Farmaajo Oo Khadka Taleefanka Kula Xiriiray Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya

0
Thursday January 13, 2022 - 17:45:13 in Wararka by
  • Visits: 229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Oo Khadka Taleefanka Kula Xiriiray Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynaha Muddo Xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khadka taleefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya Dr. Maxamed Yuunis Al-Manfi ayaa uga mahadceliyey doorkii uu ka qaatay dib u soo celinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa gudaha dalka Liibiya.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaadatay adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada ammaanka, xasilloonida Mandiqadda iyo la dagaallanka argagixisada iyo Tahriibka.



Dr. Maxamed Al-Manfi ayaa tilmaamay ixtiraamka iyo qadarinta ay shacabka Liibiya u hayaan walaalahooda Soomaaliyeed, isaga oo xoojiyey ballan qaadkiisii ku aaddanaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xaniban gudaha dalkiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay sannadihii la soo dhaafay dadaal xooggan ku bixisay dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jiray xabsiyada shisheeye, iyada oo haatan qaar badan oo ka mid ah ay si xorriyad iyo karaamo leh ugu noolyihiin dalkooda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip