HALKAAN KA AQRISO WARGEYSKA MAANTA EE MOGTIMES DAILY EE TARIIKHDA 17 0CTOBER 2021

0
Sunday October 17, 2021 - 09:15:39 in Wararka by
  • Visits: 341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO WARGEYSKA MAANTA EE MOGTIMES DAILY EE TARIIKHDA 17 0CTOBER 2021

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Farmaajo Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Carruurta Eng Maxamed Cumar Saalixi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Maxamed Cabdullaahi Farma ajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah ubadka Marxuum Maxamed Cu mar Saalixi oo laf dhabar u ahaa guushii aan ka gaarnay kiiskii dacwadda baddeenna.

Faysal Maxamed Cumar Saalixi, Faadumo

Maxamed Cumar Saalixi iyo Ismaaciil Maxa med Cumar Saalixi ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyey maamuska uu u sameeyey, iya ga oo xusay ahmiyadda ay u leedahay guusha taariikhiga ah ee aynu ka gaarnay kiiska Dac wadda Baddeenna.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in haly ey Maxamed Cumar Saalixi, uu ku suntan yah ay Baal dahab ah wadaniyad, dal jacayl iyo ila alinta hantida Qaranka, waxa uuna tilmaamay doorkii uu ka soo qaatay dowladnimada iyo hor umarinta dalkeenna.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Guddigii Kiiska Badda ee Maxkamadda ICJ

Ra’iisul Wasaaraha XFS ee xilgaarsiinta Max amed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Wafdigii DFS ku matalayay kiiska Dacwa da Badda ee u dhexeeyay Soomaaliya & Kenya.

R/Wasaare Rooble ayaa wafdiga uu hoggaamina yay R/Wasaareku-xigeenka Xu kuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ugu hambalyeey shaqadii wanaagsa neyd iyo guushii ay qaranka u soo hooyeen.

Wafdiga oo Shalay dib ugu soo laabtay M/ Muqdisho ayaa Madaxda DF iyo shacabka So omaaliyeed ugu hambalyeeyay guushii Soomaali ya ka gaartay kiiska Dacwada Badda ee muranka ay gelisay Kenya.

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed C/hi Farm aajo oo Madaxtooyada ku qaabilay Wafdiga ayaa ku bogaadiyey doorka taariikhiga ah ee ay ka qaa teen qadiyaddan Qaran iyo sida jiilasha soo so cda ay tusaalaha ugu noqdeen dhanka difaaca Qaranka.

Madaxweynaha iyo Guddiga ayaa wadajir ugu duceeyey, Alle ha u naxariistee, Eng Maxamed Cumar Saalixi oo uu hammigiisu ahaa inuu goobj oog u ahaado miraha dadaalkii uu galiyay kiisk an, isaga oo ammaan iyo mahadcelin u soo jeedi yey Qareennadii iyo khubarradii Soomaaliyeed ee u istaagay difaaca baddeenna oo ay ugu horre eyaan Drs. Muna Sharmaan.

Madaxweynaha Galmudug Oo Magacaabay Guddiga Daadejinta Adeegga D/daha Hoose

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha do wlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaa riye Qoorqoor ayaa lagu magacaabay Guddiga Daadejinta adeegga Dowladaha Hoose ee Maamulkaas.

Guddigan oo ka kooban 10-xubnood ayaa wa xa ay ka shaqeyn doonaan Daadejinta adeeggya da Dowladaha Hoose ee Maamulka Galmudug. Wareegtadan ayaa lagu faray laamaha ka la du wan ee amniga inay la shaqeeyaan Guddigaan uu magacaabay madaxweynaha, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.

Hoos ka Akhriso Magcayada xubnaha Guddiga ee la magacaabay. 1-Axmed Xasan Cali Wasiiru Dowlaha W. Arim aha Gudaha (Gud. Kuxigen)

2-Farxaan Cali Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

3-Maxamed Xaashi Dhoore Wasiirka Wasaar adda Waxbarashada

4-Cabdiwali C/llahi laamac Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka

5-Cabdinasir Geelle Cilmi Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta

6-Maxamuud Cabdi Axmed ‘Kaarshe’ Wasiirka Wasaaradda Biyaha Iyo Tamarta

7-Axmed Casir Dhiblaawe Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-U-Dhiska

8-Siciid Siyaad Shirwac Wasiirka Wasaaradda Bayada

9-Yaxye Xasan Xiish Wasiirka Shaqada iyo Shaq aalaha

10- Ubax Xuseen Dhiblaawe Wasiirka Wasaarad da Haweenka yo Xuquuqda Aadanaha

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XF/Soomaaliya ee xilgaa rsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya Mehmet Yilmaz.

Ra’iisal wasaaraha iyo safiirka aya a ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labadadal ee wal aala ha ah, mashaariicda horumarineed ee Turk igu ka wado Somaliya iyo arrimaha dorasho oyinka dalka.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa muujiyay muhiim adda ay xiriirka taariikheed iyo kan dhaqan u lee dahay xoojinta xiriirkooda iyo hiigsashada qaab ab kale oo iskaashi looga yeelan karo dhinacya da kale.

Turkiga ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera dowladda Federaalka Soomaaliya, iya goona tababaro kala duwan siiya Ciidanka DFS waxaana sanadkaan gudihiisa dalkaas lagu soo tababaray kumanaan Askari oo kamid ah Ciidan ka dowladda.

Soomaaliya iyoThailand oo ka wada hadlay horumarinta labada dal

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Maxamud Axmed Nuur Tarsan ayaa la kulmay da njiraha Thailand ee dalka Kenya Danjire H.E. Sas irit Tan gulrat.

Labada safiir ayaa ka wada hadlay xiriirka lab ada dal oo ay ku jiraan horumarinta ganacsiga ga ar ahaan kalluumaysiga, caafimaadka iyo waxba rashada.

Safiirka labada dal ayaa sheegay in ay muhiim ta hay in xoogga la saaro iskaashiga labada dal ayna muhiim u tahay xiriirka labada dal. Sidoo kale Soomaaliya ayaa ka codsatay dal ka Thailand in ay ka caawiyaan dhanka Farsama da oo muhiim u ah horumarinta dhaqaallaha dal ka iyo Shaqo abuurka.

Raiisulwasaare Rooble oo baaq u diray bulshada gobolka Mudug

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo khudbad ka jeediyey Xiritaanka Bandhig Bu ugeedka Nabadda ee Gaalkacyo Peace Book Fa ir ayaa ku ammaanay cid kasta oo kaalin ka geysatay bandhiggan muhiimka ah.

R/Wasaaraha ayaa xusay in sana do badan oo Gaalkacyo ku tilmaam neyd magaalo ay colaad iyo khilaa faadku dash adeen ay Shalay dad keedu u jeesteen nabadda, horumarka, iskaas higa iyo walaalnimada.

"Waxaa hubaal ah in waddada nabadda iyo iskaashiga bulshada Gaalkacyo ay tahay tan kal iya ee dadka iyo deegaankaba u horseedi kar ta horumarka. Muddooyinkii dambe oo ay Gaalka cyo ku naalooneysay nabad ka dhex jirta dadke eda waxaa lagu tallaabsaday horumar muuqda oo gobolka oo dhan laga dareemi karo”.

Eng. Maxamed Xuseen Rooble ayaa Bulsha da Gaalkacyo iyo maamulladeedaba ku boorriyay inay iu midoobaan nabadda iyo walaalnimada, isuna kaashadaan la dagaallanka cadowgooda 1aad ee Alshabaab oo maalin kasta dilaya hal-doorka bulshada.

Shaqaalaha Dowladda Somalia oo loo fasaxay weyneynta dhalashada Nebi Muxamed (NNKH)

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS ayaa dhammaan shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ku wargelisay inay fasax yihiin oo taariikhu ku beegan tahay 18-ka bishaan Oc toober

War-saxaafadeed uu soo saaray Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada Cabdullaahi Maxamed Ca li ayaa waxaa lagu sheegay in sa babta shaqaalaha loo fasaxay tah ay in maalinta Isniinta ay ku beeg an tahay 12-ka Bisha Mowliid ee Xuska dhalash ada Nebi Muxamed (NNKH).

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulsha da Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa shaqaalaha iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeysay Xuska dhalashada Nebi Muxamed (NNKH) oo ku beegan 12-ka Bisha Mowliid ama Rabiicul Awal.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanad kasta marka la gaaro 12-ka bisha Mowliid shaq aalaha dowladda iyo iyo kuwa gaarka u fasaxda weyneynta munaasabadda xuska dhalashadii Nabigeenna Muxamed NNKH.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka lasoo saaray.Tababarka Hawl-Gelinta Maktabadda










Qaranka Soomaaliyeed

Waxaa Shalay ka furmay xafiiska Maktaba ddaQaranka Soomaaliyeed tababar ku aaddan hawl-gelinta MaktabaddaQaranka.Tababarka ay aa lagu baran doonaa aqoonta iyo hawlaha lama huraanka uah dib u hawl-gelinta Makatbadda oo dhawaan la qorshaynayo in dib loo furo. Tabab arrada ayaa ka kooban DajintaIstaraatiijiyo,

Samaynta Biblograafiyada, Hannaanka Kaydinta, Lanbaraynta Agabka iyo Buugaagta.

Agaasimaha Tacliinta Sare ee wasaaradda Waxbaraashada oo furay tababarka ayaa tibaa xay baahida loo qabo tababarkan maadaama fu ritaankii Maktabadda oo soo dhawyahay, gaba gabana marayo dayactiraka dhismaha makta badda.

"Wasaaraddu waxa ay xoogga saaraysaa ha wl-gelinta iyo soo celinta adeegga maktabadda qaranka, si muwaaddiniinta qaybahooda kala du wan u helaan adeeggii akhrinta iyo daalacash ada, sidoo kale ardada Soomaaliyeed na u hel aan xarun ay ka heli karaan buugaag aqooneed oo ka saacidi kara cilmi-baarista”. ayuu yiri agaa simaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbara shada Md. Ismaaciil. Khubarada bixinaysa tababarka ayaa ayagana si guud uga hadlay muh iimadda ay u leeyahiin tababaradaan hawl-wade ennada iyo shaqaalaha Maktabadda Qaranka.

Ustaad Cabdirraxiim Shaafici oo ah khabiir dhanka Horumarinta Hay’adaha (Insitutional Dev elopment) ayaa sheegay in baahida maktabadda ay u qabto horumarinta kaabayaasha maamul iyo maarayn ay yahiin kuwo aad u wayn,

"Hadduu gabagabo joogo dhismaha, waxaa isha lagu hayaa, waa furitaanka maktbadda iyo in ay soo buuxiso kaalintii ay uga jirtay sare u qaa dista aqoonta iyo wacyiga bulshada Soomaal iyeed”.

Ugu danbayn, Agaasimaha Maamulka iyo Ma aliyadda Maktabada Qaranka ustaad Cabdullaahi Saciid Faqi ah ayaa ka war bixiyay dadaalka dhe er ay maktabadda ugu jirto inay abuurto dham aan kaabayaasha loo baahan yahay oo ay ugu horrayso abuuritaan kaadir aqoon iyo karti u leh fulinta hawsha Maktabadda Qaranka.

Tababarka ayaa socon doonaa muddoo lix cis ho ah, 16-21 bishan, iyada oo lagu diyaarinayo shaqaalaha Maktabadda sidii ay dusha ugu ridan lahaayeen hawsha ku soo fool leh ee furitaanaka iyo daaddihinta hawlaha Maktbadda Qaranka Soomaaliyeed.

Sarkaal ka tirsan ciidanka maamulka Jubal and oo lagu dilay M/Baardheere

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa la ga helayaa weerar qorsheysan oo ka dhacay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, ka as oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Jubbaland, sida ay innoo xaqiijiyeeno ilo ware edyo.

Dilka sarkaalkaasi oo lagu magacaabi jiray, Xasan Inyow ayaa ka dhacay guri uu ka dag anaa gudaha magaaladaasi, waxaana goobta isaga baxsaday raggii ka dambeeyey.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda dilka filisay ay gudaha gurigiisa ugu gashay sarkaalkaasi, kadibna ay toogasho ay ku dishay. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkan, waxaa na ay shaacisay inay howl-galkaasi fuliyeen da gaalyahano hubeysan oo ka tirsan kuwooda amniyaadka.Dhanka kale ma jiro weli wax had al ah kasoo baxay dhinaca saraakiisha amma anka ee Jubbaland iyo kan degmada Baa rdheere oo ku aadan dhacdadaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa tegay xaafadda uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Amiirka Al-Shabaab oo soo diray farriin uu is-barbar dhig yaab leh ku sameeyeey

Gobolka Gedo oo ay weli ku xooogan tah ay Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhaca weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay kooxdaasi ka fuliso degmooyinka gobolkaasi.

Al-shabaab oo sheegatay masuuliyada dilal loo geystay saraakiil ka tirsanaa maamulada Jubbaland iyo Koofur Galbeed

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheeg tay Masuuliyada weeraro Habeen hore lagu kala dilay saraakiil ka kala tirsaneyd maamulada Jubbaland iyo Koofur Galbeed.

Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Shabaab ayaa weerarka koowaad waxay ku qaadeen guri uu magaalada Baardheere ee gobolka Gedo uu ka daganaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada maa mulka Jubbaland ayna ku dhex dileen hoygi isa,kaasoo magacii sa lagu soo koobay Xasan Inyow.

Al-shabaab ay aa bar tooda Internetka waxay ku shaaciyeen in weerar ka ay ku dileen sarkaalka ka tirsanaa Jubbaland uu ahaa mid qorsheysan oo sidii la rabay u fuli yeen askartooda.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Jubbland oo la xiriira dilka Shabaab u geysteen sarkaalka lagu magacaabi jiray Xasan Inyow oo ka tirsanaa saraakiisha maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sidoo kale bartooda Internetka ku sheegatay in qarax ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ay ku dileen guddoomiyahii deegaanka Buula Jaay iyo askar ka tirsaneyd ilaaladiisa.

Al-shabaab ayaa inta badan weeraro toos ah & kuwa gaadma ah la beegsata masuuliyiinta ,Askarta ciidamada dowladda& maamul goboleed yada dalka.

UK oo maalgelin ku sameyneysaa saddex dekadood oo ku yaal qaarada Afrika.

Dowlada Uk qeybteeda Maalgashiga Horum arinta ayaa waxa ay maalgelin ku sameyneysaa saddex dekadood oo ku yaal qaarada Afrika.

Maalgelintan ayaa ah tii ugu badneed ee dowl ada UK 73kii sano ee ugu dambeysay ay ku sam eyso qaarada Afrika.

Dekedaha la maalgelinayo ayaa waxaa ku ba xay lacag gaareysa $ 1.7bn iyadoo ay iska kaa shadeen DP World, oo ah maamulaha dekedaha ee fadhigeedu yahay Dubai.

Kooxda CDC waxay ku dhawaaqday Talaada dii inay ku maalgelinayso $ 320m horraantii ball aarinta dekadaha Masar, Senegal iyo maamulka isku magacaabay Somaliland.

Waxa kale oo ay damacsan tahay inay $400m oo dheeraad ah siiso shirkadda dekedaha DP World. Saddexdan dekedood ee kala ah Dakar, Senegal, Sokhna oo ku taal xeebta Badda Cas ee Masar iyo Berbera ee Somaliland – ayaa wa xaa ka abuuri doonto ku dhawaad ​​140,000 shaq ooyin toos ah saddexda dal isla markaana ay ku dari doonto in ka badan $ 50bn ganacsiga guud marka la gaaro 2035.

Ballaarinta Berbera, oo ahayd caasimaddii hore ee maxmiyaddii British Somaliland, waxay kordhin doontaa wax -soo -saarka guud ee Som aliland in lagu qiyaasay boqolkiiba 6 iyo sidoo kale inay beddel u noqoto isticmaalka Jabuuti ee Itoobiya oo aan bad lahayn.

Qarax xooggan oo Mas’uuliyiin lagula beegs aday Baladweyne iyo khasaaro ka dhashay

Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhex dhacay Ma qaayad ku taalla gudaha Saldhiga Booliska ee M/Baladweyne ee Xarunta G/Hiiraan ee Maamul ka Hirshabeelle, waxaana qaraxa jugtiisa laga ma qlay xaafaddo ka tirsan Magaaladaas

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxa as oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga meelaha fog-fog la geliyay Maqaayad ku dhex taalla Saldhiga Booliska, taasi oo ay fariista an Saraakiil Ciidan iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo soo gaaray Mas ’uuliyiin, Saraakiil iyo dad kale ka Agdhawaa Maq aayada, waxaana la xaqiijiyeen inay goobta ku ge eriyootay haweeneydii laheyd Maqaayada.

Sidoo kale dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa waxaa kamid ah Guddoomiyaha degmada Feer-feer Mahad Maxamed Xasan, Taliyaha Boo liska Magaalada Baladweyne Maxamed Maxam uud Qoorsheel iyo Askar kale oo ku sugneyd halkaas.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii daraya an in qaraxa uu ku geeriyooday Duqa degmada Feer-feer Khaliif Garaad Rooble oo markii hore la sheegay inuu soo gaaray dhaawac culus, haye eshee markii dambe uu u geeriyooday.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska Baladweyne ayaa gebi ahaan xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa Saldhiga Booliska, isla markaa na waxaa ay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan qaraxii ka dhacay Saldhiga Booliska.

Janaraalka hogaamiya dowladda milateriga Myanmar oo laga reebay Shir

Janaraalka awoodda Myanmar la wareegay bishii Febraayo ayaa waxaa laga rebeay shirka ay dabayaaqada bishan yeelanaya an hogaamiyayaasha Koonfur Bari Aasiya.

Dowladda Milateriga ee Myan mar ayaa go’aankaasi waxa ay ee daysay inuu ku yimid faragelin shi sheeye.

Waxa ay sheegeen in Mareykanka iyo Midow ga Yurub ay cadaadis ku saareen urur goboleed ka ASEAN in aanay casuumin Janaraal Min Aung Hlaing.

Urur goboleedka ASEAN ayaa sheegay in mi lateriga Burma uusan wax badan ka qaban qaska dalkaasi ka taagan. Ururkaasi badanaa ma farag ashto arrimaha gudaha ee dalalka xubnaha ka ah Gaajo & sabolnimo baahsan oo soo foodsa artay xoolaleyda gobollada Somalida Kenya.

Gobollada Waqootiga Kenya waxaa laga soo sheegaya abaar aad u daran, taas oo baabi’isay xoolihii, isla markaana sababatay biyo la’aan da an, waxaana qeylo-dhaan ka diray xoolaleyda iyo hey’adaha samafalka.In ka badan 465,000 oo carruur ah oo ka yar 5 sano jir & in ka badan 93,000 oo haween uur leh ama naas -nuujinaya ayaa nafaqo-dar ro ku heysaa go bolka wa qooyi ee Kenya, sida ay sheegtay Q/Midoobay.

Xoolaleyda ayaa biyaha ugu safra meel loo socdo hal maalin, halka hoos u dhac weyni uu ku yimid qiimaha la kala siisto xoolaha macluul dart eed, iyada oo dhinaca kalena qiimaha mac iisha dda ay sare u kacday.

Degmada Marsabit qiimaha cuntada ayaa kor u kacay, waxaana maciishaddu ay ka sarreeysaa celcelis ahaan 16% sida ay muujineyso xogta la ga helay Maamulka Maareynta Abaaraha Qaran ka (NDMA).

"Arigu, waa mid ay adagtahay in la iibsado, lo’duna way ka sii daran tahay, carruurteennuna way gaajoonayaan,” ayuu yiri Moses Loloju, oo ah xoolo-dhaqato ka soo jeeda Isiolo oo iskiis isku xilqaamay si uu gacan uga geysto qaybinta deeqda raashinka ee dowladda hoose. Waa xilli-roobaadkii labaad oo xiriir ah oo roobku aanu weli ka di’in Waqooyiga Kenya, oo ah dhul-oom ane ah oo ka duwan dalka intiisa kale oo ah barw aaqo iyo cagaar badan. Roob la’aanta ayaa la micno ah in 2.4 milyan oo qof oo ku nool gobolka ay la halgami doonaan sidii ay u heli lahaayeen cunno ku filan marka la gaaro bisha Nofembar, sida ay sheegtay Barnaamijka Cunna da Adduun ka ee Qaramada Midoobay.

"Abaarihii hore waxay ahaayeen kuwo si weyn loo saadaalin karay, waxaan u dhexeyn jiray xilli dheer oo ila 5 ama 10 sano ah. Haddese waxaan aragnaa abaaro soo socda labadii sanaba mar, marmarka qaarna sanad walba.” ayuu yiri Mau rice Onyango oo ah Madaxa Gobolka ee Maar ey nta Khatarta Masiibooyinka ee hay’adda samafal ka ee Plan International.

Heerkulka Waqooyiga Kenya ayaa sare ugu ka ca 0.34 ° C tobankii sanaba mar intii u dhexeysay 1985-2015 sida ay sheegeyso xogta dowladda Mareykanka, waxaana la saadaalinayaa in 5-ta sano ee soo socota uu kor u sii kaco heerkulku, taas oo adkeyn doonta in dalag la beerto ama xo olaha la dhaqdo, maadama ay biyuhu si xowli ah u guri doonaan.

Kiiskii badda: Dalalka la kala saftay Soomaal iya iyo Kenya

Inkasta oo lasoo gabagabeeyey kiiska Badda, Soomaaliyana ay ka guuleysatay Kenya hadana 7-badii sano ee dacwadu taallay ICJ, waxaa jiray in dalalka ay caalamka ay la kala safteen Soo maaliya iyo Kenya.

Waxaa xusid mudan in kiis ka dartiis u xumaad ay xiriirka Somaliya & Kenya, gaar aha an wixii ka dambeeyey shir kii London ee February 2019-kii, laakin ma jirin wax dhedhexaadin ah oo dala lku sameeyeen. Haddaba, Waxaan Halkan Ku soo Koobeynaa Sidad Dalalka ugu Kala Qeybsa meen Kiiska badda:

DALALKA LA JIRAY KENYA:

Mareykanka: Dalka Mareykanka waxaa uu la jiray Kenya, oo uu in badan soo marsiiyo danahiisa uu ka leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan la dagaalan ka waxa loogu yeero argigixisada iyo heshiisyo badan oo labada dal ay galeen. Faransiiska: Dalka Faransiiska waxaa uu la jir ay Kenya, wa ayo shirkadda TotalEnergies SE ay aa ka mid ah shirkadaha maalgeshtay dhulka mu ranka ka ji ray, iyada oo heshiisyo shidaal qodis ah la ga shay Kenya.

Qatar: Dalka Qatar waxaa uu ka mid ahaa dalalka la safnaa Kenya, waayo shirka Qatar Pet roleum ayaa sheegtay 2019-kii in heshiis la ga shay shirkada ENI iyo Total, si ay saammi 25% u gu yeelato sahminta saddex Baloog oo ku yaala Laamu, oo ah gobol dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Qatar waxaa ay iibsatay xisadada 13. 75 oo ay ka iibsatay ENI iyo 11.25 oo ay ka iibsatay To tal, waana saddex Baloog oo ku yaala Laamu Basin.

DALALKA LA SAFTAY SOOMAALIYA

Imaaraadka: Dalka Imaaraadka waxaa uu ka mid ahaa kuwa taageersan Soomaaliya, waayo wax aa uuba bixiyey lacagta la siiyey qareennada iyo inta badan qarashka kiiska badda, waxaa uu si doo kale damac ka leeyahay dekada Soomaaliya ee dhaca gacanka Cadan iyo badda Cas.

Ingiriiska: Dalka Ingiriiska marka laga soo tago in shirkadihiisa ay lahaayeen sahmin iyo xataa ra jada shidaal qodis iyo iibsashada bologyada, had dana sababta Ingiriiska ula safteen Soomaaliya waxaa xoojiyey iyada oo aad u xumaa xiriirka dal kaasi iyo Uhuru Kenyatta, oo lagu eedeeyey falal ka dhan banii’aadnimada.

Norway: Dalka Norway waxaa la safatay Soo maaliya, shirarka lagu xaraashayo shidaalka Soo maaliya, shirkadaha ugu badan ee dalabaadka soo gudbista waxay ahaayeen Norway, waxaa ka le oo intaa dheeraa ra’isul wasaaraha Soomaa liya oo ahaa Norwegian.

Isha: Goobjoog News

Ahlu Sunna oo soo bandhigay awood ciidan ka dibna soo saaray war culus

Ciidamada Ahlu Sunna ee gacanta ku hayo M/Guriceel ee G/Galgaduud ayaa Shalay howlga lo militari ka sameeyey gudaha magaalada, xilli la ga cabsi qabo in magaalada ay soo weeraraan cii damada dowladda iyo kuwa Ga lmudug

Ciidamo tiro badan, islamarkaana ku hubeys an hubka fudud iyo kuwa culus iyo gaadiidka dag aalka ayaa Shalay lagu arkay gudaha M/Gurice el halka as oo laga cabsi qabo inu u dagaal ku dhex maro ciidamada Galmud ug iyo kuwa Ahlu Sunna.

Taliyaha guud ee Ciidamada Ahlu Sunnam Cali Faarax oo saxa afadda kula hadlay gudaha M/Guriceel ayaa shee gay in magaalada ay tahay mid dagan.

"M/Guriceel annagaa gacanta ku heyna, nabad galyadeedana waxaa ka shaqeenayo ciidamada Ahlu Sunna, ma jirto cid aan magaalada uga he ebeysaneyno, waa meeshii laga soo bilaabay jih aadka ka dhanka ah Khawaarijta, waxaa joogo il mihii ay dhaleen shuhadadii ku dhintay dagaalkii khawaarijta lala galay,” ayuu yiri Cali Faarax. Sidoo kale, wuxuu sheegay in ciidamada Ahlu Sunna ay difaacyo adag ka sameysteen gudaha iyo bannaanka magaalada, wuxuuna shacabka u gu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada Ahlu Sunna isagoo carrabka ku adkeeyey inaysan ma rnaba ka bixi doonin magaalada.

"Howlgalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab laba sano ayey gaabsi galeyn, waxaana rabnaa inaan hadda dib u bilowno oo aan dagaalka gaarsiino meelaha ay ku sugan yihiin khawaarijta,” ayuu sii raaciyey taliye Cali Faarax.

Taliye Cali Faarax ayaa ayaa wuxuu uga digay dadka barakinayo shacabka inay joojiyaan arrant aan oo uu ku tilmaamay inay tahay mid aan wan aagsaneyn oo aysan u baahneyn dadka deganka

"Waxaan rabnaa in dadka baraha bulshada dhi gaya waxyaabaha qaladka ah ee dadka qaxinaya u sheego, dadkaan uma baahna qax, waxay u baahan yihiin nabad, nabadiina anagaa ka shaqe eneyna dadkana diyaar ay u yihiin inay nagala shaqeeyaan, laakiin dadka waxaa ku jira kuwa la aluush qaatayaal ah oo anaga waxaan diidnay qa atay,” ayuu yiri taliye Cali.Howlgalka ay Shalay Ciidamada Ahlu Sunna ka sameeyeen gudaha Magaalad ayaa ku soo aadayo xilli ay meel sare gaartay xiisadda Ahlu Sunna iyo Galmudug laga na cabsi qabo inay ku dagaalamaan gudaha Mag aaladaasi.

Waxyaabihii looga hadlay Shirka Midowga Afrika ee ka soconaya Addis Ababa.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusm aan, ayaa labo hadal jeedin ah ku yeeshay Shir ka 39aad ee caadiga ah ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo ka soconayay Xarunta Ururka Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa maa lmaha 14-15 Oktoobar oo diiradda lagu saarray baahida loo qabo xoojinta dagaalka ka dhanka ah caqabadaha ku hor-gudban

Afrika.Kulankani oo ahaa kii ugu horreeyay ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda Afrika ay iskugu yimaadaan tan iyo markii uu dunida ku faafay cud urka Karoona feyrus, iyadoo shirarku ku qabso omi jireen hab fogaan-arag ah , waxaana kulan kani si qotodheer looga dooday ajandayaashiisa.

Md. Balal Cusmaan ayaa ka hadlay muhiimad da ay leedahay in la mideeyo dadaallada xoogga leh ee Afrika si loo badbaadiyo dadkeeda iyo in la diiwaangeliyo wax taariikh u noqda qaaradda oo leh mustaqbal aad u nabdoon oo barwaaqo ah, isagoo sheegay in Afrika ay tahay tan ugu badan ee ay saameeyeen dhibaatooyinka caafimaad, isagoo xusay isku-xidhnaanta bulsho iyo dareen wadaagga aadannimo ee lagula dagaalamayo cudurrada faafa, oo ay ku jiraan COVID19, duum ada, qaaxada, Ebola iyo HIV.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iska ashiga Caalamiga oo hadal-jeedintiisa ku gudo-jira ayaa ku baaqay in la maalgashado Soomaal iya si loo yareeyo cunno-yarida iyo nafaqo-darra da iyo in la kobciyo wax-soo-saarka beeraha gud aha dalka ku yaalla halkii laga keeni lahaa dibad da waxyaabo aan loo baahnayn, isagoo tilmaa may in caqabadaha looga gudbo iskaashi iyo wax wadaag si dalku u noqdo dambiisha cuntada ee caalamiga ah , kana horumarsan dhinacyada warshadaha, beeraha iyo caafimaadka.

Nin Soomaali ah oo loo xiray dilkii xildhibaan David Amess

Nin Soomaali ah ayaa loo qabtay inuu ka dam beeyey dilkii mindida loo adeegsaday ee xildhib aan David Amess oo ka tirsanaa xisbiga Conser vative-ka ee dalka UK.

Sir David Amess ay aa kulan we ji-ka-weji ah la lahaa dadka soo do orta, markii ninka Soomaaliga ee dil ka lagu tuhmayo, uu billa abay weer arka mindida oo ka dhacay magaa la da Leigh-on-Sea, oo qiyaastii 65 km u jirta mag aalada London.

Tuhmanaha ayaa Amess oo 69 jir ahaa min dida ku dhuftay 12 jeer, wuxuuna ku dhintay goo bta. "Wuxuu ahaa weerar deg deg ah. Nin ayaa si lama filaan ah mindi ula soo baxay kadibna bill aabay inuu ku dhufto David Amess,” ayuu yiri qof goobjooge ahaa.

Booliska ka hor-tagga argagixisada iyo sirdo onka gudaha UK ee MI5 ayaa lagu warramay in ay baarayaan, haddii ninka Soomaaliga, oo 25 jir ah, uu xiriir la leeyahay kooxaha xagjiriinta ee argagixisada.

Dadkii isugu tegay kaniisadda Belfairs Meth odist oo uu kulanka ka dhacayey ayaa ayagoo argagaxsan daawaday David oo goobta ku dhin tay, ayada oo kooxaha gurmadka deg degga ah ay isku dayayeen muddo laba saac inay badbaa diyaan.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ninka Soom aaliga ah markii uu weerarka fuliyey oo uu min dida kala daalay Sir David uu muddo shan daqii qo ah dul taagnaa, illaa ay ka yimaadeen booli ska, oo kadib ka qaaday mindida islamarkaana xireen. Sir David ayaa ahaa nin u ololeeya in la caawiyo dadka qaxootiga ah. Sir David Amess ayaa ka tegay shan caruur ah, wuxuuna dhowr toddobaad un kahor guuriyey gabadhiisa Alex, oo 31 jir ah. Sir David Amess wuxuu ka mid ahaa xildhiba anada sida weyn u taageeray ololihii Brexit ee UK ay kaga baxday Midowga Yurub. Waxa uu sidoo kale marar badan kasoo horjees tay sharciyo baarlaman oo lagu taageerayo xuqu uqda dadka isku jinsiga ah ee isguursada.

MADAX GOBOLEEDYADA OO SI ISKU MID AH U DIIDAN IN LA SII WADO DOORASHADA + SABABTA

Xubnaha midowga musharixiinta ayaa dib boorka uga jafay walaaca ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka Aqalka Hoose, oo u muuqata mid billowgeeda uusan dhow eyn.Khudbooyinkoodii ugu dambeeyey ee xalaadda dalka ayey ku muujiyeen rajo xumo. Mashruuca doorashada Soomaaliya ayaa si gaabis ah ku socda, waxaana kaloo xooggan walaaca ku saabsan inaysan doorashada golaha Shacabka xilli dhow qabsoomi karin.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabd ullaahi Deni wuxuu isaga ku mashquulsan ya hay doorasho deegaan umana muuqda nin ahmiyad siinaya doorashada heer Federaal, wa xayna xogta sheegeysaa inuusan rabin in uu bilaabo doorashada Aqalka Hoose ee Baar lamaanka Soomaaliya illaa ay ka dhammaan eyso doorashada deegaanada hoose ee Puntl and oo dhawaan bilaaban doonta sida uu qor shaha yahay.

Deni ayaa waxaa hadda ku socda cadaadis caalami ah oo dalbanaya inuu billaabo doorash ada Golaha Shacabka, lamana yaqaano waxa iska badali doona.

Hogaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Ka ariiye Qoor Qoor isaga waxaa lagu imtixaana kooxda Ahlu Sunna oo isku dayeysa inay awood ahaan dib usoo noqoto.

Qoor Qoor waxaa weli ku harsan doorasha da laba xubnood oo Aqalka Sare ah. Waayaha an wax ku saabsan doorasho Federaal ah ka ma uusan hadlin.

Xubnaha ku dhow dhow waxaa laga soo xigtay inuusan wax doorasho ah ka hadleyn ill aa uu kooxda Ahlu Sunna kasoo afjaro xeelad ama xoog middii ay noqotaba, waana loolan fu ran oo aan la aqoon waqtiga uu dhammaan do ono.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasi is Lafta Gareen isaga waxaa weli laga fujin la’y ahay laba deegaan doorasho. Waa hoggaami ye goboleedka kaliya ee weli ku dhagan in la isticmaalo laba deegan doorasho.

Lafta Gareen waxaa mabda’ u ah inuu ku shaqeeyo wax walba oo uu xal u arko madax weynaha waqtiga ka dhammaaday ee Maxa med Cabdullaahi Farmaajo.

Dhowr jeer oo la isku dayey in lagu qanci yo in wax laga badalo qodobka deegaan door ashada ee ku jiray heshiiskii 17-kii September waxaa la sheegay inuu aad uga madax ade egay.

Hadda koox Farmaajo ku dhow dhow ayaa kula talineysa inuu qabto doorshada Afar illaa Shan Kursi oo Aqalka hoose ah oo uu ku qabto Baraawe iyo Baydhabo si loo soo afjaro dam aca ku aadan in loo laabto hal deegaan doora sho, mana cadda inuu sidaas ku dhaqaaqi doo no. Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxa med islaam (Axmed Madoobe) weli wuxuu raajicinayaa hal deegaan doorasho isagoo ra bo in kuraasta taalo Garbahaarey lagu soo cel iyo M/Kismaayo oo uu maamulk iisa ku xoog gan yahay.

Doodiisa ugu badan waa in dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba la qaban karin laba deegaan doorasho. Axmed Madoobe weli waxaa ku ha rsan doorashada Afar kursi oo Aqalka Sare ah. Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale la sheegay in ay isku aragti ka yihiin damaca hal deegaan doorasho.

Madaxweyne Farmaajo isaga waqti qabow ayuu ku qaadanayaa Villa Somalia, umana mu uqdo in rabo inay deg deg wax kusoo dhamm aadaan, wuxuuna fursad weyn u arkaa in ay san jirin cid ku eedeyn karta fashilka doora shada maadaama uu Maalin cad iska wareej iyey mas’uuliyadda doorashada iyo amnig eeda.

Mucaaradka waxaa dhiig baxaya jeebkooda, ma ahan sida dowladda oo ma heystaan shid aal badan, waxay jeclaan lahaayeen in doora shada deg deg loo qabto, waxaana aad u bad an qeylo dhaantooda.

Dhawaan waxay sheegeen in golaha wad a-tashiga Qaran uu qaadanayo mas’uuliyadda fashilka doorashada. Mucaaradka waxay ku doodayaan in hubanti la’aanta doorashada ay sababtay inay hoos u dhacdo rajadii shacabka, inuu mugdi hareeyey maal-gashigii, kaalmadii caalamiga, deyn cafintii iyo mataladii Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah.

Waxaa muddooyinkii u dambeeyey hoos u dhacday rajadii laga qabay in doorashada Baa rlmaanka ay ku dhammaato inta ka harsan sanadkaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 8 bilood oo dheeri ah joogo xafiiska, Afar bilood ayuu u baahan yahay si uu u qaato Hal Sano oo muddo kororsi ah, waxaana xataa jirin rajo ah in 8-da February 2022 la qaban karo doorasha da madaxweynaha. igasho:Caasimadda.Net

Kumannaan qof oo caraysan oo dibadbax ka dhigay madaxtooyada Suudaan horteeda

Kumannaan dibadbaxayaal ah ayaa waxa ay isugu soo baxeen afaafka hore ee madaxtooyada caasimadda Suudaan ee Khartuum iyagoo ku dhawaaqaya earyo ka dhan ah dowladda, middaas oo ay ku eedaynayaan dhibaatada hays ata dhaqaalaha.

Dibadbaxa ayaa waxaa ku baaqay siyaasiyiin lala xiriiriyay xubno sarsare oo ka tirsan milate riga oo diiddan nidaamka xukun madani ah loogu wareejinayo awoodda dalka.

Kooxda isugu jirta milateriga iyo rayidka ayaa waxa ay wadaagayeen awoodda labadii sanado od ee la soo dhaafay ee xigtay markii xilka laga tuuray madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir

Iyadoo xiisadda siyaasadeed ay cirka isku sii sha reerayso, ayaa ra’iisul wasaare Cabdalla Xamd ook waxa uu Jimcihii sheegay in Suudaan ay dhi baato wayn ku dhexjirto, waxa uuna ku celceliyay sida ay uga go’antahay sidii loo heli lahaa qaabkii dalka lagu gaarsiin lahaa doorashooyin dimuqr aadi ah.

Dibadbax midkaas ka soo horjeedo ayaa waxaa lagu baaqay in la qabto Khamiista kaas oo lagu taageerayo xukunka madaniga ah.

Shil ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Hargeysa

Inta la xaqiijiyay Shan qof ayaa ku gee riy ootay sideed kalana waa ay ku dhaawacmeen ka dib Shil Gaari oo xalay xilli dambe ka dhacay magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.

Shilka ayaa yimid markii ay isku dhaceen la ba Gaari oo kala ah Nooha iyo Dhayna, xilli ay marayeen Kontoroolka Galbeed ee Magaalada Hargeysa.

Mid kamid ah Saraakii sha Ciidamada Booliska Somaliland oo goobta Shi lka ka dhacay tegay ayaa sheegay in dadka dhintay ay kala yihiin Sad dex Ha ween ah, Cunug yar iyo Darawalka mid kamid ah Gawaarida Shilka ga shay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay gurmad u sameeyeen dadka ku dhaawacmay Shilkaas, waxaana uu ugu baaqay Darawalada Gaadiidka inay ka taxadaraan wadista Gawaarida si uusan shil u dhicin.

Magaalada Hargeysa ee degaannada Somalil and ayaa waxaa mar walba ka dhaca Shilalka Ga ari, waxaana Somaliland ay sheegtay in ay mas’ uul ka yihiin Darawalada Gaadiidka oo si aan wanaagsaneyn Gawaarida u wada.

QM oo shaacisay tirada rasmiga ah ee dadkii laga soo masaafuriyey Somaliland

Hey’adda QM ee OCHA ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku shaacisay tirada dadkii ay So maliland ka soo musaafuriyey magaalada Laa scaanood ee gobolka Sool iyo deegaanada u dha wdhaw.

Warbixinta hey’adda ayaa lagu sheegay in tirada dadkaas ay gaarey so 7,250 qof, kuwaas oo bad ankood ka soo jeeda deega anada Koonfur Galbeed Soo maaliya. Xafiiska Qaramada Midoobay u qaa bilsan xiriirinta arrimaha bani’aadanimada ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray Shalay waxa uu ku sheegay in 24-qoys oo kale iyagana la dejiyey tuulooyin hoostaga magaalada Buuhoodle.

Sidoo kale warbixinta uu soo saaray xafiiska OCHA waxaa lagu sheegay in magaalada Ceer igaabo ee gobolka Sanaag laga soo barakiciyey 75-qof oo ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya, ku waas oo hadda ku kala nool magaalooyinka Gaa lkacyo iyo Baydhaba.

Dadkaan ayaa isaga soo baxay Ceerigaabo ka dib markii mas’uuliyiinta degaanku ay u qabt een in dadka kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya ay deegaanka isaga baxaan inta aan la gaarin 21-ka bishaan Oktobar, sida lagu qoray warbixnta OCHA.

Hay’addan gargaarka u qaabilsan Qaramada Midoobey waxay warbixintaan ku sheegtay in ilaa 400 qoys ama dad gaaraya 2,400 lagu wargeliy ey inay ka baxaan magaalada Ceerigaabo marka la gaaro 21-ka bishan October.

Musaafurinta khasabka ah ee dadkaas ayaa walaac ku abuurtay dadka ku nool deegaanada Somaliland ee ka soo jeeda koonfurta Soo maaliya, sida uu sheegay xafiiska OCHA ee So omaaliya.

Waxaa lagu sheegay warbixinta in dadka la soo barakaciyey ay sheegeen inay kala lumeen dad ehelkooda ah iyo carruur, hantina ay kasoo tageen.

Dawladda Soomaaliya waxay si xooggan u ca mbaaraysay tallaabooyinka ay Somaliland kusoo musaafurisay dadkaas, waxayna mas’uuliyiin ka hadashay talaabadaan ku tilmaameen mid ka ba xsan bani’aadanimada.

Hase yeeshee mas’uuliyiinta amniga ee Som aliland waxay difaaceen tallaabada lagu soo mus aafuriyey dadkaan ka soo jeeda koonfurta So omaaliya, waxayna ku doodeen in go’aankaas loo qaaday sababo dhinaca amniga ah.

Dagaalka cusub ee Tigray-ga iyo ciidamada Ethiopia oo guulo weyn laga sheegtay

Ciidamada dowladda federaalka Ethiopia iyo kuwa Tigray-ga ayaa guulo ka sheegtay dagaalka xooggan ee dib uga qarxay waqooyiga dalka toddobaadkii tegay Weerarka cusub ee ka dhan ka ah Tigray-ga ee dib u billow day toddobaadkii tegay ayaa yi mid kadib markii ra’iisul was aare Abiy Ahmed mar kale loo dhaariyey muddo xileed cusub oo shan sano ah.

Ciidamada dowladda waxay "iska caabinaya an” weerar ay billaabeen TPLF, waxaa sidaas la gu sheegay war-saxaafadeed kaasoo baxay Mil itariga Ethiopia oo lasoo dhigay facebook.

TPLF ayaa dhinacooda sheegtay inay guulo ka gaareen dagaalka.

Ciidamada Tigray-ga waxay qabteen "maxaa biis dhowr ah”, waxayna burburiyeen qalab iyo ga waari dagaal oo ay lahaayeen ciidamada Ethio pia, waxaa sidaas sheegay afhayeenka TPLF Getachew Reda.

"Waxaan gebi ahaan burburinay taliska Bari oo dhan, oo ay ku jiraan qeybo badan oo u yimid dib u xoojin,” ayuu Getachew Reda ku yiri war-saxaafadeed uu soo saaray.

Dagaalka cusub waxaa ciidamada dowladda ka taageeraya maleeshiyada gobolka Amxara, waxaana Tigray-ga laga soo weeraray dhowr jiho, sida ay TPLF sheegtay toddobaadkii tegay.

Dagaalka cusub ayaa sare u qaaday cabsida la ga qabo inay sii xumaato xaaladda Ethiopia oo ay ku nool yihiin 109 milyan oo qof.

Dhinaca kale, shaqaale gargaar oo la hadlay Reuters ayaa sheegay in dagaal-yahanno Eritr ean ah ay weli ku sugan yihiin gudaha Ethiopia, ayna ka qeyb qadaanayaan dagaalka.

I lo-wareedyo gargaar oo kale oo soo xiganaya goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidam ada Eritrea ay Tigray-ga kula dagaalamayaan magaalada Berhale ee gobolka Afar.

Masar oo aad uga walaacsan qorshe ay wada an Turkey iyo Itoobiya oo la doonayo in…

Dowladda Itoobiya ayaa Turkiga ka dalbatay Inay ka iibsato diyaaradaha nooca aan duuliyaha lahayn, ee loo yaqaano Biraktar TB2, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters, wax aana akhbaartaan la helayaa iyadoo dowladda Turkigu ay muddooyinkaan diyaaradeheeda c asriga ah ay ka iibisay dhowr dal oo dhaca waq ooyiga qaaradda Afrika.

Mid ka mid ah diblomaasiyiinta arrintaan sida dhow ula socta ayaa sheegay in Itoobiya ay qorsheyneyso inay soo iibsato diyaaradaha no oca Drone-ka ee ay Turkiga farsameeyeen, wax faahfaahin ahna laga bixin qorshaha ay Itoobiya ku soo iibsanayso diyaaradahaan.

Heshiiska ayaa waxaa sida la sheegay qeyb ka ah bixinta qalabka dayactirka iyo in Itoobiya loo tababaro shaqaale, inkastoo ilo -wareedyadu aysan wax badan ka sheegin tirada diyaaradaha ay Itoobiya doonayso inay ka iibsato Turkiga.

Marka loo eego xogta ka soo baxday Shirka Gan acsatada Dhoofinta Turkiga, Itoobiya ayaa qal abka difaaca cirka waxay Turkiga ka soo dhoofs atay saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadka an, taas oo gaartay $203,000 illaa $51 milyan.

Warbixinta Reuters waxay daaha ka rogtay in qorshaha Itoobiya ay Turkiga uga iibsaneyso di yaaradaha aan duuliyaha lahayn ay aad uga car ootay dowladda Masar.

Laba ka mid ah sarkaasha gaashaandhigga Masar ayaa u sheegay Reuters in Masar ay ugu baaqday Midowga Yurub iyo Mareykanka inay soo faro-geliyaan si looga hortago heshiis kasta oo suuragal ah in Itoobiya iyo Turkiga ay ka gaar aan arrimaha gaashaandhiga, walaaca ugu weyn Masar waxaa ku haya muranka biyo xireenka wabiga Nile ee kala dhexeeya Itoobiya.

Tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Tigray ee woqooyiga Itoobiya, waxaa soo baxayay war ar sheegaya in ciidamada dawladda Itoobiya ay diyaaradahaan u adeegsadeen weerarada ka dhanka ah xoogagga TPLF. Warbixintan waxaa lagu xusay in dowladda Morocco ay heshay qe ybtii koowaad ee diyaaradahaan, kuwaas oo ay dalbatay bishii May ee sanadkii 2020. Itoobiya, Morocco iyo Turkiga ayaan dhankooda ka hadlin qorshahan, balse Reuters ayaa sheegtay in codsi faahfaahin ah oo ay u diratay aysan wax jawaab ah ka soo bixin.

Sidoo kale waxaa hadda aad u liita xiriirka ka dhaxeeya Turkiga iyo Masar, sarkaal ka tirsan do wladda Masar ayaa Reuters u sheegay in Turkiga looga baahan yahay inay la tashadaan Masar ka hor inta uusan heshiis la gaarin Itoobiya.

Diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Biractar TB 2 ayaa ah mid heerkeedu sareeyo, kana tayo badan kuwa laga soo saaro dalal badan oo caa lamka ah, waxaa diyaaradaan soo saartay shirk adda Bairaktar, waxaana naqshadeeyay wiilka uu soddogga u yahay Madaxweynaha Turkiga Tayy ib Erdogan.

Shirkadda soo saartay diyaaradahan ayaa sheegtay in ilaa 160 diyaaradood oo ah nooca TB 2 ay hadda ka howlgalaan dalalka Turkiga, Qad ar, Ukraine iyo Azerbaijan.

Bishii May dalka Poland oo xubin ka ah gaa shanbuurta NATO, ayaa heshii ay ku iibsanayso 24 diyaaradood waxay la gashay Turkiga, wasi irka gaashaandhigga Poland ayaa u sheegay ida acadda lagu magacaabo Radio 2 oo ka howlga sha dalkaas in diyaaradahaan ay muujiyeen ‘kar tidooda dagaalka.’

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdo gan ayaa sheegay in Sacuudiga ay sidoo kale mu ujiyeen inay danaynayaan inay iibsadaan diyaar adaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga lagu sa meeyo. Diyaaradaan Bayraktar TB2 ayaa loogu talagalay fulinta weerarada, waxayna ka howlgeli kartaa masaafo dhan ilaa 300 oo KM.

Maamulka Galmudug oo shaqada ka cayriyay Mas’uul taageeray Ahlusunna.

Wareegto kasoo baxday xafiiska gudoomiya ha magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug ay aaahna Duqa caasimada Galmudug mudane Abdirahman

"Geedaqorow”ayaa xilkii loo ga qaaday gudoomiye kuxige enkii deegaanka Mareergur ee Galmudug.Masuulkaan xilka la ga qaaday ayaa Horay u sheegay inuu ku biiray Garabka Ahlusunna waljameeca ee dhawaan la wareegay Deegaano ka Tirsan Galmudug.

Gudoomiye kuxigeenkii deegaanka Mareergur ee Galmudug xilkana laga qaaday ayaa lagu mag acaabaa Cabudllahi Cali xalane waxuuna dhawa an ku biiray Ahlusuna waljameeca.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip