Xuska maalinta caalamiga ah ee soo afjaridda tacadiyada lala beegsado Suxufiyiinta (warbixin)

0
Tuesday November 02, 2021 - 14:56:53 in Wararka by
  • Visits: 1097
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuska maalinta caalamiga ah ee soo afjaridda tacadiyada lala beegsado Suxufiyiinta (warbixin)

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Dalalka caalamka ayaa manta u dabbaaldegaya xuska munaasabadda maalinta caalamiga ah ee soo afjaridda ciqaab la’aanta dambiyada ee loo geysto qeybaha suxuufiyiinta ee ka howlgala dubida .

Xuska 2-da Novembar waa maalin caalami ah oo qaramada Midooay ay u aqoonsatay in loo dabbaaldego,isla markaana dadka lagu baraarujiyo waxtarka iyo qiimaha ay leeyihiin qeybaha suxuufiiinta iyo weliba tacadiyada lala beegsado xilliyada ay ku jiraan shaqooyinka lagama maarmaanka u ah warbaahinta.

Iyadoo la raacayo go’aanka Golaha ee tirsugiisu yahay A/RES/68/163,soona baxay 2-dii November 2013-kii ,waxa uu dhigayaa in dalka Soomaaliya iyo dunida kalebba,ay isu taagaan qodobo ay ka mid yihiin ka hortagga tacadiyada ku dhaca suxuufiyiinta iyo soo afjaridda dhaqanka la xiriira ciqaab la’aanta dadka ka dambeeya dambiyadaasi.

Haddaba,Dalka Soomaaliya,waxa uu ka mid yahay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee daneynaya in maalinta caalamiga ah ay noqoto mid lagu soo afjarayo isla xisaabtan la’aanta dambiyada dagaal ee ka dhanka ah suxufiyiinta.

Waa dhab in dalka Soomaaliya uu ka mid yahay dalalka ay sida xoogan uga jiraan tacadiyada loo geyso suxuufiyiinta,gaar ahaan dilalka,hanjabaadaha, rabshadaha iyo dembiyada abaabulan ee lala beegsado qeybaha warbaahita.

Waxaa xaqiiqo ah in sanadihi u dambeeyay Warbaahinta Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar weyn,waloow,ay barbar socdeen gumaad iyo xasuuq loo geysanaayey dadka xirfadlayaasha ah ee fursadda u helay in ay abuurtaan mustaqbal wanaagsan.

Inkasta oo dilku yahay nooca ugu xun ee hakin kara xowliga ay ku socdaan qeybaha warbaahinta,waxaa waajib ah in la helo cid u howlgasha dhowrista xorriyadda hadalka,gaar ahaan gudbinta macluumaadka iyo fikradaha dadweynaha ee lagama maarmaan u ah warbaahinta dunida.

Si looga baaqsado xadgudubyo dhalin kara cabsi iyo hakad shaqo, waa in ay jiraan heyado amni oo wax ka qabta tacadiya ay ka mid yihiin afduubka, jirdilka iyo weerarada kale.

Dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay gudaha dalka Soomaaliya iyo caalamkaba,waxaa ku dhintay in ka badan 1848 ruux oo isugu jiray shaqaale warbaahin iyo suxufiyiin,kuwaas oo ku howlanaa tabinata warar iyo barnaamijyo loo gudbinaayey bulshada.

Ciqaab la’aantu, waa mid dhaawaceysa arrimaha bulshada,isla markaana dhiirigelineysa in la qariyo xad-gudubyada xuquuqda aadanaha, musuqmaasuqa, iyo dembiyada kale

In la soo gabagabeeyo ciqaab la’aanta dambiyada ee laga galo saxaafiyiinta waa tallaabada ugu muhiimsan ee dammaanad qaadaya xorriyadda hadalka iyo helitaanka macluumaad dhameystiran oo ay u baaham yihiin muwaadiniinta.

Ujeedada guud ee xuska maalita caalamiga ah ayaa ah in la isku baraarujiyo wax ka qabashada dambilayaasha ka dambeeya xagudubyada suxuufiyiinta, iyo in la helo xal lagu badbaadiyo dadka ka shaqeeya qeybaha warbaahinta .

Gabagabadii farriinta muhiimka ah ee aan gudbineyno ayaa ah in dowladda fedeaalka ah iyo bulshada Soomaaliyeed ay garab istaagaan suxuufiyiinta,isla markaana ay qaataan doorka kaga aadan badbaadinta saxafiga.

WQ: Shire Xasan Kulmiye




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip