Ciidamo gaaray Masjidka Soomaalida Amsterdam iyo iimaamkii masjidka oo xilkii laga wareejiyay (Daawo)

0
Wednesday September 15, 2021 - 07:45:14 in Wararka by
  • Visits: 744
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo gaaray Masjidka Soomaalida Amsterdam iyo iimaamkii masjidka oo xilkii laga wareejiyay (Daawo)

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Afaafka hore ee masjidka Quba ee ku yaal magaalada Amsterdam ee waddanka Nederlands ayaa subaxnimadii hore ee saaka waxaa isugu baxay dad Soomaali ah oo haween u badan, kana careysnaa iimaamkii masjidka Quba Shiikh Suldaan Gasle oo xalay xubno maamulka kala tirsan ay ku wargeliyeen in saaka 9-ka subaxnimo ay ugu egtahay howshii imaam-nimada ee uu masjidku hayay.

Khilaaf muddo soo jiitamayay ayaa u dhexeeyay Guddoomiyaha maamulka masjidka Shiikh Suldaan oo dhinac ah & xubnaha kale ee maamulka masaajidka oo isku dhinac ah, iyada oo ay socotay waanwaan ay wadeen 2 guddi oo fadhigoodu kala yahay Amsterdam & Tilburg.

Shiikh Suldaan ayaa Axadii goob fagaare ah kula hadlay jaaliyadaha Soomaalida, isaga oo khilaafka kala dhexeeya xubnaha kale ku sifeeyey inuu salka ku hayo ku takrifal dhaqaalihii masaajidka, uuna isagu hortaagnaa hantida masjidka oo si shaqsi ah loo isticmaalayay, inkastoo ay taasi beeniyeen xubnaha kale ee la eedeynayo, waxayna ka dalbadeen Shiikh Suldaan haddii uu hayo wax cadeymo ah oo kaabaya eedeymihiisa in ay soo dhoweynayaan.

Dadka saaka isugu soo baxay bannnaanka masjidka, ayaa mar keliya ka war-helay ciidamo tiro badan oo boolis ah iyo baabuurtoodii oo goobta soo gaaray, waxaana la is weydiinayay cidda booliska u yeertay.

Qaar ka mid ah dadkii goobta isugu soo baxay ayaa wareysi la la yeeshay waxay nasiib darro ku tilmaameen in Shiikha oo dacwada diinta muddo ka shaqeynayay, kaalin weynna ku lahaa dhismaha & habsami u socodka howlaha masaajidka in maanta si aan munaasib ahayn uu masjidka kaga baxo.

Waxaa la arkayay markii boolisku ay goobta soo gaareen Guuleed Wayrax & Shiikh Ibraahin [Abuu-khadiija] oo ah xubnaha Shiikha kula qoran maamulka, oo ay boolisku waraysanayaan.

   Dad badan ayaa si weyn uga carooday in khilaafka u dhexeeya guddiga masjidka gaaro ilaa heer ciidamo boolis ah ay masaajidka yimaadaan.

Shiikh Suldaan ayaa dadkii masaajida bannaankiisa dhoobnaa u soo baxay, isaga oo sheegay in la guddoonsaday inuu isagu shaqada ka tago, ayna ku haraan xubnaha kale.

Dadweynihii goobta ku sugnaa qaar ka mid ahaa ayaa Shiikha u sheegay inuusan bixin, ayna garab taagan yihiin, balse Shiikhha ayaa go’aankiisa ku adkeystay.

Shiikh Suldaan ayaa agabkii uu lahaa kala soo baxay masjidka, isaga oo dadkii bannaanka ku sugayay na u mahad-celiyay.

Maalinimada Axadda ee fooda nagu soo haysa ayaa loo madlaa in la dhageysto natiijada guddi dhexdhexaadin ah oo arrintan muddo ku sii jiray, inkastoo Shiikhu qaadacay guddigaasi markii uu uu ku eedeeyey in xubno ka tirsan guddiga ay isaga si shaqsi ah tahdiid ugu sameeyeen.

Ciidamo gaaray Masjidka Soomaalida Amsterdam iyo iimaamkii masjidka oo xilkii laga wareejiyay (Daawo)



 

Hoos ka daawo dhacdadan

XIGASHO:CAASIMADDA.NET


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip