Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo la kulmay madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Farmaajo

0
Tuesday May 17, 2022 - 14:12:34 in Wararka by
  • Visits: 447
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo la kulmay madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Farmaajo

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha xafiiska baneynaya Maxamed Cabdillahi Farmaajo. Waxaana la sheegay inay ka wada hadleen xil wareejinta xafiiska Madaxweynaha
Labada madaxweyne ayaa isla gartay in si degdeg ah loo magacaabo Guddi arintaasi ka shaqeeya, oo uu hoggaamin doono Agaasimaha Madaxtooyada Maxamed Cabdillaahi Ciise.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu todobaadka dambe si rasmi ah ugu wareego xafiiska madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, kadib marka la qabto munaasabad xil wareejin ah.


Qoraal uu madaxweyne Xasan Sheekh soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ugu mahad celiyay madaxweyne Farmaajo oo ku qaabilay xarunta madaxtooyada dalka, sidoo kale wuxuu u mahadceliyay dalal u soo diray dhambaallada hambalyada ah.

Dalalkaas waxaa ka mid ah Sucuudi Carabiya, Amiirka Qatar, Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Imaaraatka Carabta, Dowladda Turkiga, Jabuuti, Itoobiya, Kuweyt, Shiinaha, Maraykanka iyo Ingiriiska, Cumaan iyo dalalka kale.
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip