Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo soo gaaray Dubai, qorshihii ugu weynaana ka damacsan Soomaaliya

0
Wednesday August 26, 2015 - 11:22:40 in Wararka by
  • Visits: 1057
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo soo gaaray Dubai, qorshihii ugu weynaana ka damacsan Soomaaliya

    Madaxweynihii Dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa saacadaha soo socda ka degaya magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta Midowday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii Dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa saacadaha soo socda ka degaya magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta Midowday. Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo soo gaaray Dubai, qorshihii ugu weynaana ka damacsan Soomaaliya
Madaxweynihii Dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa saacadaha soo socda ka degaya magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta Midowday.
Sheekh Sahriif oo ka soo kictimaya magaalada London ee wadanka Ingiriiska ayaa marka uu soo gaaro magaalada Dubai waxa uu halkaasi kulamo kala duwan kula qaadanayaa jaaliyadda Soomaalida, madax ka tirsan Dowladda Federaalka, xubno horay xilal uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray iyo ganacsato Soomaaliyeed.


Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu tegay magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu ka bilaabayo qorsheyaal ku saabsan hay’adda Samadoon Foundation oo isagu asaasay, isla markaana ka shaqeyneysa arrimaha nabadda iyo gargaarka shacabka Soomaalida.
Sheekha ayaa maalmihii ugu dambeeyay magaalada London ee dalka Ingiriiska waxa uu kulamo kala duwan kula qaadanayay jaaliyadaha Soomaalida, isagoona khudbadaha uu u jeedinayay intooda badan ku saabsanaayeen in Soomaalidu u istaagto sidii ay gacmaheeda wax uga qabsan lahayd, isla markaana u gargaari lahayd kuwooda liita.
Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu damacsan yahay inuu magaalada Muqdisho ka furo xarun hay’adiisu ku howlgasho, isagoona in badan ku celceliyay in loo istaago sidii wax badan looga bedeli lahaa dhaqanka cunsuriyadda ku dhisan ee la degay sharaftii iyo sumcaddii Soomaalidu ku lahayd dunida. XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip