HALKAAN AQRISO WARGEYSKA MAANTA EE MOGTIMES DAILY EE 26 OCTOBER 2021

0
Saturday October 16, 2021 - 08:37:47 in Wararka by
  • Visits: 433
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN AQRISO WARGEYSKA MAANTA EE MOGTIMES DAILY EE 26 OCTOBER 2021

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Farmaajo oo Shalay soo saaray farriin ku socota shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dham maaday ee Maxamed C/hi Farmaajo oo shacab ka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku aaddan Xuska Shuhadada Qaraxii 14-ka Oktoobar 2017-kii ayaa Alle uga baryey in uu naxariistiisa janno ku abaal mariyo dadkii tirada badnaa ee ku geer iyooday qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee Muqdisho. Madaxweynah a ayaa tilmaamay in qof kasta oo Soomaaliyeed uu xasuusnaan doo no dareenkii murugada lahaa ee ka dhashay we erarkii lagu waayay muwaadiniin Soomaaliyeed oo u taagnaa in ay door weyn ka qaataan horu marka dalkeenna iyo dib u dhiska dowladnimada. "Alle ha u wada naxariisto Shuhadada Qaraxii 14-ka Oktoobar. Waxaa ay ahaayeen muwaadiniin mudnaa nolol qurux badan, balse ay argagixisa du u qoonsadeen noloshoodii sharafta badnayd. Inkasta oo ay dhacdadaasi tahay mid uurkutaallo badan inagu reebtay, misna waxa ay ahayd dha cdo daaha ka feydey sida wanaagsan ee ay shac abka Soom aaliyeed isu caawiyaan, oo isu garab istaagaan." Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Soomaali yeed ugu baaqay in Ciidammada Qalabka Sida la gu garab istaago sidii ay ugu guuleysan lahaaye en dagaalamayaasha ee Al-shabaab oo dagaal kula jira dowladda Federaalka. Shalay oo kale 4 sano ka hor ayaa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ka dhacay qaraxii weynaa ee gilgilay Isgoyska soobe 14-kii, October sanadkii 2017, ay na ku dhinteen boqolaal qof oo dad shacab ahaa. Tirakoob rasmi ah oo la sameeyay ayaa muujin aya in ay dhinteen in ka badan 500 oo ruux ka badan, isla markaana uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray ku dhawaad 300 oo qof, halka la waa yey ,dad gaaraya 54- oo illaa haddda aan la og eyn meel ay ku dambeeyeen raq iyo ruux. Qar axaasi foo sha xun ayaa waxaa marka laga yim aado khasaa raa nafeed ee soo gaaray dadka, ku burburiyey hanti lagu qiyaasay $6.3 Milyan oo isugu jirtay nuucyada adeegyada Ganacsiga, gawa ari iyo dhismayaal

Lafta-gareen oo qaabilay Gudiga Taakulayn ta dadkii laga soo musaafuriyey Laascaa nood

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka K/Galb eed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ay aa Qasriga Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Gudiga

Taakulaynta Walaalaha laga soo musaafuriyey M/Laascaanood ee Maamulka Soomaliland. Mad axweynaha ayaa ugu horeyn warbixin ku saabs an waxyaabaha uqabsoomay ka dhagaystay Gud iga waxaana ay tilmaameen in waxba ay ku gu uleysteen sida helida goobo ku meel gaar ah oo ay dejiyeen Barakaciyaasha ka warqabka Caafi maadkooda iyo Noloshooda. Madaxweynaha DK /Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Umahadceliyey Gudiga. "wax aan idinkaga mahadcelinayaa garab istaagaa aad u-muujiseen walaalaha laga soo musaafuri yey magaalada laascanood ee maamulka sooma liland dadaalka wadajirka aad geliseen waa mid mudan amaan iyo bogaadin, kan dowlad ahaan waxaa naga go'an in sida ugu dhow aan wax ugu qabano shacabka masakiinta ah ee sida qaabka daran loola soo dhaqmay inagoo kaashanayna dowlada federaalka iyo sax ibada beesha caal amka. Madaxweyne Cabdica siis Laftagareen ay aa xusay in sida ugu dhow Dadka lasoo Musaaf uriyey Magaalada Laascano od ee Gobolka Sool loogu samayn doono dib udejin iyo Weliba ka Warqab

RW Rooble oo war kasoo saaray Qaraxii afar sano ka hor Maantoo kale ka dhacay Muq disho

Ra'iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay Qaraxii 14kii October 2017, kaaso ooay ku naf waayeen dad farabadan oo Soomaaliyeed. Ra'iisul Wasaaraha oo Qoraal

Description: https://www.hiiraan.com/2021/images/Oct/20211014637697880462874297.jpg






soo saaray ayaa sheegay in la xauusanayo, dad kii Soomaaliyeed ee lagu laayay qarxaasi ma ha dhada reebay, waxaana sidoo kale uu umadda Soomaalueed ku booriyay in loo duceeyo dad kaasi. "4 sano ayaa laga joogaa qaraxii 14-kii Ocboter 2017, oo ay ku shahiideen muwaadiiintii ugu badnaa ee mar qura argagix isa du naga dila an.Waxaan xusu usaneynaa una duceyneynaa walaaleheennii ku nafwaayay, kuwii ku dhaawacmay iyo kuwii ku hanti beelay.Qaraxii bahalnimo ee 14-kii October waxa uu astaan u ahaa arxan darrida argagixisada Alshabaab ee aan u naxayn shacabka, kana been sheegaya diinta.Innagoo xusuusaneyna walaaleheennii ku waxyeelloobay weerarkaas waxshinimo, waa in aan isu kaashannaa in uusan nagu soo noqon xanuunkan oo kale, kana shaqeynaa nabadda iyo xoojinta dowladnimada" ayuu yiri RW Rooble

Bilaal Maxamed Cusmaan "Kenya dan uguma jirto inuu xumaado xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya.."

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaali ya Bilaal Maxamed Cusmaan, ayaa sheegay dow ladda Kenya in aysan wax dan ah ugu jirin inuu xumaado xiriirka kala dhaxeeya Soo maaliya. Wasiiru dowlaha ayaa she egay dowladda Soomaaliya in ay ka shaqeynayso sidii xirirka labada dal uu u noqon lahaa mid wanaagsan. Laakiin, wux uu caddeeyay haddii Kenya ay diido arintaas in ay Soomaaliya u taagan tahay difaaca baddeeda. Waxaan aaminsanahay in shacabka iyo dowlad da Kenya ay ogyihiin in aysan wax dan ah ugu jir in in uu xumaado xiriirka labada dal,

waxaan ka shaqeyn doonaa dhankeenna in uu wanaagsann aado xiriirka labada dal, laakin ha ddii ay diidaan waxyaabaha ay nabaddu ku haga ageyso, dowladda Soomaaliya waxa ay u taagan tahay oo mas'uuliyadeedu tahay difaaca dadkee da, dalkeeda, diinteeda iyo biyaheeda," ayuu yiri Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Bilaal Ma xamed Cusmaan.

Hadalka wasiiru dowlaha ayaa yimid, xilli ay dowladda Kenya ay kasoo horjeesa tay go'aankii kasoo baxay maxkamadda ICJ, ee Soomaaliya loogu xukumay dhul baddeedkii ay Kenya haysatay.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ku biirt ay dalalka UK iyo USA, kuwaas oo horey u diiday go'aamo maxkamaddeed oo kasoo baxay maxk amadda caddaalada adduunka ee ICJ. Madaxwe ynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay ka shaqeeyaan sidii iyaga iyo Soomaaliya loo dhex dhexaadin lahaa, si ay is-afgarad uga gaaraan arrimaha baddda.

Maraykanka : Waa in si degdeg ah loo dha meystiraa doorashada Soomaaliya oo san ad kan aysan dhaafin

Dowladda Maraykanka ayaa carrabka ku ad kaysay in loo baahan yahay in la dhameystiro do orashooyinka Soomaaliya, isla markaana si deg deg ah loo dhameeyo khilaafka Farmaajo iyo Ro oble.

Xafiiska arrimaha dibadda Maraykanka ee Afr ika, ayaa sidaasi sheegay, kadib kulan ay wada qaateen wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxa muud, iyo kaaliyaha Xoghaya ha Maraykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Cathe rine Phee.

kaaliyaha Xoghayaha Mar aykanka ee Arrimaha Afrika, ayaa carrabka ku adkeeysay in loo baahan yahay in doorashooyin ka Soomaaliya la dhameystiro sannadkan, si loo ga baaqsado dib u dhac dambe oo yimaada.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxa med Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa isna sheegay kulanka uu la qaatay Mary Catherine Phee, inuu ahaa kulan wax -ku -ool ah oo looga hadlayay ho rumarka Soomaaliya ay gaartay iyo arrimaha doorashooyinka.

Wasiirku wuxuu sheegay Maraykanka inuu weli yahay mid ka go'an nabadda, amniga & bar waaqada Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka oo ka wadahadlay horumarinta kaabayaasha dhismaha

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Bangiga Addunka oo kormeer iyo indha indhayn ugu yimid Wasaaradda Hawlaha Guud, iyada oo uu soo dhammaaday wajiga 1aad ee Mashruuca Surp I hadana uu bilawday wajigiisii 2aad oo kasocda dhammaan dowlad goboleedy ada dalka qaybna ka ah mashaariicda dib u dhis ka dalka.

Shirka ayaa waxaa ka qayb galay Agaasim aha Guud Axmed Maxamed Iimaan, Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Eng. Maxamed Yar iisow, Agaasimaha Mashaariicda C/laahi Fariimo os iyo Saraakiil kale oo mashruuca gacanta ku haya.

Wafdiga ka socday Bangiga Adduunka ayaa Wasaaradda Hawlaha Guud ku ammaanay sida hufnaanta leh ee ay Wasaaraddu u hogaamina yso mashruucan.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Maxam ed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa uga mahad celiyey Bangiga Adduunka garab istaagooda dib u dhiska Dalka,Ugu dambayntii labada dhinac ay aa isku afgartay in la dardar galiyo Mashruuca surp II si uu ugu soo dhamaado waqtigii loogu ta la galay.

Taliyaha Boliska Soomaaliya oo ka qeybga lay shirka Ururka Iskaashiga Boliiska ee Bariga Afrika .


Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Magaalada Kinshaasha ee Dalka Jamhuur iyadda Koongo

uga qeybgalay shir ay isugu yi maadeen Taliyeyaasha Ururka Is kaashiga Booliska ee Bariga Afr ika .Kulankaasi oo ahaa shir sanadeedkii 23 –aad waxaa taliyaashii ka qeybgalay ay diiradda ku aar een wadaagga xogta, amniga iyo wada shaqeyn ta Booliska ee Gobolka.

Dowladaha Soma lia & Konfur Afrika oo ka wada had lay dhibaatada lagu ha ayo Somalida

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Da njire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa qaa bilay safiirka dalka Koofur Afrika u qaabilsan Soo maaliya H.E. Mninwa Johannes Mahlangu.

Labada safiir ayaa ka wada hadlay cilaaqaad ka labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya iyo sidii loo dardar gelin lahaa wadashaqeynta labada safaaradood.

Wararka sidoo kale kulanka laga helayo ayaa sheegaya in labada Safiir ay ka wada hadleen dhibaatada dilka iyo boobka ah ee lagu haayo Soomaalida ku Ganacsata da gudaha dalka Koonfur Afrika.

Safiirka Soomaaliya u fa dhiya dalka Kenya Danjire Tarsan ayaa safiirka dalka Koo fur Afrika u qaab ilsan Soomaaliya la wadaagay in ay ka hortagaan dhibaatada lagu haayo Soomaalida oo noqday kuwo si joogto ah uga dhaca dalkaas.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa kunool So omaali farabadan oo Ganacsiyo kala duwan ku leh dalkaas, hayeeshee Maalin walba ay la kul maan dhibaatooyin isugu jira dil iyo in la boobo Hantidooda.

72-dii Saac ee la soo dhaafay dalka Koonfur Afrika waxaa ka dhacay dilal loo geystay Dhal inyaro Soomaali ah, iyada oo la gubay Goobo Gamacsi ay lahaayeen Soomaali iyo Itoobiyaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda dagaal ee degmada Kaaraan iyo Taliye war soo saaray

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Milateriga Sooma aliya ayaa ka hadlay dagaal dhawaan degmada Kaaraan la sheegay inuu ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan qeybtaas. Taliyaha ayaa beeniyay in ciidamo ka wada tirsan qeybta ay ku dagaalameen Kaaraan, ayaa sheegay in ciidamada ay dagaal ku la jiraan kooxaha argagixisada, isl amarkaana ay gudaha caasimada ka abuurin qalalaase iyo dagaal.

"Waxaa u cadeynayaa (mas’uuliyi inta) in ciidam ada qeybta 27-aad ay ku jiraan howl-galo, waxay ba acsanayaan cadowga Al-Shabaab waxayna la dagaalamayaan arga gixisada kale ee burcadka ah ee shacabka ku dhibaateeya waddooyinka, waxba kama jiraan waxa la sheegayo.” "Ciidamo aan ka tirsaneyn qeybta 27-aad ayaa jira oo wata direyska ciidanka oo gaadiidko odana ku buufsan yahay astaanta ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed oo magaalada Xamar dhex orda, taasina waxaa loo baahan yahay in wax la ga qabto.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada xoo ga dalka aysan marnaba shaqo ku laheyn dagaal ada soo noq-noqday ee ka dhaca caasimada, isla markaana laga been abuurto.

Waxa uu maamulka gobolka Banaadir ka dalb aday in la kala saaro xuduudaha iyo deegaanada la isku haysto ee gobolka, isagoona nasiib darro ku tilmaamay in ciidamada qeybta 27-aad loo saariyo dagaalo aysan waxba ka ogeyn.

"Kaaraan iyo waxa ka socda qeybta 27-aad shaqo kuma laha, dadka aad ku tilmaameysan ciidamada xooga dalka ma aha, waxaa wadnaa shaqadii qaranka iyo umadda Soomaaliyeed u haynay.” Ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in wax la hubsado oo aan sharciga loo soo dhaafin, sida uu hadalka u dhigay.

Arrintan ayaa imaneysa xili uu dhawaan maa mulka uu sheegay in ciidamo ka wada tirsan milla teriga ay ku dagaalameen degmada Kaaraan iyo agagaarkeeda, kuwaasi hore uga howl-gali jiray gobolka Shabeelaha Dhexe ee HirShabelle.

Ciidamada Galmudug iyo dowladda oo dhowr jiho kaga siqay M/Guriceel

Ciidamada Dowladda iyo kuwa maamul gob oleedka Galmudug ayaa dhowr jiho kaga sii siq aaya magaalada Guriceel ee Gobolka Galgadu ud, oo ay haystaan kooxda Ahlu-Sunna.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo odayaasha beesha degta Guriceel ay Habeen hore sheege en inay ku fashilmeen dhex-dhexaadin ay isku dayeen inay ku baajiyaan dagaal ka dhaca maga alada, ayaga oo eedeeyey hoggaamiyaha Ahlu-Sunna Sheekh Shaakir.

Odayaasha ayaa sheegay in Sheekh Shaakir uu diiday inuu ka baxo degmada Guriceel si loo ga baaqsado dagaal dhexmara ciidamada uu diyaarinayo maamulka Galmudug iyo kuwa taabacsan Sheekh Shaa kir.

"Waxaa ka codsaneyn inuu mag aalada ka baxo, meel ka baxsan uu tago anaguna aan markaas raadino in aan lagu soo duulin oo wada-hadal furmo int aas ayaa u sheegnay oo ka codsanay, arrinkaas isaga ah waqti badan ayuu qaata oo dood kulul ayaa na-dhexmartay oo wuxuu ku soo qatimay ka guuri maayo Guriceel,” ayuu yiri Oday kamid ah kuwa la hadlay warbaahinta.

Boqolaal askari oo ka tagay Magaalada Dhu usamareeb ayaa maalin ka hor gaaray deega anka Ceeldheere, oo ku yaalla waddada xiriirisa Dhuusamareeb iyo Guriceel, iyadoona Xoogaga Ahlu Sunna la soo sheegayo in qaybtood ay aaggaasi ka ag-dhow yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in Xoogagii Ahlu Sunna ee 1-dii bishan la wareegay Magaalada Guriceel ay dhufeysyo waaweyn kaga jiraan bann aanada magaaladaasi.

Ciidamada ku sii jeeda Guriceel ayaa isugu ji ra Kumaandooska Gorgor, Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Nabad Sugidda Galmudug.

Tani ayaa baqdin ku keentay dadka degan M/ Guriceel, kuwaa oo qaarkood Shalay bilaabay inay isaga barakacaan guryahooda.

Wada hadalada maalmihii ugu dambeysay laga dhex waday Maamulka Galmudug iyo Hoggaan ka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa u muuq do kuwo guuldareystay.Gelinkii dambe ee Talaad adii ayay ahayd, markii Taliyaha Ciidanka Xoogg a Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage uu gaa ray M/Dhuusamareeb. Taliyaha ayaa kulan saac ado qaatay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ku la yeeshay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Taliye-yaasha Ciidam ada Dowladda iyo kuwa Galmudug.

XIGASHO:CAASIMADDA.NET.

Shir looga hadlaayay Amni darrada ku soo korortay degmada Marka.

Guddoomiyaha M/Marka Cabdullaahi Cali Ax med Waafow iyo Qaar kamid ah ku xigeenadiisa ayaa Shalay waxaa ay Xarunta Maamulka Degm ada kulan kula qaateen

Odayaasha Dhaqanka degmadaas.Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray Ari maha Aminga Iyo Guud ahaan Hor marka ka socoda degmada Marka iyo degaannada hoostaga.

Odyaasha Dhaqanka ayaa waxaa ay kala had leen inta uu kulanka socday fa lalka amni da rro ee maalmihii dambe Magaalada ka dhaca yay, iyag oo Maamulka ugu baaqay in wax laga qabto.

Gudoomiyaha Magaalada Magaalada Marka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegey in aan la aqbali karin amni darada baahsan ee ku Cusub Magaalada sida ugu dhaqsiyaha badan loogu hor tagi doono, wuxuuna ugu baaqay laamaha amni ga iyo Bulshadda Magaalada in ay si wadajir ah iskaga kaashadaan Odayaasha dhaqanka ay kaa lintooda qaataan.

Howlgallo la samyey Deegaanno ka mid ah Gobolka Sh/Dhexe.

Taliyaha qeybta 27-Aad ee ciidanka xoogga dalka Generaal Maxamed Axmed (Tareedisho) oo kormeer shaqo ku marayay fariisimaha ciidan ka xoogga dalka ay ku leeyihiin gobolka sha bee lledhexe ayaa tagay deegaanka xaaji Cali iyo Degmada Warshiikh ,waxaana uu intii kormeer uu ku jiray uu sarakiisha ciidanka xoogga dalka kula dar daarmay inay xoojiyaan howl-galada la gu baad baadinayo Shacabka Soomaaliy eed.

"Waxaa la idinka rabaa idinkoo uturayo shac abka inaad sii labo jibaartaan howl-galada lagula dagaalamayo cadowga umma da Soomaaliyeed ee Al-Shaba baab.

Generaal Maxamed Axmed Tadeerisho Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo sidoo kale kormeer ku tagay xeraha deegaanka Qorilow oo ay ka howl-galaan ciidamada AMISOM gaar aha an saktarka 5-aad ee ciidamada Burindi ayaa la qaatay kulan gaar ah oo diirada lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa howl-galada ka dhanka Al-Sha baab, isla markaana loogu xoreyn lahaa deegaan nada fara ku turiska oo ay ka joogaan gobolka shabeellaha dhexe.

"Waxaan la qaatay kulan gaar ahaan ciida mada AMISOM si aan usii labo jibaarno howl-galada lagula dagaalamayo cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab waana isla qaad anay. taliyaha qeybta 27-aad ee CXD.Gen. Tar eedisho ayaa sheegay in dhama an howl-galadii ka socday GSH/ Dhexe lagu guul eystay.

Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Maamulka Jubbaland?

Madaxweyne Ku-xigeenka DG/Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa Shalay shir gudo omiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga had lay qodobo kala Duwan, kaasi oo ka dhacay M/ Kismaayo.

Ugu horayn Wasaaradda gargaarka iyo maara ynta masiibooyinka ayaa ka warbixisay halka ay marayaan dadaalada wax lagaga qaba nayo ab aaraha ka jira qeybo badan oo Jubaland kamid ah, iyadoo wa saaradu ay sharaxaad ka bix isay qor shayaasha ay u daji say gurm adka loo samaynayo dadka abaaraha ay sameeyeen.

W/Xanaanada xoolaha ayaa sheegtay in xoo lo ku dhow 3000 oo neef inay u dhinteen abaarta iyo xanuuno aan la garanaynin oo ka jira deeg aanka. Wasaaradda qorshaynta iyo xidhiidh ka Caalamiga ah ayaa sheegtay in dhawaan la bil aabayo howlaha lagu samaynayo biyo xireeno iyo howlo lagaga hortagayo fatahaadaha uu sa meeyo wabiga Juba.

Ugu danbayntii W/Shaqada iyo shaqaalaha a yaa sheegtay in dhawaan la bilaabayo mashruux shaqo abuur loogu samaynayo dadka uu sameey ay ayaxa ku ha bsaday qeybo kamid ah Jubal and, iyadoo qeybta ugu horaysa lagu bilaabayo todobo iyo toban kun oo qoys si hordhac ah.

Golaha Wasiirada Puntland oo Shalay yee shay Shir looga hadlay Arrimo dhowr ah

Ku-simaha Madaxweynaha DG/Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka G/Wasiirada oo ka qabsoomay M/ Garop we ee Xarunta G/Nugaal.

Shirkaan ayaa waxaa 7aad kan looga hadlay Arrimo kala du wan oo ay ka mid yihiin Amniga, daah-furka hannaanka isku-dhaf ka ah ee korjoogteynta iyo dab agalka shaqooyinka Dowliga ah. Inta uu socday Shirka G/Maamulka Puntland ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda, dardargelinta Qa adashada tallaalka COVID-19, arimaha Gobolla da iyo Degmooyinka Puntland iyo xaaladda dad kii laga soo barakaciyay Laascaanood. Ku-sima ha Madaxweynaha DG/Puntland Md.Karaash aya a Golaha Wasiirada faray inay dardar-geliyaan ho wlaha shaqo ee Wasaaradahooda horyaalla.

Dowladda Soomaaliya oo Gaadiid ku waree jisay Maamulka Jubbaland.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XF S. Marwo Maryan Aweys Jaamac iyo Wafdi ay ho gaamineyso ayaa gaaray M/Kismaayo, waxaa na Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Was iirka duulista hawada & gaadiidka Jubbaland C/hi Dubat Shiil iyo Xubno kale. Waxaa wasiirka safa rkeeda ku weheliyay wafdi ka kaboon hawl wad eennada wasaaradda iyo xubno ka tirsan maam ulka Dakadda Muqdisho.

Soo dhawaynta iyo na sasho kooban oo ay wa siirradu ku qaateen qay bta martida Garoonka ka dib, waxaa labada wasiir iyo wafdigii la socday ay si toos ah u gudo galeen hawlihii ahaa ujeedka safarkooda oo ay u horray say kor meer ay ku soo indho indhaynayaan xa aladda iyo shaqooyin ka ka socda dakadda M/Kismaayo halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen xubno sarsare oo ka tirsan maamulka dakadda. Kormeerka ka dib wasiir Maryam Aways wa xay wasiirka Duulista hawada & gaadiidka Jubba land C/hi Dubat Shiil iyo wa siirka gaadiidka bad da iyo dakadaha Jubbaland Cabdiraafic Maxa mad Cali ku wareejisay gaadiid ay D/Hindiya ugu deeqday XFS qayb kamid ahna loo asteeyay daw lad gobleedka Jubbaland.

Wasiir Maryam Aways Jaamac oo warbaahin ta la hadashay wareejinta gaadiidkan kadib ayaa ka mahad naqday soo dhawaynta loo sameeyay iyada oo sidoo kale faahfaahisay hawsha ay u ti mid M/ Kismaayo. Wasiirka Duulista Hawada &G/ Jubbaland Md.C/hi Dubat Shiil ayaa isaguna dhin aciisa ka mahadnaqay gaadiidkan lagu wareejiy ay isaga oo sheegay in si buuxda looga faaiidays an doono.

Saraakiil sugeysa Amniga doorashooyinka oo tababar loo furay.

Wasaarada arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose ee Hirshabeelle ayaa Shalay M/ Jowhar, tababar ugu furtay saraakill tiradoodu gaareeyso 20 xubnood, kana tirsan qaybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida ee ka hawlgala de egaannada Hirshabeelle.Tabarbarkaani oo socon doona muddo lix maalmood ah ayaa lagu baridoonaa saraakii lsha lamaanaha, amniga ee ka qaybgashay tababarka sugida amniga xiliga doorashada Xi ldhi baannada golaha shacabka deedeegaan do orashadoodu tahay Hirshabeelle oo dhowaan lug u wado in ay qabsoonto.

Tababarka ayaa waxaa ka qaybgalay saraak iil sar sare oo ka kala socda Federaalka iyo maa mulka Hirshabeelle.Taliyaha booliska Hirshabe elle Xasan Dhicisoow Xasan iyo Axmed Cali Ayb akar oo ah madaxa xogheynta amniga doorasho oyinka dalka ayaa ka hadlay muhiimadda tab abarka uu u leeyahay laamaha amniga. Ugu dam beeyn waxaa goobta ka hadlay Wasiirka arrima ha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle oo furay tababarka ayaa kula dardaarmay ciida madii nasiibku u saamaxay in ay heelaan tababar aqoontooda kor loogu qaadayo in ay ilaaliyaan sirta amniga doorashada.

Musharaxnimada Deni oo yeelan doonta caw aaqib siyaasadeed weyn (Warbixin)

Musharaxnimada madaxweyne ee Saciid C/hi Deni waxaa ka harsan oo kaliya inuu ku dho wa aqo, ayada oo tallaabooyinka siyaasadeed ee uu qaadayo ay muujinayaan in damaciisu uu sidaas yahay. Musharaxnimada Deni waxay isbeddel weyn ku sam eyn doontaa ololaha doorasha da madaxweynaha Soomaali ya, waxayna yeelan doontaa cawaaqib saameyn doono musharaxiin badan.

Fallanqeeyayaal siyaasadeed oo ay Caasi mada Online la hadashay ayaa isku raacay inay aad u yar tahay rajada Deni loogu dooran karo madaxweynaha Soomaaliya, hase yeeshee ay musharaxnimadiisa kaalin weyn ku yeelan karto cidda noqoneysa madaxweynaha Soomaaliya iyo cidda aan noqoneyn.

Deni wuxuu noqon doonaa musharaxa kaliya ee si toos ah iyo si dadban u maamulaya doorash ada in ka badan 100 xildhibaan oo isugu jira ku wa Aqalka Sare iyo kuwa Golaha Shacabka, ma na jiro musharax u taagan xil madaxweynaha oo saameyn intaas le’eg oo toos ah ku leh hanaanka doorashada xildhibaanada.

Marka aan ka hadleyno xildhibaanada 100-ka ka badan waxay isugu jiraan kuwa lagu soo doo ranay Puntland, oo uu toos u maamulayo Deni, iyo kuwa Jubaland, oo si dadban u maamulayo, maadaama uu gacanta ku hayo Axmed Madoobe oo ay xulufo siyaasadeed yihiin.

Yey dhaawaceysaa musharaxnimada Deni?

Musharaxnimada Saciid Deni waxay si toos ah u dhaawaceysa musharaxiinta kasoo hara Farma ajo, si gaar ahna Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, oo la rumeysan yahay in ay yihiin labada musharax ee loolanka adag uu kala kulmi doono Farmaajo.

Labadan musharax ayaa wuxuu dhaawac siy aasadeed uga iman doonaa in xildhibaanada ka soo baxaya Jubaland iyo Puntland ay badankood noqon doonaan kuwa ku yimaada rabitaanka iyo qorshaha siyaasadeed ee Deni, taasi oo yareyn karta xildhibaanada taabacsan Xasan Sheekh iyo Shariif ee soo baxaya.

Jubaland iyo Puntland waa labada maamul ee mucaaradka ay ka filayaan in xildhibaano taaba csan ay kasoo baxaan, maadaama Koonfur Galb eed, HirShabelle iyo Galmudug ay yihiin maa mulo lagu tirinayo inay taabacsan yihiin Farma ajo. Tani waxay ka dhigan tahay in musharaxiinta mucaaradka aysan saameyn weyn ku yeelan xi ldhibaanada lasoo doornayo, balse ay taageero ka raadiyaan marka ay soo baxaan kadib, sida marar badan horey u dhacday.

Yaa ka faa’iideysanaya musharaxnimada Deni? Musharaxnimada Saciid Deni, waxaa faa’I idada ugu badan ku qaban madaxweynaha mud do xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/hi Far maajo, sababtoo waxay sii kala qeybineysaa cod adka mucaaradka, waxayna horseedi kartaa in Xasan Sheekh iyo Shariif midkood uu ku haro wa reegga koowaad.

Haddii Deni uu qaato in badan oo ka mid ah codadka xildhibaanada laga soo dooranayo Juba land iyo Puntland, waxaa suurta-gal ah in isaga, Farmaajo ama Xasan Sheekh iyo Shariif midkood ay u gudbaan wareegga xiga ee doorashada oo ay gaaraan kaliya saddexda musharax ee ugu codadka badan wareegga koowaad.

Waxaa sidoo kale suurta-gal ah in Deni uu ka codad bato Xasan Sheekh iyo Shariif, oo uu galo kaalinta 2aad ama 1aad, ayada oo Farmaajo la rumeysan yahay in sidoo kale uu 1 ama 2 geli do ono wareegga 1aad, taasi oo horseedi karta in in musharaxa gala kaalinta 3aad uu tanaasulo, sida horey loo arkay. 

XIGASHO:CAASIMADDA.NET

Muhaajiriinta ku sugan gudaha Liibiya oo wajahaya xaalad adeg

Boqolaal muhaajiriin ah oo ku jira xabsiga Ain Zara ee dalka Liibiya ayaa ku nool xaalado adag, ka dib markii dad kor u dhaafaya 1,000 qof oo ay carruur badani ku jirto lagu xiray hal kaas, iyada oo howlgalkan ay camba areeyeen hay’adaha xuquuqada aadanaha. Ilaalada xabsiga Ain Zara iyo masuuliyiinta Libya ayaa sheeg aya inay muhaajiriinta siiyaan cunto, hoy iyo dar yeel caafimaad, laakiin muhaajiriinta ayaa sheeg ay in qaar badan oo ka mid ah aysan heysan dar yeel, welina ay aad u baqayaan.

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, mas’uul iyiinta magaalada Tripoli ayaa xiray kumanaan muhaajiriin ah, waxaana howlgalkan ka dhashay dhimashada dhowr tahriibeyaal ah. Liibiya ayaa hoy u ah ku dhawaad 600,000 oo muhaajiriin ah, sida lagu sheegay tirakoobka QM.waxayna Intoo da badan ka soo jeedaan Afrikada Saxaraha ka hooseysa,Sidokale waxaa aad u yar in warbaahin ta caalamku ay hesho qaabay xarumaha lagu ha yo muhaajiriinta ee Liibiya uga soo gudbiso war bixin la xiriirta xaaladaha ay ku sugan yihiin.

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda GURICEEL – Maxaa ka socda?

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgad uud ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaalada Guric eel, halkaas oo ay dhaq-dhaqaaqyo ka wada an ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna.

Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinayo in dagaal uu ka dhaco halkaasi, waxaana taasi ay keentay in qoysas badan ay isaga Baraka caan gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa inta badan xiran goobaha ganacsiga ee Guriceel, wax ayna ganacsatada dhankoo da walaac ka muujinayaan xaaladaha cakirnaanta ah ee ka taagan halkaasi. Ciidamada Ahlu Sun na ayaa lagu soo warramayaa inay difaacyo ho rleh ka sameysteen duleedka magaalada, iya ga oo haatan bilaabay abaabul ciidan oo culus.

Dhanka kale ciidamada Galmudug oo kasha naya iyo kuwa dowladda ayaa ku sugan inta u dhexeysa Dhuusamareeb iyo Guriceel, iyaga oo qorsheynayo inay weeraraan Ahlu Sunna.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinaca oo ku aadan dhaq-dhaqaaqyada haatan ka socda gobolka Galg aduud ee bartamaha Soomaaliya.

Baaqyada kala duwan ee loo dirayo Galmud ug iyo Ahlu Sunna ayaa dhinaca kale isa soo tarayo, waxaana laga dalbaday inay wax we liba ku dhammeeyaan miiska wada-hadalka.

Si kastabam dib u soo rogaal celinta Ahlu Sunna ayaa weji kale u yeeshay xaaladda Gal mudug oo horay dagaal ugula jirtay kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan maamulkaasi.

Tibor Nagy: Haddii Somalia ay diiday qorsh aha cusub waa inay Shabaab iska celisaa

Tibor Nagy oo ah Diblomaasi Mareykan ah oo xilal kasoo qabtay Wasaaradda Arrimaha Diba dda dalkaasi ayaa ka hadlay go’aankii dhawaan ka soo baxay xukuumadda Soomaal iya ee lagu diiday wax ka beddelka howlgalka Midowga Africa ee AMIS OM.Dolwadda federaalka Soomaaliya ayaa she egtay in aysan rabin islamarkaana raali ku ahayn qorshaha guddiga Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ee ah in howlgalka AMISOM la ballaariyo lagana dhigo mid ay si wadajir ah u fulinayaan Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.

Tibor oo horey usoo noqday kaaliyaha xogha yaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika, iyo Danjiraha Maraykanka ee dalalka Guinea iyo Ethiopia ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya laga rabo inay iska celiso Al-Shabaab, haddiiba ay diidan tahay qorshaha Midowga Afrika. Wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay leedahay cii damo aad u badan oo awoodi kara inay soo afj araan Al-Shabaab.

"Haddii Dowladda Soomaaliya aysan ku qana csaneyn isbeddellada lasoo jeediyay in lagu sam eeyo AMISOM, waa inay qaadato mas’uuliyadda ammaankeeda. Ciidammada Soomaaliya marka la isku daro aad ayey uga badan yihiin Al-Shaba ab…dagaalka waa inay kusoo afjaraan hal maa lin,” ayuu yiri Tibor Nagy.

”Soomaaliya waxay u baahan tahay dawlad u shaqeysa Soomaalida ee aan ka shaqeysan,” ayuu sii raaciyey, isaga oo u muuqda inuu ku je es jeesayo mowqifka dowladda Soomaaliya.

Tibor Nagy ayaa Muqdisho yimid Janaayo 2020, isagoo wadahadal la yeeshay madaxda do wladda federaalka, sida ra’iisal wasaarihii xilli gaasi Xasan Cali Kheyre.Midowga Afrika ayaa sheegay in Soomaaliya la gelinayo Xeerka Num ber 7 ee QM, ayada how lgalka cusub ee lasoo jeediyey uu billowdo bisha Janaayo ee 2022, had dii uu ansixiyo Golaha Ammaanka QM.

Warka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dib adda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hindisaha Guddiga Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ay diiday Soomaaliya, mar kalena ay ku celiney so diidmadeeda qayaxan.

Soomaaliya ayaa sheegtay in ay muhiim tah ay tixgelinta madaxbanaanida Soomaaliya iyo qar aarka Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2568 soona baxay 2021, kaas oo ogolaanayay dib u habeynta AMISOM iyo in Ciidamada Sooma aliya ay amniga dalka kala wareegaan Ciidamada AMISOM..

Turkey oo wacad ku martay jawaab adag ka dib weeraro dhowr ah oo lagu qaaday

Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Mevlut Ca vusoglu ayaa Arbacadii sheegay in Turkey "ay sa meyn doonto wax kasta oo lagama maarmaan u ah amnigeeda" kadib wax uu ugu ye eray weeraro sare u ka cay oo ma lee shiyada Kurdish-ka Sy ria ee YPG ay ka fulisay xuduudda. Madaxweyne Er dogan ayaa Isniintii sheegay in weer ar ay Ankara ku eedeysay kooxda YPG, oo Mar eykan ka uu taageero, kaasi oo lagu dilay laba sarkaal oo boolis Turkish uu ahaa mid dulqaadka ka dha meeyey, islamarkaana Ankara ay ka go' an tahay inay cirib-tirto halista kaga imaneysa wa qo oyiga Syria. Turkey ayaa sheegtay in boolis ku su gnaa gobolka waqooyiga Syria ee Azaz lala beegsaday gantaallada la hago Axaddii, kaasi oo ay ku eedeeysay YPG. Sidoo kale Isniintii ayaa gan taa lo laga soo tuuray deeganada ay haysato YPG waxa ay ku dhaceen magaalada Karkamis ee ko onfurta Turkey, sida ay sheegtay Ankara. Is aga oo ka hadlayey Ankara, ayaa Cavusoglu wux uu sheegay in Mareykanka iyo Ruushka ay san ka soo bixin ballan-qaadkooda ahaa inay xaqi ijin do onaan in maleeshiyada YPG ay ka baxdo aag ga xuduudda Syria. "Weeraradan ugu damb eey ey, Ruushka iyo Mareykanka ayaa mas'uul ka ah maadaama aysan kasoo bixin ballan-qaadko oda," ayuu yiri Cavusoglu. "Maadaama aysan ka dhabeeneyn ballan-qaadyadooda, waxaan sam eyn doonaa waxa lagama maarmaanka u ah amn igeena."

Turkey ayaa maamusha qeybo badan oo ka mid ah waqooyiga Syria ayada oo gacan ka hele ysa mucaardka Syria ee xulufada la ah, kadib markii aagaas ay ka fulisay howlgallo ka dhan ah Daacish iyo YPG. Kadib heshiisyo kala gooni ah oo ay la gashay Moscow iyo Washin gton 2019, Turkey ayaa hakisay howlgalladii waq ooyiga Sy ria, ayada oo ku beddelatay in malee shiyada YPG ay 30 km uga baxdo xuduudda Syria. REUTERS+ VOA

MADAXWEYNE BILL CLINTON OO ISBITAAL LA DHIGAY & WARAR KII UGU DAMBEEYEY XAALADIISA

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clin ton ayaa soo kabanaya ka dib 2 maalmood oo la ga daaweynayay caabuq ka dhacay oo loo dhig ay isbitaal ku yaal California, sida ay dhakhaat iirt iisu sheegeen.

75 jirkan ayaa la dhigay Xarunta Caafimaadka ee Jaamacadda Calif ornia Irvine Medical Center fiidnim adii Talaadada, waxaana ku dhacay ca abuq aan ahayn COVID-19, sida uu bartiisa Twit ter-ka ku sheegay afhayeenka Clin ton Angel Urena."Wuxuu ku jiraa ha gaajin, niyad wanaag, wuxuuna si aad ah ugu mahadcelinayaa dha khaatiirta, kalkaaliyayaasha iyo sha qaalaha siinaya da ryeel aad u wanaagsan,” ayuu qoray Urena. Afh ayeenku oo la hadlay wakaaladda war arka ee Reuters ayaa hadalkiisa sii raaciyey: "Wuu kac ay, wuu kafta may oo wuxuu soo jiitay shaqaalaha isbitaalka.” Clinton ayaa isbitaalka tagay kadib markii uu da reemay daal, waxaana laga helay caabuqa dhii gga oo dhakhaatiirtu ay rumeysan yihiin inuu ku bilowday caabuqa kaadi mareenka sida uu ba ahi yey telefishinka CNN oo soo xiganaya dhakha atiirta. Dhakhaatiirta madaxweynihii hore, Alpesh Amin iyo Lisa Bardack ayaa sheegay in sababta isbitaalka loo dhigay ay tahay si xaaladiisa si dhow loola socdo isla markaasna loo maamulo dawooyinka la siinayo.”

Waxay intaas raaciyeen "Waxaan rajaynaynaa in uu dhawaan gurigiisa aado.” CNN ayaa soo xig atay dhakhaatiir sheegaysa in Clinton uu ku jiray qaybta daryeelka degdegga ah si ay u siiso astu rnaan. Clinton, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga oo madaxweyne ahaa 1993-2001, ayaa dhowr je er horey Isbitaalka loo dhigay, iyadoo san.ki 2004 lagu sameeyey qalliin seddex geesle ahaa, si doo kalana sanadkii 2010 ayuu maray qalliin dha nka wadnaha ah kadib markii uu furmay halbawl e, wu xuuna telefishinka CNN sheegay in xaalad da had da Isbitaalka loo dhigay aysan aheyn mid la xiri rta arrimaha wadnaha.

Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka UK oo u geeriyooday dhaawac loo geystay

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka UK oo lagu magacaabi jiray David Amess ayaa deegaanka laga soo doorto ee Leigh-on-Sea ugu geeriyo od ay dhaawac tooreey ah oo Shalay jimco ah loo geystay.

Xildhibaankan oo lagu magacaabi jiray David Amess ayaa waxaa weeray nin mindi sitay oo dh owr goor ka galiyay saableeyda Ame ss oo ahaa 69 jir ayaa ka tirsanaa xis biga talada UK haya ee Conservative

Wuxuu baarlamaanka UK ku biiray sanadkii 1983 wuxuuna ahaa rug ca daa dhanka siyaasada oo caan ka ahaa dalka UK

Taiwan oo ka jawaabtay weerar afka ah oo China ku qaaday Taiwan iyo Somaliland

Afhayeen u hadashay wasaarada arrimaha di dabadda ee Taiwan, ayaa waxba ka majiraan ku til Shalay warbixin uu qoray wargayska Global Ti mes, ee ku hadla afka dowlada China, kaasi

oo xukuumada Taipie ku eedeeyay in ay laalu ush siiso siyaasiyiinta Som aliland iyo qoysask ooda si ay u buun buuniyaan qadiyada mad ax-bannaanideeda.

Sida lagu daabacay jarriirada Ta ipie Times nu qul keedi soo baxay 12, October, af hayeenka wa saarada arrimaha dibadda Taiwan Joanne Ou ay aa beenisay eedaynta Global Tim es, oo sheegay in Taiwan ay isticmaalayso wax uu ugu yeedhay "siyaasada dollarka" oo ah in Tai wan lacag Maraykanku uu bixinayo ku laaluusha yso siyaas iyiinta Somaliland, si ay u buun buuni yaan qadiyada madax-bannaanideeda.

Ou waxay warbixintan Global Times ku til Shalay mid been abuur ah oo looga gol leehahay in lagu dhaawaco sumcada Tai wan, waxa yna intaa ku dartay in Maraykanka iyo Tai wan ay ka wada shaqaynayaan mashaa riic cilmi-baadhiseed oo la xidhi idha, xidhi idhka Maraykanka iyo Taiwan iyo xidhi idhka Taiw an iyo adduunka taasi oo aanu waxba ka fahmi karin maamul macan gag ahi ayay tidhi, sida Tai pie Times qortay.

Ou ayaa intaa ku dartay in Taiwan iyo So maliland ay ka wada shaqaynayaan mashaariic lagu horumarinayo nolosha dadka reer Somal iland. "Tan iyo markii Somaliland iyo Taiwan ay is waydaarsadeen xafiisyadooda sannadkii hore, labada dowladood waxay bilaabeen mashaariic lagu horumarinayo beeraha, caafimaadka, tiknoo lajiyada iyo waxbarashada Somaliland, si loo hor umariyo nolosha dadka reer Somaliland" ayay tidhi Ou.

Xukuumadaha Somaliland iyo Taiwan oo laba dooduba aan haysan aqoonsi caalamiya, ayaa bishii 8aad ee sannad kii hore yeeshay xidhiidh dibulumaasiyadeed, oo ka xanaajiyay dowlada awooda badan ee China, China ayaana ugu baa qay Somaliland in ay ka laabato xidhiidhka Taiw an balse, Somaliland ayaa ku

gacan saydhay dalabka Beijing.

Nin watay leeb iyo qaanso oo dad ku laayay dalka Norway

Inta la xaqiijiyay shan qof ayaa ku dhimatay, laba kalena way ku dhaawacantay, ka dib markii nin sitay leeb iyo qaanso uu dadkaasi ku weer aray Magaalada Kongsberg ee dalka Norway.

37 jir u dhashay dalka Denmark ayay Ciidamada Booliska u soo qabteen falkan, Booliska ayaana aaminsan in ninkan uu keligii fuliyay falkaasi.

Goobjooge ayaa sheegay in ninka weera rka gaystay uu goob laga dukaameysto ka dhex bilaabay inuu dadka ku weeraro fallaarihii uu sitay.

Goobjooge kale ayaa sheegay in ninkaasi uu fallaaraha ku sitay sanduuqa fallaaraha oo gara bka u saarnaa iyo qoonso uu gacanta ku sitay.

Afhayeen u hadlay Booliska ayaa sheegay in mid ka mida dadka halkaasi ku dhaawacmay uu ahaa Sarkaal Booliska ka tirsan, kaasoo aan lab iska ciidanka wadan.

Ra’iisal Wasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa weerarka Habeen hore ka dhacay Magaalada Kongsberg ku sheegtay mid argagax leh.

"Waan dareemi karaa in dad badani ay baq ayaan, laakiin waxaa muhiim ah in la ogaado in Booliska ay hadda gacanta ku hayaan.” Ayay shir jaraa’id ka sheegtay Erna Solberg.

Booliska ayaa sheegay inay baarayaan in nin kaasi uu hub kale adeegsaday iyo in kale, sidoo kalena ay xaqiijinayaan in falkaasi yahay fal arg agixiso iyo in kale.

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Masjid kuyaal Afganistan

Ugu yaraan toddoba qof ayaa dhimatay in ka badanna waa ay dhaawacmeen ka dib markii qarax uu ka dhacay gudaha masaajidka shiicada ee magaalada Kandahar ee koonfurta Afghanistan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha gobollada.

Qaraxa oo dhacay Shalay oo Jimce ayaa ka dhacay masaajidka Biibi Fatima, oo ah masa ajidka ugu weyn ee ay ku cibaadeystaan Shii cada ee magaalada Kandahar

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Afganistan Qari Sayed Khosti ayaa bartiisa Twi tter -ka ku yiri: "Waan ka xunahay inaan maqalno in qarax uu ka dhacay masaajid ay ku jiraan wa laalaha shiicada oo ku yaal degmada koowaad ee magaalada Qandahaar halkaasoo ay ku sha hiideen kuna dhaawacmeen tiro ka mid ah dadka aan isku dalka nahay.”

Ciidamada gaarka ah ee Daalibaan ayaa gaa ray aagga qaraxa uu ka dhacay si ay u ogaad aan sida ay wax u dhaceen iyo in sharciga la hor keeno dambiilayaasha”, ayuu raaciyay.

Goobjooge ayaa u sheegay wakaaladda warar ka ee AFP inuu maqlay saddex qarax, mid ka mid ah albaabka weyn ee masjidka, mid kalena uu ka dhacay aagga koonfureed, iyo kan saddexaad uu ka dhacay qeybta weeysada ee masjidka.

Shirkadda Diyaaradaha Alitalia oo Hawada ka baxday & sababta keentay

Shirkadda Diyaaradaha Talyaaaniga ee Alita lia ayaa waxaa ay Habeen hore soo geba gebeysay Duullimaadyadii, iyadoo Socdaalkii ugu dambeeyey ku sii khatintay Duullimaad ay isaga kala gooshtay magaallooyinka Cagliari iyo Rome.

Shirkadda oo ku-dhawaad 75 sano shaqa ynaysay waxaa tan iyo sanadkii 2008-dii ku soo jirtay Xaallad Khasaaro leh, waxaana la soo gud boonaatay Musuq, Dhaqaale-Xumo iyo Miis aaniyad La’aan y ugu dambeyntii la turunturoo tay, oo ay Hawada kaga baxday.

Shirkadda Alitalian ayaa waxaa ay si rasmi ah Shalay ula wareegtay Shirkadda Cusub ee ITA oo u taagan Italia Transporto Aereo.

Magaca Astaanta Xuquuqda ee Alitalia waxaa la sheegay inuusan weli dhiman, inkastoo Shi rkadda cusub ee ITA iibsatay saamigii Shirkadda Alitalia iyo dhamaan Diyaaradihii Shirkadda Ali talia oo ay Dowladda Talyaaniga lahayd.

Shirkadda cusub ee ITA ayaa sheegtay inay la wareegtay 2,800 oo Shaqaale oo ka mid ahaa 10,000 oo Shaqaale u diiwaan gashanaa shirkad dii Alitalia.

Bishan October 1-dii, Shaqaalaha Shirkadoo da Diyaaradaha ee Alitalia waxay dhigeen Dibad baxyo ay kaga soo horjeedaan Iibinta Shirkadda Alitalia iyo shaqo la’aanta soo wajahday inta bad an Shaqaalaha Shirkadaasi.

W/Q: Ustaad Nuuradiin

Hogaamiyihii Kooxda Daacish Ee Galbeedka Afrika Oo Geeriyooday

Janaraalka ugu sarreeya Nigeria ayaa Kham iistii sheegay in Abu Muscab al-Barnawi, oo ahaa hoggaamiyaha kooxda khilaafada Islaamiga ah ee Galbeedka Afrika (ISWAP) uu dhintay.

ISWAP waa garab ka mid ah kooxda fallaagada ah ee Boko Haram oo la dagaalla meysay ciidamada qalabka sida ee Nigeria 12 sano. Labada kooxood ee dableyda ah ayaa ma rkii dambe isku dhacay.

Iskahorimaadka u dhexeeya kooxaha kacdo onka wada iyo ciidamada qalabka sida ee Nig eria, oo sidoo kale ku fiday dalalka dariska ah ee Chad iyo Cameroon, ayaa waxaa ku dhintay ilaa 300,000 oo qof, malaayiinna waxay ku tiirsan yihiin gargaarka.

"Waxaan si rasmi ah u xaqiijin karaa inuu dhi ntay Abuu Muscab,” Lucky Irabor, oo ah madaxa shaqaalaha difaaca, ayaa wariyeyaasha ugu sheegay Villa villa ee Abuja, isagoo aan bixin faahfaahin intaas ka badan.

Wargeyska Daily Trust oo ka soo baxa waqoo yiga Nigeria ayaa qoray in al-Barnawi uu dhintay dabayaaqadii bishii August, isagoo soo xiganaya ilo aan la garanayn. Wuxuu sheegay in ilo kala duwan ay bixiyeen warbixino kala duwan oo ku saabsan sida uu u dhintay hoggaamiyaha ISWAP.

Al-Barnawi wuxuu ahaa hoggaamiyihii sad exaad ee koox Islaamiyiin ah oo kacdoon ka wa da Galbeedka Afrika oo dhinta sannadkan, ka dib Abubakar Shekau oo ka tirsan Boko Haram bishii May iyo Adnan Abu Walid al-Sahrawi oo ka tirsan Dawladda Islaamiga ah ee Saxaraha Weyn (ISGS). Al-Barnawi wuxuu ahaa wiil uu dhalay aasaasihii Boko Haram Muhammed Yusuf, kaas oo dilkiisa oo ay gacanta ku hayaan booliiska 2009-kii ay ka mid ahayd waxyaabaha kiciyay in kooxdaasi ay kacdoon ballaaran ka bilowdo waqooyi bari Nigeria.

Ka dib dhimashadii Yuusuf, Shekau wuxuu no qday hoggaamiyaha Boko Haram. Intii uu hogga aminayey, wuxuu qaaday olole qaraxyo wadar eed, dilal iyo afduub. Sanadkii 2014, kooxdu wa xay caan ku noqotay adduunka markii ay 270 gab dhood ka afduubteen iskuulkii ay ku lahaayeen magaalada Chibok. Kooxda kala go’day

Maxaa kasoo baxay kulankii Biden iyo Uhuru Kenyatta?

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Habeen hore Aqalka Cad ku qaabilay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, waana kulankii ugu horreeyay ee Biden uu si toos ah ula yeesho hog gaamiye African ah tan iyo markii noqday mad axweynaha Mareynkanka.

"Iskaashiga istiraatiijiyadeed ee Mareykanka iyo Kenya waa lama huraan,” ayuu yiri Biden, ma rkii labada hoggaamiye ay fadhiisteen Xafiiska Oval.

"Labadeenuba, waxaan aaminsanahay inay muhiim tahay wax ka qabashada caqabadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah,” ayuu yir Biden.

Kulanka kadib, Aqalka Cad ayaa sheegay in lab ada hoggaamiye "ay ka wada hadleen ballanqa adkooda wadaagga ah ee ku aaddan difaaca dim uqraadiyadda, xuquuqda aadanaha, horumarinta nabadda iyo amniga gobolka, iyo dardargelinta barwaaqada dhaqaale.

Aqalka Cad ayaa sidoo kale ku sheegay baya ankan, in labada madaxweyne "ay hoosta ka xar riiqeen baahida loo qabo in la helo hufnaan iyo isla xisaabtan dheeraad ah oo ku aaddan nidaam ka maaliyadeed ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah iyo in la hormariyo go’aannada nabadeed ee colaadaha Soomaaliya iyo Itoobiya.”

Dalka deriska la ah Kenya ee Itoobiya, dagaal ayaa ka socday waqooyiga gobolka Tigray mud do ku dhow hal sano, waxaanaa colaaddu ay di shay dad aan tiradooda la sheegin – tirada dhim ashada lafteeda ayaa ah mawduuc la isku ha ysto.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in da gaalku uu 5.2 milyan oo qof ku riday masiibo ba ni’aadanimo, waxaana in ka badan 63,000 oo qof ay u qaxeen dalka deriska la ah ee Suudaan.

"Shalay, waxaan ka wadahadli doonnaa waxa Kenya iyo Mareykanka ay ka wada sameyn kar aan Geeska Afrika, si loo hormariyo nabadda iyo amniga,” ayuu yiri Biden.

Labada hoggaamiye midna magaca ahaan uma soo hadal qaadin dalka Itoobiya.


Xoghayaha Warbaahinta ee Aqalka Cad Jen Psaki, ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay ka wadahadleen waddanka aan badda lahayn, iyada oo si adag u qeyxday colaadda.

"Waa iska caddahay waxa ka socda Itoobiya inay yihiin naxariisdarro,” ayay tiri Psaki, iyada oo ka jawaabaysay su’aal ku saabsan goorta Maraykan ku bilaabayo cunaqabataynta.

"Waa wax laga naxo run ahaantii, waan ku fara xsanahay inaad wax iga weydiisay arrintan, saba btoo ah malaha ma jirin dareen ku filan oo ku sa absan waxa dhacaya oo Mareykanku siiyay” ayay raacisay.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip