Sawirro: FARMAAJO oo si weyn loogu soo dhoweeyey Qatar + Ujeedka safarkiisa

0
Monday November 29, 2021 - 22:17:07 in Wararka by
  • Visits: 344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: FARMAAJO oo si weyn loogu soo dhoweeyey Qatar + Ujeedka safarkiisa

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwadiisa Saynab Macallin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa waxaa halkaas ku soo dhoweeyey masuuliyiin ay ka mid yihiin Xamad Al-kawari oo ah Wasiiru Dowle ka tirsan dowladda Qatar iyo Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Qatar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali Taano.

Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Qatar waxaa uu kulan doceedyo la qaadan doonaa hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya munaasabadda furitaanka koobka kubadda cagta ee Carabta oo lagu marti qaaday Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda kale ee dalalka Carabta, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri "Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta ciyaaraha iyo iskaashiga maalgashiga.”

Sida ay sheegtay madaxtooyada, safarkan waxa uu qaadan doonaa laba maalmood.

Booqashadan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xamsa Siciid Xamsa iyo Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Mudane Cabdiqani Saciid Carab.

 

Safarka Farmaajo ee Qatar ayaa imanaya xilli dalka ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed culus oo ka dhalatay boobka doorashada kuraasta golaha shacabka oo lagu eedeeyey inuu qeyb ka yahay.

Qatar waa dalka ugu weyn ee taageera Farmaajo, mana cadda haddii booqashada ay sidoo kale qeyb ka tahay arrimo siyaasadeed marka laga reebo ujeedka ay shaacisay Villa Somalia.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip