HALKAAN KA AKHRISO WARaRKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 23-KA MAY 2022-KA

0
Monday May 23, 2022 - 08:37:10 in Wararka by
  • Visits: 504
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARaRKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 23-KA MAY 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xog: Madaxweyne XASAN SHEEKH oo arrimo xasaasi ah kala hadlay FARMAAJO

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markiisii seddaax Dorraad tegay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa kulan dheer la qaatay Mada xweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sida aysheegtay in ay Caasimada Online u xaq iijiyeen ilo wareedyo Villa Somalia ka tirsan, kul ankii Dorraad ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madax weyne Farmaajo ayaa diiradda lagu saaray ar rimo xasaasi oo dalka ka dhacay intii uu xu kunka joogay Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu Farma ajo hor dhigay weydiimo ku aadan hanaanka ay ku maqan yihiin dhalinyaradii la sheegay in tab abarka loogu qaaday dalka Eritrea, xilliga lagu heshiiyey in dalka lagu soo celiyo iyo docum entiyada heshiiskii lagu qaaday.

Sidoo kale arrimaha xasaasiga ah ee Xasan Sheekh uu Dorraad Farmaajo kala hadlay wa xaa ka mid ah, sida laga yeelayo dembiyadii dalka ka dhacay iyo qaabka loola xisaabtami ka ro dadka ku eedeysan.

Ilaha ay sheegtay in ay xogtaan ka heshay Caasimada Online ma xusin heshiis ay isla me el dhigeen Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo berri lagu wado inay xukunka isku wareejiyaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u balan qaaday in dalka uu deg deg ugu soo celi doono dhalinaradaas ku maqan Eritrea, haddii loo doorto xukunka, waxaana durba waalidiinta Soomaaliyeed ka soo yeeray codsiyo Xasan Sheekh looga dalbanayo inuu fuliyo balan-qaad kaas oo wiilashoodii uu dalka ku soo celiyo.

Sanadkii 2019-kii ayaa dhalinyaradaas oo la ga soo uruuriyey dhamaan gobollada dalka wa xaa la isugu keenay Muqdisho oo diyaarado loo ga daabulay, waxaa la sheegay in tababar loo geeyey dalka Eritrea.

Tirada dhalinyaradaan waxaa lagu qiyaasay 7 kun, waxaana lagu siray in tababar iyo shaqo ciidan loo geynayo dalka Qatar, balse loo dhi gay Eritrea, ilaa hadana lama yaqaan xaaladda ay ku sugan yihiin.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo mar kale la kul may Madaxweynaha Imaaraatka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Md. Maxamed Xus een Rooble ayaa mar kale Shalay la kulmay madaxwaynaha Dowladda Isutagga Imaaraad ka Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan.

Kulankaan oo ka dha cay Guriga Madaxway naha ayay labada mas ’uul uga wada hadleen iskaashiga labada dal iyo sidii dawladda Ima araadku u xoojin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Khamiistii soo gaaray Abu Dhabi ayaa madaxda ugu sarreysa Imaaraadka la lahaa kulammo diiradda lagu sa arayay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka walaaln imo ee labada dal ee walaalaha ah.

Guddoomiyeyaasha labada Aqal oo kulan la qaatay Guddigii doorashada Madaxweynaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu we hliyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa kulan la yeeshay guddigii ka Shaqeeyay doorashada madaxweynaha Soom aaliya ee 15-kii Bishaan ka dhacday Muqdisho.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa ugu mahad celiyay guddiga sidii ay u hirgaliyeen jad walkii doorashada Isla markaana u maamuleen doorashadii madaxweynaha JFS .

Guddoonka labada Aqal iyo Guddiga door ashadii Madaxweynaha ayaa u diyaar garoo baya ka qeyb galka munaasabadda xil wareej inta Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxaa looga hadlay kulankii madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga Mareyk anka?

Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRI COM ayaa Shalayeyd shaacisay kulan xasaasi ah oo magaalada Muqdisho ku dhex-maray Ma daxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo taliyahooda Generaal Stephen Townsend.

Kulanka labada masuul ayaa waxaa looga wada-hadlay wada-shaqeynta AFRICOM iyo gacan siinta Ciidamada Xooga dalka, si loo ga aro mustaqabal nabad iyo amaan ah.

Qoraalka ay soo saartay AFRICOM ayaa waxa lagu sheegay in General Stephen uu ugu ham balyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sha cabka Soomaaliyeed, jawi wananaga ay kusoo dhamaatay doorashada dalka.

"21-kii May, General Stephen Townsend ayaa u hambalyeeyay Xasan Sheekh Maxamu ud iyo shacabka Soomaaliyeed sida wanaags an ee ay ugu soo dhamaadeen doorashada So omaaliya. Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay sidii AFRICOM ay ula shaqeyn lahayd Ciidam ada Xooga Dalka, si loo gaaro mustaqbal na bad iyo ammaan ah oo ay mudan yihiin muwa adiniinta Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qor aalka.

Labada masuul ayaa sidoo kale waxa ku wehlinayay Safiirka Mareykanka ee Soomaal iya, wuxuuna dhacay kulankaan maalintii Sab tidii ee Dorraad aheyd, sida lagu sheegay qora alka AFRICOM, mana jirin wax war ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Xasan Sh..

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ay aa ku dhawaad toddobaad ka hor saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib ugu celinaya Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya. Saraaki isha militariga Mareykanka ayaa horey u sheeg ay in la-dagaalankii Al-Shabaab ay wiiqday go’aankii madaxweynihii hore Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soo maaliya.

Ciidamada Mareykanka ayaa laga soo qa adi doonaa qeybo kale oo ka mid ah Afrika si ay tababaro iyo taageero u siiyaan ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, oo loo arko ururka ugu weyn uguna hodansan ee xiriirka la leh Al-Qacida.

Go’aankan ayaa looga dan leeyahay "in lagu kordhiyo badqabka iyo wax ku oolnimada ciidamadeena, loona suurta-geliyo inay taageero wax ku ool ah siiyaan saaxibadeena,”

Waxaa sidaas tiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka Adrienne Watson oo ku dhowaaqday go’aankan.

Taliska Booliiska oo kulan mahad celin ah u sameeyay Saraakiisha Booliiska ee sugayay amniga doorashooyinka

Kulan abaal marin iyo mahadnaq isugu jiray ayaa loo qabtay saraakiisha Ciidanka Booliiska iyo kuwa Amisom ee sugayay amaanka doora shadii Madaxweynaha iyo Guddoonada Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Taliya ha Ciidanka Booliiska So omaaliyeed, Taliye ku-xig eenka Booliiska, Taliya ha Booliiska ee Gobolka Banaadir, Taliska ATMIS, Guddiga Doorashooyinka iyo Xubno ka socday Qaramada Midoobe.

Qaybaha kala ah Ciidanka Haramcad, Bir madka ,Daraawishata iyo RRA ayaa la guddoo nsiiyay Shahaado sharaf uu Taliska ugu tala ga lay in ay noqoto muujinta dedaalkii ay ku lahaa yeen qabsoomidda Doorashada.

Guddomiyaha Aqalka Sare & Safiirka Itobiya oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Sena tor Cabdi Xashi Cabdullahi ayaa Xafiiskiisa Aqalka Sare Shalay oo Axad ah waxaa uu ku qaabilay Safiirka Dalka Itoobiya u qaabilsan So omaaliya Md.Cabdulfataax C/hi Xasan, iyaga oo 2da mas’uul ay ka wada hadleen Arrimo dho wr ah. kulanka ayaa ahaa mid uu Safiirka Itoob iya Gu ddoomiyaha ugu yimid salaan iyo hamb alyo ku aaddan dib u doorashadiisa, waxayna ka wada hadleen adkaynta xiriirka diblumaasiy addeed ee labada Dal.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Sena tor Cabdi Xashi Cabdullahi ayaa Safiirka uga mahad celiyay dadaalka ay dowladda Itoobiya uga qeyb qaadaneyso nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya maadaama ay yihiin laba dal oo deris ah.

Dhankiisa ayaa Safiirka Dalka Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya Mudane Cabdulfataax C/hi Xasan wuxuu sheegay in dowla dda Itoob iya ay wadashqeyn dhow la yeelan do onto do wladda Cusub ee uu hoggaa minayo Madaxwe yne Xasan Sheekh Maxam uud.Dow ladda Ito obiya ayaa kamid ah dowlad aha Ciid amada u soo diray Soomaaliya, kuwa as oo ku howlgalla magaca Midowga Afri ka ee ATMIS,

iyaga oo dagaal kula jira Ururka Al-Shabaab.

Wasaarada Qorsheynta oo kullan u qabatay Hay’adaha ka shaqeeya barna amijyada xalka waara.

Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qo rshaynta Qaranka ayaa qaban qaabiyay kulan isugu yimaadeen inta badan hay’adaha ka sha qeeya barnaa mij yada xalka waara, ee Soomaaliya iyo daneeyayaasha ta ageera Somaliya.

Kullanka waxaa da ahfuray Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Md. Jamaal Maxamed Xasan oo ay wehliso Ag aasimaha Kormeerka iyo Qiimeynta ahna Aga asimaha Xalka-Waara,Marwo Zahra Cabdi Ma xamed.

Intii uu socday shirka ayaa looga hadlay arim aha kala ah:

1. Dar-dargalinta arrimaha hortabinta u leh de daalada loogu jiro in xal waara loo helo bara kaca baahsan ee dalka.

2. Qorshe hawleedka ee xalka waara kuna sala ysan Istaratijiyada Xalka Waara ee loo same yey maamul goboleedyada D/Federalka.

3. Isku xirka shaqooyinka xalka waara ee hay’a daha iyo wasaaradaha Dowladda Federalka.

4. Dardargelinta hirgelinta Istaratijiyada Xalka Waara

Maxaa Kasoo Baxay Shirarkii DFS Iyo Hay’a ddaha Dhaqaalaha Adduunka Ee Soo Idlaa day?

Waxaa la soo gabagabeeyay shirar iyo kul lamo uu shir Guddoominayey Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Sooma aliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hey’adaha dhaqaalaha Adduunka u socday toddob aadkaan.

Shirkii ugu danbeeyay ee Dorraad oo ku qabsoomay aaladda fogaan araga ah ee ZO OM-ka ayaa waxaa Madaxw eyne Xasan Sheekh iyo Wasiirka Wasaaradda Maal iyadda xilgaarsiinta Cabdira xmaan Ducaale Beyle la ye esheen Bangiga Horumarinta Afrika (AFDB).

Bangiga Horumarinta Afrika, Wasaaradda Maal iyadda iyo Madaxweynaha cusub ayaa ka wa dahadlay sii wadidda howlaha dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo taageerada Bangiga ee Soom aaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay aa ballan qaaday in dowladdiisu ay xoogga sa ari doonto dhammeystirka howlaha deyn cafin ta iyo sidoo kale ay xoojin donaan wadashaq eynta Hey’adaha Maaliyadda ee caalamiga ah.

Madaxweynaha cusub ee JFSoomaaliya Xasan Sheekh oo uu Wasiirka Maaliyadda we heliyo ayaa waxaa ay hore shirar muhiim ah ula qaateen Madaxda Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunka kuwaasi oo dhammaan si guul ah ku soo dhammaaday.

Maalin kahor ayey aheyd markii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda IMF ay gaareen heshiis muhiim u ah geeddi socodka deyn-cafinta iyo Dib-u-eegista wajiyada 2aad iyo 3aad Barnaamijka ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqa alaha dalka.

Fahad Yaasiin Iyo C/Raxmaan Dheere Oo Safar Deg Deg Ah Uga Baxay Muqdisho

Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin iyo sa axibkiisa gaarka ah C/raxmaan Dheere ayaa Shalay ka ambabaxay Muqdisho, maalin ka hor inta uusan Madaxweynaha cusub ee Soomaal iya Xasan Sheekh Maxamuud la wareegin Xafiiska.

Wararka ayaa sheegaya in Fahad iyo saaxibki is ku sii jeedaan dalka Turkiga, iyagoo Shalay garoonka Muqdisho ka raa cay diyaaradda Turkish Airl ines oo duulimaad toos ah ku tageysay Muqdisho-Istan bul.

Lama oga in Fahad uu si toos ah uga guur ay Muqdisho oo uu dibad joog noqonayo wixii hadda ka dambeeya, maadaama dowladdii uu saameynta badan ku lahaa shantii sano ee la soo dhaafay talada lagala wareegay, hase ah aatee Fahad Yaasiin ayaa saaxibo uu la hadlay waxaa uu u sheegay inuu safar gaaban u bax ayo, dibna u soo laaban doono.

Labadan Nin ayaa kamid ah raga loo heysto eedo la xiriira gabood faladii dhacay sha ntii sano ee la soo dhaafay oo ay kamid tahay dilka Ikraan Tahliil, weerarkii lagu qaaday siyaa siyiinta Muqdisho iyo qarixii lagu dilay xildhib aan Aamina Maxamed Cabdi ee ka dhacay magaalada Beledweyn.Xigasho:jowhar.com

Xasan Sheekh dabagal ‘kuma sameyndoo no’ saraakiisha ciidanka ee loo haysto inay

Shantii sano ee uu dalka hogaaminayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ciidamada dowladda waxay si aad ah ugu mil meen siyaasadda, ayaga oo gaystay falal ay ka mid yihiin dilal, siyaasiyiin la weeraray, kuwo xayiraado la saaray iyo ficillo kale.

Waxyaabaha aadka looga filayo madaxwe yne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka mid ah inuu isbeddel ku same eyo, oo uu nadiifiyo ciidan ka, balse taxliiliyeyaasha siy aasadda qaarkood ayaa qa ba inaysan taasi dhici do oni.

Samiira Qeyd oo ka faaloota amniga gobo lka ayaa BBC u sheegtay in madaxweyna cus ub uusan wax dabagal ah ku sameyn dooniin saraakiishii ciidamada ee la sheegay in siyaasadda ay ku dhex milmeen.

"Uma maleynayo in ciidamada wax laga qa adi doono, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu khudbaddiisa ku sheegay aarsi ma jiri doono, waxyaabo dabaglkooda muhiim ma ahan, ha dda waxaa loo baahan yahay in la isku keeno dadkii kala tegay marka hore waa in soo dhiso xukuumaddiisa markaas baa taliyeyaasha wax laga baddali karaa,” ayey tiri Samiira

Waxay intaas ku dartay in taliyeyaasha ciid amada aanan dusha laga saari karin wax eed ah maadama ay qaateen amarka madaxdo oda."Taliyeyaashii hore uma maleyn maayo in eeda dusha laga saari karo, waxay ahaayeen ciidan amar la siiyay oo qaatay amarkii madax dooda, ma umaleynayo in dabogal dheeraad ah lagu sameyn doono ciidamadii siyaasadda ku milmay waa in ciidamada isbaddal lagu sam eeyo, xuquuqdana la dhowraa."

"Madaxweynaha la doortay qofka uu soo ma gacaabo waxay ku xiran tahay madaxweynaha dhaqankiisa hadduu isaga ciidanka u isticmaalo in uu Shabaab kula dagaallamo in uu waddan ka ku xoreeyo ama in dib u habeyn lagu sam eeyo ciidamada, isaga dhaqankiisa ayaa laga arki doonaa laakiin hadduu ciidamada u isticma alo siyaasadda dhaqankiisana haddii ay sidaas noqoto, waa suurtagal qofka la magacaabo in uu qaato amarka madaxda magacaawday,” ay ay tiri Samiira.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo horey uga hadlay arrimaha ciidanka ayaa sheegay in ciid amada qaar aysan lahayn sharci ay ku dhisan yihiin iyo waxyaabo kala xadeeya, loona baah anyahay dib u habayn badan.

Qeybo badan oo kamid ah deegaannada dalka waxaa gacanta ku haya ururka Al-Shab aab, mar kasta waxaa weeraro iyo qaraxyo ay geystaan Shabaab. dalka waxaa ku sugan cii damada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS kuwaas oo ilaaliya goobaha muhiimka ee dow ladda, sida Tendhaha Afisyoone oo ay doora shada ka dhacday.

Samiira Qeyd waxay qabtaa in shaqada ugu culus ee hortaalla madaxweynaha ay tahay dib u habeynta ciidamada.

"Dib u habeynta ciidamada oo muddo labo sa no aan wax laga qaban, waa in uu dib u habe yntii bilaabo si uu kooxdii joogtay uu kala kaa shado wixii la qabtay oo uu ogaado wixii laga qaban laha..waxaan u maleynayaa in dib u ha beynta ciidamada ay tahay shaqada ugu culus ee hortaalla madaxweynaha cusub”

Mareykanku waxna ka qaban.

"Saraakiisha Mareykanka waxay u baahan doonaan inay si dhow ula shaqeeyaan mas'uuli yiinta Soomaaliya iyo Midowga Afrika si ay uga fogaadaan ku soo noqoshada sharciyadii hore ee xadgudubyada dagaalka oo ay si degdeg ah uga jawaabaan khasaaraha rayidka," ayay tiri Laetitia Bader, agaasimaha Geeska Afrika ee HRW.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xa san Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay ku dhawaad 500 oo askari oo Mareykan ah oo dib ugu soo laabanaya dalka, si ay uga caaw iyaa dagaalka Alshabaab.

Xigasho:-caasimadda.net

Axmed Madoobe Oo Kulan Aan Caadi Aha yn La Yeeshay Golahiisa Wasiirada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Juba land Ahmed Mohamed Islaam, ayaa Habeen hore shir gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay lahayeen golaha wasiirada Dowlad Gobo leedka Jubaland.

Madaxweynaha ayaa golaha uga warbix iyay safarkii dhawaan uu ku tagay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka oo uu kaga soo qeybgalay doorashada Madaxweynaha JFS iyo xaalada guud ee dalka.Axmed Madoobe ayaa tan iyo markii doorashada dhacday waxaa uu kulamo ka waday magaalada Muqdisho, waxa ana uu la kulmay mas’uuliyiin kala duwan, kuwaasi oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku aaddan siyaasadda dalka.


Goobaha Ganacsiga Magaalada Tog-Waj aale Oo Shalay Xiran Iyo Sababta Keentay

Waxaa Shalay gebi ahaan xiran goobaha Ganacsiga Suuqyada ku yaalla Magaalada Tog Wajaale oo ku taala xuduuda Deegaanka Soo maalida uu la wadaago Somaliland, sida ay sheeg ayaan wararka aan ka heleyno Magaala daas.

Ganacsatada Suuqyada Magaalada Tog Wajaale ayaa Shalay furin goobahooda Gana csi, isla markaana sheeg ay inay Go’aansadeen in ay Albaabada isugu dhfta an goobaha Ganacsiga Magaalada, iygoona ka hadlay sababta arrin taas.

Qaar kamid ah Ganacsatada ayaa sababta keentay xirnaashaha Suuqyada ku sheegay inay tahay inuu jiro sicir barar dhinaca sarifka ah, isla markaana Safirka lacagta 100-ka dollar ay mareyso 8000 Bir ee lacagta laga iticmaalo Magaalada.

Arrintaa aya waxaa ay saameyn ku yeelatay dadka deegaanka Magaalada Tog Wajaale iyo qoysaska danta yar, waxaana Sawirro laga soo qaaday goobaha Ganacsiga ay muujinayaan in Albabaabada ay u xiran yihiin goobaha, sidoo kalena uusan jirin wax dhaq-dhaqaaq ah.

Madaxweyne Biixi: Urrurada waa la furayaa waa mabda sharci ah

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Ca bdi, oo ka hadlayay munaasibad lagu xusayay 20 guurada kasoo wareeg tay markii la aas aasay

xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa shee gay in furista urruradu sharci tahay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xisbiga Ku lmiye, uu taageerayo furista urrurada, isla mark aana ay sharci tahay "Shalayna wuu taageera yaa in ay urruradu dagaal galaan, Shalayna tii ayuu fulinayaa oo urrurada waa la furaya, waa mabdi'iyan sharci ah".

Biixi ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye uu taariikh u leeyahay in uu taageero furista urruro cusub marwalba, isla markaana xataa isaga oo mucaarad ah uu taageeray in urruro cusub la furo.

"Kulmiye isaga oo mucaarad ah wuxuu bala n qaaday markii dad badani codsadeen, in sad dex xisbi oo kali ahi anay waligood dalka hay sane urruro la furo, isagoo mucaarid ah ayuu ta ageeray siyaasiyiintii lagu xidh xidhayna aad buu ugu dooday" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu marka laga yimaado in uu taa geersanyahay furista urrurada, hadana kama fa aloon, hadii doorashada urrurada cusub la qab anayo doorashada madaxtooyada ee bisha No vember kahor, halkaasi oo uu khilaafka ugu ba dani ka taaganyahay.

Kooxo aan la garanayn oo dab qabadsi iyay guryo ku yaala Muqdisho

Laba guri oo ku yaala xaafadda Via Laberia ee Degmada Waaberi iyo mooto bajaaj ayaa go or dambe oo Habeen hore ahayd dab la qabad siiyay, iyadoo aan illaa iyo hadda la garanayn ciddii falkaasi gaysatay.

Dadka deegaanka oo ku argagaxay dhacd adaasi ayaa u gurmaday qoysaskii deganaa lab adaasi guri, iyagoona ku guuleysatay inay baq tiiyaan dabkaasi. Ma jirto cid wax ku noqotay tallaabada lagu gubay guryahaasi.

Ismaaciil Sayid Cabdul qaadir oo ah milkiilaha mooto bajaajta la gubay ayaa sheegay inaysan garayan ciddii falkaasi kula kacday, isaga oo laamaha amniga ugu baaqay inay baaraan.

Ismaaciil Sayid ayaa sheegay in mootadaasi uu ugu shaqayn jiray qoyskiisa oo ka kooban shan iyo toban qof, noloshooduna ay ku tiirsaneyd wixii uu maalintii soo shaqeeyo.

"Al Xamdulillaah, Shalay waxaa intaasi ku ekaa oo meeshaan ku basbeelay hantidii oo an aga ku ganacsan jirnay. Waxaa dab qabadsi iyay kooxo argagixiso aan dhihi karno, waa koo xo nabadiid, sida aan anaga aaminsanahay. Ma garan karno asbaabaha iyo waxyaabaha ku kalifay in anagoo iska hurdeyno ay dab nagu shi daan oo gurigii ay nagu holciyaan.” Ayuu yiri Ismaaciil Sayid oo Universaltv la hadlay.

Ismaaciil Sayid ayaa yiri "Mootada qoys dhan ayaa laga masruufi jiray, illaa shan iyo to ban qof ah qiyaastii. Mootadan intaan la soo ga din ka hor waa la noollaa, hadda oo la waayay wixii ka dambeeyana waa la noollaan doon naa.”

Ismaaciil Sayid ayaa ummadda Soomaaliye ed ugu baaqay "Waxaan rajeynaynaa bedel ka khayr badan, walaalaha Muslimiinta waxaan ka codsanaynaa inay gacantooda noo taaggaan oo jeebkooda ay noo galaan.”

Hay’adaha ammaanka iyo Maamulka Deg mada Waaberi ayaan ka hadlin tallaabada lagu gubay guryahaasi iyo dhugdhugleydaba.

Cali Guudlaawe oo la filayo in uu Is bedel ku sameeyo Maamulka Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Dowlad Gobolkeedka Hir-shabeelle cali Guudlaawe Xuseen ayaa lagu Wadaa inu isbadal Xoogan ku Sameeyo Maa mulka Gob olka Hiiraan Saacadaha Soo Soco da, sida aay ilo katirsan Mad axtooyada u xaqii jiyeen Wa rbaahinta.

Isbedelkaan la filayo in uu sameeyo cali Guudlaawe ma daxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa salka ku hayo ka dib markii ay kordheen maalmihii lasoo dha afay dilalka iyo Qaraxyadda ka dhaca gobolka hiiraan taas oo aysan jirin cid loo soo qabtay.

Faah Faahin Kasoo Baxeysa Koox Hubeys an Oo Dil Shalay Ka Geysatay M/ Gaal kacyo

Wararka aan ka heleyno Ma gaalada Gaal kacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee dhanka Ma amulka Puntland ayaa waxaa ay sheegay aan in halkaas barq animadii Shalay halkaas la gu di lay Wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabi Sak eriye Siciid Sal aad. Kooxo ku hubeysnaa Bastool ad ayaa too gasho ku dilay Marxu um Sakeriye Siciid oo ahaa Mad axii Waaxda Barakacayaasha Do wladda-hoose ee degmada Gaa lkacyo, waxaana la dilay, xili uu ku sugnaa me el ku dhow xero ay degan yihiin dad Baraka cayaal ah.

Dableydii ka dambeeysay dilka Sakeriye Siciid Salaad ayaa goobta ka baxsaday, waxa ana halka dilka ka dhacay gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Magaalada iyo qaar ka mid ah ehelada Marxuumka oo halkaas ka qa aday Meydka.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo dilay Madaxii Waaxda Barakacayaasha Dowladda-hoose ee degmada Gaalkacyo ee Puntland Sakeriye Siciid, wuxuuna dilkiisa kamid noqona yaa dilal horey uga dhacay magaaladaas oo loo geystay xubno isugu jirayMas’uuliyiin iyo shacab.

Koonfur Galbeed Oo Maamul Cusub U Maga caawday Degaan Ka Tirsan Shabeellaha Hoose

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaa liya Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa maamul cusub u magacaabay deegaanka Lafoole ee hoostega degmada Afgooye, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha.

Guddoomiye Ibraahim Najax ayaa waxaa wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa Guddomiy aha cusub ee deegaanka Lafoole loogu ma gacaabay inuu noqdo Nuur Ibra ahim Cismaan, halka Guddoo miye ku-xigeenka siyaasadda deegaanka loo magacaabay Maxamed Cabdi Dalable.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeell aha Hoose ayaa Guddoomiye ku-xigeenka am niga deegaanka Lafoole u magacaabay Maxa med Cabduqaadir Khaliif iyo Maxamed Cabdi Maxamed Afare laga dhigay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada deegaankaas.

Magacaabista Maamulka cusub ee deegaan ka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay aa ka dambeeysay, kadib markii la arkay baahi loo qabo maamul cusub, si loo dardar-geliyo ad eegyada bulshada oo ay u baahan yihiin shacabka.

Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali Najax ay aa laamaha amniga deegaanka iyo kuwa ma amulka Gobolka faray inay la shaqeeyaan Maa mulka cusub ee loo magacaabay deegaanka Lafoole ee hoostega degmada Afgooye.

Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista.



DDF WAA SABABTA SHACABKU U TAAGEE REEN XASAN SHEEKH


Marka hore aan ogaano ereyadda laga soo gaabiyey DDF. DDF waa sedex xaraf oo u taagan sedexda erey ee kala ah Dastuuri Dimuquraadi Federaali, 3-da erey waa kuwa astaanta u ah jiritaanka aasaasiga ah ee dowladnimo casri ah. Shacabka ayaa ku bartey Mudane Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ahaanshaha hogaamiye ah DDF xiligiisii 1aad ee uu xilka hayey 2012 ilaa 2017, Madaxweynihii 8aad JS. Hadana, shacabka ayaa ku xaqiiqsadey DDF-nimadda Md.Xasan khudbadiisii 14.05.22 uu ka horjeediyey kulanka Golaha Shacabka labada aqal taasoo dadka Soomaaliyeed u cadeysey in Musharax Xasan Shiikh uu u qalmo inuu noqdo Madaxweynaha JFS maadaama uu ahaa welina ku taagan yahay mabda’ DDF ee ay ku dhisan tahay Jamhuuriyaddda Federaalka Soomaaliya. Bal aan isla eegno hadaladii uu Xasan Shiikh ka yiri markii uu ka hadlayey arrimaha DDF.

Dastuurka

Ballan-qaadyadda Madaxweynaha waxay wada ahaayeen Dastuuri, khubadiisa wuxuu diirada ku saarey qodobo muujinaya ilaalinta dastuurka. Gaar ahaan ilaainta xuquuqaha muwaadinka ee ka qeyb-qaadashada siyaadasadda, amaankiisa, helitaanka cadaalad iyo cabsigalin la’aan. Md. Xasan ayaa yiri….. Waxaan ballan-qaadaya in sharafta iyo karaamadda dadka iyo dalka Soomaaliya aad loo ilaaliyo, waxaan ballan-qaadaya in qof muwaadin Soomaaliyeed aan dal kale loo dhiibin, waxaan ballan-qaadayaa qof Soomaali ah fikirka siyaasiga uu aaminsan yahay in aanan loo caburin loona cadaadin, waxaan ballan-qaadayaa in dalka deegaano kamid ah inaanan lagu soo rogin cunaqabteyn iyo cadaadis dhaqaale iyo mid siyaasadeed. Igama fileysaan in mashaakilaadka siyaasadeed ee dalka ka jira qori lagu xaliyo, in caburin lagu xaliyo, in cabsigalin lagu xaliyo, waxaan aad uga shaqeyn doonaa in qofka Soomaaliga maskaxda xor ka ahaado, caqli iyo damiirkana uu xor ka ahaado, aanu ku noolaan cabsi, aanu dhinacyaha fiirfiirin marka uu ra’yigiisa cabirayo. Waxaan waasicin doonaa saaxadda siyaasadda si ay dadka Soomaalida ay ra’yigooda si xornimo ah ugu soo bandhigaan. sidoo kale, dib-u-heshiinta siyaasadeed ayuu ka yiri in dastuurka oo si dhamasytiran loogu heshiiyaa ay tahay sababta keeneysa dib-u-heshiin siyaasadeed, wuxuu yiri "Dib-u-heshiisiinta Siyaasadda waxaa aasaas u noqon doona Dastuurka dalka loo diyaarinayo, haddii dastuurka qodobadiisa lagu heshiiyo waxaan aaminsan nahay in dib-u-heshiisiinta siyaasadda ay meel gaartey laguna dhaqmi doono”.

Dimuquraadiyadda

Md. Xasan ayaa yiri….. Dalkan kama suurowdo inay dib ugu soo laabato diktatooriyad oo qofi xukunka iska joogo, asagoo aan heysanin sharciyad. Dalkan kama suurowdo koox gaar ah ama heyb gaar ah iyo deegaano gaar ah inay yiraahdaan dalka xukunkiisa annagaa la wareegney. Waxaan aasaas uga dhigaynaa dimuqraadiyadeena xisbiyadda siyaasadda. Waxaan abuureynaa nidaam in dadka Soomaaliyeed ay ku kalsoonaadaan hey’adaha dastuuriga ah. Dhisida kalsoonidda dadka ee ku salaysan dimuquraadiyadda waa aasaaska aan doonayno inay dimuquraadiyeynta sal u ahaato.

Federaalka

Md. Xasan ayaa yiri…..Waxaa la sii xoojinayaa oo aan daadajin doonaa nidaamka federaalka oo ilaa iyo heer degmo iyo heer tuulo la gaarsiin doono, si mabaadii’dii federaalka ee aheyd xukunka iyo dowladnimadda in loo dhoweeyo dadka taladooda iyo talada dalka guud ahaanba.

Khudbadan ayaa keentey in Mudane Xasan Shiikh uu ku soo baxo 65.4% codadka golayaa sha shacabka 2022, halka Madaxweynehii ka horeeyey uu 2017 ku soo baxay 56.3%. Farqiga boqoleyda ee ay labada Madaxweyne uu midba mar ku guulaystey ayaa tilmaamaya sida dadka Soomaaliyeed u tabeen fikirkii Xasan Shiikh ee nidaamka dowladnimo ee ku dhisan DDF, ayna u doonayeen in fikirkaas la soo celiyo uuna noqdo mid hadda ka dib la waariyo.

Dowlad Dastuuri Dimuquraadi Federaali ah.

Hassan Said Mohamed

hassan.saciid@gmail.com

AFEEF:Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan,

 

Wasiir Kaahin: Faysal Cali Waraabe wux uu yidhi Soomaaliya aynu ku noqono

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Max amed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Guddoom iyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, uu u soo jeediyay in Somaliland ay Soomaaliya dib ula midowdo.

Wasiir Kaahin oo ka hadlayay madal loogu da baal dagayay sannad guurada 20aad ee kasoo wareegtay markii la as aasay xisbiga talada So maliland haya ee Kulmiye, ayaa sheegay in ku lankii 16 May ay yeesheen mucaaradka iyo xuku umada Somaliland, uu Faysal ka yidhi "Dowla dnimadii Somaliland way socon waydee aynu Soomaaliya dib ula midowno".

"Habeenkii markaanu wada hadlaynay, Guddo omiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, wux uu yidhi waynu fashilanay, dowladnimo dad wadi kara ma nihin, dowladna wadi kari mayno, Xamar-na wataa socotay, inana Shalay waynu iska soo horjeedna cid inagu kala guntada ayaynu u baa hanahay, waxaynu u baahanahay in aynu Sooma aliya ku noqono" ayuu yidhi Kaahin.

Kulanka uu wasiir Kaahin ka hadlayo ee dhacay 16 May, ayay axsaabta mucaaradka iyo xukuumada Somaliland, iskaga afgarteen khilaa fkii ka taagnaa sida mucaaradku u xusayaan mun aasibada 18 May, waxaana loo balamay in maa lmo ka dib laga howlgalo xalinta khilaafka door ashooyinka.

Waxaa la rajaynayaa in siday balantu ahayd ay xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadka Som aliland dhawaan shir iskugu iman doonaan, si looga arrinsado daminta khilaafka doorashada, madaxweynaha Somaliland ayaa isagu dhankiisa balan qaaday in uu aqbalayo waxkasta oo khilaafka lagaga baxa

Human Right Watch oo sheegtay dib-u-dejinta ciidamada Mareykanka ee Soom aaliya inay welwel ku tahay dadka rayidka ah

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday dow ladda Mareykanka inay ka digtoonaadaan khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah, isla mark aana ay ka feejigna adaan howlgallado oda.

Howlgallo hore oo ciida mada Mareykanka ay ka fuli yeen Soomaaliya ayaa wa xaa ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh oo soo gaaray dad rayid ah oo Soomaaliyeed.

Mareykanka ayaa sheegay inuu dhowr boqol oo askaridib ugu soo celinayo Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah howlgalka wadaji rka ah ee dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika.

Human Right Watch ayaa ku baaqday in mudn aanta koowaad la siiyo ilaalinta dadka rayidka. Waxay tilmaamtay in Mareykanka duqe yn uu ka geystay gudaha Soomaaliya ay khasaa re naf iyo maalba leh kasoo gaareen dad rayid ah, taasi oo aan

Masuul Ka Tirisan Ukraine Oo Ku Dha waacmay Dagaalka Ukraine

Andriy Shevchyk, oo ah duqa magaalada Enerhodar ee uu Ruushka magacaabay, ayaa la gu soo waramayaa in uu ku dhaawacmay qarax.

Duqa magaaladan ee la doortay ee Dmytro Orlov oo uu Ruushka meesha ka eryay – oo hadda ku sugan meel u dhow Zaporizhzhia – ayaa kusoo qoray bartiisa Telegram in Shevchyk iyo ilaala diisa loo qaaday isbitaalka ka dib markii ay dhaa wacmeen.

Wuxuu intaas ku daray in aysan jirin cid kale oo wax ku noqotay qaraxa – isagoo soo sheegay in kani uu ahaa "weerar si toos ah isga un loola beegsaday”.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Ruushka.

Enerhodar, oo ah magaalo ay ku nool yihiin 50,000 oo qof oo u adeegta warshadda tamarta nukliyeerka ee ugu weyn Yurub, ayaa waxaa qabsaday ciidamada Ruushka tan iyo bishii Maarso

Talaalka HIV-ga oo ay tijaabadiisa ka bilabaatay Afrika

Shirkadda Mordana ee sameysay talaalka cudurka Covid-19 ayaa hada sameysay talaalka cudurka Aids-ka ka soo ay tijaabadiisa kasocoto wadamo ku yaala qaarada Afrika.

Horraantii sanadkan, shirkada Moderna ayaa gudaha Mareykanka ka bila wday tijaabadii ugu horeysay ee tallaalkeeda HIV-ga taasi oo ay u adeegsatay qayb ka mid ah taxanaha HIV RNA, sida borotiinka dib u habeynta.

ijaabada Mareykanka ka dhacday, waxaa la go’aamiyay in uu tallaalka badbaado yahay oo uu kor uqaaday difaaca 97 boqolkiiba gaar ahaan tij aabada lagu sameeyay (dadka waaweyn ee caa fimaadka qaba ), ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay shirkadan.

Shirkada ayaa sheegtay in tijaabada hada laga bilaabay Afrika ay noqon doonto mid qof walbo u furan oo aan kala sooc lahayn, taasi oo macnahe edu yahay in dhammaan ka qaybgalayaashu ay heli doonaan tallaalka.

Talaalka ka dib waxaa lala socon doonaa mu ddo lix bilood ah si loo ogaado in talaalku yahay mid bad qaba, halka ka jawaab celinta difaacooda si weyn loola socon doonoArintan ayaa hadii ay dhab noqoto war farxad leh u noqon doonto malaayin qof oo kunool dunida qeybaheeda kal

duduwan.



Soomaalida ku nool dalka KENYA oo dalab xasaasi ah u diray madaxweyne XASAN

Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey isbe dalka siyaasadeed ee ka dhacay dalka, gaar ahaan dowladda cusub ee uu hog gaaminayo Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Culumada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in madaxweynaha cusub uu dib u hagaajin doono xiriirka ganacsi ee labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya kaas oo xumaa sanadihii lasoo dhaafay.

Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo ka mid ah guddiga Ganacsatada Soomaalida ee Kenya oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa ugu baaqay Xasan Sheekh inuu ka dhabeeyo hadalkiisii ahaa Soomaali wada heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

"Badqabka iyo wanaaga darisnimada waa muhiim, waana tii uu kaambeynka ku galay Madaxweyne Xasan Sheekh uu lahaa Soomaali wada heshiis ah, dunid ana heshiis la’ah, marka in dunida heshiis lala ahaado waa wax u wanaagsan dalka iyo dadka,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul sii raaciyey "Rajo xoo gleh ayaa waxaan ka qabnaa inay bilaabeyso arrintan iskaashi wanaag isku soo dhowaasho,”.

Ugu dmabeyn wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in lasoo celiyo xiriirka gan acsi ee labada dal, isla-markaana la’isku furo xadka Soomaaliya iyo Kenya.

"Runtii waxaa muhiim ah in ganacsigii dib loo soo celiyo in la abuuro xarumo kastam oo badeecada Soomaaliya kasoo geli karto oo meelo badan ayey ka timaadaa suuq weynbaa halkan ku yaalla oo dadka Soomaaliyeed ay ka faa’ii deysan karaan,” ayuu markale yiri.

Kenya ayaa xiriir ganacsi iyo darisnimo ay kala dhexeysaa Soomaaliya, balse wuxuu xiriirku xumaaday markii ay is qabteen Madaxweyne Farmaajo waxayna taas sababtay inuu istaago ganacsigii ka dhexeeyey labada dhinac, sidoo kalena la xiro xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Kulan ay yeelan lahaayeen Golaha Waki ilada Somaliland oo baaqday

Kulanka Shalay ee Golaha Wakiilada Somaliland oo uu guddoominaayey Gu ddo omiye kuxigeenka labbaad ee Golaha Md.Cali Xamuud loogana hadli lahaa arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliland ayaa Shalay baaqday.

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada ayaa sheegay in kulanka Shalay ay soo xaadireen 35 mudane, isaga oo xaadiriyay mudanayaasha joogay iyo kuwii maqnaa, isaga oo sheegay in Kulanka uu kooram la’aan u baaqdsy.

Sidoo kale Xoghayaha ayaa ugu baaqay dhamaan Golaha Wakiilada inay soo xaadiraan kulamada Golaha si looga doodo xaaladda Guud ee Somaliland ma adaama ay soo dhaw yihiin doorashooyinka Madaxtooyada.


HANTI-DHAWRKA GUUD OO KA HORYIMID TALL AABO AY QAADEEN GOLAHA WASIIRADA ROOBLE


Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa si rasmi ah ugu wargaliyay Ra’iisul Wasaaraha joojinta Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maa liyadda oo Golaha Wasiirradu ay ku ansixiyeen shirkii toddobaadlaha ee Khamiistii.

Qoraalka wargelinta ee Xafiiska Hantidhawrka uu soo saaray ayaa lagu sheegay in xeer-nidaamiyaha la ansixiyay ay jiraan khaladaad sharci iyo qodobbo ka soo horjeeda Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (PFM Act 2019) iyo Sharciga Xafiiska Hantidhawrka Qaranka.

"Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa horay si sharci-darro ah u dhaqan-ga lisay xeer-nidaamiyaha Maareynta Maaliyadda Guud si aan waafaqsaneyn habraacyada uu farayo Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud ee 2019 iyada oo aan la horgeynin Golaha Wasiirada, sidoo kalena aan lagala tashan Hay’addaha dowladda ee ay khuseyso sida ku cad warqadda uu xafiiska Hantidhawrka Guud kasoo saaray arrinkaas,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xafiiska Hanti-dhawrka ayaa ku eedeyay Wasaaradda Maaliyadda inaysan raacin tallooyinkii uu horay u siiyay xafiiska Hanti-dhawrka oo hore ula xiriiray, isla markaana ay ku adkeysatay inay mar labaad Golaha Wasiirada horgeysay, ayada oo Goluhuna uu ansixiyay.

"Tusaale ahaan xeer-nidaamiyahaasi waxa uu leeyahay khaladaad sharci oo Guud ahaan Xeer-nidaamiyuhu kuma qorna Luuqad sharci iyo hanaanka sharci-qorista, Xeer-nidamaayaha waxaa ku jira lambaro iska hor-imaanaya dhexdiis oo is-burinaya sida lambarka 98-aad oo ka hor-imanaya lambarka 19-aad.”

Ugu dambeyntiina waxa uu Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka sheegay in gabi ahaanba uusan dhaqan-gal ahayn xeer-nidaamiyahaan, illaa inta dib-u-eegis loogu sameynayo oo la saxayo.

"Waxaa rajeynaynaa in wax ka qabashada arrintan mudnaan gaar ah la siiyo si loo joogteeyo, loona horumariyo hawlihii laga soo qabtay dib-u-habaynta nidaamka Maaliyada dalkeena, looga fogaado waxkasta oo sahli kara musuq iyo wax is-daba-marin iyo ku takrifal hantida Umadda


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip