Cali Ameeriko "Sababtii la iigu diiday Beladweyne inaan galo halkaas ugama haraayo waan dacwoon doonaa"

0
Wednesday August 26, 2015 - 11:36:23 in Wararka by
  • Visits: 898
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Ameeriko "Sababtii la iigu diiday Beladweyne inaan galo halkaas ugama haraayo waan dacwoon doonaa"

    Safiirkii hore ee Somalia Maxamed Cali Ameeriko, ayaa sheegay inuusan ka hari doonin, sababtii loogu diiday inuu galo Magaalada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirkii hore ee Somalia Maxamed Cali Ameeriko, ayaa sheegay inuusan ka hari doonin, sababtii loogu diiday inuu galo Magaalada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan. Cali Ameeriko "Sababtii la iigu diiday Beladweyne inaan galo halkaas ugama haraayo waan dacwoon doonaa”

Safiirkii hore ee Somalia Maxamed Cali Ameeriko, ayaa sheegay inuusan ka hari doonin, sababtii loogu diiday inuu galo Magaalada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Amarka Cali Ameeriko loogu diiday inuu galo Magaalada Beladweyne waxaa bixiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo ku xigeenadiisa lasoo hadlay una sheegay in Cali Ameeriko uu ka noqdo halka uu ku sugan yahay xilligaasi oo aheyd deegaanka Beer gadiid.


Wuxuu sheegay Amb. Maxamed Cali Ameeriko inuu yahay muwaadin Somaliyed oo xaq u leh inuu tago Gobol kasta oo dalka ka mid ah, taasina ay ku cadahay Dastuurka Somalia, isaga oo sheegay sababtii loogu diiday gelitaanka Magaalada inuusan halkaasi uga hari doonin oo uu dacwad gudbin doono.

"Walaahi waa wax lala yaabo isaga ayaa la weydiin doonaa, anigana arintaasi sidaasi ugama haraayo waan dacwoon doonaa xaq waxaan u leeyahay Dastuurk wadankana uu u dhigayaa wax la aqbali karo ma’ahan arintaasi.” Ayuu yiri Cali Ameeriko oo la hadlay Tv-ga Somali News.

Sidoo kale Safiirkii hore ee Somalia u fadhin jiray dalka Kenya, ayaa sheegay inuu dhawaan tegi doono Gobolka Hiiraan.

"Reer Hiiraan waa ay iiga tacsiyadeeyeen wixii dhacay dhamaantood Xildhibaanada, Ururada haweenka iyo masuuliyiinta Hiiraan, waan tagi doonaa Gobolka Hiiraan.” Ayuu warkiisa sii raaciyay Cali Ameeriko.

Safiirkii hore ee Somalia u fadhin jiray dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko, ayaa socdaal ku maray Gobolada dalka inta ay ka jiraan Maamulada hoos yimaada Dowladda Federaalka Somalia, iyadoo Magaalada Beladweyne loo diiday inuu galo arimo siyaasadeed awgeed.
W


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip