Xafiiska Farmaajo oo ka hadlay fashilka wadahadallada

0
Friday September 24, 2021 - 19:58:27 in Wararka by
  • Visits: 154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xafiiska Farmaajo oo ka hadlay fashilka wadahadallada

    Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa beeniyay inay fashilmeen wadahadalladii u dhexeeyay madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisal wasaare Rooble oo isbuucyadii dhawaa uu dhexmaray khilaaf ballaaran oosaaameyn ku yeeshay howlaha dolwadda. Warar soo b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa beeniyay inay fashilmeen wadahadalladii u dhexeeyay madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisal wasaare Rooble oo isbuucyadii dhawaa uu dhexmaray khilaaf ballaaran oosaaameyn ku yeeshay howlaha dolwadda. Warar soo baxay mar sii horreysay ayaa muujinaya in ay guuldareysteen dadaalo lagu doonayay in lagu soo afjaro khilaafka u dhaxeeya madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Dadaalkan ayaa waxaa gar-wadeen ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), sida horey loo baahiyay. Wasiir dowlaha madaxtooyada Galmudug Cumar Axmed Shido ayaa baraha bulshada ku faafiyay inay "fashil ku soo dhamaadeen" dedaaladii ugu dambeeyay ee lagu xalinayay khilaafka labada masuul. Ma jira ilaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, balse mas'uul ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in wadahadallada ay wali socdaan, filayaana inay guul ku soo dhammaadaan "Waxay na bogaadinayaan dedaalada guddoomiye Mursal iyo madaxweyne Qoorqoor. Waxaan ku kalsoonahay dedaalka socda in uu guul ku dhammaanayo," ayuu yiri sarkaalaasi oo ka gaabsaday in magaciisa.



 






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip