Midowga Afrika oo taageeray go'aannadii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaran

0
Friday January 14, 2022 - 13:42:49 in Wararka by
  • Visits: 195
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Afrika oo taageeray go'aannadii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaran

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa soo dhoweeyay shir-madaxeedka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan heshiiska looga gaaray dhameystirka doorashada.
Gudoomiyaha ayaa ku dhiirri galiyay golaha wadatashiga in la soo gebagebeeyo doorashooyinka Aqalka Hoose, si daah-furan ugu dambayn 25ka Febraayo, iyadoo si buuxda loo ixtiraamayo heshiisyada 17ka Sebtember 2020, May 27 2021 iyo habraaca doorashada 01 Oktoobar 2020 iyo Ogosto 24, 2021.


Moussa Faki wuxuu ku celiyay mowqifka AU-da ee ah in doorasho lagu kalsoonaan karo ay tahay tallaabo muhim ah oo lagama maarmaan u ah nabad waarta oo ka dhalata Soomaaliya.

"Waxaan ku boorrinayaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay is-xakameeyaan oo ay horumariyaan wada-xaajood siyaasadeed oo is-dhexgal ah oo ku aaddan xasilloonida siyaasadeed,” ayuu yiri Moussa Faki.

Midowga Afrika ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu sare u qaado taageerada dhammaan dadaallada ka socda, taasoo uu sheegay in ay keeni doonta nabad, horumar iyo barwaaqo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip