HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH TALAADO 18-KA JAN. 2022-KA

0
Tuesday January 18, 2022 - 09:51:21 in Wararka by
  • Visits: 532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH TALAADO 18-KA JAN. 2022-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Muuse Biixi Iyo Wefdi Uu Hoggaaminayo Oo U Amba-Baxay Dalka Itoobiya

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa saaka safar ugu baxay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa kadib, martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxda dalka Itoobiya.

Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo diyaarad khaas ah ka raa cay Garoonka diyaaradaha ee Cigaal ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa safarkiisa ku wehelinayey Wasiirka horumarinta Maa liyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire.

Waxaana kassii horeeyay oo safarka ku weheliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Cii se Kayd, Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ataash iyo Ergayga Ict iraaf Raadinta Somaliland Dr Edna Aadan.

Booqashadan rasmiga ah ee Madaxwaynaha Somaliland ku tagay dalka Itoobiya aya waxa uu la kulmi doonaa Madaxda Itoobiya oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka soo jire enka ah ee labada dal iyo xoojinta horumarka iyo nabadgalyada Geeska Afrika.

Dhaawaca Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu Oo Loo Qaaday Dalka Dibaddiisa

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaa lada Muqdisho ayaa waxaa Shalay ka duushay Diyaarad lagu qaaday dhaawaca Afhayeenka Xuk uumadda Federaalka Maxamed Ibraahim Macal imuu oo Dorraad lala beegsaday qarax Is-miidaamin ahaa.

Dhaawaca Afhayeen Macalimuu ayaa Garoon ka Aadan Cadde looga qaaday diyaarad qaas oo ah kuwa Caafimaadka oo lagu geyn doono dalka Turki ga, si xaaladdiisa Caafimaad loogu dabiibo, waxaa na Garoonka ka sagootiyey Mas’uuliyiin iyo bahda Warbaahinta.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka ayaa wax aa uu dhaawaca ka gaaray lug oo uu ka jabtay iyo gacan, sidoo kalena xabbadka ay ka gaartay jug xo og leh, isagoo markii uu dhaawacmay la dhigay Isb itaalka Digfeer ee Muqdisho oo dhowr baaritaan ku maray.

Maamulka Isbitaalka Digfeer iyo dhaqaatiirtii la tacaaleysay xaaladda Macalimuu ayaa sheegay in dhaawaca Afhayeenka Xukuumadda uu yahay mid fudud, isla markaana uusan darneyn, waxaana Muu qaalo laga soo duubay lagu arkayey isaga oo shee keynaya.

Qarax Is-miidaamin ah oo fuliyey qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyey maalintii Dorraad Gaari uu watay Afhayeen Maxamed Ibraahim Macalimuu, xili uu doonayay inuu kasoo baxo Gurigiisa, waxaana mas’uuliyada qaraxaas sheegtay Al-shabaab.

Ergeyga cusub ee Maraykanka u qaabil san Geeska Afrika oo wada hadal la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa wa dahadal la yeeshay ergayga cusub ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, ahna kaaliyaha xoghay aha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Soom aaliya.

Toddobaadkii hore, Maraykanku ayaa ku hanja bay inuu qaadi doono tallaabooyin ka dhan ah wux uu ugu yeeray qaswadayaasha Soomaaliya haddii doorashada wakhtigeeda lagu qaban waayo.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali iyo ergayga Geeska Afrika, David Satte rfield, waxa ay ka wada hadleen arrimaha labada dal iyo kuwa gobolka, waxaana ay labada dhinac is dhaafsadeen arrimihii ugu dambeeyay.

"Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxa uu uga mahadceliyey dowladda Mareykanka taage erada hagar la’aanta ah ee ay ka geysanayaan nab adda iyo amniga Soomaaliya iyo sida ay uga go’an tahay sii socoshada,” ayay tiri Wasaaradda Arrim aha Dibadda Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa taageersan dadaal ka Rooble uu ku doonayo in lagu qabto doorasho deg deg ah, waxayna ka codsadeen madaxweyne Farmaajo inuu ku garab istaago sida ay uga go’an tahay Ra’iisul Wasaaraha in la qabto doorasho loo dhan yahay.

Xasan Sheekh oo war cusub soo saa ray, shee gayna in waqtiga loo qabtay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay ka hadlay marx ala da uu dalku marayo, gaar ahaan dhinacyada doorashada, dhaqaal aha, xiriirka caalamka iyo amn iga, isagoo sheegay in dowladn imada Soomaaliya ay wax badan hoos uga dhacday halkii ay uga tageen afar sano ka hor.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka soo shee keeyey marxala dihii ay soo martay dowladnima da Soomaaliya ilaa Carta iyo han aanka federaalka ee Soomaaliya ay qaadatay markii lasoo dhisay dowladii uu hogaaminayey.

"Anigoo ah oday Soomaaliyeed, waxaan leey ahay dadkeyga Soomaaliyeed aan ka imaano wixii Dorraad nagu dhacay, aan u imaano tan Dorraad, si doo kale aan u diyaar garowno tan berri. Waxkas too dhacay waa lasoo dhaafay, soomana noqon kar aan ee dulqaata,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in kalsoo ni badan uu ku qabo in doorasha du ay ku dhici doonto waqtiga loo qabtay ee 45-ka cisho ah.

"Anigu waxaan qabaan in 275-ta xildhibaan la gu soo dhameystiri karo waqtigaas, waaba dooran yihiinaa la yiriye,” ayuu yiri.

Waxuu sheegay in madaxda dowlada federaal ka iyo dowlad goboleedyada aan laga ogolaa karin, in waqti iyo bilo kale ay ku darsadaan oo doorashad aan ay sii jiitanto.

"War aduunku waa nala hadlay, waxaan dhah naa dal xor ah ayaan nahay, laakiin tiirarkii xornim adu manoo dhan yihiin? hadii dhaqaalihii, amnigii iyo xukunkii Dorraad uu caalamku naga kaalmeyna yo, hadii naloo digo oo waqti naloo qabto ceeb maa ha,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sharaxay dhi baatooyinka Soomaaliya ka soo gaari kara hadii ay ka dhega adeygto digniinaha caalamiga ah ee ku aadan qabsoomidda doorasho xor ah.

"Dadka iyo madaxda Soomaaliyeed waan u di gayaa, war dalka yaan la gelin ciriiri ku celiya duruu fihii aan soo marnay, waxaan uga badbaadi karnaa doorashada oo la dedejiyo, kuma nagaa karno xaal adaan Dorraad aan ku jirno,” ayuu yiri Xasan Sh.

Madaxweyne Xasan ayaa tusaale u soo qaatay wadamo badan oo doorasho la diiday ama xuma atay ay meel xun geysay oo dunida inteeda kale ka haray.

Waxuu sheegay in ciidanka qaranka aysan gey san wax dhibaato ah, balse siyaasiyiinta, gaar ah aan madaxda federaalka iyo dowlad goboleedyada qaar ayuu u saariyey wixii dhib ahaa oo ciidanka qa ranka ay ka geysteen meelo kala duwan.

Ugu dambeyntii madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliy eed ugu baaqay inay isku dulqaataan oo si aqbal aan, si looga gudbo marxaladaan adag ee dalkeenu ku jiro.

Shirka xiriirinta Gurmadka Abaaraha Gobolka Banaadir oo Dorraad qabsoomay

Shirka ayaa waxaa guddoomiyay Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrim aha Bulshada iyo Wacyig elinta Marwo Basma Caa mir Axmed (Jakeeti), wax aana Dorraad warbixin loo gu dhageystay Guddiga Abaaraha Gobolka Banaa dir oo maalmihii ugu danbeeyay ku mashquulsanaa sidii xog dhameystiran ay ugu keeni lahaayeen isla markaana gargaar u gaarsiin lahaayeen dadka Abaaraha ay soo saa meeyeen kuwooda soo gaaray Gobolka Banaadir.

Guddiga Abaaraha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa isla qaatay in loo wada istaago Dowlad, Gana csato iyo Shacab sidii loogu gurman lahaa dadka ay Abaartu saameesay, isla markaana loo xaqiijiyo habsami u socodka iyo waxtarka howlaha Gurmad ka abaaraha ee ka socda Degmooyinka Gobolka Banaadir. Waxaana lagu baaqay in kulan Duco iyo Roob doon la qabto si eebe noogu dul qaado abaa raha ka jira guud ahaan dalka.

Jeneraal XUUD oo GO’AAN lama filaan ah ku dhowaaqay

General Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo si weyn uga soo horjeedo HirShabelle ayaa ku dhowa aqay inuu haatan diyaar u yahay inuu wada-hadal rasmi ah la galo maamulkaasi iyo sidoo kale dowlad da federaalka ah ee Soomaaliya.

Xuud oo ay hareero taagnaayeen taliyaha ciid amada Dhulka Gneraal Maxamed Tahliil Biixi iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya xaqa ka maqan reer Hiiraan ay ku raadinayaan qaab wada-hadal ah

"Dadow ha’isku sirmina ogaada in la dagaali karo, lana heshiin karo,” ayuu yiri Generaal Xuud.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray "Cid walbaa og waxa naga maqan in la helo isaga ayey dan ugu jirtaa, annagay noogu jirtaa, Soomaali ayey ugu jirtaa, insha allah xaqaas waan keeneynaa,”.

Dhankiisa taliyaha ciidamada Dhulka oo ka hadlay shirkan jaraa’id ayaa soo dhoweeyey go’aanka uu qaatay Xuud, si loo soo afjaro xiisadda bilihii lasoo dhaafay ka jirtay halkaasi.

Generaal Biixi oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday inuu Beledweyne u tegey sidii xal loogu helaa tabashada ay HirShabelle ka qabaan qaar ka mid ah bulshada reer Hiiraan.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan HirShabelle ay guda-galeyso doorashada Golaha Shacabka oo kuraas ka mid ah lagu qabanayo magaalada Beledweyne.

Si kastaba, xiisaddan ayaa sababtay in Beledweyne laga hor istaago madaxweyne Cali Guudlaawe oo aan weli booqan magaaladaasi, tan iyo markii loo doortay HirShabelle.

Saraakiil Iyo Mas’uuliyiin Kale Oo Gaar ay Degmada Qandala ee G/Bari

Taliyaha Qeybta Booliska gobalka bari G/sare C/qaadir Jaamac Dirir oo safar shaqo ujoogey Deg mada qandala ee gobalka Bari oo ay qeyb ka ahaye en xeer ilaaliyaha Maxkamada qalabka sida ee 5 gobal iyo Sarakiiil iskugu jira Darawiishta iyo PMPF iyo Booliska ayaa Dorraad gaaray degmada Qan adala.

Mas’uuliyiinta oo Dorraad subaxdii hore Booqo sho ku tagey Xarunta ku taala ciidanka PMPF ee Degmada Qandala ayaa u kuurgalay xaaladaha guud ee dagmada.

Si gaar ah Safarka Taliyaha iyo xubnaha kale ayaa daarna kormeerka xaalada amni ee degmada qandala,

Taliyaha Ayaa Ku dhirigaliyey Dhamaan saraki isha iyo ciidanka PMPF Shaqada wanagsan Ay uha yaan Bulshada wuxuuna kula dardaarmey in xooj

i yan lashaqeynta Bulshada Degmada qandala.

Guddiga doorashada Gobolada Waqooyi oo diiwaangeliyay guddiga xulaya ergada labo kursi

Guddiga maamulka Doorashada ee Kuraasta Labada Aqal ee Gobolada Waqooyi Soomaaliland ayaa diiwangeliyay guddiga soo xulista ergada ku ra asta tirsigoodu yahay HOP#257 iyo HOP#260. Ku raastaan oo kamid ah kuraas dhawaan la soo dhaaciyey in la qabanayo doorashadooda.

Sidoo kale Guddiga ay aa Dorraad diiwaan gali yey odayaasha dhaqanka ee soo xuleysaergada doo ra neysa kuraastan.

In la shaaciyo cidda soo xuleysa ergada kursi walba ka hor intaan la dooran ayaa kamid ahaa qod obaddi lagu soo saaray heshiiskii shirkii ugu damb eeyey ee golaha wadatashiga Qaran ee lagu jihey nayey doorashada golaha shacabka iyo hab-raac yadda doorashadda.

Cali Guudlaawe oo Saraakiisha Amray xoojinta Amniga Jowhar & Beledweyne

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabe elle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Dorraad shir gudo omiyay kulanka Amniga Maamulka Hirshabeelle, kaas oo ka qabsoomay Magalada Jowhar.

Shirka oo ay ka qeybgaleen Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3a ad qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, iyo sar aakiisha qeybta, Taliyaha Madaxtooyada, Taliyaha Nabada Sugida Hirshabeelle, saraakiil ka socotay taliska booliiska Hirshabeelle, saraakiisha qeybta guud ee Gobolka, iyo Agaasinka Madaxtooyada ay aa looga hadlay dardarg alinta amniga guud ee Hir shabeelle.

Loolanka kuraasta HOP147 iyo HOP138: Mahad Salaad, Cali Yare iyo CC Shakuur

Galmudug ayaa dhawaan sii deysay 21 Kursi oo ku hartay magaalada Dhuusamareeb, waxayna ka mid ahaayeen 26 Kursi oo Golaha Shacabka ah oo loo qorsheeyey in lagu doorto caasimadda Gal mudug.

5 Kursi oo hadda ka hor halkaas lagu doortay ayaa waxaa qaarkood laga keenay dood xoog leh oo xataa saameysay Dowladda Dhexe. Kuwa hadd a ay soo dhajisayna waxaa ku jira qaar si weyn loo hadal hayey waqti dheer, lana sugayey doorashad ooda.

Warbixintaan waxaa ku eegeynaa Labada Kursi ee laga leeyahay magaalada Guriceel ee HOPP#147 iyo HOPP#138 kuwaas oo xiiso weyn xambaarsan.

Kursiga HOPP#147 waxaa in muddo ah ku fa dhiyey Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, oo Shantii Sano ee lasoo dhaafay ahaa mucaarad aan is qarin, wuxuu talo iyo tabar ku darsaday dariiq wa lba oo lagu diidanaa nidaamka waqtiga ka dhamm aaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mahad oo kamid ah xubnaha xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Xasan Sh. Maxamuud ayaa wu xuu sanadkaan wajahaya loolan culus oo kursigiisa ah.

Hardanka ugu weyn wuxuu kaga imaanayaa Ninka dhallinyarada ah ee Cali Yare Cali oo hadda ku magacaaban guddoomiye ku xigeenka Amniga ee Gobolka Banaadir. Cali oo waqti dheer kamid ahaa taageerayaasha madaxweyne Farmaajo ayaa waqti dhow lagu soo daray nidaamka dowliga ah. Xilka guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir iyo fur sadda Ganacsi ee Jaadka laga keeno Itoobiya wa xay ka dhigan tahay inuu Cali Dhaqaale ahaan u diyaarsan yahay in uu tartamo sanadkaan.

Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaar iye Qoor Qoor oo kursigaan gacanta ku hayo uma badna inuu qof u boobi karo marka la eego foojign aanta iyo abaabulka reerka Kursiga iska leh.

Wax walba ayaa macquul ah haddii la isku dayo in Reerka Kursigaan iska leh xoog lagu dayo. Wa xay u badan tahay in kursigaan si toos ah loogu tart ami doono.

Qoor Qoor iyo Mahad Salaad waa isku dhawa ayeen wixii ka dambeeyey dagaalkii Ahlu Sunna loo ga saaray Magaalada Guriceel kaas oo Mahad uu Maamulka raacsanaa halka Cali Yare lagu eedeey ey inuu jiray dhanka Ahlu Sunna.

Waxaa Cali culeys ka dhigayo ballanta doorasho ee u dhaxeysa madaxweyne Farmaajo iyo hoggaamiy aha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Markii dhanka Federaalka la eego waxaa isku dhow Qoor Qoor iyo Cali Yare Cali, balse markii danta Galmudug la fiiriyo waxaa isku dhow Mahad Salaad iyo Qoor Qoor.

Xaaladahaas waxay iftiiminayaan in kursigaas uu xaalkiisa culus yahay. Ganacsatada waaweyn ee Reerka Kursigaan iska leh ayaa iyaguna waqti dheer talo ku lahaa kursigaan.

Waxaa la sheega inay Mahad Salaad taageers an yihiin, laakiin marka la eego xaaladda uu kursiga wajahayo sanadkaan waxay ku qasban yihiin inay ka shaqeeyaan in doorashadu noqoto mid furan oo loolanka Kursiga uusan isku badalin foodo.

Kursigaan waxaa sidoo kale raadinayo Siyaas iga Cabdi Nuure Siyaad, nin la taliye ka ah xafiiska Rooble oo lagu magacaabo Ashkir, wasiirka qorsh eynta Galmudug Cabdinaasir Geelle iyo xubno kale.

Doorashada kursigaan mar waxaa loo arkaa mid xiiso leh marka la eego shakhsiyadka ku loolamayo marna waxaa loo arkaa mid halisteeda leh haddii uu maamulka isku dayo inuu si qaldan u maareeyo.

Kursiga labaad ee isna xiisaha leh waa HOPP#138: Kursigaan waxaa Afartii Sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Ganacsade Saciid Nuur Gariish. Waxaa si weyn loo dhaleeceeyey matalaadiisii Afartii Sano ee lasoo dhaafay.

Kulamo reerka Kursigaan iska leh ay ku qabt een M/Muqdisho waxay ku iclaamiyeen baahida is badalka. Dadka Kursigaan u sharaxan waxaa ugu horreeyo hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdira xmaan Cabdishakuur Warsame kaas oo 5-tii Sano ee la soo dhaafay ahaa mucaaradka ugu weyn ee ka soo horjeeday hab-maamulkii Farmaajo.

Warsame oo mar la isku dayey in la khaarijiyo markii gurigiisa lagu weeraray waxaa la sheegay in Reerka go’aansadeen in Kursiga isaga la siiyo. Ha se yeeshe sidaas oo ay tahay weli nidaamka mada xweyne Farmaajo waxaa lagu eedeenayaa inay beegsanayaan Cabdiraxmaan oo ay musharixiin ka le lacag soo siiyeen si ay kursiga ugu qabsadaan.

Sidoo kale, Qoor Qoor ayaa la sheegay inay Villa Somalia ku cadaadineyso inuu sameeyo dari iq walba oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur lagu dhaa fin karo Kursigaan, balse arrinta aan la dhaafi karin waa inaan Kursigaan loo sameyn karin Ergo been ah oo aan la boobi karin, sidoo kalana ay adag tah ay in Reerka lagu qanciyo inay kursiga u diidaan Cabdiraxmaan oo ay ogyihiin wixii dhibaato iyo is hor istaag lagu sameeyey Shantii Sano ee lasoo dhaafay.

Kursigaan wuxuu ku jiraa Kuraasta dabka ku ah Qoor Qoor ee dhallin kara xiisadaha Amni haddii la isku dayo in la boobo.

Inkastoo la sheegay in reerka isku raaceen in kur sigaan la siiyo Cabdiraxmaan, haddana musharixiin ta kale ee kursigaan raadinayo waxaa kamid ah Yu usuf Maxamed Siyaad Indhacadde, Nin wasiir ka ah Koonfur Galbeed iyo xildhibaanka hadda ku fadhiya Kursiga Saciid Nuur Gariish.

By:-Abdullahi Osman Faarah

Xigasho:Caasimadda.Net

Faysal Cali Waraabe: "Waxaanu u arag naa go'aanka maxkamadu gaadhay in uu guul u yahahay qaranka Somaliland"

Guddoomiyaha xisbiga mucaarad ka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa soo dhaweeyay xukun ka ay maxkamadu kasoo saartay khilaafkii xeerka furista ururrada siyaasada Somaliland.

Faysal oo aad uga soo horjeeday xeer Lr 14/21 oo ahaa qaybta wax ka badalka iyo kaabista ay ku sameeyeen golihii wakiilada ee hore, ayaa u sac aba tumay in maxkamadu ay laasho 14/21 isla mark aana dhaqan galiso xeer 14/11 oo horay layskula waafaqsanaa.

"Waxaanu u aragnaa go'aanka maxkamadu Dorraad gaadhay in ay guul u tah ay qaranka Somaliland, mar had ay laashay oo ay waxba kama jira an ka dhigtay, xeerkii la mul mulaaqay ee khatarta ku ahaa Somaliland, oo ay kusoo noqotay kii ahaa 2011, ka asi oo si qayaxan xuquuqda axsaabta u siinaya lay skuna raacsanaa oo marna la isticmaalay" ayuu yi dhi Faysal.

Faysal ayaa sheegay in xisbi ahaan ay u diyaar garoobayaan, doorashadii madaxtooyada Somali land.

"Marka waa guul insha allah, doorashadii mada xtooyada ayaanu u diyaar garoobayna, doorashada kalena madaxwaynaha soobaxa ayay u taalaa" ayuu yidhi Faysal.

Maxkamada dastuuriga ah ayaa laashay xeer ka furista ururrada siyaasada qaybta wax ka badal ka ay ku sameeyeen golihii wakiilada ee hore ee xeer Lr 14/21, oo ahaa xeerka muranka siyaasiga ah abuuray, waxayna maxkamadu dhaqan galisay xeer Lr 14/11 oo horay layskugu waafaqsanaa.

Go'aanka maxkamadda ayaa ka farxiyay dhama an qaybihii xeerka ku muransanaa ee mucaaradka iyo muxaafadka.

Guddiga Doorashada Maamulka Jubbal and oo shaaciyay doorashada 13 kursi oo ka mid Golaha Shacabka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka maamulka goboleedka Jubbaland ayaa shaaciyay liiska 13 ku rsi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Guddiga dorashada Jubbal and ayaa horay waxay u shaaciyeen dooraahada 14 kursi oo 6 ka mid ah horay u qabteen, waxaana ma amulka Jubbaland uu noqonaya maamulkii shanaad ee ku dhawaaaqa doorashada kuraas cusub tan iyo waxii ka dambeeyay shirkii Muqdisho ugu soo dham aaday madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

Doorashada kuraasta Golaha Shacabka ayaa haatan u muuqaneysa mid ay si weyn u dardargeli nayaan maamul goboleedyada dalka, maadama la doonayo in 40 maalin gudahooda in lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka.

Hoos ka akhriso liiska 13-ka kursi ee Jubbaland shaacisay.


Maamulka Dhuusamareeb oo Amaro kusoo rogay Musharrixiinta Golaha Shacabka

Maamulka magaalada Dhuusamareeb ee Caa simada dowlad Goboleedka Galmudug ayaa digni ino ku aadan sugida amniga Caasimada soo saaray.

Gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada maagalada Dhuusa mareeb Cabdi Xaashi Arole ayaa soo saaray amaradan kadhanka ah dadka ganacsatada ah ee leh guryaha la kiraysto, musharixiinta imaanaya Caas ima da,iyo sida loo sugayo guud ahaan amniga Dhuusamareeb.

Waxaa uu sheegay in looga baahan yahay musha rrixiinta in ka hor inta aysan imaan dhuusamareeba soo xiriiraan Maamulka Caasimaddasi loogu di yaariyo waxyaabaha ay u baahan yihiin, sida Guri ay degaan amnigooda iyo soo dhaweyn intaba.

Amarkaan kasoo baxay Maamulka Magaalada Dhu usamareeb ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan la filayo in halkaasi lagu qabto doorashada Xildhibaa nnada Golaha Shacabka.

Xisbiga Kulmiye oo caddeeyay mawqif kiisa ku aadan go'aanka Maxkamada Sare ee Somaliland

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga Kul miye wasiir Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shee gay in xisbiga Kulmiye uu si buuxda u aqbalay go'a anka Maxkamada Sare ee Somaliland, kasoo saar tay xeerka furista ururrada siyaasada ee muranka dhaliyay.

Wasiir Kaahin oo war aysi siiyay idaacada BBC Somali, ayaa sheegay in ay markii horena kalsooni ku qabeen maxkamada imikana ay si buuxda u aqbalayaan.

"Maxamadu qaraarka ay soo saartay xisbiga Kulmiye wuu taageerayaa, marka horena kalsooni ayuu kaga dhur sugayay, sidaa darteed wuu ku qasbanyahay in uu teegeero waa hay'adi qaanuu niga ahayd ee dalka, hadii aanu diidno sharciga qaranka dibada ayaanu ka ahaa nayna" ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Wasiirka oo la waydiiyay hadii xukunka maxk amadu ka farxiyay xisbigiisa iyo hadii go'aanka max kamadu uu ka horyimiid rabitaanka xisbiga Kulmiye, ayaa sheegay in go'aanka maxkamadu aanu la xi dhiidhin rabitaan cid gaar ah.

"Ninkii ina sanwayne la odhan jiray ayaa waxaa laga xigtay, gari walaal ma taqaano, sida darteed maxkamadda waxa loo dhiibo wixii aad adigu doonaysay iyo wixii aad diidaysay midna kuma xidhnee, waxay ku xidhantahay qaraarka maxkam adda" ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Waxa uu sheegay in doorasho walba wakhtigeeda ku qabsoomayso, oo ay diyaar u yihiin in doorashada madaxyooy aduna wakhtigeeda ku dhacdo.

 

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Bari oo Isimada kala hadlay Arrinta Boosaaso

Waxaa Dorraad Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari kulan ku yeeshay Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Bari uu dhawaan u Magacaabay Madaxweynaha Puntland ee Cabdirisaaq Cali Yare Shahdoon & Isimada Gobolka Bari.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii wadajir looga sha qayn lahaa amniga Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari iyo meelmarinta Qodobadii ay soo saareen Isimada ee la xiriiray Arrimaha Amniga & dejinta xiisadii ka dha latay khilaafka Xukuumadda Puntland & Taliska Hay’adda PSF.

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Bari Cabdir isaaq Cali Yare Shahdoon ayaa uga mahad celiyay Isimada Gobolka sida ay uga Shaqeeyeen sidii Bul shada Reer Boosaaso ugu noolaan lahaayeen Amni iyo doorkii weeynaa oo ay ka qaateen joojinta dagaalkii Xukuumadda & Ciidamada PSF.Isimada ayaa dhankooda waxaa ay ugu baaween Guddoo miyaha Gobolka Bari in uu ka qeyb qaato isku soo dhaweynta Bulshada Gobolka iyo dhaqan gelinta go’aanadii ay soo saareen Isimada walow Xukuum adda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni weli ka hadlin go’aanaddaas.

Xaaladda Magaalada Boosaaso ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay aheys mid degan, waxaana Boosaasi ay kamid tahay Goobaha loo asteeyay in ay ka dhacaan doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Al-Shabaab oo gudaha u gashay dalka Kenya, kadibna weerar ku dishay dhowr qof

Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in markale xoogaga Al-Shabaab ay weerar ka geyst een qaybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dal kaasi, gaar ahaan deegaan u dhow xadka ay wada agaaan Soomaaliya iyo Kenya.

Xoogaga weerarka fuliyey ayaa la sheegay inay gudaha u galeen deegaanka Banisa oo hoostaga magaalada Mandera, waxayna halkaas ku dileen dhowr qof.

Sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah wa xaa weerarkan lagu khaarijiyey ugu yaraan laba qof, halka uu ku dhaawacmay mid kale oo ka mid ah dadka deegaanka.

Dadka lagu dilay weerarka ayaa la sheegay inay dagaalyahanada weerarka qaaday ugu tageen gur yahooda, kadibna ay ku dileen halkaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo ba xay saraakiisha laamaha ammaanka Kenya oo la xiriira weerarkaas khasaaraha dhaliyey.

Kenya muddooyinkii lasoo dhaafay waxay kordhi say ciidamada ku sugan xadka labada dal, haddana weerarada ayaa ah kuwa sii socda.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa kooxda Al-Shabaab ay xoojisay weerarada ay ka ful iso gudaha waddanka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Dowladda UK Oo Soomaaliya Ugu Deeqday Malaayiin Doollar

Dowladda UK ayaa Soomaaliya ugu deeqday in ka badan10 milyan oo dollar oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka abaaraha same eyeen.

Wasiirka arrimaha Afrika ee UK Vicky Ford ayaa Dorraad ku dhawaaqday in 10.7 milyan oo dollar ay ugu talag aleen dadka Soomaaliyeed, lacagtan ayaa qeyb ka ah 22 milyan oo dollar oo dowladda UK ugu dee qday dalalka; Soomaaliya, Ethiopia, Kenya iyo Suu daanta Koofureed oo abaaro ba’an ka jiraan xilligan.

War saxaafadeed ka soo baxay safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ku dhowaad 500,000 oo qof oo Soomaali ah u baahan yihiin in la ga caawiyo helitaanka biyaha iyo cuntada si naf tooda loo badbaadiyo isla markaana loo yareeyo khatarta macluusha ka dhalan karta abaarta.

Go’aankan doweladda UK ayaa yimid xilli was iirka Afrika ay safar ku marayso dalka Kenya safar kaas oo qeyb ka ah socdaal ay ku marayso sadex dal oo ku yaala Afrikada bari.

Lacagtan ayay dowladda UK ku sheegtay in qoy saska abaaraha saameeyeen la siin doono si ay u gu iibsadaan cuntada iyo waxyaabaha kale oo ay u baahan yihiin.

Midowga Yurub oo eedeyn u jeediyay DF kana walaacsan go’aankii ay qaadatay

Midowga Yurub ayaa walaac xoogan ka muuji yay mustaqbalka howl-gallada ka dhanka ah burc ad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya, ka dib go’a ankii ay dowladda federaalka ku gaartay in la soo gabe-gebeeyo Howl-galadan ayaa waxaa ka mid ah howl-galka Atalanta, oo sidoo kale loo yaqaan EU NAVFOR Soomaaliya, Ciidanka Wadajirka ah ee Geeska Afrika ee uu hoggaamiyo Maraykanku, iyo Hawlgalka NATO ee Badweynta Shield.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa December 2021 saddex bil oo ku eg March 2022 ku kordhiyay howl-galka la dagaalanka Bur cad Badeeda Soomaalida oo socday sanadihii la soo dhaafay si loo soo afjaro weerarada qafaalka Maraakiibka Ganacsiga iyo kuwa Dalxiiska oo kooxahaan ay ka heleen dhaqaale badan.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa waxay qab aan in saddexda bilood ee la kordhiyey aanay ku fil nayn xasilloonida gobolka, ayaga oo dowladda fed eraalka Soomaaliya ku eedeyay inaysan ka go’neyn sii wadida howl-galada caalamiga ah ee ciidamada badda.

Sidoo kale waxay ku doodayaan haddii la kor dhin waajibaadka howl-galka ilaalada badda Sooma aliya ay wiiqi doonto awoodda EU NAVFOR ee ha wlaha la dagaallanka burcad-badeedda ee gobolka.

Waxaa la rumeysan yahay in soo gaabinta howl-galka ka dhanka ah burcad-badeedda ay ka dambeyso kadib markii ay hoos u dhaceen weer arada burcad-badeeda Soomaalida.

Mudada kooban ee lagu daray ayaa lagu mac neeyay inay tahay mid lagu qiimeynayo xaaladda Soomaaliya oo ku xiran ilaalinta dhanka Bariga oo Burcaddu kasoo abaabusho qorshaha qafaalka Mar aakiibta, taasi oo uu ka horyimid Midowga Yurub.

Si kastaba, Midowga Yurub ayaa ku doodaya in muda kordhinta loo sameeyay howl-galka aysan ku filneyn xasiloonida gobolka, inkasta oo la warinayo inay hoos u dhaceen weerarada burcad-badeeda Soomaalida.

Taliska Ciidanka xoogga oo sheegay inay dileen Xubno katirsan Al-Shabaab

Ciidamada Qalabka sida gaar ahaan Qeybta 27aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay inta u dhaxaysa De egaanka Far-libaax iyo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Howlgalka oo ay hoggaaminayeen Taliyaha qeybta 27aad, Taliyaha Booliska Hir-Shabaeelle & Guddoomiyaha Gobol ka Hiiraan ayaa Saraakii sha hoggaamineysay wa xaa ay sheegeen inay howlgalka ku dileen 8 ka mid ah Ururka Al-Shabaab oo ku sugnaa degaannada howlgalka laga sameeyay.

Intii uu howlgalka socday ayaa waxaa dagaal uu dhexmaray Ciidamada xoogga dalka Soomaal iya & Al-Shabaab, kaas oo geystay khasaaeo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Axmed Maxamed Ca laaow Dareedisho ayaa sheegay inay Ciidanka dag aalka ku dileen 8 kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab tiro kalena ay ka dhaawaceen, halka Ci idanka uu ka geeriyooday Saddex askarina ay ka dhaawacmeen.Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku dar ay taliyaha in Ciidamada ay sii wadi doonaan how lgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta laga saarayo inta u dhaxeeysa degaanka Farlibaax iyo Magaalada Beledweyne.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada xo ogga dalka qeybta 27aad waxaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka sameeynayeen degaano hoos taga Magaalada Beledweyne, iyaga oo howlgal kooda kula wareegay degaano dhowr ah.


Baarlamaanka UK oo ka doodaya in Somaliland loo aqoonsado dal – Goorma?

Baarlamaanka UK ayaa Talaadada beri ah lagu wadaa in muddo kooban uu dhageysto do od ku saabsan madax-banaannida Soma liland, taas oo uu usoo gudbin doono xildhib aan Gavin Williamson oo laga soo doorto Koo nfurta Staffordshire.

Doodda oo ah mid uu mudanaha ku soo ga bagabeyn doono fadhiga maalinta beri ah aya an la fileyn in wax go’aan ah uu ka gaaro baar laamka.

Ma’aha markii ugu horreysay ee baarlama anka UK uu dhageysto dood ku aaddan aqoo nsiga Somaliland oo sheegtay in 1991 ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Bishii December 2019, illaa 11 xildhibaan oo u badan xisbiga Labour-ka ayaa gudbiyay mooshin ah in baarlamaanka UK uu aqoons ado Somaliland, maadaama ay ahayd "maxmi yad ay Britain xukumi jirtay”.

Mid kamid ah xildhibannadaas ayaa markii dambe ka noqday mooshinka.

Sidoo kale golaha deegaanka ee magaalooyin ka Cardiff, Sheffield iyo Birmingham ayaa hor ay u shaaciyay inay aqoosan yihiin "madax-ba naanida” Somaliland, walow taasi aysan wax badan soo kordhin.

Go’aanka dowladda UK

Xukuumadda Britain ma aqoonsano gooni isu taagga Somaliland, sida ay marar badan sheegtay.

Vicky Ford, oo ah wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Afrika ayaa bishii November 2021 sheegtay in UK ay Somaliland aqoonsan doon to oo keliya marka ay go’aan noocaas ah gaar aan Somaliya &dalalka kale ee Afrikaanka ah.

Wadahadallo u dhexeeyay Muqdisho iyo Hargeysa oo looga arrinsan lahaa arrinta Som aliland ayaa dhowr jeer dhacay, in kastoo aan ay wax weyn soo kordhin.

Ma jiro dal ka tirsan caalamka oo sodonkii sano ee la soo dhaafay waddan madax banna an u aqoonsaday Somaliland.

Dowladaha Australia & New Zealand oo Diy aarado dagaal u diray dalka Tonga

Diyaaradaha dagaalka ee Australia iyo New Zealand ayaa loo diray dalka jasiiradaha ka kooban ee Tonga, si ay u soo sahmiyaan khaasaraha ka dhashay volcanaha iyo tsuna mi-da halkaa ku dhuftay Sabitidii.

Waxaa hadda dib u soo noqday qeyb ka mid ah isgaarsiinta dalkaas. Wararka la helayo ayaa sheegaya in mar kale uu jasiiradahaas ka qarxay volcano horleh.

Ra’iisul wasaaraha New Zealand Jacinda Ard ern ayaa sheegtay in sunaamida ay "wax yeello wayn” gaysatay, doonyo ay xeebaha ku soo caarisay sidoo kalana ay aastay dukaa madii ku yaal xeebta. Xogta laga helayo To nga ayaa aad u yar hasayeeshee illaa had da wax dhimasho ah lama soo tebin.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Tonga ay u egtahay "sida sawirrada laga soo qaado day axa” kaddib markii uu ku dul habsaday damb as badan oo ka soo baxay foolkaanada.

Weerar sababy dhimasho iyo dhaawac bad an oo Dorraad lagu qaaday ABU DHABI

Qaraxyo ka dhashay diyaarado drone ah ayaa Dorraad ka dhacay magaalada Abu Dhabi, ayada oo Xuutiyiinta dalka Yemen ay ku dhowaaqeen "howlgallo militari” oo ay ka fuliyeen dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

"Walxyo yar oo duula” ayaa la

Helay ayada oo saddex booyado shidaal ka qaada ah ay ku qarxeen aag warsha do, sidoo kalena dab uu ka kacay garoon ka diyaara daha, sida ay sheegeen booliska.

Saddex qof ayaa ku geeriyootay, lix kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyada, sida ay sheegeen booliska. Dadka dhintay ayaa laba qof waxay u dhasheen dalka India, halka qof kalena uu kasoo jeedo Pakistan.

"Baaritaano horudhac ah ayaa tilmaamaya in walxaha yar ee la arkay ay ka yimaadeen diyaarado drone ah, kuwaas oo ku kala dha cay laba goob ayna suurta-gal tahay inay sab abeen qarax iyo dab,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay booliska.

Dhinaca kale, Xuutiyiinta ayaa sheegay inay faah-faahin ka bixin doonaan howlgal milit ari oo ay sheegeen inay ka fuliyeen Imaara adka Carabta, taasi oo ka dhiggan inuu kasii daray dagaalka toddobada sano ka socda Yemen.

"Ciidamada xoogga waxay ku dhowaaqe en inay saacadaha soo socda faah-faahin doo naan howlgallo ka dhacay Imaaraadka,” wax aa sidaas barta twitter-ka kusoo qoray afhaye enka militariga Xuutiyiinta Yahya Saree.

Imaaraadka Carabta ayaa aad u yareeyey joogitaankooda militari ee dalka Yemen 2019-kii, xilli la isku mari waayey dagaalka ayna sa re u kacday xiisadda gobolka iyo Iran, hase yeeshee waxay saameyn ku leeyihiin ciidamada hubeysan ee Yemen oo ay tababareen.

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaal cusub

Kuuriyada Waqooyi ayaa gantaal ku ridday badda Japan, waana markii afaraad oo ay tijaa badasi sameyso bishan.Cutubyo ka tirsan mil itariga Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa ogaaday gantaalka laga soo riday xeebaha bari ee Kuuriyada Waqooyi.

Ilaa hadda lama oga nooca hubka ay tijaa bisay Kuuriyada waqooyi.Horaantii bishaan Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ay ku guuleysatay tijaabada labo gantaal oo ah nooca loo yaqaan ‘hypersonic.

Sheegashadaas ayaa muran laga keenay isl amarkaana madaxweyne Biden ayaa cunaqa batayn dheeri ah ku soo rogay Pyongyang.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in tijaabi nta gantaallada ay qayb ka tahay xuquuqde eda dhanka madaxbannaanida ee ay u leedah ay in ay is-difaacdo.

Dowladda Japan ayaa sidoo kale ka war heshay tijaabada gantaalkani , iyadoo xoghay aha guud ee golaha wasiirada Hirokazu Mats uno uu cambaareeyay kuna tilmaamay mid khatar ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka.

Ciidamada Dalka Suudaan oo Dilay Dad shacab Ah oo banaanbaxyo Dhigayay.

Ciidamada ammaanka ee dalka Suud aan ayaa toogasho ku dilay 7 qof, tiro kalena dhaawacay markii ay rasaas nool-nool u adee gsadeen dibed baxayaal si nabad ah u dhig ayay mudaharaad ay kaga soo horjeedaan af ge mbigii ay sanad ka hor sameeyeen Cii danka Millateriga, sida ay warbaahinta u shee geen qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha isbeddel doonka dalkaasi.

Hoggaamiyayaasha isbeddel doonka ayaa sidoo kale sheegay in kumanaan qof oo isugu soo baxay afaafka hore ee madaxtooy ada dalka Suudaan lagu kala eryay rasaas iyo gaaska dadka kaga ilmeysiiya.

Tan iyo markii uu is casilay Ra’iisul wasaar ihii dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk horraan tii bishan waxaa isa soo tarayay dibed baxy ada lagaga soo horjeeda millateriga talada qabsaday ee uu hoggaamiyo Janaraal, Cabdul casiis Al-burhaan.

Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug oo tababar u soo xiray Ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, Tababar ugu soo xiray Degmada ciidan Cusub oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Galmudug.

Munaasabadan lagu soo bandhigayay Ciida nkaan soo dhamaystay Tababarka ayaa xalay lagu qabtay Madaxtooyada Cabudwaaq wax aa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Goleya asha Dowladda Galmudug, Saraakiil, Maamul ka Degmadda. Iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada Caabudwaaq.

Ciidamada ayaa soo bandhigay xeeladihii iyo xirfadihii ay tababarka ku soo qaateen taasoo si wayn u loogu riyaaqay.

Soo bandhigista Ciidamadaan tabobarka loo soo xiray ayaa kusoo aadeyso xili Dega ano badan oo ka tirsan Galmudug ay gacanta ku hayaan Al-shabaab sidoo kalana weeraro ka geeystaan degaano u dhaw M/galmudug ee dhuusamareeb.

 



ALSHABAAB IYO TABAHA CUSUB EE AY LA SOO WEERAR

 TAGEEN


 


QARIXII LAGU DHAAWACAY MACALIMU

Waqtiyadii ugu dambeeyay waxaa soo kordha yay weerrarada ay fuliyaaan dadka isku soo rakiba jaakadaha laga soo buuxiyay walxaha qarxa ee fuliya weerrarada Al-Shabaab.

Waxaa ugu dam bee yayweerrarkii Dorraad uu qof isqa rxi yay ku qaaday afhaye enka xukuumadda fe deraa lka ee Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Mucalimuu, weerrarkaas oo la doonayay in mas'uulkaas lagu khaarajiyo.

Mucalimuu ayaa waxaa soo gaaray dhaawac loo dhigay isbitaal ku yaal magaalada Muqdisho, iya doo goordhaw lagu qaaday diyaarad gaar ah oo ka qaadday magaalada Muqdisho si dibadda lo ogu soo dabiibo.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyad da weerrarka.

Maxaa Shabaab ku kalifay inay isticmaalaan taaktikadan cusub?

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa yaraaday gawaarida laga soo buuxiyo walxaha qarxa ee lagu weerrari jiray dhismooyinka dowladda iyo hoteell ada magaalada Muqdisho ee ay bartilmaameedsan jireen ururka Al-Shabaab.

Khubadara ku xeelka dheer arrimaha ammaan ka ayaa ku doodaya inay suuragal tahay in Shaba ab ay dhowr arrimood ku dhalisay inay si wayn u ad eegsadaan dadka ay ku soo xiraan jaakadaha si ay weerraro u fuliyaan.

Haddaba Xuseen Macalim, waa madaxa Mac-hadka Hiraal ee ammaanka ka faallooda ee M/Muq disho, ayaa sababta badashada weerrarada qofka isqarxinta ku tilmaamay: "Arrintan shakhsiyaadka la beegsanayo ee qofka isku soo xirayo bambadana da waxay aheyd midda hadda ugu sahlan oo ay isle eyihiin waad ku dhaawici kartaan xubno muhiim ah oo dowladda ah iyo dad ay shacabku xanuun ka dar eemaayaan haddii wax loo gaysto".

Xuseen waxa uu intaasi ku daray in "Shabaab dagaalkooda marwalba meesha ay ku xooggan yi hiin ayey taktikadooda ku badiyaan oo marba tabtii u shaqaynaysa oo ay ka arkaan ducfiga xagga dow ladda ayey xoogga saaraan."

MAXAA BADALAY TAAKTIKADII HORE EE SHABAAB?

Ciidammada dowladda ayaa ku doodaya inay mi ddaasi ku timid deegaannadii ay Shabaabka weerr aradaas ka soo abaabuli jireen oo weerraro lagu ekeeyay, deegaanno muhiim ah oo laga saaray iyo buundooyin ay gawaarida soo marsiin jireen oo la ja ray, taasina waxa ay keentay in markasta oo Alshab aab ay masaafo ahaan laga fogeeyo caasimadda ay sii yaraadaan qaraxyada ay soo maleegaan.

Dhanka kale waxaa la xiray waddooyin badan oo ku yaal magaalada Muqdisho halkaas oo ay soo mari jireen baabuurta qaraxa sidda, halka koonta roollo la dhigay waddooyinka laga soo galo magaal ada, walow taas aanay gebi ahaanba hor istaagin qarxayadii.

Macallimuu iyo sida dirqiga ah ee uu uga badba aday afar weerar oo hore Cabdicasiis Afrika iyo waa yihiisii barnaamijka Gungaar Wax ka ogow dhall inyaradii ku dhimatay qaraxii Habeen hore ka dhacay mag aalada Muqdisho Hasayeeshee dadka ku xeelka dheer arrimaha ammaanka ee gobolka ayaa sheeg aya inay jiraan taktiikis badan oo ay isticmaalaan, sida miinooyinka dhulka ay galiyaan, kuwa booda oo waayadan dambe gawaarida ku tuuran, bamboo inka gacanta laga tuuro, bistoolado dadka lagu kha arajiyo, iyo gawaarida qaraxa laga soo buuxiyo, hoteellada iyo goobaha dowladda oo ay galaan.

"Intaas oo tab ayey haystaan, oo marba midda lagu adkeeyo ma ahanee midda kale ayey u badal aan marka waxaan isleeyahay kuwii kale ayaa u shaqayn waayay," ayuu yiri Xuseen Macallim. "Baabuurta laga soo buuxiyo walxaha qarxa howsh oodu aad bay u fara badan tahay, laakiin qofka iyo jaakadda loo soo galinaayo dad aad u yar iyo waqti kooban ayaa lagu sameeyaa, dabcan dad waxaa jira u diyaarsan inay isdilaan, halka bambada diyaar inteeda aanay waqti badan qaadanayn. Halka qofka baltilmaameedkana ay waqti qaadato in la helo jadwalkiisa.

QORSHAHA DADKA JAAKADAHA WATA

Xuseen Macallin ayaa ku doodayaa inuu jiro liis ay Shabaabka ugu qoran yihiin dadka sarsare ee dowladda ku jira, iyadoo dhanka kale ay jiraan dad u qaabilsan Shabaab in muddada ciidammadooda ay tababarka siinayaan inay soo xulaan, qoraan oo ay tababar gaar ah siiyaan dadka jaakadaha lagu rakibo ee isqarxiya.

"Tababaro ayey siiyaan oo qofka isqarxinaya qalbigiisa ayaa la jilciyaa, kaddibna howlgal ayaa loo diyaariyaa, oo waxaa suuragal ah in meelo gaar ah lagu xanaaneeyo si uusan dad kale ula kulmin oo uusan u dhexgelin" ayuu yiri Xuseen.

"Marwalba way jireen dad jaakado wata laakiin xilliyada ayey kala duwaan oo markii ay ka arkaan inay il u furan tahay, ama jaakadaha ayey tiro ku fil an u helaan, marna dadkii isqarxin lahaa ayey hel aan… Marna way ku adkaataa oo dowladdaa xoog saarta ama wixii ay u baahnaayeen ayaa ka kala go'a." ayuu yiri Xuseen Macallim.

Taxadarka weerrarada noocan oo kale ah Khu barada ammaanka ayaa ku doodaya in hay'adaha amniga ee Soomaaliya ay shaqadooda tahay inay bixiyaan talooyinka ku saabsan weerrarada isqarxi nta ah ee lagu beegsado madaxda dowladda iyo shacabka guudba.

Hasayeeshee si gaar ah waxa uu Xuseen Ma callin oo hore u soo noqday lataliyaha madaxweyna ha ee amniga qaranka ayaa sheegaya in dadka is leh inay bartilmaameed noqon karaan inay iska ilaa liyaan dhowr arrimood.

"Inay iska ilaaliyaan jadwal deggan oo inta loo fiir sado qofka lagu ogaan karo xilliyada uu baxo iyo meelaha uu tagaba, in qofku haddii uu awoodo inuu samaysto gawaarida aan xabbada karin ama ciidan isaga ka ilaaliyo inuu qof ku soo ordo iyo wax la mid ah," ayuu yiri Xuseen Macallim.

Hasayeeshee dadweynaha ayuu sheegay in in taas ka dayacan yihiin balse ay tahay shaqada dow ladda inay ilaaliso shacabka iyo madaxdaba.

"Shabaab difaac kaliya kuma filna, balse qaab ka kale ee loogaga hortagi karo ayaa in ah la wiiqo awoodooda iyo in ay dowladda ka shaqeyso sidii ay Shabaab awood ugu waayi lahaayeen inay diyaari yaan dilalka noocaas ah." ayuu yiri Xuseen Macal lim madaxa Mac-hadka Hiraal ee ammaanka ka faalooda ee magaalada

Dadka caanka ah ee isqarxinta lagu bartilmaam eedsaday

Sanadihii la soo dhaafay waxaa waddanka Soo maaliya ka dhacayay qaraxyo intooda badan loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Hasayeeshee waxaa jira kuwo ay fuliyeen dad is ku soo rakibay jaakado laga soo buuxiyay walxa ha qarxa oo bartilmaameedsaday dad caan ah ama goobo ay dad badan ku sugnaayeen.

Waa kuwan qaar ka mid ah weerraraii ugu damb eeyay ee ay fuliyeen dadka isku xira jaakadaha la ga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo dadkii ku waxye eloo bayba

.WEERARKII LAGU QAADAY MUCALIMUU

XIGASHADA SAWIRKA,OPM SOMALIA Qoraalka sawirka, Ra'iisul Wasaare Rooble oo booqday Maxamed Ibraahim Mucalimuu Afhayeenka xukuumadda fed eraalka ee Soomaali ya, Maxamed Ibraahim Mucalimuu, ayaa ku dhaawacmay qarax lala beeg saday gaarigiisa maalintii Axaddii. Mucalimuu ayaa daaweyn loogu qaadayaa dalka dibaddiisa gaar ahaan dalka Turkiga, sida uu xafii ska R/wasaaraha Somaliya ugu xaqiijiyay BBC.

Dhanka kale raysal wasa are Rooble ayaa Habeen hore Isbitaalka Digfeer ku booqd ay Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo la sheegay in haatan ay xaaladiisu soo hagaageyso.

Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa afar goor oo hore ka badbaaday qaraxyo iyo weerarro ka dha cay goobo uu ku sugnaa oo ku yaalla M/Muqdisho.

WERIYE CABDICASII AFRIKA OO QARAX LAGU DILAY

Weriye Cabdicasiis Maxamuud Guuleed 20 Nov 2021, ayaa Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika isku qarxiyay qof isku soo raray walx aha, xilli fiidkii habeenkaasi uu watay gaarigiisa.

Cab dicasiis Afrika oo ahaa wer iye muddo dheer ka shaqaynayay Soomaaliya, ayaa sidoo kale ahaa madaxa raadiyaha dawladda ee Radio Muqdisho.

Wuxuu caan ku ahaa barnaamij la magacbaxayGUN-GAAR kaas oo uu ku wareysan jiray xubnaha ka soo goosta Alshabaab ama ciidamadu hawlgal ku soo qabtaan, halkaas oo ay ku bixin jireen xogo xasaasi ah.

Masuuliyadda weerarka lagu dilay alle ha u na xariistee weriye Cabdicasiis Maxamuud Guuleed oo loo yaqaanay Cabdicasiis Afrika ayaa waxaa shee gatay Al Shabaab.

Sida lagu baahiyay warbaahinada ay maamula an Al-Shabaab waxay muddo dheer ku raadjoogeen wariye Cabdi Casiis.

DHALINYARADII LAGU LAAYAY QARAXII MAKHAAYADDA MUQDISHO

 

Dhalinyaro qarax lagu dilay 27-kii bishii Nofeemb ar 2020, ayey aheyd markii dhalinyaro ku qaxway naysay maqaayadda Gelato Devino ee magaalada Muqdisho uu qof jaakad walxaha qarxa laga soo bu uxiyay uu isku qarxiyay, iyadoo dadkii qaraxaasi ku dhintay maalintii xigtay lagu aasay xabaalaha isbita alka xoogga ee magaalada Muqdisho.

Waxaa dhawaqa qaraxaasi si weyn looga maq lay xaafadaha magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir.

Qaraxaas ayaa waxaa dadka ku dhintay u bad an dhallinyaro qaarkood u shaqeynayay dowladda fedaraalka ee Soomaaliya.

GUDDOOMIYIHII RUGTA GANACSIGA JUBALAND OO QARAX LAGU DILAY

Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Juba land, Shaafi Raabi Kaahin. 11-kii Sibteembar 2020, ayey aheyd mar kii qof soo xirtay jaakad laga soo buux iyay walxaha qarxa uu isku qarxi yay guddo omiyihii Rugta Ganacs iga Jubaland, Shaafi Raabi Kaa hin.

Shaafi ayaa markii dambe u geeriyoo day dhaawac ka soo ga aray qaraxaasi lagula beegsaday magaalada Kismaayo, xilli uu Shaafi Raabi ka soo baxay mas aajid uu ku tukana yay salaadda Jimcaha .Wax aa la soo tabiyay inay jir aan dhimasho iyo dhaaw acyo kale, waxaana xillig aas qaraxa iyo geerida Shaafi Raali ka tacsiyeeyay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

XIGASHO:BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip