Wax ka ogow : Aqoonta iyo Quruxda!!!

1
Sunday October 17, 2021 - 20:47:10 in Wararka by
  • Visits: 1181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax ka ogow : Aqoonta iyo Quruxda!!!

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
A. Aqoonta
Akhrisku waa Bilawga Aqoonta, Rasuulkeena Muxamed CSW Amarkii ugu horeeyay ee la siiyay waxa uu ahaa Akhri.
Haddii ay kula tahay in Bulsha kasta ee Caalmaka ku nool ay wada yihiin Dad wada Aqoon yahan ah. Wadanka Mareykanka sida ey sheegtay Hay'adda Mareykanka ah ee "Department of Education and the National Institute of Literacy". Cilmi baaris ey sameeyay ayaa lagu ogaaday in Qiyaastii 32 Million oo ah Dadka Qaangaarka ah ee Mareykanku eyna waxba Akhri karin. Hayadda Kale ee "The Organization for Economic Cooperation and Development found" ayaa tiri: Dadka ku nool Mareykanka Barkood oo ah 50% Dadka Qaangaarka ah ma akhri karaan Xatta Buugaagta Ardayda Fasalka 8aad.


 
Wax barashada waxaa muhim u ah.Waxa aad Baratay Heerka aad ka gaartay, Inta aad ka fahamtay, iyo sida aad Nolosha ugu dabakhi karto wixii aad baraty. ( F.S: 1& 2aad)
Wadamada Africa ayaa la ogaaday in marka laga hadlayo wax Qoridda iyo Akhriska, waxa la ogaaday in Dadka Muslimka ihi ey uga horeeyaan Dadka kale, Tusaale Ethiopia Muslimiinta ku nool Dhulka Miyigaa Caruurtooda waxa ey ku Bartaan Diinta, Geed Loox ah, Qalin Loox ah iyo khad dhuxul ah, laakin kuwa aan Muslimka aheyn inta yar ee joogto Tuulooyinka qaar iyo kuwa dhigto Dugsiyada Kaniisadaha ayaa laga yaabaa in ey helaan fursad ey ku bartaan Qoraalka iyo Akhriska. Somaliya Caruur aan weligood Magaala tagin ayaa yaqaan sida wax loo Qoro loona Akhriyo oo ku bartay Dugsi Qur'aanka, Awoodna u leh in ey Magacooda qoraan. Somaliya 80% waa gaarayaan Dadka Wax qori karo ama Akhri karo.
Ma aaminsani in Jaamacadda Harvard University oo lagu sheego Mid ka mid ah Jaamacadaha ugu sareeyo Mareykanku ey ka fiican tahay Ardayga wax ku bartay Mowlaca Sh. Cali Maye ee Magaalada Marka Cadeey, midba waxa uu bartay Cilmi uuna aqoon kan kale faa'iidana u leh Bulshadiisa.
B. Quruxda
Aduunka ma jirto wax Qurux loo yaqaan oo la isku raacsan yahay.
Dadka qaar ayaa quruxda u yaqaan Lugaha yar yar, Qaarna Lugaha buur buuran. ( F.S: 3 & 4aad). Dalka Ethiopia waxa quruxda loo yaqaan Ninka Caloosha weyn, waana la cabiraa. ( F.S: 5 & 6aad).Dalka Nageria waxaa qurux loo yaqaan Haweenka Naasaha Dhaadheer, oo ilaa Jilibka uu gaarayo, ama Cunuga ey Ximbaarsan tahay, Garabka gadaal uga tuuri karto Naaska si uu u gaaro Cunuga nuugayo. Naagta Naaska dheer waxaa Dhaqan ahaan la aaminsan yahay in ey tahay Bayaxaaw, Nasiib fiican leh,Guriga ey joogtana Khayrku ku bato.
Wadamada Afrika iyo Asiya qaar waxaa Qurux, loo yaqaan Bushimaha iyo Dhaguhu in ey Dhaadheer yihiin.( F.S: 7,8 & 9aad). ugu Dambeeyn, wadamada Aasiya qaar waxaan ku soo arkay in quruxda loo yaqaan in ey qoortaadu dheertahay lana dheereeyo, Cabsiyaaba i gashay markaan arkay ( F.S: 10 &11aad).
Dadka qaar waxa ey Qurux u yaqaaniin Midibka Madoow, Markii aan Miyiga joogay Dadka Maqaarka Cad iyo indhaha Buluugaa leh sida kuwa Miyiga Shidaalka ka baari jiray ama Ceelasha qodi jiray ee Reer Galbeedka ahaa, waxaan u heeystay in ey yihiin Dad jiran oo fool xun, Habaar waalidna ku dhacay, weli ilama qurxoono Dadkaas iyo kuwa Midabkooda Bedelo.
Ogoow Qofka PhD wataa, waxa jiro wax uuna Aqoon oo aad Adigu Taqaan. Ogoow Qofka la leeyahay waxa uu qaaday Suunka Quruxda Aduunka, Qof ayaa u arko in uu mudan yahay Suunka Fool xumida.
Dunida Ma kama Jiro Cabir Aqooneed iyo Qurux la isku raacdan yahay.
ku Dadaal Aqoonta, Is qurux, is nadiifi, laakin ha bedelin sidii Alla kuu abuuray, iskuna kalsoonaaw. waa iga Talo.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip