Maamulka G/Banaadir Oo Ka Hadlay Khasaaraha Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho

0
Wednesday January 12, 2022 - 14:40:40 in Wararka by
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka G/Banaadir Oo Ka Hadlay Khasaaraha Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay qaraxii Maanta ka dhacay wadada Afisyooni ee 21-ka Octoober ee degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo Askar.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa uu dhacay, xili uu marayey meel ku dhow albaabka laga galo Xerada Afisyooni, ayna horey uga sii socdeen.

Guddoomiye Cali Cabdi Wardheere Cali Yare ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu dhaliyey khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waxaana uu sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 5 Askari, halka 5 qof kalena oo shacab ahaa ay dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay goobo Caafimaad.

Cali Yare ayaa waxaa uu tilmaamay in laamaha amniga ay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan qaraxii ka dhacay Muqdisho, isla markaana Natiijada soo baxda ay la wadaagi doonaan shacabka, isagoona xusay in waxa dhacay ay yihiin dhibaatada ay ka digayeen.

Shacabka kunool Caasimadda ayuu Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir ugu baaqay inay guryahooda joogaan oo ay ka feejignaadan dhibaatooyinka, xiliyada qaarkood ka dhaca Magaalada.

Qaraxii ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa lala eegtay kolonyo ay wateen Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay, waxaana qaraxaas kasoo gaaray khasaaro nafeed iyo gaadiid badan oo uga burburay, in kastoo aysan weli ka hadlay qaraxaas.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip