dalkan, muddadii xoriyadda la qaatay kaddib waa dheerayd, waa faro badneyd, laakiin kuwii ugu xanuun ka badnaa waxaa ka mid ah dhibkii waqooyi ka dhacay, waana waxa ilaa maanta dhowr iyo soddon sano kaddib wali aanu la tacaaleyno oo aan u la’ nahay xal waara. Kalsoonidii barigaa jabtay, dhaawicii gaaray kalsoonida dhex taallay shacabka Soomaaliyeed in aan ka soo kabanno waxay sii maraysaa dhowr iyo soddon sano. Khibradda ugu fiican ee aan taas ka baran karnana waa in qalbiga dadka Soomaaliyeed la ilaaliyo, dhawacna aan loo geysan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in xornimada dalkeenna loo soo maray halgan dheer, kaas oo sababay in 26-Juun ee sanadkii 1960-kii ay noqoto magaalada Hargaysa goobtii ugu horreysay oo laga taago calan Soomaaliyeed oo xor ah, ayna tahay maalintaasi maalinta xoriyadda, halka 1-da Luulyo ay ku astaysan tahay Maalinta midnimada.

"26-ka Juun waxa ay taariikhda dalkeenna ku gashay in ay tahay maalinta ugu horreysay calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago ciid Soomaaliyeed. Maalinta dhabta ah ee la dhihi karo maalinta xoriyaddana waa maalintaas. 1-da July-na waa maalintii midnimada oo ay Labada qeybood ee Soomaaliyeed ee la qeybiyey ay sameeyeen Jamhuuriyadda Soomaaliya.”

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dalka ay ka jirto xaallad adag oo ka dhalatay saameynta abaaraha, waxa uuna dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan dadaallada ay dowladdu ku bixineyso gurmadka abaaraha

(sawirro) madaxweyne xasan sheekh maxamuud oo ka qaybgalay xuska 1-da luulyo(sawirro) madaxweyne xasan sheekh maxamuud oo ka qaybgalay xuska 1-da luulyo(sawirro) madaxweyne xasan sheekh maxamuud oo ka qaybgalay xuska 1-da luulyo(sawirro) madaxweyne xasan sheekh maxamuud oo ka qaybgalay xuska 1-da luulyo(sawirro) madaxweyne xasan sheekh maxamuud oo ka qaybgalay xuska 1-da luulyo(sawirro) madaxweyne xasan sheekh maxamuud oo ka qaybgalay xuska 1-da luulyo



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip