WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 26-KA AGOOSTO 2015-KA

0
Wednesday August 26, 2015 - 10:10:39 in Wararka by
  • Visits: 1181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 26-KA AGOOSTO 2015-KA

    MADAXWEYNE XASAN OO KU AMMAANAY JAAMACADDA CARABTA TAAGEERADA AY SIISO SOOMAALIYA Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan kula yeeshay Safiirrada Waddamada Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE XASAN OO KU AMMAANAY JAAMACADDA CARABTA TAAGEERADA AY SIISO SOOMAALIYA Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan kula yeeshay Safiirrada Waddamada Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya. Xasan Sheekh iyo Safiirrada ayaa ka Wadahadlay Xaaladaha Siyaasadeed, Amni, Dhaqaale iyo Xoojinta Doorka Jaamacadda Carabta ee dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey Ururka Jaamacadda Carabta Taageerada ay mar walba Soomaaliya la garab taagan tahay, isagoo intaas ku daray in DF Soomaa liya, baarlamanka iyo hay’adaha kale ee dowliga ah ay diyaar u yihiin inay fududeyaan iskaashigaasi labada dhinac ka dhexeeya.

Danjireyaasha Waddamada Jaamacadda Carabta oo iyaguna Kulankaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Horumarka Amni, Siyaasadeed iyo baahinta Xukunka ee ay ku Tallaabsatay Soomaaliya, iyagoo intaa raaciyay in Soomaaliya aanay xilligaan waqti u haynin inay lugaha la gasho khilaaf-aadyo kale oo siyaasadeed oo dib u dhac ku keeni kara horumarka la gaaray.

Ugu dambeyn, danjireyaasha Jabuuti, Dayib Dubad Rooble, Imaaraadka Carabta Maxamed Al Cuthmaan iyo Wakiilka Jaamacadda Carabta u Fadhiya Soomaaliya, Maxamed Cabdalla Idiris ayaa iyaguna sheegay in Jaamacada Carabta ay Laban laabeyso taageerada ay siiso Soomaaliya, si gaar ahna ay gacan uga geysaneyso hirgelinta hiigsiga 2016 oo ay ka mid tahay in Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo

GUDDOOMIYE MUUNGAAB OO KA SOO HORJEESTAY MOOSHINKA KA DHANKA AH MADAXWEYNE XASAN

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa ka horjeestay Mooshinka dhawaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay ka gudbiyeen Madaxweynaha Soomaaliya.

Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in Mooshink aasi uu carqaladeynayo Hiigsiga Cusub ee 2016-ka iyo horumarada la doonayo in la gaaro.

"Mooshinkan laga keenay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa hubaal in uu caqabad ku yahay horumarka la qorsheenayo in la hiigsado” sidaasi ayuu yiri Gudd oomiye Muungaab.

Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku baaqay in gacmaha la is qabsado isla markaana laga shaqeeyo dib u heshiisiinta si buu yiri 2016-ka loogu gaaro Nabad.

Si kastaba, hadalka Duqa Magaalada Muqdisho ayaa waxuu imaanayaa Xilli Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ay ku kala aragto duwan yihiin mooshinka dhawaan laga gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

XILDHIBAAN DALXA: HESHIISKA AAN LA GALNAY BAARLAMAANKA KENYA FAA’IIDO BADAN AYAA KU JIRTA

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa Faahfaahin Dheeraad ah ka bixiyay Heshiis 21-kii bishan Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Guddiyada Difaaca iyo Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Kenya.

Xildhibaan Dalxa oo intaas ku daray in lagu heshiiyay ay ahaayeen kuwo intooda badan ku aaddan xoojinta xiriirka labada waddan iyo in la fududeeyo socdaalka ay Soomaalidu ku tagto dalka Kenya.

Sidoo kale, Mudanuhu wuxuu tilmaamay in Qodobbada lagu heshiiyay ay ka mid ahaayeen Fududeynta dalku galka [Visa], Wax ka qabashada Marinka Wajeer oo dhibaato badan ku ah dadka Soomaaliyeed ee ku Wajahan Magaalada Nayroobi iyo Arrimo kale.

"Heshiiska aan la galnay xildhibaannada Baarlamaanka Kenya waa mid faa’iido ugu jiri doonto shacabka Soomaaliyeed, maxaa yeelay waxaan kala hadalnay Waxyaabo badan oo shacabka dhibaato ku hayay, waxaana isla garanay in sida ugu dhaqsiyaha badan qodobada la isku fahmay loo dhaqangeliyo,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Ugu dambeyn, heshiiska ay labada baarlamaan kala saxiixdeen ayaa la horgeyn doonaa Baar lamaannada Kenya iyo Soomaaliya si ay dib u eegis ugu sameeyaan; iyadoo labada haddii sida loogu talogalay uu u dhaqan galaan, uu wax badan iska bedeli doono xiriir labada waddan.

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR OO MADAXWEYNAHA UGA TACSIYEEYAY GEERIDA KU TIMID WALAALKIIS CISMAAN

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa tacsi u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo walaalkiisa ku geeriyooday magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya, halkaasi oo shalay lagu aasay.

"Anigoo ku hadlaya magacayga, kan Gobolka Banaadir iyo Shacabka Soomaaliyeed ee caasi madda ku nool , waxaan halkan Tacsi ugu dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soom aaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Qoyskiisa, Qaraabada iyo Qaranka Soomaaliya guud ahaan, geeridii ku timid Madaxweynaha Walaalkii Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Cilmi Ca daawe oo ku geeriyooday magaalada Nayroobi. Waxaan Illaahay Marxuumka u baryaynaa naxar iistiisa Janno, sidoo kalena Waxaan Qoyska Madaxweynaha, Qoyska Marxuumka iyo Guud ahan ba Qaranka Soomaaliyeed u rajaynayaa in Eebe Samir iyo Iimaan inaga Siiyo Marxuumkaasi”.

XAAD "WAXAAN OGAANAY IN MOOSHINKA LAGA WADO MADAXWEYNAHA INUU AFAR QODOB KU SALEYSAN YAHAY”

Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa wax laga xumaado ku tilma amay mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha ee Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dhowaan ka keeneen, isagoo ka digay in mooshinkaas uu horseedo dib u dhac iyo amni daro.

Mr Xaad ayaa sheegay inay ogaadeen in mooshinkaas uu ku saleysan yahay afar qodob, isla markaana yahay mid dibada laga soo abaabulayu oo lagu hortaagan yahay dowladnimada.

"Waxaan ogaanay in mooshinka uu ku saleysan yahay afar qodob oo kan koowaad uu yahay in lagu dhibaateynayo dowladnimada iyo geedi socodka nabada, in dibada laga soo abaabulay, inuu qabiileysan yahay oo maamul goboleedyada dalka ka jira qaarkood ay wax ka abaabuleen, taas ayaa ogaanay oo aan xaqiijinay”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in mooshinkan sidoo kale laga leeyahay dano gaar ah oo ah xil iyo xoolo doon, waxaana uu xusay in haddii la sii wado ay keeni karto dib u dhac ku yimaada dowla dnimada sida uu yiri.

"Waxaan wal wal ka qabnaa in sidii 2012 dhacday oo kale markii Shariif Xasan iyo Madoobe Nuunow ay Labo Guddoomiye baarlamaan noqdeen”ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.

Nabadoon Xaad ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu dulqaadka ka dhamaatay, isagoo uga digay in xubnaha mooshinka wada haddii aysan ka noqon ay shacabka mooshin ka keen ayaan, maadaama rabitaanka shacabka oo ah qof iyo cod ku imaan sida uu yiri.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa wali la yaalla mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha, taasoo ay qabteen 12-kii bishan, iyadoo aanu wali Guddoonku go’aamin xilliga la horgeynayo Baarl amaanka, waxaana dhowaan dib loo dhigay xiritaanka kalfadhiga lixaad oo ku beegneyd 27-ka bishan, inta laga maareynayo mooshinka Madaxweynaha ka yaalla.

DIYAARADII UGU HOREYSAY EE RAKAAB OO KA DAGTAY GAROONKA DIYAARADAHA BAARDHEERE

Garoonka diyaaradaha degmada Baardheer ee Gobolka Gedo oo bishii hore laga saaray Al-shabaab ayaa waxaa ka dagtay diyaaradii ugu horreysay oo rakaab sidda, iyadoo xaaladda degmadaas lasoo sheegay inay soo hagaagayso.

Diyaaradan oo ah kuwa yar-yar ayaa Waxay ka duushay Garoonka Muqdisho, Waxaana halk aas ay geysay dad shacab ah, Iyadoo sidoo kale rakaab kale ka soo qaadday degmada Baardheere.

Rakaabkii Tagay Degmada Baardheere ee la socday Diyaaraddan yar ayaa waxay qaarkood ahaayeen kuwo aan degmadaas tagin sannadihii aynu ka soo gudubnay, xiligaasoo degmada ay gacanta ku haysay Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland, Jen. Fartaag iyo Wasiirka Ga ashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan Shaaciyay in si Rasmi ah uu u furan yahay garoonka diyaaradaha ayna diyaaraduhu kasoo degi karaan.

YURUB OO DIB U CELINAYSA QAXOOTIGA DHAQAALE DOONKA AH

Yurub waxaa ku sii qulqulaya kummanaan muhaajiriin ah oo ka soo cararay waddamada sida Suuriya. Madaxa arrimaha socdaalka waddamada reer Yurub ayaa ballan qaaday dagaal ka dhan ah kooxaha dadka tahriibiya, waxa uuna wacad ku maray in dib loo celin doono muhaajiriinta Yurub u yimid arrimo dhaqaale oo kaliya awgood.

Haseyeeshee waxa uu sheegay in in tobanaanka kun ee qof ee ka soo cararaya meelaha ay colaadda ka jirto ay xaq u leeyihiin in ay Yurub sii joogaan.

Cadaadiska iyo dhibaatada ka dhalatay dadka tirada badan ee magangelyada u soo raadsana ya waddamada reer Yuurb ayaa waxa ka dhalatay walaac ay qabaan waddamo badan.

Balse madaxa arrimaha socdaalka ee midowga Yurub ayaa sheegaya in midowga yurub ay saaran tahay mas'uuliyadda ah in uu caawiyo muhaajiriinta, taasi oo laga yaabo in waddamada qaar ayba haatan sameynayaan wax ka badan awoodooda.

Dimitris Avramopoulos ayaa waxa uu sheegayaa in uu farqi u dhaxeeyo dadka magangelya doonka ah ee ka soo cararay waddamad sida Suuriya, Libya iyo Eretria iyo kuwa yurub u yimid arrimo dhaqaale oo kaliya.

Waxa uuna intaasi ku daray in muhaajiriintu doonaya noolal ka wanaagsan tan ay waddama dooda ku haysataan oo kaliya ay tahay in dib loogu celiyo waddamadooda.

Si wax looga qabto arrinta muhaajiriinta yurub ku sii qulqulaya ayaa Mr Avramopoulous waxa uu ballan qaaday dagaal ka dhan ah kooxaha abaabulan ee dadka tahriibiya, inkastoo uu haddana qirayo in dhibaatada ka dhalatay muhaajiriinta ay suurtagal tahay in ay saameyn ku sii yeelato yurub muddo sanado ah.

WARSHAD KU TAALA ADDIS ABABA OO DIYAARINEYSA GAADIIDKA DAGAALKA NOOCII UGU DAMBEEYAY KUNA SOO WAJAHAN SOOMAALIYA

Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan isla markaana casri ah oo aan weli horay soo gaarin dalalka Geeska Afrika ayaa lagu diyaarinayaa magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya, iyadoo gaadiidkaasi ay ku jiraan noocyada xambaara gawaarida gaashaaman iyo madaafiicda culus.

Dowladda Itoobiya oo afartii sano ee ugu dambeysay horumar weyn ka sameysay tiknolojiy ada caalamka ayaa iminka lagu rakibayaa gaadiid dagaal kii ugu tirada badnaa oo ku soo wajahan dalka Soomaaliya, iyadoo gawaaridaasi ay isticmaalayaan dhammaanba ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo nabad ilaalinta u joogaSoomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Itoobiya Sitaj Fegessa oo u waramayay Telefishanka CCTV ee dalka Shiinaha laga leeyahay ayaa sheegay in gaadiidka dagaalka ay u diyaarinayaan ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ka howlgelaya, isagoona tilmaamay inuu isugu jiro noocyo kala duwan.

Warshadda rakibeysa gawaarida oo ku taala magaalada Addis Ababa ayaa sida aad ka ark eyso muuqaalka waxaa ku howlan farsamayaqaano Itoobiyaan ah diyaarinta qalabka milateriga, iyadoo gaadiidka ay ka mid yihiin kuwa gargaarka degdegga ah oo aanay karin rasaasta.

Sidoo kale gaadiidka milateri ee magaalada Addis Ababa lagu rakibayo waxaa ka mid ah gawa arida Taangiyada ah noocii ugu dambeeyay oo casri ah isla markaana xawaarihiisu aadka u dheera awoodna u leh inuu si fudud uga tallaabsado miinooyinka iyo walxaha qarxa nooc kasta oo ay yihiin.

DOWLADDA AUSTRALIA: WAA LA MUSUQ MAASUQAY GARGAAR AAN UGU TALAGALNAY DALAL AY KU JIRTO SOOMAALIYA

Dowlada Australia ayaa shaaca ka qaaday in la musuq maasuq lagu sameeyay gargaar ay ugu deeqday dalalka Papua New Guinea , Solomon, east Timor, Afghanistan iyo Soomaaliya.

Madaxa waaxda gargaarka dibada ee dalka Australia Julia Bishob ayaa sheegtay in gargaar lagu qiyaasay ilaa 700,000 oo doolar ay ku luntay dalalkaasi iyadoo qeexday in qaab musuq lacag ahaasi loo lunsaday.

Julia bishop ayaa intaasi ku dartay in baaritaan dheer oo ay sameeyeen ay ku soo ogaadeen qaababkii lacagaahsi loo lunsaday.

Soomaaliya ayey ku sheegtay in raashiin gargaar ah oo ku kacayey ilaa 87000 oo dolar lagu bililiqaystay magaalada muqdisho sanadki 2011 xilligaasoo Soomaaliya ay ka jireen abaaro xoogan oo sababay in dad badan oo ka soo qaxay dhulalka miyiga ah aay soo gaaraan magaalada muqd isho.

Julia Bishob madaxa gargaarka ee waaxda arimaha dibada ee dalka Australia ayaa sheegtay in ay ugu xuntahay musuqa lagu sameeyay gargaar ay ugu yabooheen dalkaasi oo ay tilmaantay in ay ka jireen dhibaatooyin ku saabsan dhinaca bani’aadinimada

BOOLISK KENYA OO SU'AALO WEYDIINAYA KENYAAN LOOGA SHAKISAN YAHAY ARGAGIXISO.

Booliska Kenya ayaa sheegay iney su'aalo ku weydiinayaan magaalada Xeebeedka Monbasa muwaadin British ah iyo Labo Kenyan ah Hadii ay jiraan wax xiriir ah oo ay la leeyihiin waxay ugu yee reen argagixisada.

Abubakar Ahmed, Moses Tedi Mbigi iyo Michael Koech Koskey,ayaa la qabtay xilli gaari gaar ay ugu sii safrayeen magaalada Nayrobi iyagoo ka soo ambabaxay magaalada Monbasa.

Sarkaal Boolis oo lagu magacaabo David Kerina,ayaa sheegay in shaqsiya Birishka ay qabteen uu asal ahaan ka soo jeedo Somali,laakiin uu sito passport British ah,wuxuuna safaro ku soo maray dalalka Soomaaliya, Tanzania iyoYemen.

Sarkaalka Booliska oo la hadlay Wakaalada wararka (Xinhua),ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in xukuumada Kenya ay xiriir la sameysay Dowlada Uk oo ku aadan inay ka gacan siiso baaritaan lagu sameeyo shaqsiga Britishka,balse asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya.

Baaritaanka shaqsiyaadkaan looga shakisan yahay argagixisada ayaa loo xil saaray Koox loogu magacdaray ka hortaga argagixisada.

Mas’uuliuiin ka tirsan Dowlada Kenya ayaa aaminsan in ragaan gacanta lagu dhigay ay qorsheynayeen inay weerar qasaaro badan dhaliya ka geystaan gobolka.

” Waxaa qaadnay talaabo baaritaan ah oo ku xaqiijineyno Haddii ay jiraan wax xiriir ah oo ragaan ay la leeyihiin argagixisada,Tuhmanayaasha hadda su’aalo ayaa la weydiinayaa.” ayuu Mr Karina u sheegay Wakaalada Wararka Xinhua.

Kenya ayaa Feejignaan dheeraad ah kaga jirta weeraro kale oo kaga yimaada Al-shaba ab.Bishii April,sanadkaan ugu yaraan 148-Qof,ayaa ku dhimatay daraasiin kale wey ku dhaawacm een Weerar Al-shabaab ay ku qaadeen Jaamacad ku taalo magaalada Gaarisa ee gobolkawaqooyi bari dalka Kenya .

GUDOOMIYAHA MAGAALADA GALKACYO OO MAAMULKA PUNTLAND KU EEDEEYAY IN UU XIISAD KA ABUURAAYO MAGAALADA

Gudoomiyaha Koonfurta Magaalada Galkacyo, Bille Diini Cali oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Suuqa Galkacyo, ayaa si kulul Maamulka Puntland ugu eedeeyay in xiisad uu ka hurinaayo Mag aalada.

Gudoomiyaha, ayaa sheegay in Puntland ay maalmihii ugu dambeysay hawlgalo burburin ah ka sameysay Suuqa Magaalada Galkacyo, xilli sida uu sheegay uu suuqaasi ka tirsan yahay dhulka ay Galmudug ka arrimiso.

"Maalmahaan dambe Puntland waxay burburin ka waday Suuqa Magaalada Galkayo, oo ah Suuqa Galmudug, waxaan leenahay dagaal siyaasadeed halaga daayo shacabka walaalaha ah.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Bille Diini Cali, ayaa ku waramaaya shacabka reer Galkacyo inaanay u baahnayn dagaal siyaa sadeed, waxa uuna ku baaqay in la joojiyo xasaradaha laga dhex abuuraayo shacabka deegaanka.

"Xasaradaha laga dhex abuuraayo shacabka ku wada dhaqan Magaalada Galkayo, waxaan lee nahay halaga daayo. Dadka reer Galkacyo maanta uma baahna dagaal siyaasadeed.” Ayuu yiri Bille Diini.

Gudoomiye Bille, ayaa afka ku ballaariyay inay iyagu wakiil ka yihiin shacabka, raali kama noqon doono buu yiri in shacabkeena la dhibaateeyo.

"Annaga waxaan wakiil ka nahay shacabkeena, waxaana rabnaa inay nabad kaga soo toos aan guryahooda, uguna hoydaan. Raali kama noqon doono in shacabkeena la dhibaateeyo.” Ayuu yiri Bille.

Magaalada Galkacyo, ayaa waxay u kala qaybsan tahay Koonfur & Waqooyi, waxaana ka kala arrimiya Maamulada Galmudug iyo Puntland.

MAAMULKA AHLU-SUNNA EE GALGADUUD OO KA DIGAY DAGAALLO KA DHACA GOBALKAASI

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobalka Galgaduud ayaa ka digay dagaallo ka dhaca gobalkaasi, ka dib markii ay sheegeen in maamulka Galmudug uu billaabay inuu ciidamo ku soo daabulo deegaanno gobalkaasi ka mid ah.

Madaxa war waafinta maamulka Ahlu sunna Muxudiin Jaamac Jakuula ayaa sheegay in ay kawar heleen in Galmudug ay ciidan kusoo daabulayso deegaanada Godinlabe iyo Mareergur, kuwaa oo laga soo abaabulay degmada Cadaado.

Waxa uu tilmaamay in ciidamadaan laga keenay markoodi hore magaalada Muqdisho, ayna gadaal ka waddo dowladda Federaalka waa sida uu hadalka u dhigaye.

"Waxaan idiin leeyahay shacabka yaan la dhibin, yaan dagaal loo soo jiidin, ciidamada aad ku soo daabuleysaan Mareergur iyo Godinlabe haddii aadan joojin idinkaa dhibaato ku qabi doona, waa ciidan Xamar laga soo safriyay, dhibaatadana ayaga ayaa ku dambeyn doona, haddii aysan ka waan toobin waxa ay wadaan” ayuu yiri Jakuula.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa xiisad u dhaxeysa Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca waxaa laga soo sheegaya deegaanno ka mid ah gobalka Galgaduud.

Ahlu-sunna ayaa diidan jiritaanka maamulka Galmudug State, waxaana ay gacanta ku haysaa magaalooyin muhiim ah sida Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo la siiyay muddo 15-cisho ah si uu usoo magacaabo wasiiradiisa ayaa sheegay in wada hadal uu la galayo Ahlu-sunna si maamulkiisa ay uga soo dhex muuqdaan.

NIN SOOMAALI BRITISH AH OO LAGU XIRAY DALKA KENYA, XILLI LALA XIRIIRINAAYO URURKA AL SHABAAB

Booliska Kenya, ayaa xabsiga u taxaabay saddex nin oo middi uu yahay Soomaali British, xilli ka amba baxeen Magaalada Mombasa, kuna wajahnayen Magaalada Nayroobi Ee Xarunta Wadanka Kenya.

Raggan, ayaa la qabtay xilli ay gaari gaar ah ku safrayen. Laamaha ammaanka Kenya, ayaa su’aalo weydiinaaya raggaasi, xilli uu jiro tuhun ka dhan ah inay xiriir la lee yihiin Ururka Al Shabaab.

Ali Abubakar Ahmed waa nin Soomaali ah oo haysta basaboorka Britain, iyadoo basaboorkiisu uu muujinaayo inuu u socdaalay dalalka Soomaaliya, Tanzania iyo Yemen.

Sarkaal Booliska Mombasa u hadlay oo lagu magacaabo David Kerina, ayaa sheegay inay xir iir la sameeyen Dowladda Britain, si loo aqoonsado taariikhda ninkaasi, haddii ay ka shakisan yihiin.

Sarkaalkan, ayaa labada nin ee lala soo xiray ninka Somaliga ah waxa uu magacyadoodu uu ku kala sheegay Michael Koech Koskey iyo Moses Tedi Mbigi. Labadan nin ayaa u dhashay dalka Kenya.

David Kerina oo la hadlay Wakaaladda Wararka Xinhua, ayaa sheegay Saraakiisha Kenya inay aaminsan yihiin raggaasi inay qorsheynayen weeraro taxana ah, oo ay Gobolka ka gaystaan, sida uu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in la bilaabay baaritaano ka dhan ah saddexdaasi nin, si dacwad loogu soo ooggo, haddii y ku cadaato inay wax xiriir ah la lee yihiin waxa uu ugu yeeray argaga xisada.

"Waxaan bilownay baaris dembi lagu soo ooggaayo, haddii ay wax xiriir ah la yeeshaan argag axisada. La tuhunsanayaasha taariikhdooda waala qoray, baarayaal ayaana su’aalo weydiiyay.” Ayuu yiri Kerina.

Dalka Kenya, ayaa waxaa horey loogu xir xiray muwaadiniin Soomaaliyeed oo haystay basa boorada dalalka horumaray, waxaana sababta loo beegsaday lagu sheegay, iyadoo looga shakiyay Shabaab.

XILDHIBAAN SHARIIF CABDALLA "BEESHA CAALAMKA MA SOO FARAGELIN KARTO MOOSHINKA”

Iyadoo darraad uu ku dhawaaqay Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nicholas Kay inuu ka soo horjeedo Mooshinka laga soo gudbiyay Madaxweynaha Soo-maaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa arrintaasi waxaa ka hadlay xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka tirsan Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay arimaha Mooshinka inaan loo baahneyn in ay soo fara geliyaan xubnaha Beesha caalamka.

Wuxuu sheegay arrimahan inay yihiin kuwa u yaalla dadka Soomaaliyeed iyo madaxdooda arr intaana ay xalisanayso Soomaaliya dhexdeeda, balse xilligaan muhiim aysan aheyn in ay soo fara geliyaan xubnaha Beesha caalamka Mooshinkaasi.

"Arrintaan wax u yaallo ma ahan qolooyinkaas aad sheegeysid maslaxada dalka waxaa iska leh Soomaaliya, nin howl gaar ah u yimid malahan danta Soomaaliya, Mooshinkaasi inay soo fara gel iyaan ma’ahan.” Ayuu yiri Xildhibaan Shariif Cabdalla.

Xildhibaanka oo sii hadlaya, ayaa sheegay inay ku taagan yihiin mowqifkooda ah eedeymaha ay u jeediyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ku adkeystay inaysan ka noqo neyn Mooshinka.

Meesha keliya ee Mooshinka loogu kala bixi karo, ayuu sheegay inay tahay marka la gaaro codaynta Mooshinkan oo codka dhanka uu bato muhiim ay tahay in loo hogaansamo, maadaama sharciga uu sidaasi dhigaayo.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay arimaha Soomaaliya Danjire Kay, ayaa War eysi uu siiyay Idaacada VOA ku sheegay Mooshinka laga soo gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya inuu kasoo horjeedo.

"Waxaan garowsanahay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe uu aragti cad ku muuj iyey in Soomaaliya ay tahay inay qabato hanaan doorasho sanadda 2016, ma ahan inay waqti kale ku darsato, marka la eegana halka aan fadhiyo, way adag tahay in la arko sida mooshinka xil ka qaa dista madaxweynaha uu u ogolaanayo dhammaan hiigsiyada ay tahay in laga dhabeeyo, sababta oo ah dib u dhaca iyo fowdada sii soconeysa oo taas ay sababi doonto” Ayuu yiri Nicholas Kay.

WIIL SOOMAALI MAREEYKAN AH OO LAGU DILAY PUNTLAND

Wiilkan Soomaaliga ah ee kasoo jeeda Gobolka Minnesota heystana Dhalashada wadanka Mareykanka ayaa la sheegay inuu udhintay Jirdil loogu dhax geystay Iskuul nuuca la seexdo ah oo ku yaala Deegaanada maamulka Puntland.

TV-ga FOX9 ee wadanka Mareykanka oo la hadlay Waalidka dhalay wiilkan ayaa sheegay iney aamisan yihiin in wiilkooda loo dilay "Ahaanshaha Mareykan”, ayna ka murugsanyihiin dilka wiilkooda.

Ammar Abdirahman , oo 17 sano jir ah waa wiilka lagu dilay Puntland waxa uu ku dhashay Minnesota , balse bishii December sanadkii hore ayaa waxaa soomaaliya usoo diray Qoyskiisa si uu dalka gudihiisa ugu barto Dhaqanka Soomaaliyeed.

Hooyada dhashay Camaar ayaa FOX9 u sheegtay " Wiilkeygu waxa uu ahaa qof wanaagsan , waxa uu jeclaa inuu dadka su’aalo weediiyo ,aad buu ujeclaa Soomaalida ,balse waa a jirdileen dabadeynta waa ay dileen, wiilkeyga”.

Ehelada wiilka la dilay oo FOX9 la wadaagay sawiro laga soo qaaday Meydka Camaar ayaa muujinaye jirdil iyo garaac xooggan oo wiilkan dhintay korkiisa ka muuqday.

CIIDAMADA BOOLISKA OO HOWL GALLO DAD BADAN LAGU QABTAY KA SAMEEYAY DEGMADA HODAN

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa habeen hore howl galo lagu soo qabtay dad badan ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Hodan, iyadoo howl galkan ay ka qeyb qaateen Ciidamo si gaar ah u tababaran.

Howl galkan ayaa qeyb ka ahaa kuwo maalmihii la soo dhaafay si is daba joog ah uga samey nayeen degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir, waxaana howl galkii xalagu soo qabtay illaa 23 ruux, hub iyo dareys ciidan iyo agabyo kale.

Ciidamada ayaa intii ay wadeen Howlgalkii habeen hore waxa ay guri guri u baareen Xaafad aha degmada Hodan, iyagoo heystay macluumaad ku aadan in kooxo ka tirsan Al-Shabaab ku dhu-umaaleysanayaan.

Taliyaha Hogaanka howl gallada ciidamada Booliska Jen, Axmed Xasan Maalin ayaa Saxaaf ada uga warbixiyay howl galkan isagoo xusay in lagu soo qabtay dhalinyaro lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

"Ciidamada Booliska oo heystay macluumaad ayaa gacanta ku soo dhigay illaa 23 ruux, waxa ana la marsiin doonaa sharciga marka baaritaan lagu sameeyo”ayuu yiri Jen. Axmed Xasan Maalin.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan Booliska oo si gaar ah u tababaran, isla markaana adeegsanayay eeyo u tababaran urinta walxaha qarxa ay u dhaceen guri ku yaala deg mada Hodan, halkaasoo ay ka heleen waxyaabo qarxa oo lagu farsameynayay iyo dadkii gurigaas degenaa oo xilligii la qabanayay ku guda jiray sameynta walxaha qarxa.

KENYA: DARBIGA LAGA DHISAYO XUDUUDA WAA MID KA QAYB-QAADANAYA ADKEYNTA AMNIGA DALKA

Guddoomiyaha degmada Mandheera Cali Robo ayaa sheegay maanta in qorshaha darbiga lagu dhisayo xadka Soomaaliya iyo Kenya u dhexeysa wuxuu qayb ka qaadanayaan xoojinta Amniga dalkeenna.

Cali Robo ayaa sheegay in qorshaha dhismaha darbigan uu yahay hindise wanaagsan oo ay Dowladda Kenya ku doonayso inay ku hakiso Weerarada ay Al-shabaab ku soo Qaadayso Maga alooyinka ku dhow Xuduudda.

"Maamulkeygu wuu Taageersan yahay Barnaamijka ay Xukuumaddu Dabiga uga dhisayso Xuduudda Soomaaliya iyo Kenya, maxaa yeelay Darbigan wuxuu qayb weyn ka Qaadanayaan Xasill oonida degmada Mandheera, Gaar ahaan soo Gelista iyo ka bixista magaalada,” ayuu yiri Robo oo ka hadlayay kulan looga hadlayay amniga Mandheera.

Sidoo kale, wuxuu ammaan darrada Mandheera ku eedeeyay ma-amulkii hore ee Gobolka Waqooyi bari oo uu sheegay inay ku Guul darreysteen inay Adkeeyaan Amniga Xududda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

Mr. Robo ayaa intaas ku daray in kuwa dambiyada ka geysanaya gudaha Kenya ay si fudud ugu gudbaan Soomaaliya iyagoo maraya soohdinta, taasoo uu Sheegay inay Xuddun Xuduuda labada Waddan oo mid iska furan."Darbiga waa mid hoos u dhigi doona heerka dambiyada ka dhaca Mandheera, waayo way adag tahay in dambiilayaashu ay kasoo tallaabaan xadka ayna Dib ugu La abtaan Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa raaciyay Guddoomiyaha Mandheera.

Robo wuxuu intaa ku daray in dhismaha darbigan ay muhiim tahay tan iyo inta ay Soomaaliya xasillooni darradu ka jirto, balse markii Soomaaliya ay degto waa la dumin karaa.

Wasaaradda Amniga Gudaha Kenya ayaa horay u sheegtay inay Qorsheynayso inay Darbi ka dhisto Xadka u Dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaasoo Dhismihiisa laga soo Billaabayo deegaanka Kiunga ee Lamu dherersanaan doonana illaa Degmada Mandheera.Ugu dambeyn, Dowladda Soom aaliya ayaa horay uga digtay dhismaha darbigan laga dhisayo Xuduudda labada waddan u dhex-eeya.

WARBIXIN :- BAARLAMAANKA OO DAAHA KA ROGEY WAX ISDA BAMARIN DHAQAALE

Guddiga maaliyadda ee baarlamaanka federaalka ayaa baaritaan muddo ah kadib waxa uu soo saaray warbixin aad xasaasi u ah oo nuqul ka mid ah ay Goobjoog heshey taasi oo qodob-qodob u sheegeysa dhibaatada dhaqaale ee ka jirta dowladda federaalka dhexdeeda iyo waliba wasaaradda maaliyadda.

Warbixinta oo loo gudbiyey guddoonka baarlamaanka federaalka 25-kii bishii hore ee Luuliyo ayaa waxa ay faahfaahin ka bixineysaa musuqmaasuq baahsan, maamul xumo talax tagtey, wax isdabamarin , qiyaano, la xisaabtan la’aan, iyo ku tagri fal hanti dowladeed , dayacaad , beylah weyn iyo gaabis lagu samee yey maaliyadda dowladda federaalka.

Waxaa lagu bilaabay warbixinta in miisaaniyaddii la ansixiyey sanadka 2015-ka ay qoondadeeda ahayd 239 malyuun iyo 9 boqol oo kun, taasi oo 123 milyan iyo 4 boqol oo kun oo ka mid ah ay ka imaanaysay dakhliga gudaha, halka 116 milyan iyo 5 boqol oo kun oo ka mid ah ay ka imanaysay deeqaha dibada.

Deeqihii dibada ma aysan imaanin, kuwii gudahana oo aan iyaga ku filneyn daboolista baahida dowladda ayaa haddane waxaa loo maamuley si ka baxsan sharciga.

Warbixinta guddiga baarlamaanka waxa ay quseysaa waxyaabihii dhacay intii u dhaxaysay bishii Janaayo illaa May 2015-ka.

Maamul Xumo iyo Wax isdabamarin

Guddiga maaliyadda baarlamaanka oo uu guddoomiye ka yahay Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh Daahir waxa uu wasaaradda maaliyadda ku heley in ay jabisey xeerka qoondada miisaaniyadda ee uu baarlamaanka ansixiyey kadib markii ay wasaaradda ugu tagri fashay dakhliga dowladda si ka baxsan qoondada miisaaniyadda ee uu baarlamaanka ansixiyey , guddiga wuxuu baarlamaanka faray in uu soo saaro qaraar mabnuucaya ku dhaqan la’aanta habraaca qoondada miisaaniyadda.

Wasaaradda waxa ay khasnadda dowladda ka bixisey hal malyuun iyo sedex boqol oo kun oo loo isticmaalay si ka baxsan sharciga iyo wax aan xaalad degdeg ah ahayn, wuxuuna guddiga baarlamaanka ka codsaday in go’aan lagu joojinayo arrintaasi lasoo saaro .

Iyada oo ay sidaasi tahay ayaa waxa ay wasaaradda maaliyadda iyo bangiga dhexeba diideen bixinta mushaaraadkii xildhibaanadii hore, islamarkaasina soo celiyeen foojarkii nambarkiisu ahaa 208 si ka taloowsan sharciga , guddigana waxa uu farayaa in muddo 2 bilood ah gudahood lagu bixiyo lacagtaasi.

Taasi badalkeeda waxa ay wasaaradda maaliyadda qarash gareysey lacag dhan 1 milyan, 5 boqol kun 82,319.87 doolar oo kaliya lagu bixiyey safarada madaxda dowladda oo aanan iyagu intooda badan muhiim ahayn, guddigana arrintaasi waxa uu ku tilmaamay arrin lala yaabo, tahayna in baarlamaanka qaraar kasoo saaro in aanan qarash lagu bixin karin safar dibadeed oo aanan dowlad dakhli kasoo galaynin ama muhiimad siyaasad oo badan aanan lahayn.

Musuqmaamus iyo Lacago La Lunsaday

Warbixinta guddiga oo dheer oo aan inta muhiimka ah uun kasoo koobeyno, waxa ay ka hadlayso lacago la lunsaday oo aanan meel lagu sheegin.

Tusaale ahaan guddiga waxa uu warbixinta ku sheegey in xisaabxirkii lagu sameeyey miisaaniyaddii sanadkii 2013-kii lagu ogaaday in shirkado gaar loo leeyahay sida Dahabshiil iyo Salaam Bank laga amaahday lacag dhan 10 malyan oo doolar, balse 6 malyan oo kaliya ay ku dhacday khasnadda dowladda, lamana oga halka ay martay 4-ta milyan ee kale, wuxuuna guddiga farayaa xeer illaaliyaha guud in uu dabogal ku sameeyo lacagtaasi cidda lunsatay.

Sidoo kale waxaa jirtey lacag hal milyan oo doolar ah oo dowladda shiinaha ugu deeqdey dowladda Soomaaliya, taasi oo lasoo mariyey safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, balse lacagtaasi 5 boqol oo kun oo doolar kaliya ay soo gaartay qasnadda dowladda, halka 5 boqol oo kalane aanan la ogeyn meel ay martay.

Guddiga waxa uu xeer illaaliyaha guud Dr. Axmed Daahir xusuusiyey in horey uu baarlamaanka ugu soo gudbiyey caddeymo la xiriira 19 wasaaradood oo lagu heley arrimo musuqmaasuq, balse illaa iyo hadda aysan jirin cid talaabo looga qaaday musuqaasi dhacay, sidaasi darteed waxaa la faray xeer illaaliyaha guud in muddo 30 cisho gudahood ah sharciga ku horkeeno dadkii lagu heley caddeymaha musuqmaasuqa.

Maamul Xumo iyo Beylah

Iyada oo markii horaba uu yaraa dakhliga dowladda soo gala oo aanan dabooleynin baahida jirta ayaa haddana aanan la samaynin sidii habboonaan lahayd ee lagu heli lahaa dakhli wanaagsan, tusaale ahaan tariifada canshuurta laga qaado illaha dakhliga ma ahan mid waafaqsan sharciga dalka.

Intaasi oo kaliya ma ahan, guddiga waxa uu sheegey in illaha dhaqaale ay gacanta ku hayaan shirkado shisheeye oo aysan la joogin cid dowladda wakiil ka ah oo ogaan karta dakhliga soo xarooda inta uu yahay si aanan looga been sheegin.

Dowladda wax canshuur ah kama qaado shirkadaha ugu waaweyn dalka ee macaashka badan uu soo galo sida kuwa isgaarsiinta, xawaaladaha, bangiyada, hoteelada iyo kuwa la mid ah oo ayba sahlantahay in canshuurta laga qaado, waxayna guddiga aaminsanyihiin in haddii shirkadahani ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay in dowladda ay ka maarmi lahayd kaalmada dibada.

Waxyaabaha layaabka leh ee ku jira warbixinta ayaa waxaa ka mid ah in wasaaradda maaliyadda ay qarash siiso hey’ado aanan wali ahayn kuwa dastuuri ah sida hey’adda maareynta masiibooyinka oo aanan wali sharcigii lagu dhaqi lahaa aanan la ansixinin.

Soojeedinta guddiga

Guddiga maaliyadda ee baarlamaanka waxa uu baarlamaanka iyo wasaaradda maaliyaddaba usoo jeediyey talooyin badan oo dhaxalgal ah, waxaanse kasoo qaadanaynaa kuwa kooban oo aan is leenahay waa muhiim.

In shirkadaha maamula dekada iyo garoonka muddo 45 cisho gudahood la hor geeyo baarlamaanka si dib u eegis loogu sameeyo heshiisyada lala galay, waxaana qasab ah in saraakiil ka socota dowladda la geeyo dhamaan meelahaasi si ay ula shaqeeyaan dhamaan shirkadaha dowladda ay u wakiilatay in ay maamulaan illaha dakhliga si loola socdo waxa soo xarooday iyo waxa kale ee dayacmay, una yimaado isla xisaabtan.

Waxaa lasoo jeediyey in faragalinta laga dhaafo xafiiska iyo hawsha Hanti Dhawrka guud, hawshiisana loo madax baneeyo.

In wasaaradda maaliyadda sida ugu dhaqsiyaha badan ay kusoo saarto sharci canshuuraha qaabilsan mid federaal illaa heer maamul goboleed, in sidoo kale canshuurta ku waajibtay laga qaado dadka ajaaniibta ah ee ku sugan xerada Xalane ee aanan ku dhawrsanayn hanaanka xasaanadda dublamaasiyadeed, iyo sidoo kale in dowladda qaado canshuuraad kale ee aanan hadda la qaadin ama cid kale aanan loo wakiilan.

In dib u eegis lagu sameeyo heshiisyadii lagu kireeyey hantida dowladda oo dhan, dakhligoodana lagu xareeyo khasnadda dowladda, iyada oo dhamaan heshiisyada ay tahay in laga diiwaangaliyo xafiiska Hanti Dhawrka Guud muddo 30 cisho gudahood ah.

Ugu dambeyntii in waraaq kasta oo uu lacag ku bixinayo xisaabiyaha guud ay tahay mid uu soo saxiixay agaasimaha guud ee wasaaradda qarashka dalbanaysa sida uu qabo sharciga nambarkiisu yahay 317 ee soo baxay sanadkii 1962-dii, waxaana si gaar ah loogu digey ciidamada qalabka sida oo si taasi ka duwan qarashkooda lagu qaado.

Xigasho . goobjoog.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip