
HALKAAN KA AQRISO WARGEYSKA MOGADISHU TIMES Khamiis 16-ka Sept 2021
Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Safiir ka Cusub ee Midowga Yurub
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Dorraad xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabil san Soomaaliya Tina Intelmann.
labada mas’ul ayaa waxaa ay ka wada hadleen masha-ariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya iyo hor umarrada laga sameeyey geeddi so-codka doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahad celi yay dadaalka ay dalalka Midowga Yurub ugu jiraan horumarinta dowladnimada Soomaaliya iyo tag eerada ay siiyaan.
Dalalka Midowga Yurub ayaa waxaa ay yihiin kuwa taageerada ugu badan siiya Dowladda Federa alka ah ee Soomaaliya.
Jeneraal Bashiir Goobe oo xilka ka qaaday Yaasiin Farey, magacaabay agaasime cusub
Agaasimaha KMG ee hay’adda NISA uu dhawa an u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Goobe ayaa agaasimaha Nabadsug ida ee gobolka Banaadir u magacaa bay G/lle Muxidiin Mohamed Jimcaale (Warbac).
Xilkan ayaa waxaa horey u hayey Yaasiin Farey, inkasta oo markii dambe Farmaajo uu sheegay inuu u magacaabay agaasimaha hay’adda NISA. Warqa dda Bashiir Goobe, la-guma soo hadal qaadin Yaas iin Farey.
Waraaq magacaabis oo kasoo baxday Agaasim aha KMG ee hay’adda NISA ayaa waxaa lagu far ay dhamaan agaasinada hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka inay ka gutaan mid walba waajibaada kaga aadan.
"Danta shaqada qaranka awgeed, laga bilaabo Dorraad oo ay taariikhdu tahay 15.-09.2021, waxaan u magacaabay Sarkaalka G/lle: Muxidiin Maxamed Jimcaale (Warbac) inuu no-qdo Agaasimaha HNSQ ee Caasimadda,” ay-aa lagu yiri waraaqda.
Ugu dambeyntiina Agaasimaha KMG ee NISA, Sareeye Guud Bashiir Goobe ayaa sar-ka-alka cus ub u rajeeyay guul iyo shaqo wacan.
Arrintan ayaa imaneysa xili ay weli ta-agan tahay xiisada ka dhalatay magacaabista Agaasimaha KMG ee NISA, kadib markii uu xilka ka qaaday Ra’I isul Wasaaraha agaasimihii hore, Fahad Yaasiin oo ay saaxiib dhow ahaayeen ma-daxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.
Shaqaallaha dowladda oo amar la duldhigay
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuum adda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwah aab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo Dorraad kull ankii toddobaad lahaa la qaatay aga-asime waxeed yada Wasaaradda, ayaa faray in la dardargaliyo howlaha Shaqo ee Shaqaalaha Dawladda
, iyadoo laga fogaanayo marxadda Doo rasho ee Dalka uu ku jiro inay saameyn ku yeeshaan adeegyada Qaranka iyo muwaadiniinta ay u hayaan Shaqaala ha Rayidka.
Wasiirka ayaa sidoo kale faray Shaqaalaha Daw ladda inay qaataan tallaalka Covid-19 ,oo si rasmi ah loo daahfuray 21 bishii August. " Agaasimayaa sha waxaan farayaa inay hub-iyaan heerka shaqo iyo soo xaadirid ee Shaq-alaha si loo dardargaliyo shaqada muhiimka ah ee Dalka ay u hayaan.” ayuu yiri wasiir Cabdi-wahaab Ugaas oo inta ku daray " Shaqaalaha waa inay oggaadaan si looga hortaggo faafida COVID-19 inay qaataan tallaalka.” Md. Ca bdiwahaab Ugaas , wasiirka Sha-qada iyo Arrimaha Bulshada ayaa sidoo kale ka warbixin safar shaqo oo u dhawaan ku tagay Dalka Masar, halkaa oo u kaga qeybgalay shirka heerka wasiir ee Shaqada waddamada Jaam-acadda Carabta ee socday 5 ilaa 10 bishan September , wuxuu xaqiijiyay shirka inta uu so-cday inuu sidoo kale kullumo dooceedyo la qaatay wasiirrada dhiggiisa ah ee dalalka Jaam-acadda Carabta.
" Shirkaa wuxuu ahaa mid miro dhal ah , wa-xaa barbar socday kulamo aan la qaatay wasi-irrada oo si isku mid ah noogu xaqiijiyay inay di-yaar u yihiin door muuqda inay ka qaataan dada-allada shaqo abuur iyo horumarin.” ayuu yiri.
Gabagabada, wuxuu Wasiirka u mahadceliyay safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaal iya ee Dalka Masar iyo doorkii farsamo ee muddadii uu socday shirka iyo kullamo doo-ceedyada.
Wasiirka cusub ee amniga oo war kasoo saaray tallaabadii uu qaaday Bashiir Goobe
Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha, Cabdulla ahi Maxamed Nuur ayaa soo dhaweeyay ma-gac aabista Agaasimaha cusub ee Nabadsugida go bolka Banaadir, G/lle Muxidiin Mohamed Jimcaa le (Warbac), oo Dorraad uu maga caabay Agaasimaha KMG ee NISA, Bashiir Goobe.
Wasiirka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uu faray in uu shacabka ugu adeego si hufan, isagoona u bal lan-qaaday in hogaanka cusub ee NISA heli do onaan agab ka-sta oo u fudeydin lahaa how shooda.
"Waxaan soo dhawaynayaa Magacaabista Taliyaha Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee G/Banaadir Md. Muxudiin Maxamed Jimcaale (Warbac) ee uu Magacaabay Agaasimaha KMG ee Hay’ada Nabadasugigga iyo Sirdoonka Qaran ka (NISA) Sareeye Guud Bas-hiir Maxamed Jaa mac,” ayuu yiri.
"Waxaa la faraya in uu shacabka ugu adeego si hufan, waxaana si buuxda ugu xaqiijinayaa gu ud ahaan hogaanka Hay’ada NISA in uu diy-aar u yahay agab kasta oo loo adeegi lahaa bul-shada waxaana u rajaynayaa horumar iyo adeeg bulsho oo hufan.”
Xilka agaasimaha gobolka ee NISA, ayaa wa xaa horey u hayey Yaasiin Farey, inkasta oo mar kii dambe Farmaajo uu sheegay inuu u magaca abay agaasimaha hay’adda NISA. Warqadda Ba shiir Goobe, laguma soo hadal qaadin Yaasiin Farey.
Magacaabista Warbac ayaa imaneysa xili ay weli taagan tahay xiisada ka dhalatay mag acaabista Agaasimaha KMG ee NISA, kadib markii uu xilka ka qaaday Ra’iisul Wasaaraha agaasi-mihii hore, Fahad Yaasiin oo ay saaxiib dhow ahaayeen madaxweynaha muddo xileedki isa uu dhamaaday.
Xundubey oo ka laabtay qorshihii uu berri damacsanaa
Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Xasan Xun dubey Jimcaale ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegayo inuu ka laabtay shir jaraa’id oo uu qaban lahaa Khamiista berri ah, kaas oo horay uu u balan qaaday inuu ku soo bandhigayo waxa ay isku hayaan isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dha-wa an xilkii ka qaaday Xasan Xundubey, is agoo ku bedelay Xildhibaan Cabdul lahi Maxamed Nuur, balse Xundubey ay aa diiday oo sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadidaas.
Qoraal uu Dorraad soo dhigay bartiisa twit-erka ayuu Xundubey ku shaaciyey inuu baajiyey shir jaraa’id oo uu ku soo bandhigi lahaa waxay Rooble isku hayaan, kadib markii sida uu sheegay ay lasoo xariireen waxgaradka beeshiisa. "OGAYSIIN! Waxa aan horay u faafiyay in aan beri oo Taariikhdu tahay 16/09/21, 5:00pm aan Muqdisho ku qaban doono SHIR-WARBA-AHINEED. Haddaba, shirkaasi waa BAAQDAY. [WAAYO], waxgarad aad iigu weyn ayaa iga co-dsadeen in aan SHIRKAAS baajiyo. Wax-Garadkaasina waa ku mahadsanyihiin!” ayuu qora-alkiisa ku yiri Xundubey.
Fariintii hore ee shirkaas jaraa’id uu ku icla-am iyey ayuu ku yiri, "Dorraad Khamiista ah ee soo soc ota, ee Taariikhdu tahay 16/09/2021, 5:00pm waxa aan Magaalada Muqdisho ku qaban doonaa I.A. SHIR-JARAA’ID, oo aan uga warbixin doono: waxy aabaha aan isku qabanay oo aan isku haysano aniga & Rooble!”
Xasan Xundubey ayaa noqday wasiirka kal-iya ee illaa hadda ku baxay khilaafka siya-asadeed ee Rooble iyo Farmaajo, waxaana la sheegay in Xund ubey uu si weyn ugu janjeeray dhanka Farmaajo, ta as oo keentay in Rooble uu ku bedelo nin aad u naq diya siyaasadda Far-maajo. Waa wasiirka cusub ee amiga Cabdullahi Maxamed Nuur
Yaa ku adkaaday kursigii ay ku loolameen Dr. Dufle iyo Tarsan?
Magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle oo ay ka socoto doorashada xubnaha Aqalka Sare ka soo gelaya deegaanada maamulkaas waxaa hadda lagu doortay Senator Cusmaan Maxamuud Dufle, oo ka guuleystay laba musha rax oo kula tartamay kursigaas. Dr. Dufle ayaa dib ugu soo laabtay kursigaas oo afartii sano ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyey, waxuuna ku soo baxay 68-cod, halka musharax Raage Xasan Xuuti oo la tartamayey uu helay 28-cod
Cusmaan Maxamuud Dufle iyo Raage Xas-an Xuuti ayaa isula gudbay wareeg labaad, sid-aas ayeyna guushu ku raacday Dr. Dufle, kurs-igaan waxaa horay loo saadaalinayey inuu ka mid yahay kuraasta wajihi doonta loolanka adag.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ahaa mu-sha raxa seddaxaad ee kursigaas ayaa ku haray war eegii koowaad ee doorashada, waxuuna helay 19-cod, Danjire Tarsan waxaa wadatay Vi-lla Somalia, balse wareegii koowaad sooma dha-afin.
Dr. Dufle ayaa ah Senatorka afaraad ee illaa hadda lagu doortay Jowhar, waxaana hartay doora shada afar kursi oo kale, doorashada ayaana sii so con doonta illaa berri, sida qorsh-eeyey, si loo soo dhameystiro 8-da xubnood ee HirShabeelle ay ku ledahay golaha Aqalka Sa-re.
Wasiirka Warfaafinta Dubbe Oo La Kulmay Waf di Ka Socda Qaramada Midoobay
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska xu kumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cis-maan Abukar Dubbe ayaa xafiiska ku qaabilay wa fdi ka socday xafiiska Hay’a dda Qaxootiga Ad-duun ka ee UNHCR gaar ahaan xaf iiskeeda Soo-maaliya.
Kullanka waxaa ku wehliyay Agaasimaha gu ud ee wasaaradda warfaafi-nta, dhaqanka iyo dalxi iska XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale.
Wefidiga UNHCR waxa hoggaaminayey wakiilke-eda Soomaaliya Mr. Magatte Guisse iyo Axmed Caynte oo kamid ah madaxda Sare ee UNHCR.
wasiirka warfaafinta dubbe oo la kulmay wafdi ka socda qaramada midoobaywasiirka warfaafinta dubbe oo la kulmay wafdi ka socda qaramada midoobaywasiirka warfaafinta dubbe oo la kulmay wafdi ka socda qaramada midooba-ywasiirka warfaafinta dubbe oo la kulmay wafdi ka socda
qaramada midoobay7
WAA KUMA MUUSE SUUDI YALAXOOW?
Muuse Suudi Yalaxow waxaa uu do-wladdii ku meel gaarka ahayd ee C/Qaasim Salad ka soo noq day wasiirka ganacsiga inkas-too markii dambe uu ka mid ahaa hogaamiye Kooxeedyadii
ugu awoodda badnaa Soo maaliya ka hor inta aanay meesha ka saarin Midowgii Maxaakiimta sannadkii 2006-dii.
1990 meeyadii markii uu Soomaaliya ka dhacay dagaalkii sokeeye Muuse wa xa uu madax ka ahaa degmada Madina isagoo ma talaya dhaq-dhaqaaqii United Somali Congress USC.
Isaga oo ka mid ah hoggaamiye koox-eeyadii u gu awoodda badnaa ee Muqdisho ayay caasimadda soo degtay dowladda kumeel gaa-rka ahayd ee uu madaxda ka ahaa Madaxweyne Cabdiqaasim Sala ad Xasan , waxaana dhacday in uu dowladdaasi aad uga horyimid, hadaladii laga diiwaangaliyayna waxaa ka mid ahaa "Mi-neey bac tahay waa bujinay naa, mineey bir tahay waan ka leexanaynaa”.
Balse shirkii Nairobi ee xigay ee bil-oowday 2002 -dii ayaa waxaa lagu qasbanaaday in dib u heshiisi inta iyo dhismaha dowladnimada qeyb laga galiyo hoggaamiye kooxeeyada uu Muuse ka mid ahaa.
Markii la abaabulay Dawladdii Fede-raalka Ku -meel gaarka ah 2004, Muuse Suudi Yalaxow wuxuu ka mid ahaa 275 xubnood ee loo soo xulay Baarlam aanka Federaalka Ku meel-gaarka ah 29 Ogosto, 2004. Waqtigiisu wuxuu ku ekaa sannadkii 2009-kii.
20-kii Bishii Maarso , 2005, waxaa la sheegay in Yalaxow lagu xiray Kenya, isaga iyo xubno kale oo ka tirsan baarlamaankii Dowladdii Kumeel Gaarka ka dib markii uu muran ka dhashay in la oggolaado cidaamo nabad ilaalilin oo ka socda dalalka dariska ah gaar ahaan Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya lana ge eyo Soomaaliya si ay gacan u siiyan dowlada ku meel gaarka ah.
Muuse waxaa loo magacaabay wasiirkii ganacsi ga ee xukuumaddii Prof Cali Maxamed Geeddi, ba lse wareysi uu Muuse siiyay Radio Banaadir, kaas oo sidoo kale BBC-da laga baa-hiyay ayuu ku yiri "Muxuu yahay wasiir aan gaari lahayn, wasiir aan guri lahayn”, isaga oo ka hor yimid dowladdii uu was iirka iyo xildhibaankaba ka ahaa. Bishii Febraayo ee sannadkii 2006-dii Muuse Suudi wuxuu ku biiray isbahaysigii hog-aamiye kooxeedka ee uu taageer ayay Mareykanka, kuwaas oo la magacbaxay Isbah aysiga Dib-u-soocelinta Nabadda iyo La dagaallan ka Argagixisada (ARPCT) si loola dagaallamo Mid-owgii Maxkamadaha Islaamka.
Dagaalkii u dhexeeyay Maxaakiimta iyo sbahays igii hogaamiye kooxeedka ayaa gal-aaftay nolosha dad badan waxayna maleeshiyada Muuse qabsad een Isbitaalka Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ee Kensaney.
5 -tii Juun ee 2006-dii Yalaxow wuxuu ka baxay Muqdisho isagoo saldhig ka sameytay Balcad oo 30 -km waqooyiga ka xigta Muqdisho, oo iyana maa lmo kadib ay maxaakiimta qab-sadeen .
Ra’iisul Wasaarahii xilligaas ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi ayaa xilkii ka qaaday Yalaxow, isagoo sheegay in uu ka soo horjeestay dadaallada xukuumaddiisa ee nab-adda uuna wiiqay howla hoodii dib u hes hiisiinta.
Bishii Janaayo ee 2007-kii ayuu Muuse Suudi dib ugu Soo laabtay magaalada Muqdisho markaas oo maxaakiimta laga adkaaday, kadib ciidamadii Ito obiya ee Muqdisho iyo meelo badan la wareegay. Meesha keliya ay haysteen Maxk-amadaha waxa ay ahayd Raaskaambooni.
Dabayaaqadii sannadkii 2016-kii, ayaa waxa uu markii ugu horreysay noqday xildhibaan Aqalka Sa re ka mid ah isagoo ku matalayay Maamul Gobel eedka Hirshabbeelle. Intii uu Aqalka Sare ku jiray waxa uu ka ahaa xildhibaanada ugu codka dheer marka ay noqoto dadka kasoo horjeeday qaabkii ay wax ku wadday dowladda Maxamed Cabdullaahi Fa rmaajo. Waxaa xitaa dhacday in ay hadalo kulul war baahinta isu mariyeen isaga iyo duqii hore ee Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Yariisoow.
Hase yeeshee Muuse Suudi ayaa mar kale ka mid noqday Aqalka Sare ee baarla-maanka Sooma aliya, kadib doorasho Dorraad ka dhacday magaala da Jowhar ee xarunta maamul goboleedka Hir shabeelle.
Muuse Suudi, ayaa helay codad gaaraya 55, hal ka Axmed Xasan Caddow (Daaci) oo ay wareegga labaad ku tartamayeen uu helay 43 cod. Kursiga uu ku guuleystay Muuse ayaa ahaa kursigii ugu adkaa dhanka loolanka ee doo-rashadii golaha aqalka sare ku matalaya baarl-amaanka federaalka Soom aaliya. Xigasho:BBCSomali
XAAD oo shaaciyey tallaabo ay qaadayaan oo la xiriirta kiiska Ikraan Tahliil
Afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Ha wiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka had lay kiiska Ikraan oo xiisad hor leh abuuray, ayaa shaaciyey in haddii uu Farmaajo diido cad-aalada ay billaabi doonaan mudaharaado wa-aweyn.
Nabadoon Xaad ayaa shee-gay ina ysan marnaba ka yeeli doonin mad axweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday wax ka baxsan wixii loo doortay, islamarkaana ay iska ce yrin doonaan, sida uu sheegay.
"In uu dowladnimada gumeeyo oo dalka oo dhan ku ciyaaro ka yeeli mayno. Hadda nabad ma muuq ato saansaanteeda ma leh, qof cadaalad daro la gu sameeyay cadaaladeeda lagama shaqeyn karo, do orasho lagama wadi karo,” ayuu yiri.
"Qof doorasho diidi kara, dowlad diidi kara ama bu lshada Soomaaliyeed ay rabto oo diidi kara majiro. Dagaal waa dagaal meesha uu asaga rabo ayuu aadaya meesha aad rabto ma aadayo, dagaal lama jiheyn karo.”
Sidoo kale, waxa uu sheegay in qofkii dulmi ka shaqeeya in uu dusha u ridanayo waxyaabaha ka dasha dulmiga, isagoona madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ku eedeyay in uu khal-khal gelinayo doorashada dalka oo maalinba uu wa raaqad kasoo daba saarayo Ra’iisul Wasaaaraha.
Waxa uu soo jeediyay in xuquuqda dalka uu lee yahay si wadajir ah loo raadiyo, islamarkaana laga horyimaado rabitaanada guracan ee madaxwe ynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.
"Madaxweynaha meel uu ka galo (kiiska Ikraan) majirto, wuxuu warkiisa uu ku soo dham-aaday in uu ogoleyn cadaalad, doorasho iyo do-wladnimo.”
Ciidamo ‘weeraray’ guriga hooyada wasiir ka tirsan DF
Wasiirka wasaaradda haweenka ee xukuumad da Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaniifo Xaabsade) ayaa sheegtay in ciidan ka amar qaata madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ay Dorraad magaalada Baydhaba ku xireen Hooyadeed, oo sida ay sheegtay ay gurigeeda ku weerareen.
Wasiir Xaniifa ayaa sheegtay in xarigga loo geystay hooyadeed uu la xariiro kala aragti du-wanaasho siyaasadeed oo soo kala dhexgalay iyada iyo madaxweyna ha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.
"Waxaan ka xumahay kala duwanaasha siy-aas adeed ee madaxwayne Laftagareen iyo aniga in ay ku ekaan waysay siyaasada ee loo dhacay Dorraad hooyaday macaan gurigeeda ciidan isku sheega na bad sugida southwest in ay kas-ocdaan tagaan oo laba Abdibila ah si iyada usoo xiran bilaa sabab si doo kale habaryer tay qori lugu qabtay dil loogu ha njabay,” ayey wasiirka haweenka Soomaaliya ku tiri qoraal ay soo saartay. Sidoo kale Wasiir Xaniifo qoraalkaan waxay ku sheegtay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu qaadan doono mas’uuliyadda dhibkii ka dha-sha caburinta shacabka, sidoo kale awooda uu shacab ka ku caburinayo ayey u soo jeedisay in Koonfur Galbeed uu uga xoreeyo Al-Shabaab.
"Madaxwayne Abdiaziz ayaa toos masuuliyad aas u qaadaayo wixii meesha kadhaco caburinta shacabka iyo ixtiraam la aan koonfurgalbeed kajir-ta na haday soo afjarmaysaa insha allah. Ciid-anka aad hooyoyinka koonfurgalbeed kubeeqsa-naysid fadlan shabaab isaga celi oo dhamaan Koonfur Ga lbeed ku hareeraysan,” ayey wasiir Xaniifo ku tiri qoraalkeeda.
Tan iyo markii uu Koonfur Galbeed hogga-anka u qabtay Madaxweyne Lafta Gareen waxaa iska soo daba dhaceysa cabashada shacabka iyo siyaa siyiinta oo caburin xad dhaaf ah ka tirsanaya maam ulkiisa.
Dagaal u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda oo Muqdisho ka
dhacay.
MUQDISHO :-Wararka ka imaanayaa Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal xoog leh uu sa akay ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Mu qdisho, kaas oo u dhexeeyay ciidamada militariga iyo kuwa booliska Soomaaliya, sida ay ilo wareedyo u xaqiijiyeen Warbaahinta.
Wararka ayaa intaas ku daray in dagaalku uu ka bilowday muran la xiriira dhul, iyadoo faahfaahin int aas dheer aan laga bixin sababta rasmiga ah ee dagaalkan.
Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhash ay dagaalkan, hase yeeshee ilo wareedyo ayaa sheegaya in taliyaha ciidmada ciidanka Haramcad Cabdixamiid C/llaahi Fanax uu ku dhaawacmay. Mana jirto war rasmi ah oo ka soo baxay dowlada Soomaaliya ee la xiriira isku dhaca labada ciidan.
Dadka degan agagaarka isgoyska Banaadir iyo xaafadaha u dhow ayaa ku waabariistay rasaas cus lus oo labada dhinac isku adeegsadeen.ma jiro wax war ah oo ka soo baxay qeybaha amniga Muqdisho dhinaca kale warar kale ay sheegayaan in xalay ay xirnaayeen wadooyinka gala Godka jilicoow ee taalada daljirka dahsoon iyo nawaaxigeenada oo ciidmo lagu daadiyey sida dadweynaha ay sheegeen
Guddoomiye Mursal oo Dorraad kulan la qaatay Safiirka cusub ee Sweden
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarl-amaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mu rsal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Dorraad xafii-ski isa ku qaabilay Safiirka cus-ub ee Dowladda Swe den u soo magacoowday Soomaaliya Per Lind garde.
Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen dardargelinta howlaha lagu dhameystirayo do-orashooyinka Dalka ka biloowday iyo xaqiijinta qoondada Haweenka ee doorashooyinka.
Guddoomiye Maxamed Mursal iyo Safiir Per Lindgarde ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiy adeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, kaas oo ku dhisan wax wada-qabsi, is-ixtiraam si loo adkeeyo iskaa-shiga dhinacyada amniga, gar gaarka bini’aa-dannimada, dhaqaalaha, , horumarinta iyo arri-maha bulshada.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha Sha-cabka ee Baarlamaanka Safiirka Cusub ee Swe-den ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in uu soo dhoweyn wanaa gsan kala kulmi doono shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda.
Safiirka cusub ee Dowladda Sweden u soo magacaawday Soomaaliya ayaa waxaa dhawaan warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Madaxw-eynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Ma
-xamed Cabdullaahi Farmaajo.
Maxay ku xiran tahay guusha Ra’iisul Wasaare ROOBLE?
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, sid-oo kalena mar soo noqday madaxweynihii Puntl and Cabdiweli Maxaxmed Cali (Gaas) oo war eysi siiyey BBC-da ayaa markale ka hadlay xaa lada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisadda u dhexeysa madaxweynaha mu ddo xileedkiisa uu dhammaaday iyo ra’iisul was aaraha dalka.
Md.Gaas ayaa nasiib darro ku tilmaamay go’a ann ada is diidan ee ka soo kala baxay labada dhinac, wuxuuna tilmaamay in labaduba ay iska la baxeen xeendaabka dowladnimada.
Sidoo kale wuxuu kuu taliyey in kiiska Ikraan Tahliil Faarax ee sida weyn la’isugu hayo loo daa yo hay’adaha ku shaqada leh, gaar ahaan kuwa Cadaaladda.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo had-alkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in guusha Rooble ay kaliya ku jirto inuu dalka ka qabto doo-rasho xor iyo xalaal ah.
"Guushiisu iyo guul darradiisa waxay ku xiran tahay doorasho sax ah oo lagu kalsoon-yahay oo dadka Soomaaliyeed ay u wada riyaaqaan oo cadaalad ah in uu sameeyo. Guushiisa kuma xir-na ka gun gaaridda kiiska Ikraan Tahliil,” ra’iisul wasaarihii hore ee dalka.
Waxa kale oo uu intaasi kusii daray "Wa-xaan oran lahaa gabadhan kiiskeeda haloo da-ayo ha y’adaha cadaaladda madaxweynahana fa-raha ha kula baxo ra’iisul wasaaruhuna ha u jeesto qabashada doorashada,”.
Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo ha atan khilaafka u dhexeeya Farmaajo iyo Ro-oble uu gaaray meeshii ugu sarreysay, wuxuuna sa meeyey doorashooyinka dalka ee 2021-ka.
Hooyo QAALI oo shaacisay laba xildhibaan oo qeyb ka ah kiiska IKRAAN
Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad oo dhashay Ikraan Tahliil Faarax ayaa shaacisay magacya-da labo xildhibaan oo ay sheeg tay inay caqabad ku yihiin baarita anka kiiska gabadheeda.
Labada Xildhibaan oo lagu kala magacaabo Cabdiraxmaan Xirsi Kulmiye (Cabdir axmaan Dheere) iyo Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire ayey si adag ugu digtay hooyada Ikraan oo xiligan dadaal dheer ugu jirta sidii ay gaba dheeda u heli laheyd cadaalad.
Sidoo kale waxay sheegtay in labada Nin ay qaraabo dhow yihiin mid kamid ah Madaxweyna ha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, halka ka kalena ay is-xigaan Fahad Yaasiin, Taliyihii hore ee NISA.
"Labadaas nin hadii aysan ka hor wareegin kiis ka gabadheyda waxay mudan yihiin ayaa la mars iinayaa Ilaahey idankiis, umadda Soomaa-liyeed ey arka oo marqaati ka ahaada in dadkaas ay ca qabad nagu yihiin, oo xaq darro ay nagu hay aan,” ayey tiri Hooyo Qaali Maxamuud Guh-aad.
Hooyo Qaali ayaa sidoo kale waxay sheegtay inay kalsooni badan ku qabto Ra’iisul Wasaare Rooble, islamarkaana ay kiiskaas cadaaladiisa ka sugayaan, xilli uu dhawaan bilaabay dar-dar gelinta kiiska Ikraan Tahliil Faarax.
Arrintan ayaa imaneysa xilli uu madaxwey naha muddo xileedkiisa uu dhamaaday isku daya yo in uu hoos u dhigo miisaanka kiiska Ikr-aan oo sida la rumeysan yahay lugaha la galay mas’uu liyiin sare, uuna rabo in si dhaqan ah lagu xaliyo, qoyskeedana la siiyo diyo.
ICG; "Siyaasiyiinta Soomaaliya Waxay Mar Kale Ku Ciyaaraan Dab”
Hay’ada International Crisi Group ayaa di-gni in ka soo saartay xaalada siyaasadda ee ka jirta dalka Soomaaliya iyadoo ugu baaqday Mad-axwe ynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo taagee rayaashiisa inay isku dayaan in xil ka qaadis ku sameeyaan Ra’iisul Wasaare Rooble.
Warbixin ay soo saartay hay’ada ayaa waxaa ay ugaga hadashay marxaladihii uu soo maray khilaafka ka dhexeeya Farmaajo iyo Ra’-iisul Wasaare Rooble.
"Dadka qaar ayaa ka welwelsan in mad-axweyn uhu ka codsado saaxiibkiisa, Guddoom-iyaha Aqal ka Hoose, Maxamed Mursal Cabdirhaman, inuu ku baaqo in cod loo qaado moo-shinka xil ka qaadista Rooble. Tallaabo kasta oo xilka looga qaadayo Roo ble waxay noqon doo-ntaa mid aad loogu murmo, marka la eego doo-rkiisa dhexe ee diyaarinta doorashooyinka.”ayaa lagu yiri warbixinta.
Hay’adda ayaa shaki gelisay sharci ahaanshaha haddii Farmaajo uu qaado tallaabo uu golaha shaca bka xilka uga qaadayo Rooble.
"Dadka qaar ayaa ku doodaya in tallaabada no ocan oo kale ah ay sidoo kale noqon doonto mid sharci ahaan shaki ku jiro marka la eego in mud dadii baarlamaanku ay dhammaatay December 2020. Intaa waxaa dheer, wakiilada cusub ee aqal ka hoose weli lama dooran, xitaa iyadoo qaar ka mid ah mudanayaasha cusub ee la soo xulay ay kuraastooda qaateen. "Hay’adda ayaa warbix intee da ku xustay in Ra’I isul Wasaare Rooble uu haatan awood u leeyahay maamulka maaliyadda dalka Soo maaliya.
"Rooble ayaa caddeeyay inuu gacanta ku hayo maaliyadda dowladda, isagoo caddeeyay inaan wax lacag ah lagala bixi karin bangiga dhexe ee Sooma aliya isaga oo aan oggolaansho ka haysan – tallaa badaas oo qasab ku ah inay ka careysiiso dhinaca Farmaajo.”
Hay’adda ayaa warbixinteeda sidoo kale ku she egtay in loo baahan yahay in cunaqabatayn lagu soo rogo madaxda khilaafka mas’uulka ka ah, sidoo kale hay’ada ayaa waxaa ay ka hadashay kiiska Ikraan Tahliil.
"Madaxweyne Farmaajo iyo xulafadiisa waa inay ka fogaadaan dadaal kasta oo lagu ridayo ra’iisul wasaaraha si aysan u carqaladeyn diyaarinta doo rashada. Jilayaasha kale ee siyaasadda, oo ay ku jir aan xubnaha mucaaradka, inkasta oo ay markii hore shaki ka qabeen, haddana waxay si isa soo ta raysa u muujiyeen kal-soonida wakiilnimada Rooble ee diyaarinta.”
"Ka takhalusidda Rooble waxay dib u cusboonay siin doontaa shakigooda waxayna u badan tahay in ay burburiso heshiiskii ay doorashadu ku salaysn ayd. Madaxweynuhu waa inuu ku dhaganaadaa ba llanqaadkiisii hore ee ahaa inuu ixtiraamo hadal ah aan iyo ficil ahaan awo-odda ra’iisul wasaaraha ee maaraynta saadka iyo amniga galaya codbixinta.”
Hay’adda ICG ayaa warbixinteeda ku sheegtay in ay tahay in Farmaajo uu aqbalo magacaabista Roble ee madaxda NISA.
"Sidaas darteed, Farmaajo waa inuu aqbalaa ra’ iisul wasaaraha inuu u magacaabo inuu maamulo NISA oo uu joojiyo inuu ka hortago tallaabo kasta oo uu qaadayo. Rooble, markiisa, wuxuu dib u eegi karaa inuu hore u sii socdo iyada oo wareegga door ashada ee tartiib tartiib u soconaya ahmiyaddiisa ugu weyn.”
"Beesha caalamka waa inay diyaar u yi-hiin in ay magacaabaan kuwa u dhaqma sidii qaswadaya al, ugu hanjabaya cunaqabateyn haddii aysan wax ka beddelin wax ka qabashada oo aysan diyaarin til laabooyin la beegsanayo, oo ay ka mid yihiin xanni baadyo socdaal ama xayiraad hantiyeed, oo ka dhan ah kuwa ku adkeysanaya falalka wax u dhim aya xasilloonida Soomaaliya iyo rajada laga qabo in ay gaaraan doo-rasho degdeg ah. ”
"Mareykanka, UK iyo Midowga Yurub gaar aha an waa inay hormuud ka noqdaan arrintan, marka la eego taageerada weyn ee ay siiyaan dowladda So omaaliya. Inta badan dadka siyaasadda ku xeel dhe er ee Soomaaliya waxay haystaan laba dhalasho, iyo tallaabooyin laba geesood ah oo xaddidaya soc daalkooda ama xorriyaddooda maaliyadeed, oo ay ku jirto ka dib markii ay xafiiska joogeen, waxay soo rogaan kharash cad oo u noqon kara ka hortag wax ku ool ah.”
"Marka laga hadlayo lumitaanka Ikran, baaritaan ka uu hogaaminayo xeer ilaaliyaha gu-ud ee ciid amada qalabka sida waa inuu sii so-cdaa oo aan la hor istaagin.
"Xafiisku waa inuu soo bandhigaa wixii ka soo ba xa, oo uu la xisaabtamo kuwa masuulka ka ah. Qo yska Ikran ayaa la sheegay inay durba diideen diya (dhaqanka Soomaalida ee ah in magdhaw la siiyo qoyska dhibanaha si loo xaliyo eedeymaha khalad ka) taas beddelkeeda la joojiyo baaritaanka. Waxa kale oo ay ka soo horjeesteen guddi baarayaal ah oo uu Farmaajo magacaabay 13 -kii September. Ja waabtoodu waxay muujinaysaa inaysan aqbali doo nin habab kale oo caddaalad ah.”
"Soomaaliya waxay ku jirtey mugdi dheer oo ku filan iyadoo dowladdu ay dhaaftay waqtigii loo idm aday laakiin aan weli qabanqaabin doorasho cusub. Isku dhacyada u dhexeeya labada hoggaamiye ee ugu sarreeya waxay halis ugu jiraan inay sare u qaa daan xasilloonida uu dalku ku naaloonayo iyadoo laga weecinayo siyaasiyiinta mudnaanta kale, oo ay ka mid tahay bixinta adeegyada Soomaalida. Dha mmaan hawlwadeennada gudaha waa inay dejiya an si looga hortago fidista khilaafka Farmaajo-Roob le.”.
Mahdi Guuleed & Cabdi Xaashi oo laga dalbaday soo gudbinta liiska Musharixiinta Aqalka Sare
Guddiga Maamulka Doorashada gobolada waqo oyi ee Somaliland ayaa ka codsaday Ra’ii-sul Was aare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdill aahi inay u soo gudbiyaan liiska musharixiinta Aqal ka sare ee Somaliland.
Qoraal kasoo baxay Gudd-iga oo uu ku saxi-ixan yahay Guddoomiyaha Guddiga Kha dar Xariir Xuseen ayaa waxaa lagu sheegay in iyada oo la raacayo he shiiskii doorada ee 17-September lana raac-ayo Shaxda doorashada ay deg deg codsigaas dirayaan.
Hoos Ka Akhriso.
Rag ganacsatada Muqdisho lacag uga qaadan jiray inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin oo xukun adag lagu riday
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee So omaaliya ayaa waxaa Dorraad ay xukun ku riday rag ganacsatada uga qaadi jiray lacag farabadan inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.
Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow ayaa loo haystaa in ay dadka baad kaga qaadi jireen magaca Al-Shabaab iyo Afduubka dhowr qof oo ay madax furasho ka qaateen.
Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow ayaa isticmaali jiray SIMCARD SOMNET oo ay ganacsatada So omaaliyeed ku waydiisanayeen bixinta lacagaha ay Al-Shabaab ka qaadaan shacabka Soomaa-liye ed.Intii ay wadeen Howshan waxa ay sameeyeen dhowr Afduub oo ay u gaysteen Hablo Soomaaliy eed, iyaga oo ka qaatay lacag u dhexeyso kun ilaa laba kun oo dollarka Ma-raykanka ah.
Sidoo kale eedeysanayaasha waxay shee-gteen in ay ku qaadi jireen lacagaha magaca Al-Shabaab oo ay dhowr jeer ugu suura gashay he-lidda lacagta as, waxa ay dadka ku kalifi jireen in ay ku ballamiy aan Masaajidda iyo Xaafado ku yaal Cirifyada Mu qdisho iyo suuqa wayn ee Bakaaraha.
Mid kamid ah dhibanayaasha Goobjoogga u ah aa Maxakamadaynta labada eedeysana ayaa u she egtay Garsoorka in ay kaga shakisay labadaba go r-gortanka lacagta sidaasna ay ku war gelisay Cii damada Amniga gaar ahaan Hay’adda Nabad Sugi dda iyo Sirdoonka Qaranka oo soo qabtay Maxam ed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaa bow, dabayaaqadii bishii May ee sanadkan.
July dabayaaqadeedii ayaa lagu soo wareejiyay eedeysanayaasha Maxkamadda, waxaanna xilli ga asi Xafiiska Xeer Ilaalinta oo awood u leh dhaqaaji nta dacwadda ay ka codsadeen Ma-xkamadda inee deysanayaasha Xabsiga Dhexe lagu hayo gars uge ahaan.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa baaritaan dheer kad-ib Codsaday in la muddeeyo dhageysiga Dac-wa dda Dabayaaqadii August Sanadkan, waxa ayna Maxkamadda aqbashay fadhigii koowaad isla xilliga asi. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka codsaday in loo ciqaabo dambigii ay galeen Maxamed Cali Cabdi Is xaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow oo iy-aga Muqdisho ka abuuray weji cusub oo u baahan in ladabar jaro.
Xeer Ilaaliye Maxamed Cabdullaahi Khaliif ayaa u sheegay Garsoorka in eedeysanayaasha ay xittaa ku handadi jireen dadka ay Afduubtaan ee lacagaha ay ka qaadaan in gaariga ay ku xiran-yihiin walxaha Qarxa oo hadii ay dhaq-dhaqaaq sameeyeen ay ka dhallan karto in ay wada qarxaan taasi oo u fududay sa eede-ysanayaasha in Gabdhaha ganacsatada ah ay ka saaraan Magaalada.
Qareenada u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda iyagana ka codsaday in laga qaado magdhow eedeysanayaasha oo ay she-egeen dam biga ay galeen kaliya in uu ku ko-obnaa Turufo.
Dhowr fadhi kadib, Dorraad ayey Maxkam-adda go’aan ka soo saartay Kiiska Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow, waxa ay na Maxkamadda ku xukuntay Min 15-sano oo Xabsi Ciidan ah sida dhinacyada Dac-wadda uu u she egay guddoomiyaha Maxka-madda Darajada Koo waad ee Ciidamada Qal-abka Sida Gaashaanle Sa re Xasan Cali Nuur Shuute Xukunsanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaa Rafcaan 30-cisho gudahood
Ciidamo gaaray Masjidka Soomaalida Am ste rdam iyo iimaamkii masjidka oo xilkii laga wareejiyay
Afaafka hore ee masjidka Quba ee ku yaal maga alada Amsterdam ee waddanka Nederlands ayaa subaxnimadii hore ee Dorraad waxaa isugu baxay dad Soomaali ah oo haween u badan, kana carey snaa iimaamkii masjidka Quba Shi ikh Suldaan Gasle oo habeen hore xubno maamulka kala tirsan ay ku wargeliyeen in Dorraad 9-ka subaxn imo ay ugu egtahay howshii ima amnimada ee uu masjidku hayay.
Khilaaf muddo soo jiitamayay ayaa u dhex-ee ay Guddoomiyaha maamulka masjidka Shiikh Sul daan oo dhinac ah & xubnaha kale ee maa-mulka masaajidka oo isku dhinac ah, iyada oo ay socotay waanwaan ay wadeen 2 guddi oo fadh-igoodu kala yahay Amsterdam & Tilburg.
Shiikh Suldaan ayaa Axadii goob fagaare ah ku la hadlay jaaliyadaha Soomaalida, isaga oo khilaaf ka kala dhexeeya xubnaha kale ku sif-eeyey inuu salka ku hayo ku takrifal dhaqaalihii masaajidka, uuna isagu hortaagnaa hantida ma-sjidka oo si sha qsi ah loo isticmaalayay, inkastoo ay taasi beeniye en xubnaha kale ee la eed-eynayo, waxayna ka dalbadeen Shiikh Suldaan haddii uu hayo wax cadeymo ah oo kaabaya eedeymihiisa in ay soo dhoweynayaan.
Dadka Dorraad isugu soo baxay bannnaanka ma sjidka, ayaa mar keliya ka war-helay ciidamo tiro ba dan oo boolis ah iyo baabuurtoodii oo go-obta soo gaaray, waxaana la is weydiinayay cidda booliska u yeertay.
Qaar ka mid ah dadkii goobta isugu soo ba-xay ayaa wareysi la la yeeshay waxay nasiib darro ku til maameen in Shiikha oo dacwada diinta muddo ka shaqeynayay, kaalin weynna ku lahaa dhismaha & habsami u socodka howlaha masaajidka in Dorraad si aan munaasib ahayn uu masjidka kaga baxo.
Waxaa la arkayay markii boolisku ay goobta soo gaareen Guuleed Wayrax & Shiikh Ibraahin [Ab uu-khadiija] oo ah xubnaha Shiikha kula qor-an maa mulka, oo ay boolisku waraysanayaan.
Dad badan ayaa si weyn uga carooday in khila afka u dhexeeya guddiga masjidka gaaro ilaa heer ciidamo boolis ah ay masaajidka yimaa-daan.
Shiikh Suldaan ayaa dadkii masaajida bann-aankiisa dhoobnaa u soo baxay, isaga oo shee-gay in la guddoonsaday inuu isagu shaqada ka tago, ayna ku haraan xubnaha kale.
Dadweynihii goobta ku sugnaa qaar ka mid ahaa ayaa Shiikha u sheegay inuusan bixin, ayna garab taagan yihiin, balse Shiikhha ayaa go’aankiisa ku adkeystay.
Shiikh Suldaan ayaa agabkii uu lahaa kala soo baxay masjidka, isaga oo dadkii bannaanka ku sugayay na u mahad-celiyay.
Maalinimada Axadda ee fooda nagu soo haysa ayaa loo madlaa in la dhageysto natiijada guddi dhexdhexaadin ah oo arrintan muddo ku sii jiray, inkastoo Shiikhu qaadacay guddigaasi markii uu uu ku eedeeyey in xubno ka tirsan gud-diga ay isaga si shaqsi ah tahdiid ugu same-yeen.
Ciidamo gaaray Masjidka Soomaalida Amste-rd am iyo iimaamkii masjidka oo xilkii laga waree jiyay XIGASHO:CAASIMADDA.NET
Ururka Caafimaadka Adduunka oo ka digay faafitaanka COVID-19
Khubaro Caafimaad oo ku takhasusay cudu-rrada faafa ayaa sheegay in wali dadka dunida ku nool ay khatar ugu jiraan inuu ku dhaco Xan-uunka Covid 19, gaar ahaan Delta.
Sidokale khubarada ayaa ka dhawaajiyay in ciribtirka fayraska kala duwan ee Corona, uu u baa hanyahay dadaallo wadajir ah si loo hirgeliyo qor shaha lagu xakameynaayo. Muuqaal laga duu bay Dr. Maria Van Kerkhove, oo lagu baahiyay Bogga tweetka Ururka Caafimaadka Adduunka, oo looga hadlaayay la dagaallanka Covid-19, ayaa lagu qeex ay in kororka tirada dadka cudurka qaba ay ku sii ba danayaan Waddamada Brazil iyo India.
Dr. Maria Van, ayaa ka dhawaajisay in ay muhi im tahay in Dowladaha Caalamka ay si wada jir ah u hir galiyaan qorshaha la dagaalanka Corona Virus, gaar ahaan faraciisa Delta oo hadda meel ka mid ah Caalamka khatar ku haya.
Ra’isul Wasaaraha Haiti Oo Lagu Eedeeyay Ku Lug Lahaansha Dilkii Madaxweyne Jovenel Moise
Dacwadoogaha guud ee Haiti ayaa ka dalbaday garsooraha gacanta ku haya kiiska dilkii madaxwey nihi hore ee dalka Haiti Jovenel Moise inuu Ra’isul Wasaaraha dalkaasi Ariel Henry kusoo oogo dacw ad ah ku lug lahaashaha khaarijinti madaxwe ynahii Haiti.
Dacwadoogaha ayaa sidoo kale ku am ray waxda socdaalka in aysan u oggolaan Ra’isul Wasa ara ha inuu dalka ka baxo.
Warqad uu u qoray garsoore Garry Orelien, ayuu dacwad oogaha sare Bed-Ford Claude ku sheegay, in baaritaan lagu sameeyay telefoonka Ra’isul Was aaraha uu muuji yay, in laba jeer uu la hadlay nin ka mid ah eede-ysanayaasha habeenki 7-da bi shii July oo aheyd marki uu dhacay shiq roolkii lagu dilay ma daxweynaha. Qofka la tuhun sanyahay ayaa ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa wa axda caddaal-adda, kaas oo uu Ra’isul Wasaaruhu si cad uga difaacay in la xiro kahor inta uusan ba xsan.
Ra’isul Wasaaraha Haiti iyo xafiiskiisa ayaan wa li ka jawaabin eedeynta loo soo jeediyay.
Madaxweynihi hore ee Haiti Moise ayaa lagu dhex dilay gurigiisa oo ku yaal magaalada caasimad da ah ee Portau Prince, ka dib marki ay weerare en koox calooshood u shaqeystayaal ajnabi ahaa.
Qatar oo bixisay digniin la xiriirta maamul ka garoonka diyaaradaha Kabul
Qatar ayaa ka digtay inaysan qaadan doonin mas’uuliyadda maamulka garoonka diyaaradaha Ka bul, haddii aan la helin heshiisyo cad oo lala galo dh ammaan dhinacyada ku lugta leh, oo ay ku jirto Ta alibaan. Qatar oo muhiim u aheyd he shiiskii Marey kanka uu kaga baxay Afghanist an, ay aa xiriir la leh maamulka cusub ee Taa libaan, waxayna ka taage ertaa howlga llada garoonka.
"Waxaan u baahannahay inaan xaqi ijino in wax walba wax looga qabto si cad, haddii kale ma qaad an doonno mas’uuliyadda garoonka,” waxaa sid aas yiri Wasiirka Arrimaha Di bedda Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani oo shir jaraa’id qabtay.
"Waxaa jira suurta-galnimada wadashaqeyn aan la yeelano dalalka qaar haddii loo baahdo, bal se im inka wadahadallada waxay u dhaxeeyaan an aga, Turkey iyo Taalibaan,” ayuu yiri.
Tan iyo markii ay baxeen ciidamada Mareykan ka,diyaaradaha shirkadda Qatar Airways ayaa dho wr jeer tegay Kabul, ayaga oo geeyey gargaar iyo wakiilo ka socday Doha, sidoo kalena kasoo qaaday ajaaniib.
Sidoo kale, diyaarad ay leedahay shirkadda Pa kistan International Airlines ayaa Isni-intii tagtay Ka bul, ayada oo sameysay duulimaadkeedii ugu horr eeyey ee Kabul, tan iyo markii ay baxeen Marey kanka.
Waxay kadib kasoo qaaday 70 qof oo badanko od ahaa ehellada shaqaale Afgaaniyiin ah oo u sha qeeya hay’ado caalami ah.
Shirkadda diyaaradaha Afghanistan ayaa samey say duulimaadyo gudaha oo maalinle ah, hase yee shee ma jiraan duulimaadyo kale oo caalami ah oo taga garoonka.
UNOPS JOBS
Operations Associate
Job categories Project Management, Programme Management
Vacancy code VA/2021/B5001/22523
Department/office NYSC, Peace and Security Cluster
Duty station Mogadishu, Somalia
Contract type Local ICA Support
Contract level ILICA-6
Duration Ongoing contract (Open-ended, subject to organizational requirements,
availability of funds and satisfactory performance)
Application period 14-Sep-2021 to 27-Sep-2021
Applications to vacancies must be received before midnight Copenhagen time (CET) on the closing date of the announcement.
Peace and
Security Cluster
The UNOPS Peace and
Security Cluster (PSC) is a principal service provider in the field of mine
action with the United Nations Mine Action Service (UNMAS), UNDP, UNICEF,
Governments of mine-affected countries and other mine action partners. It
is led by the Director, who has overall authority and accountability for the
performance PSC on behalf of its clients. TheDirector is
responsible for administering and providing oversight of the day-to-day
management of the Project Field offices, both according to the client
requirements and in line with UNOPS rules and regulations.
UNMAS
United Nations Mine Action Service (UNMAS) is a division of the Office of Rule of Law and Security Institutions (OROLSI) in the Department of Peacekeeping Operations (DPKO). UNMAS is mandated by the United Nations General Assembly (RES/68/72) to ensure an effective, proactive and coordinated response to the problem posed by a wide range of explosive hazards. Legislative mandates also recognize UNMAS technical expertise in responding to threats posed by unsecured and unsafe conventional weapons and ammunition stockpiles. As an office within DPKO, UNMAS supports peacekeeping and special political missions in accordance with Security Council mandates.
UNMAS as a component of the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) provides explosive hazard management capacities, including mitigation, to AMISOM as part of a logistical support package. Non-lethal tactical advice and analysis are delivered by UNMAS technical advisors located in each AMISOM Sector Headquarters and at AMISOM Force Headquarters, who support AMISOM planning and operations. UNMAS support includes both enabling ("operate in spite of IEDs”) and response ("defeat the device”).As a component of the UN Mission in Somalia (UNSOM) UNMAS also supports the Federal Government of Somalia, including the Somali Police Force, Somali Explosive Management Authority and National Security Advisor
Under the direct
supervision of the Project Manager for Capacity Buidling (CB) i...
Treats all
individuals with respect; responds sensitively to differences and enc...
Education/Experience/Language requirements
Education: A First
Level University Degree (Bachelors of equivalent) wi...
Contract type, level and duration
Contract type: Local
Individual Contractor Agreement (LICA) Contract level: ...
Please note that the
closing date is midnight Copenhagen time Applications ...
UNOPS is an operational arm of the United Nations, supporting the successful imp...
HALKAAN KA AQRISO WARGEYSKA MOGADISHU TIMES Khamiis 16-ka Sept 2021
....