Madaxweyne Deni oo guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Bari
...
Madaxweynaha Puntland Siciidi Deni ayaa guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Bari oo maalmahaan ay ka jiraan xasarado ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay agaasimihii hay'adda PSF.
Madaxweyne Deni ayaa xilkaan u magacaabay Cabdirisaaq Siciid Cali, waxaana lagu beddelay Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan oo ku biiray golaha aqalka sare ee Soomaaliya.
Madaxweyne Deni ayaa dhawanahaan waxaa lagu dhaliilayay in aanu buuxin xilalka ay ku fadhiyaan masuuliyiin katirsanaa xukuumadiisa oo ku biiray aqalka sare, kuwaas oo u badan wasiirro.
Dadka dhaliila siyaasada madaxweyne Deni ayaa sheegaya in Deni uu doonayo inuu barlamaanka geysto xildhibaanno ku shaqeeya aragtidiisa xilli ay soo baxayso inuu yahay musharrax madaxweyne.