Xubnaha Guddigan ayaa la dhaariyay, waxaana munaasabada lagu dhaarinayay goob joog ka ahaa Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey oo sheegay in guddigan shaqadiisa uga harsan tahay saddex sano, loogana fadhiyo howlo badan.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Puntland Axmed Kismaayo ayaa horay uga soo shaqeeyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, Radio Muqdisho, sidoo kale waxaa uu noqday Agaasimaha Telefishinka iyo Radiyaha Puntland, inkastoo sanadkii hore laga qaaday.
Sidoo kale waxaa Guddoomiye kuxigeenka guddiga loo doortay Maxamuud Soofe Xasan oo horay uga mid ahaa Guddigii doorashada ee la kala diray sanadkii 2013.
Guddigan ayaa hor-yaala inay soo saaraan xeerarka nidaamka xisbiyada, iyadoo qorshuhu in deegaanada Puntland ka dhacaan doorashada golaha deegaanka iyo kuwa xisbiyada, hadii Guddigan ku guuleysto howlaha loo igmaday.



0 



Axmed Kismaayo oo loo doortay Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland
Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo) oo ahaa Wariye rug-cadaa ah ayaa maanta loo doortay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Puntland, kadib kulankii u horeeyay ee uu Guddiga yeesho.