HALKAAN KA AKHROS WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES EE MAANTA OO TALAADO 23-KA NOV. 2021-KA
Xasan oo shaaciyey arrinta ugu horreysa ee haddii dib loo doorto uu ku dhaqaaqayo
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrinta dhalinyaradii tababarka loo gee yey dalka Eritrea isagoo balan qa aday in hadii mar kale uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya uu dalka dib ugu soo celi doono dhal inyaradaas, sidoo kale waxuu fariin u diray wa alidiinta ay wiilashu ka maqan yihiin.
Xasan Sheekh ayaa arrinta dhalinyarada as aad ugu eedeeyey madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, isagoo tilmaamay in mudadii uu xukunka hayey uu Farmaajo ku gu ul dareystay in dadka Soomaaliyeed uu la wa daago mar-xaladaha jira.
Sidoo kale waxa uu sheegay inay jiraan od ayaal, xildhibaano iyo dhinacyo kale oo ku lug lahaa dhoofinta dhalinyaradaas, kuwaas oo ka gaabsaday markii la waayey dhalinyaradii me el ay jaan iyo cirib dhigeen.
"Baaris iyo dabagal ayan ku heynaa odaya ashii iyo xildhibaanada damiintay, mar dhow waan cadeyneynaa dadka Soomaaliyeed ayaa na soo hor dhigeynaa,” ayuu yiri Madaxweyni hii hore.
Xasan Sheekh ayaa odayaasha qabaa’ilada iyo xildhibaanadii damiinta dhalinyaradaas wa xa uu kula taliyey inay hadlaan oo cadeeyaan inta qof ee uu damiintay iyo cidda uu ku war eejiyey.
Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa waalidiinta ay dhalinyaradu ka maqan tahay waxuu kula taliyey in codkooda ay muujiyaan oo banaanka u soo baxaan.
"Waalidiinta waxaan kula talinayaa na bado onadii ilmihiina damiintay weydiiya, ku qasba inuu hadlo oo sheego cidda uu ku wareejiyey wiilkiina, dacwo geeya maxkamadaha, wadooy inkana tubnaada ilaa wiilashiinii laga helo,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxam uud oo wareysigaan siiyey TV-ga Goobjoog ay aa intaas ku sii daray, "Haddii aan ku guulays to hoggaanka dalka, waxaa kow ii ah soo cel inta dhallinyarada loo qaaday dalka Eritrea, maalinta aan xafiiska tago ayaan balan qaada yaa in aan ka howlgalo oo si joogto ah xogto oda ugu soo gudbiyo umadda Soomaaliyeed.”
C/C/Shakuur oo weerar ku qaaday ROOB LE, kadib shaacintii baarista kiiska Ikraan
Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxm aan Cabdishakuur Warsame, sidoo kalena ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxwey naha ayaa si lama filaana weerar dhanka afka ah ugu qaaday ra’iisul wasaaraha Md.Maxam ed Xuseen Rooble.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa marka hore su’aallo badan ka keenay xa aladaha soo kor dhay, gaar ahaan sida uu ku soo dha maaday kiiska Ikraan Tahiil oo uu ra’iisulwasaaruhu ho ray u ballan qaad ay inay heli doonto cadaal ad, dib u dhaca ku yi mid doorashooyinka 2021, iyo dhalinyaradii loo qaaday wadanka Eritrea. "Raysalwasaare Rooble waxaa lagu aamin nay, isaguna ballan qaaday in uu qab anayo do orashado xalaal ah, wuxuu shacab ka u balla nqaaday in uu kiiska Ikraan Tahliil caddaalad u raadinayo. Wuxuu guddi u saaray dhallinyara dii Eritrea loo qaaday, waalidk oodna aysan war iyo wacaal ka helin. Doorashadii waa taas iyadoo odayaashii iyo ergadiiba la aqoon mu sharraxiintii isdiiwaan gelinayaan. Raggii eed da Ikraan loo haystay waa taa la beri yeelay, wiilashii Soomaaliyeed ee Eretrea ku maqan na warkooda iska daa,” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in arrima han oo dil ay ku soo aadayaan, kadib safarkii Rooble uu ku tegay Qatar oo uu Cabdiraxma an tilmaamay inuu shaku weyn ka dhashay.
"Waxaan oo idil waxey dhaceen, kaddib saf arkii shakiga dhaliyey ee uu Raysalwasaaruhu dalka Qatar ku tegey. Waxaan kaloo ogeyn in RW Rooble uu qayb ka yahay qorshaha AM ISOM dalka looga saarayo,” ayuu markale ku yiru qoraalka uu soo saaray CC Shakuur.
Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in maalin weliba garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, gaar ahaan terminal-ka khaaska ah in ay kasoo dagaan diyaarado gaar ah oo ka ka la yimaada wadamada Qatar iyo Eritrea, sida uu hadalka u dhigay.
"In uu ogyahay terminal khaaska ee Gar oonka Aadan Cade ku yaalla ee ay diyaara daha gaar ah ee Qatar iyo Eretrea ka yimaada ka soo degaan. Ujeedka ugu danbeeyana uu yahay in Al-Shabaab dalka loo gacan geliyo. Mar kale ayaa masiirka dalka iyo majaraha do wlad dhiska la habaabin rabaa,’ ayuu sii raaci yey hadalkiisa Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Gaba-gabadii wuxuu yiri ‘Waxaan shaki ku jirin in folkaanaha cabbursan ee dulmiga, cad aalad darrida, ku tumashada xuquuqda muw aadinta, ku takri falka awoodda iyo hantida um madda uu qarxi doono, laakiin ma garan karo nooca baaruudda qarxisada ah(trigger) . Wa xaa loo baahan yahay dhiirranaan iyo ku dhac looga hortago qaraxa folkaanaha soo socda oo ina wada galaafan doona, sidii Afgaanist aan ama wadanka Itoobiya ka dhacday.
Mahad Salaad iyo Guuleed oo jawaab lama filaan ah ka bixiyey weerarkii uu CC Shak uur ku qaaday Rooble
Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabd ikariin Xuseen Guuleed oo hadda kamid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya Iyo Mahad Salaad ayaa si weyn u difaacay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Cabdikariin Guuleed ayaa u gu horeyntii sheegay in Rooble uu ku ama anan yahay doorka uu ku leeyahay doora shada iyo dardar-gelinteeda, islamarkaana ma s’uuliyada dib u dhaca ay leeyihiin madaxda dowlad goboleedyada iyo gudiyadooda.
"Waxaan wada ognahay in masuuliyadda doo rashada ay saaran tahay Golaha Wata shiga Qaran guud ahaan, gaar ahaan na madaxda dowlad gobaleedya da iyo gudiyadooda oo ayagu la gaar ah masuuliyadda fulinta do orashooyinka,” ayuu yiri.
"Haddii dhaliil iyo gaabis uu jirana runtii xag ooda ayey jirtaa oo fartu ku godan tahay. Wa ana xaqiiq dhab ah in dhaliilo waaweyn ay ka ji raan habsami u socodka doorashooyinka. Had dii ay ahaan laheyd jiitanka iyo daaha ama xag ga hufnaanta iyo kalsoonida lagu qabi karo sida ay wax u socdaan.”
Sidoo kale waxa uu sheegay in Rooble loo ga baahan yahay xiligaan inuu sii laba laabo dadaaladiisa uu ku doonayo qabsoomida doo rasho hufan oo lagu kalsoonaan karo.
Mahad Salaad ayaa asaguna su’aal geliyay sababta xiligan weerarka loogu qaadayo Rooble, islamarkaana indhaha looga qarsana yo maamulada iyo siyaasiyiin uu ku sheegay inay yihiin doorasho diid.
"Farmaajo doorashada dalka ka socota dibad joog ayuu ka yahay in muddo ah. Dalab keedana waxaa lahaa maamulada qaarkood iyo mucaaradka! Rooble si gaar wuxuu ugu xil saarnaa doorashada Somaliland. Aqalkii Sare si sharaf leh ayuu u qabtay. Golaha Shacab kana maalmaha soo socda ayay bilaabanay saa,” ayuu yiri.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dowlad gob oleedyadii xulafada la ahaa Villa Somalia ay doorashadii wataan, gaar ahaan Dhuusama reeb iyo Baydhabo, isagoona xusay in Jowhar-na jidka ay ku soo jirto.
"Haddaba waxaa in la isweydiiyo mudan sababta Rooble loo xagxaganayo oo indhaha looga qarsanayo maamulada iyo siyaasiinta doorasho diidka ah ee ilaa hada lagu kari la’ya hay halla bilaabo doorashadii Golaha Shacab ka?!. Markaan oo kale adeerkey Maxamuud Sabriye AUN wuxuu dhihi jiray "HADALKAA GU WAA TUMBURYO KU DHUKAYO” oo uu ula jeedo hadalka aad ii sheegayso maangal caqligu oggolyahay ma’ahan, inlee gacantaa da faraheeda oo laaban dhegtaada geli ee ku dhukayo suurtaggal ma’ahane‼️.”
Hadalka Mahad Salaad iyo Guuleed ayaa imanaya kadib un markii uu Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, sidoo kalena ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha uu si lama filaana weerar dhanka afka ah ugu qaaday ra’iisul wasaaraha Mudane Maxamed Xuseen Rooble.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa marka hore su’aallo badan ka keenay xaaladaha soo kor dhay, gaar ahaan sida uu ku soo dhammaa day kiiska Ikraan Tahiil oo uu ra’iisul wasaaru hu horay u ballan qaaday inay heli doonto cad aalad, dib u dhaca ku yimid doorashooyinka 2021, iyo dhalinyaradii loo qaaday wadanka Eritrea.
"Raysalwasaare Rooble waxaa lagu aamin nay, isaguna ballan qaaday in uu qabanayo do orashado xalaal ah, wuxuu shacabka u ballan qaaday in uu kiiska Ikraan Tahliil caddaalad u raadinayo. Wuxuu guddi u saaray dhallinyara dii Eritrea loo qaaday, waalidkoodna aysan war iyo wacaal ka helin. Doorashadii waa taas iyadoo odayaashii iyo ergadiiba la aqoon mu sharraxiintii isdiiwaan gelinayaan. Raggii ee dda Ikraan loo haystay waa taa la beri yeelay, wiilashii Soomaaliyeed ee Eretrea ku maqan na warkooda iska daa,” ayuu yiri.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu sheegay in arrimahan oo idil ay ku soo aada yaan, kadib safarkii Rooble uu ku tegay Qatar oo uu ku tilmaamay inuu shaki weyn ka dha shay.
Nin dhallinyaro ahaa oo lagu dhex dilay hoygiisa Magaalada Muqdisho
Wararka ka imaanaya Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay Habeen hore hoygiisa ku dhex dil een nin dhallinyaro ahaa, oo ka mid ahaa dadka deegaanka.
Dhacdadan ayaa saqdii dhexe ee Habeen hore ka dhacday xaafa dda Jamhuuriya ee degmadaasi, ka dib markii kooxahaasi ay u dha ceen hoygiisa, ka dibna ay rasaas huwiyeen.
Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Mukhta ar Geesey Carab Yalaxow ayaa laga garanayay xaafadaasi.
Ma cadda ujeedada ka dambeysa dilkiisa, iya doona ay goobtaasi ka baxsadeen kooxihii hubey snaa ee hoygiisa ku weeraray.
Maamulka Degmada Kaaraan iyo laamaha amniga ayaan weli ka hadlin dilkan ugu dambee yay ee ka dhacay degmadaasi.
Maalmihii ugu dambeysay dilalka ay gays anayaan kooxaha hubeysan ayaa ku soo bad anayay Caasimadda Muqdisho.
Wareysi: Hooyo Qaali oo ka hadashay natiij ada kasoo baxday baaritaanka kiiska Ikraan
Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dha shay Ikraan Tahliil Faarax ayaa ka hadashay nat iijadii baaritaanka kiiska gabadheeda ee Shalay uu sii daayey xeer ilaaliyaha maxkamadda ciida mada qalabka sida ee Soomaaliya Cabdullahi Buulakamey, kaas oo kiiska ka beriyeelay sara akiisha hey’adda NISA oo tuhun badani uu dul-hoganayo.
Hooyo Qaali oo la hadashay Idaacadda VOA ayaa warbixintii xeer ilaaliyaha ku tilShalayy wax qaldan oo ay soo abaabuleen ra ggii lagu tuhmaayey kiiska ga badheeda, isla markaana sarkaa lka soo bandhigay warbixintaan uusan ku jirin da dkii ay u xil-saarteen baaritaan kiiskaan.
"Farmaajo, Fahad iyo kuwii gabadheyda dhib aateeyey ayaa ka soo shiray waxaan, mana aq baleyno, umada Soomaaliyeedna kuma qancey so, intii gabadheydu maqneed ayaa laga soo sha qeynaayey beentaan,” ayey tiri Hooyo Qaali.
Sidoo kale Hooyo Qaali waxay sheegtay in Bu ulakamey uusan wax shaqo ah ku laheyn baarit aanka kiiska gabadheeda, "Xeer ilaaliyihii dacwa da iga qoray ee galkeyga gacanta ku hayey ma ahan ninka Shalay dhawaaqay, ninkaan waxaa soo adeegsaday Farmaajo, Fahad iyo Kullane Jiis, ma aqaano, waligeyna wax uma dirsan,” ay ey hadalkeeda ku sii dartay Hooyo Qaali Guhaad.
Maamo Qaali oo quus badani ay ka muuqatay ayaa sheegtay in Soomaaliya aysan cadaaladi ka jirin oo Alle ay cadaalad uga baryeyso, "Ni mankii gabadheyda dhibaateeyey ayaa lagu lee yahay waxay soo baareen, wax ka jira maleh, waa meel la isugu xoog sheegto,” ayey tiri Hooyo Qaali.
Sidoo kale Hooyada dhashay Ikraan Tahliil wa xay sheegtay in weli ay kalsooni ku qabto Ra’iisul wasaare Rooble oo ay ka sugeyso inuu warbixin ka siiyo hanaanka loo maray hadii uu jiro baa ritaan la sameeyey.
Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qal abka Sida Jeneraal Cabdullaahi Buulle Kameey oo shaciyey natiijada kiiska Ikraan ayaa sheegay in Guddiga baarista oo ka kooban xeer ilaaliyaha guud, ku-xigeenkiisa iyo Sarkaal ka tirsan NISA ay marka hore go’aamiyeen in dib loo wareysto dhamaan dadkii cabashada ay ka taalay xafiiska.
Baaritaan kadib natiijadii u soo baxday ayuu Bu ulakamey ku soo koobay seddax qodob oo kala ah:
1- In NISA ay si hufan ula shaqeysay guddiga baarayey kiiska iyo xafiiska xeer-ilaalinta.
2- Inta baarista lagu guddi jiray guddi uma soo bixin wax caddeyn ah oo muujinaya in sarkaal ada ku maqan tahay gacanta NISA.
3- Guddiga wuxuu la wareegay gal baariseed ka NISA ee sheegaya in Ikraan ay afduubteen Al-Shabaab, islamarkaana ay dileen.VOA
Yaasiin Farey oo si rasmi ah isugu sharxay kursi xildhibaan kadib markii ‘la bari yeelay’
Taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey ayaa si rasmi ah isugu sharx ay kursiga HOP67 ee golaha shacabka kadib ma almo ay socotay hadal haynta arrintan.
Kursigan ayaa waxaa leh jufo ka tirsan beesha Waceysle, waxaana hadda ku fadhiya Cabdull aahi Cali Axmed oo loo yaqaan Caddow Cali Gees.
Guddiga Doorashada Galmudug ayaa Shalay sheegay inuu gudoonsiiyey shahaadada mura shaxnimo xubno soo buuxiyey shuruudaha mu sharnimada oo uu ka mid yahay Yaasiin Farey, oo u taagan kursiga HOP67, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay guddiga.
Tallaabadan ayaa imaneysa maalin kadib markii musharaxiin ku bahoo bay Kursiga Xildhibaan ee #HOP067 oo war-saxaafad eed soo saareen ay madax weynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ku eedeeyeen inuu kursigaas u boobayo sarkaal ka tirsan Nabad-Sugida.
Sidoo kale musharixiinta ku midoobay kursig aas ayaa sheegay in ergo aan aheyn kuwa ka soo jeedo beeshooda loo xulay inay dootaan kursigaas, taasi oo ay ku sheegeyn inay tahay mid baalmarsan hannaanka doorashada ee lagu heshiiyay 17 September 2020 iyo Heshiiskii 27 May 2021.
Arrintan ayaa sidoo kale imaneysa kadib mar kii Habeen hore guddiga baarayey kiiska Ikraan Tahliil Faarax ay soo saareen natiijo horudhac ah oo ay ku sheegeen inaysan jirin wax caddeymo ah oo muujinaya in Ikraan ay ku maqan tahay ga canta NISA.
Yaasiin Farey ayaa ka mid ah xubnaha ay gu ddiga baareen, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida Jeneraal Cabdullaahi Kameey.
Kadib go’aanka guddiga ayaa waxaa aad u xoogeystay hadal hayn ku aadan in sababta natiijada loogu dhowaaqay inay tahay in Yaasiin Farey la bari yeelo ka hor inta aanu si rasmi ah isugu sharxin xildhibaannimo.
Xigasho:caasimadda.net
Guddiga doorashada Soomaaliya oo shee gay habraaca doorashada inuusan xaddiay n saraakiisha iyo dadka xilalka haya
Guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaa liya ayaa sheegay in uusan jirin xeer tartanka do orashada ka mamnuucaya saraakiisha dowladda Soomaaliya ee xilalka ka haya iyo kuwa aan haynba.
Arrintaan ayaa daba socotay kadib markii gud diga doorashadu ay diiwaan galiyeen sii hayaha taliyaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Kornayl Yaasiin Fareey, oo u sharraxan xildhibaan.
Afhayeen guddiga doorashada dadban, Ax med Aadan Dagaal (Safiina), ayaa sheegay in gu ddiga doorashada uusan ku dhaqmeyn xeer saraakiisha ka hor istaagaya in ay doorashada galaan. ‘Habraaca hadda lagu dha qayo doora shada, ma sheegayo, oo ma xaddidayo muwaad inka Sooma aliyeed ee xil xil dowladdeed ama xil ciiddan haya, inuu iska soo casilo kursiga uu ku fadhiyo,” ayuu yiri afh ayeenka doorashada.
14 mushharax ayaa iska diiwaan galiyay kura asta ugu horraysa doorashada aqalka hoose ee xildhibaannada gobolada waqooyi ee Soma liland, halka 11 mushharrax ay iska diiwaan gal iyeen doorashada 5 kursi oo Galm udug ka imaanaya.
Qaar kamid ah musharraxiinta oo lagu tiriyo in ay ka agdhawaayeen ama lasoo shaqeeyeen dowladdihii hore ee Soomaaliya, ayaa ka caban aya in la boobayo kuraasta ay doonayaan in ay u tartamaan.
Xildhibaan Aamina oo soo bandhigtay qod obo shaki gelinaya natiijada kiiska Ikraan
Xildhibaan Aamina oo soo bandhigtay qodobo shaki gelinaya natiijada kiiska Ikraan Hadalka kasoo yeeray Xeer ilaaliyaha CQS Cabdullahi Bu ulle Kameey, maaha mid sharciga waafaqsan, sabaha soo socdo dartood;
1. Xeer ilaalintu baaritaanka kiiska ayeey leed ahay mooyee go’aankiisu iyada ma lahan, xaqna uma lahan ineey baahiso.
2. Waxeey aheyd in caddeeymaha baaritaanka ay heleen garsoorka ku simaan, garsoorkana su’aalo ka we eydiiyo tuhmanayaasha goob max kamad oo fagaare ah oo la dhageey sanaayo, sida kiisas badanba la sam eeyay. Waxaa ugu danbeeyay kiiskii Allaha u naxariistee Guddoomiyihii degmada Hodan Marx uum Cabdixakiin Dhagajuun oo eedeeysanay aashii kiiskaas meel fagaare ah garsoorku su ’aalo ku weeydiiyeen iyagana xaq u yeeshay in eey is difaacaan.
3. Maxkamadda ayaa ugu danbeeyn go’aan ka ugu danbeeya laheyd, kadib marka ay ku ca bir qaadato eedeeymaha loo jeediyay tuhmanaya asha iyo isdifaacooda. Go’aankaas ayaana no qon lahaa mid ama lagu qanco ama lala qoonsa do oo la aado rafcaan.
Waxyaabaha sharciga hareermarsan ee ay xeer ilaalintu warbaahinta ka sheegtay waxaa ka mid ah in tuhmanayaasha ay u ogolaadeen in la baaro kiisnka. Sidee tuhmane xog uu gacanta ku haayo danbi isaga lagu tuhmaayo caddeyntiisa looga heli karaa?
Waa waxyaabaha aan maanka galeyn ee har eeyay kiiska. Innaga kiiska Ikraan waxaan geey nay maxkamadda CQS iyaga ayaana ka dhowre ynaa ineey gal baariseedkaas go’aan ka gaar aan. Maxkamadda CQS waxaan ka codsanayaa in kiiska ay u qaaddo sidii kuwii ka horeeyay ee ay gashay.
Ugu danbeeyn shacabka soomaaliyeed waxa an leeyahay, Ikraan Shalay idinka ayeey garab idiinkaga baahantahay, haddii manta aan Ikraan caddaalad u heliddeeda la garab istaaginna maalinba qof beey iridda uga soo galeeysaa.
Ikraan Tahliil Faarax, ama hadhawaato ama ha dheeraato waan hubaa ineey caddaalad helee yso oo aan marnaba looga hareeyn dadka lagu tuhmayo kiiskeeda.
Wabillahi toowfiiq
Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi
Xog: Ahlu-Sunna oo abaabul dagaal wadda kuna siqday magaalada Dhuusomareeb
Xoogaga Ahlu Sunna ee ku sugan deegaanka Bohol, oo qiyaastii 30km dhinaca waqooyi kaga beegan tahay magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ayaa la soo sheegaya in abaabul ciidan ay ka wadaan halkaasi.
Xoogaga Ahlu Sunna ayaa la tuhunsan yahay inay damacsan yihiin weerar ay ku qaadaan mag aalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.
Cabdullaahi Cabdi Raage oo ka tirsan Saraa kiisha Ciidamada Ahlu Sunna ayaa mar sii hor eysay bartiisa Facebook ku soo qoray "Ama Dhu usamareeb ama geeri, Insha’Allah.”
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xooga ga Ahlu Sunna lagu arkay deegaano dhaca ba riga Magaalada Dhuusamareeb.
Bashiir Nageeye oo ka mid ah dhallinta maga alada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dhaqdha qaaqa Ahlu Sunna ay baqdin ku keentay dadka deegaanka.
"Ahlu Sunna oo aad u maleynayso inay ka car eysan tahay hadalkii habeen dhaweyd ka soo ye eray Ra’iisal Wasaare Rooble ee ahaa inay nab adiid yihiin ayaa keentay abaabulka ay hadda ka sameynayaan gobolka. Nimankan siyaasadda ayay daneynayaan, dowladdiina ma ogolo in laga soo qaybgeliyo,” ayuu yiri Bashiir Nageeye.
Waxa kaloo uu yiri "Habeen hore waxaa la she egay inay yimaadeen deegaanka Gadoon ee bar iga Dhuusamareeb, taa waxaad mooddaa inay baqdin gelisay dadka deegaanka, qaar ka mida.”
Bashiir Nageeye ayaa intaasi ku daray "Reer Dhuusamareeb cidda ay wax ka maqlaan waa Odayaasha Dhaqanka, dhaqankiina waxay taageersan yihiin maamulka meeshaan ka jira.”
Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Walja meeca, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faa rax ayaa 8-dii bishan wareysi uu BBC siiyay wa xaa uu ku sheegay inay doonayaan in heshiis aw ood qaybsi ah ay la gaaraan Maamulka Galm udug, maadaama ay markii horeba ahaayeen ma amulo wax isku darsaday, sida uu yiri.
Hoggaamiyaha Ahlu Sunna ayaa tilmaamay in daba-yaaqadii bishii October ee Guriceel uga baxeen dadaalo ay garwadeen ka ahaayeen dhinacyo kala duwan, ayna Galmudug diidan ta hay in horumar laga sameeyo waan-waantii xill igaasi laga dhex bilaabay.
Macalin Maxamuud ayaa xusay in Dowladda Federaalka iyo Galmudug ay qaadayaan masuuli yadda tobanaanka qof ee dagaalkii Guriceel ku dhintay.
Ahlu Sunna oo dhowr iyo toban sano ka arrimi neysay Gobolada Dhexe ayaa door muuqdo ku laheyd labadii xilli doorasho ee ugu dambeysay ee dalka laga qabtay, sanadihii 2012 iyo 2016.
Agab loogu talo galay sugitaanka ammaan ka goobaha doorashooyinka ka dhacayaan oo lagu wareejiyay maamulka gobolka Hiiraan
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Shalay kala wareegay Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Baledweyne agab loogu talo galay hubinta amniga gooba ha ay ka dhaci doonaan doorashada Golaha Shacabka.
Agabkan loogu talo galay hubinta sugitaanka amaanka goobaha lagu qabanaayo doorashada kuraasta Golaha Shacabka oo ka kooban dhowr waxyaabood ayaa waxaa bixiyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNS OM, waxaana lasoo marsiiyay taliska ciid amada Jabuuti ee ka tirsan ciidamada AMISOM qeybtooda Baledweyne.
Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa ka mahad celiyay agabka Shalay lagu wareejiyay, isagoo balan qaaday in agabkan sidii loogu talo galay ay ugu shaqeyn doonaan.
Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxay ka mid tahay magaalooyinka loo qorsheeyay iney ka dhacaan doorashooyinka kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, waxaana todobaadkii hore si daan oo kale magaalada Baledweyne lasoo gaar siiyay agab loogu talo galay doorashada sida sanduuqyada cod bixinta iyo warqadaha.
Shirka Wada-tashiga Qorshe howleedka 2021-2022 oo ka furmay Baydhabo
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Koonfur Galbeed Soom aaliya ayaa Shalayy ka daah-furtay Magaalada Baydhabo Shirka wada-tashiga qorshe how leedka
2021-2022 ee Istaraatiijiyadda Qaran ee Xal ka Waara ee dowlad gobaleedka Koonfur Gal beed . Wada-tashiga oo socon doonna muddo sa ddex cisho ah waxaa diirradda lagu saarayaa di yaarinta qorshe howleedka Istaraatijiyada xalka waara ee dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya, waxaana ka soo qayb galay ma suuliyiin ka socda; Wasaaradda Qorsheynta Qa ranka , masuuliyiin ka socda Urur gobaleedka IGAD iyo xubno ka socda wasaaraddaha iyo hay ’adaha ay quseeyso xalka waara.
Shirka wada-tashiga ayaa lagu gorfayn doon aa wax ka qabashada mushaakilaadka kala du wan ee dabiiciga ah sida abaaraha, Colaadaha iyo fatahaadaha oo ah kuwa sababa in dadku bar akacaan.
Agaasiamayaasha Guud ee Wasaaradaha Qorsheynta Mudane Isaaq Mohamud Mursal ayaa soo dhaweyay daddaalada uu wado Xa fiiska Xalka waara ee Wasaaradda qosheynta xa linta mushkiladaha ku saabsan barakaca iyo qa xootiga ku dhibaataysan deegganada Maamulka.
Marwo Zahra Cabdi Maxamed Agassimaha Xafiiska Xalka waara ee Wasaaradda Qorshayn ta Qaranka waxa ay hoosta ka xariiqday doorka dowladda Soomaaliya ee Istaraajiyadan iyo dar dargalinta howsha ay qeyb ka yahiin dowlad gobaleedyada sidii loo xoojin lahaa natiijo fiicanna looga gaari lahaa.
"Waxaan u soo gaarnay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed si aan KGS la diyaarino Qorshe Hawleed sanadle ah oo ku salaysan Istaraaj iyada Qaran ee Xalka Waara. Qorshahaan oo ta aban doona ahmiyadaha ugu waaweyn ee arr imaha xalka waara ee gobolka. Barnaamijka diy aarinta qorshe hawleedka sanad laha ah waxaan soo wadnay saddexdii bilood ee u dambeeyey, Koonfur Galbeedna waxay noqon doontaa ma amulkii afraad ee aan booqano. Mudada sad exda cisho ah ee aan wada joogno waxaan raja ynayaa in qorshe rasmi ah oo guul looga gaari karo arrimaha Xalka Waara aan isla soo saari do ono” ayey tiri Agaasime Zahra Abdi Mohamed.
Mudnae Cabdiqaadir Cumar Baasi Wasiirka Wa saaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Ko onfur galbeed ayaa qeexay muhiimada in dadka barakaca uu saameyay in ay xaq u leeyahiin sida dadka caadiga ah in ay u shaqaysan karaan loona baahan yahay in loo fudeeyo wax walbo ku xiran in ay dadka caadiga ay ka mid noqdan marka waxaan rajeynaa in Istaraajiyada Qaranka iyo iskaashiga mamulka in natiijo xooggan laga gaaro.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Koonfur galbeed Mudane Axmed Madoobe Nuuraw oo si rasmi ah u furey shirka ayaa tilmaamay ka maa mul ahaan ka qeyb qaadashada Istaraajiyada xalka waara in ay xoojin doonan sida hada si kasii ballaaran maadaama maamulki yahay kan ugu badan barakaca ay ku nool yahiin waana muhiim in la helo xalka looga bixi lahaa dhibaat ada barakaca taas oo ah Istaraajiyadan.
"Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed waxaa ku sugan 600,000 kun oo barakacayaal ah, taas oo ay sababtay dhowr duruufood oo kala ah; 1. Amni darro 2. Isbadalka cimilada oo dhalisay abaaro, fatahaado iyo ayax 4. Magaalow, in dad badan ay doorbidayaan nolosha magaalooyinka si ay fursad ugu helaan qoysaskooda sida; sha qo, waxbarsho iyo caafimaad. KG waa gobolka labaad oo ay ku soo barakeceen dadka ugu ba dan oo ay u dambaysay dadkii laga soo ba rakiciyey gobolada Waqooyi, kuwaas oo ga arayey in ka badan 2,000 oo qoys oo la siiyey dhul ay degaan iyo gargaar” ayuu yiri Wasiir Axmed Madoobe Nuunow.
Xafiiska Xalka waara ee Wasaaradda Qo rsheynta Qaranka waxaa ka taageeraya bar naamijkaan Urur gobaleedka IGAD-DRDIP iyo Baanka Aduunka (WorId bank). Iyada oo gaba-gabada wada-tashiga ay kasoo bixi doonaan qorshe howleedka sanadka 2021-2022 ee dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Soomaa liya, taas oo waxtar u noqonaysa sidii xal waara looga gaari lahaa Arrimaha muhiimka sida xal u helida Abaaraha iyo barakaca baahsan ee ka jira dalkeena.
Faah Faahin:- Dad Ku Dhintay Qarax Ka Dhac ay Degmada Afgooye
Degmada Afgooye waxaa Shalay ka dhacay qarax loo adeegsaday miino la dhigay meel u dhow fariisin ay leeyihiin ciidamada amniga.
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, laba kalana way
ku dhaawacantay. Dadka dhaawacmay ayaa ku sug naa xarun caafimaad oo u dhow goobta uu qaraxu ka dhacay.
Sida ay Warbaahinta u sheegeen ilo war eedyo ku sugan Afgooye, qaraxa waxa uu ka dhacay xaafadda Xaawo Taako ee degmada Afgooye.
Waa qaraxii labaad oo toddobaad gudihiisa ka dhaca deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Qarax 19-kii bishan ka dhacay magaalada Bardaale ee gobolka Bay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan afar qof oo shacab ah, ayada oo 10 kalena ay ku dhaawacmeen.
Qaraxaas ayaa ka dhacay suuqa ay ku yaa laan dukaamo maalmaha jimcaha ay dadka reer miyiga aad uga dukaameystaan, iyo suuq yar oo lagu iibiyo qaadka.
Mareykanka & Canada oo cambaareeyay dilkii Wariye Cabdi Casiis Afrika
Afhayeenka Waaxda Arrimaha dibadda ee Mareykanka Ned price ayaa cambaareeyay qa rixii lagu dilay Wariye Cabdicasiis Afrika oo ahaa Agaasimaha Radio Muqdisho laguna dhaawacay Wariye Sharmaake Warsame Agaasimaha Tv-ga Dowladda Soomaaliya.
Qoraal kooban oo uu soo dhigay Bartiisa Twit ter-ka ayaa waxaa uu kuyiri” Mareykanka wuxuu si kulul u cambaareeyay dhammaan weerarada argagaxisada oo uu ku jiro weerarkii Al-Shabaab ee lagu dilay Cabdicasiis Maxamuud Guuleed laguna
dhaawacay Sharmaarke Warsame. Marayk anku wuxuu garab taagan yahay warbaahinta xor ta ah iyo ka hortagga argagixisada. Dadka So omaaliyeed waxay mudan yihiin mustaqbal na bad iyo xasilloon ah.
Dhinaca kale Dowladda Canada ayaa si kulul waxaa ay u cambaareysay dilkii loo geystay Wa riye C/casiis Maxamuud Guuleed ( Afrika) oo ahaa Agaasimaha Radio Muqdisho.
"Dhammaan saxafiyiinta waa in ay ku dhaqm aan iyada oo aan la faragelin, caga-jugleyn, han jabaad, rabshad iyo aargoosi la’aan ayaa lagu yiri” qoraal kooban oo kasoo baxay Guddiga Sa re ee Canada u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya.
Alle ha u Naxariistee Agaasimihii Radio Mu qdisho Cabdi Casiis Maxamuud Guuleed (Afrika) ayaa in ka badan 13 sano waxaa uu ka howl galayay Warbaahinta dowladda, waxaana uu ca an ku ahaa Barnaamijka Guungaar oo lagu war eysan jiray ragga kasoo goosta Al-Shabaab, wax aana mas’uuliyadda dilkiisa si deg deg ah u sheegtay Al-Shabaab
Qoorqoor oo daahfuray Shirweynaha Amniga
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Shalay Magaalada Dhu usamareeb ka daahfuray Shirweynaha Amniga ee Galmudug.
Shirka oo ay ka qaybgaleen qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Saraaki isha Ciidamada Qalabka Si da, Gudoomiyaha Maxkama dda Sare iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.
Shirweynaha ayaa socon doona muddo 2 ma almood ah, waxaana diiradda lagu saari doona amniga guud ee Galmudug, amniga doorasho oyinka iyo arrimaha Garsoorka iyo Cadaaladda..
Shirka ayaa ku soo aadaya, xilli Xoogaga Ahlu Sunna ay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan dee gaano hoos-tagga Magaalada Dhuusama reeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.
Mustafa Cagjar oo Cabdiweli Gaas ku eede eyey shirqool yaab leh oo ka dhan ah…
Madaxweynahadowladda deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar oo wareysi siiyey Telefishinka EZ ayaa eedeymo yaab leh u jeediyey madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas.
Cagjar ayaa ku eedeeyey Gaas uu dhinaca xuduudda Puntland iyo deegaanka Soomaalida kasoo geliyey ciidamo islamarkaana uu duulaan ku yahay amniga deegaanka, sida uu hadalka u dhigay.
"Waxaa jira isku dayo ay TPLF rabeen inay ku dhibaateeyaan deegaanada Soomaalida, waan ka hortagnay, waxaa kamid ah shirkii Washi ngton ka dhacay ee lagu abuuray 9 urur, arr intaas waxaa dabada ka riixayey taageerayaashii hore ee Cabdi Iley, kuwa aan u dhallan deegaan ka oo kasoo jeedo Puntland sida madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas oo shir ku qabtay Wa shington, islamarkaana ku ar uuriyey lacago,” ayuu yiri Madaxweyne Mustafa.
Ma cadda sida uu Gaas ku abaabuli karo cii danka uu sheegay Cagjar, maadaama uusan iminka wax xil ah ka hayn Puntland iyo Soom aaliya inteeda kale.
Madaxweyne Mustaf ayaa sheegay in TPLF ay dhibaato xoog leh uga tageen deegaanada So omaalida, wuxuuna sheegay in dhibaatooyinkaas la abuuray marar badan.
Wuxuu sidoo kale sheegay in waxyaabihii la gu go’aamiyey shirkaas ay qeyb ka aheyd in la kala jabiyo ciidamada maamulkiisa, islamarka ana ciidamo kale laga soo geliyo dhanka xu duudda, isagoo xusay inay la wadaageen hay ’adaha sirdoonka laguna guuleystay in la fashiliyo.
Madaxweyne Mustafe ayaa xusay in dowlad da Mareykanka ay gadaal ka riixeyso shirqool adaan si ay Itoobiya ugu ekeysiiso meel dagaal oo gabaad u noqota argagixisada.
Dhanka kale, wuxuu tilmaamay in Dowladda Kenya ay qeyb ka tahay qalqal gelinta lagu hayo Itoobiya, wuxuuna sheegay in Nairobi ay ka dhaceyn shirar lagu taageerayo TPLF.
Ugu dambeyntii wuxuu sheegay inay soo waj ahday cabsi xoog leh oo ku saabsan in dagaal looga soo qaado dhanka Soomaaliya, isagoo si gaar ah u sheegay in kooxda Al-Shabaab laga ya abo inay dagaal kusoo qaado gudaha Itoobiya.
Dhacdo Naxdin Leh:- Haweenay Saygeedii Toorreey Ku Dishay
Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Qar dho ee Gobolka Bari ayaa ku warramaay in Sha lay aheyd halkaasi ay ka dhacday dhacdo naxdin ku abuurtay dadka degaanka, kadib markii Haw eenay ay Seygeedii (Ninkeedii) ay toorreey ku di shay?
Wararka ina soo garaya ayaa sheegaya in dil ku uu ka dhacay Magaalada Qardho, waxaana dadka de gaanku ay inoo sheegeen in Haweenaydu ay dishay Se ygeeda, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan sababta haweenayda ku kalliftay in ay disho Marxuumka.
Dadka degaanka ayaa sheegay in Haweenay du ay maseersanayd, sidaasna ay u gaystay fal kaasi dilka ah.
Dadka degaanka iyo Ciidanka ammaanka ay aa goobta ku xoomay, waxaana lasoo shegayaa in hadda xaaladdu ay tahay mid murugsan, maa ddama dadka degaanku ay la yaab ku noqotay dhacdadaasinaxdinta leh.
Dhacdooyinka noocaas ah ee ku aaddan dil alka ay isku gaystaan lammaamneyaashu ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay dalka kusoo bada nayay, waxaaan tiro dhowr jeer ahsoo noqno qday falal sidaas oo akle ah.
Taalibaan Oo Sharci Cusub Ku Soo Rogtay Gabdhaha Saxafiyiinta Ah
Sharci cusub oo ay soo rogtay Taalibaan , ay aa haweenka looga mamnuucay inay ka soo mu uqdaan riwaayadaha ka baxa telef ishinnada dalka Afgaanistaan.
Gabdhaha saxafiyiinta ah iyo ku wa warka ka tabiya telefishannada ayaa sidoo kale lagu amray inay xirtaan Xijaab, inkastoo hab-raacyadu aysan sheegin nooca la isticmaalayo. Weriyeyaasha ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xeerarka ay yihiin kuwo aan cad deyn oo ay ku habboon yihiin in la sharraxo.
Taalibaan ayaa la wareegtay awoodda Afgaan istaan bartamihii bishii Ogoosto, waxaana dad ba dan ay ka cabsi qabaan in ay si tartiib tartiib u soo rogayaan xayiraado adag.
Kooxda islaamiga ah ee la wareegtay gacan ku heynta kadib bixitaanka ciidamada Mareykan ka iyo xulafadiisa, ayaa islamarkiiba ku amray ga bdhaha iyo haweenka dhalinyarada ah in ay gur yahooda joogaan oo aysan iskuulada aadin.
Xilligii ay horey tallada dalka u hayeen ee saga shamaadkii, ayaa haweenka waxaa laga mamn uucay waxbarashada iyo goobaha shaqada.
Nidaamkii ugu dambeeyay ee tilmaamaha Taalibaan ay soo rogeen ee la siiyay kanaalada telefishinnada Afgaanistaan, ayaa qeexaya sid eed xeer oo cusub.
Maxay gabdhaha Kenyaanka uga daba dha ceen ninkii soo helay maxaabiista "halista ahayd”?
Wax yar uun ka dib markii Paul Mwaniki uu shacabka uga sheekeeyay sida uu dadaalkiisa ugu caawiyay booliiska in ay soo qabtaan sad dex ka mid ah maxaabiista xabsiga Kamiti, ayaa qaar ka mid ah haweenka Kenya ay bilaabeen in
ay ka dabadhacaan ninkan.Haween badan ayaa ninka ku tilmaamay inuu aad u qurux-badan yahay.
Dawladda Kenya ayaa u ballan qaadday in la siin doono 60 milyan oo lacagta dallkas oo u dhi ganta 60 kun oo doollar, dadka Kenyanka ah ay aa barta Twitter-ka ku cadaadiyay dowladda inay siiso Mwaniki abaal-marintiisa ka dib markii uu gacan ka geystay in gacanta lagu soo dhigo ma xaabiistii ka baxsatay xabsiga Kamiti ee aadka loo ilaaliyo.
Qaar ka mid ah haweenka dalka Kenya ayaa muujiyay sida ay ula dhacsan yihiin Mwaniki, iyaga oo amaanay geesinimadiisa iyo "muuqaal kiisa wanaagsan.” Mwaniki, oo deggan Ismaamul ka Kitui, ayaa warbaahinta u sharraxay sida ay u gu suurogashay in uu helo saddexda nin ee lagu raadjoogay oo la kala yirahdo; Musharaf Abdalla, Mohamed Ali Abiikar iyo Joseph Juma Odhiam bo. Waxa uu sheegay in . "si qarsoodi ah ay ku socdeen iyaga oo aan ka fogaanayn waddada si aysan u lumin.”
Arbacadii madaxweynaha Kenyatta , Uhuru Kenyatta ayaa shaqada ka eryay taliyaha xa bsiyada dalkaas, Wycliffe Ogallo.
Wuxuu magacaabay taliye cusub oo lagu magacaabo John Warioba.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay laamaha amn iga in ay adeegsadaan wax kasta oo ay awoodi karaan si loo soo qabto maxaabiista.
Shaqada ka eryidda sarkaalkan ayaa imaaneys aa xilli Kenya ayaa ku raad joogto maxaabiis ka baxsatay xabsiga sida weyn loo ilaaliyo ee Kamiti.
Soomaaliya & faransiiska oo ka wada had lay Iskaashiga Amniga & Ganacsiga
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Isk aashiga Caalamig ee Soomaaliya, Balal Ma xamed Cusmaan, ayaa ku qaabilay Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Faransiiska u qa abilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaal iya, Marwo Aline Kus ter-Menager.
labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada ha dleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ee lab ada dal ee saaxiibada ah iyo arrimo kale oo ahmiyad leh.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga am niga, xiriirada ganacsiga iyo maalgashiga, iyo sidii loo horumarin lahaa fursadaha abuur itaanka iskaashi faa’iido u leh labada dal.
Safiirka Jamhuuriyadda Faransiiska u qaa bilsan Jamhuuriyadda Federaalka Sooma aliya, Marwo Aline Kuster-Menager ayaa uga mahad celisay Wasiiru dowlo Balal Maxamed Cusmaan sida uu u soo dhaweeyay, iyada oo balan qaaday inay kordhin doonto wadashaq eynta ay la leedahay dowladda Soomaaliya.
Dowladda Faransiiska ayaa waxaa ay ka mid tahay dowladaha sanadihii la soo dhaafay taageerayay Dowladda Soomaaliya, balse ay san jirin waxyaabo muuqda oo ay Dowladda Faransiiska ku taageertay Dowladda Sooma aliya.
Ciidamadda Badda Tuunis oo soo badbaa diyay in ka badan 200 oo tahriibayaal ah
Ciidamadda ilaalada xeebaha dalka Tuunis ayaa sheeegay Shalay oo Axad ah inay soo badbaadiyeen 223 qof oo doonayay inay tahriib badda ah ku galaan wadamada Yurub.
Afhayeenaka
ciidamada ilaalada xeebaha Tuunis Xusaam Al-Diin Al-Jabaali ayaa warbaahinta u sheegay in dadkaan la soo badbaadiyay isagu jiraan 112 qof oo kasoo jeeda waddamo Afrikaan ah, halka inta kale ay yihiin muwaadiniin reer Tuunis ah.
Muddooyinkii u dambeeyay dalka Tuunis waxaa si aad ah ugu soo badanaayay muhaajiriinta dooneysa inay u gudbaan wadamada Yurub kuwaas oo dalalkoodi uga soo cararary dhibaatooyin dhaqaale iyo amni xumo.
Dowladda Tuunis ayaa dadaal badan ku bixineysa si ay uga hortegi leheed tahriibayaalka u isticmaalaya xuduudeeda si sharci darro ah.
Madaxweynaha Jubbaland oo Wakiilada Be esha Caalamka kala hadlay Arrimaha doorashooyinka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedkw Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula qaatay masuuliyiinta Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Wakiilada Maraykanka Ingiriiska iyo Midowga Yurub.
Kulanka ayaa waxaa ay labada dhinac uga wada hadleen arimaha Doorashooyinka gaar ahaan bilaabida Doorashada golaha shacabka oo waqtigii loo asteeyay dib uga dhacday.
Wakiilada Beesha Calamka ayaa Madaxweynaha Jubbaland ugu baaqay in uu dardar geliyo howlaha bilaabida doorashooyinka Golaha Shacabka si sanadkaan 2021 loogu soo geba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa ay wadaan dadaalo ay Maamul Goboleedyada uga dhaadhicinayaan bilaabida doorashada Golaha Shacabka, iyaga oo horay kulan ula eeshay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).
Nin Dad Shacab Ah Gaari Jiirsiiyay Oo La Aqoonsaday
Saraakiisha Maraykanka ayaa aqoonsaday ninkii dadka dabbaaldagaya gaariga ku jiirsiiyey gobolka Wisconsin, sida ay ku warrantay warbaahinta Maraykanku.
Ilo wareegyo ayaa warbaahinta Maraykanka u sheegay in Darrell Brooks uu ahaa ninkii gaariga jiirsiiyey dadkii magaalada Waukesha ugu dabbaaldagayey ciidda masiixiga, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof halka afartan kalena ay ku dhaawacmeen.
Carruur kuwa iskuulka ah iyo dad qoob ka ciyaar samaynayey ayaa la rumaysan yahay in ay ku jireen dadkii dhibaatadu ka soo gaartay mashaqadii Axaddii halkaa ka dhacday.
Booliisku wali si rasmi ah uma magac dhabin qofka la tuhunsan yahay.
Sid ay saraakiishu sheegeenna falkani "haatan” uma muuqdo mid argagixiso.
MUCJISAADKA, QUR’AANKA, RASUULKA CSW, ASAXAABTA, IYO ARAGTIDA ISLAAMKA.
1. Quraanshadu waa mid ka mid ah, kuwa u gu yar yar Noolaha Alla Abuuray, hore ayaa qu r’aanka naloogu she egay Qisadeeda si aan u ogaano Awooda iyo Xikmadda Alla Siiyay. Suurad Qur’aanka ahna waa loogu magac daray.
Cilmi baaris la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Quraanshadu Miraha ey keydsato si ey u cunto wakhtiga Jiilaalka ey mid kasta Labo u kala jabiso iyada oo ka ilaalinee in marka Godka ey ku keydisay uu ku dhax qoyo ama Gudku uu qoyanyahay oo ey Miruhu soo dhashaan ey na isku bedelaan Geed eyna cuni karin.
laakin waxaa la ogaaday Mira loogu yaqaan Afka Engriska "Co riander Seed” Carabigana "Xabatul Al kazbara” (F.S: 1&2aad )in ey u kala jabiso 4 Qeeybood, Sababtuna ey tahay haddii miraha "Coriander” Laba qeyb oo kaliya loo kala jabiyo in ey soo dhalanayaan waa sida ey uga duwan yihiin Miraha kale. Allaah ayaa siiyay Garaadka ey ku ogaa tay in Miraha qaar Labo loo kala jabiyo Qaarna loo baahan yahay in 4 loo kala jabiyo si eyna u soo dhalan.
2. Lacagta "Pension-ka” ee la siiyo Dadka Howl gabka ah, mar ka ey duqoobaan, ma ahan mid uu bilabaay Dalka Mareykanku ama Re er Galbeedku, sida Dadka qaar loogu sheegay.
Sayidinaa Cumar Bin khidaab RC, ayaa isaga oo marayo Suu qa Magaalada Madiino waxa uu arkay Nin Duq ah oo aad u liito oo Tuu gsanayo. Sayid Cumar ayaa ku yiri: Maxaad eheyd? waxa uu Ninkii yiri: waxaan ahay Nin Yuhuud ah, Ma shaqeysan karo, waxa aan Tuugsiga ku helo, Qeyb waxaan isaga Bixiyaa Lacagta ” Juziyada” ee laga qaado Dadka aan Muslimiinta aheyn, inta kalena waxaan siinayaa Caruurtee yda. Sayid Cumar, Ninkii ayuu Gurigiisa geeyay Cunto ayuu siiyay. Kadibna waxa uu u yeeray, Khasnajigii "Beytul Maalka” Muslimiinta. Wa xa uu yiri: Ninkaan iyo kuwa la midka ah hala siiyo Lacag Bil kasta joo gto ah oo ku filan isaga iyo Caruurtiisa inta uu Noolyahay, mar damba na yaan laga qaadin Cashuurta "Juziyada” . waxa uuna Sayid Cumar yiri: Hadalkiisii Caanka ahaa: ( Ma ahan Qofka, Marka uu dhalinyarada ahaa in aan ka qaadno "Juziyada” markii uu duqoobana aan Dayacno).
(Somaliya meeqo ayaa ah shaqaale Dowladeed ama mid gaar ah oo Marka uu xoogga leeyahay, Mushaarkiisa laga Cashuuraa, Mar ka uu duqoobana la dayacaa). in la daryeelo Qofkii Shaqo howl gab ku noqdo, Islaamkaa Bilabay ee maku dhaqanaa?. Reer Galbeedkana waa looga horeeyay.
3. TV-ga "National Geography” ayaa sheegay in Baaritaan Cilm iya oo ey Sameeysay Heyadda Hawada Sare ee Mareykanka NASA ey Sannadkii 2014tii ey ogaatay in Biriqda ama Danabku uu Dhulka soo ga aro Kadibna uu Sare u noqdo il biriqsi Guduhii. waxa ey isticmaaleen kalmadda "the Blink of an Eye” .
Xadiithka Rasuulkeena laga Soo wariyay 1400 Sanno ka hor, Rasuulkeena Muxamed CSW waxa uu yiri: ( Miyaadan Arkina sida Biriq du u soo dhecee, Dibna ugu Noqonee il Biriqsi Gudihii). waxa uu u istic maalay kalmadda noqoshada ” Darfatu Ceeynin”.
( الم تروا إلى البرق كيف يمر ويرجع في طرفة العين)
( F.S: 3, 4, 5 & 6aad)
Haddaba Gaaladu yeeyna Cilmi cusub oo ey soo saareen 2014, Nooga dhigin, Cilmi Rasuulkeenii Suubanaa uu si faahfaahsan noogu sheegay Qarniyaal ka hor.La soco, Qeybta kale ee Mucji saadka
Qur’aanka iyo Axaadiithtii Rasuulka.
Qore:Yahya Amir
HALKAAN KA AKHROS WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES EE MAANTA OO TALAADO 23-KA NOV. 2021-KA
...