Waa kuma Fahad Yaasiin, ninka lagu tilmaamo "milkiilaha dowladda"

0
Monday September 06, 2021 - 23:58:51 in Wararka by
  • Visits: 710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa kuma Fahad Yaasiin, ninka lagu tilmaamo "milkiilaha dowladda"

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

6 Sebtembar 2021

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK

Qoraalka sawirka,

Fahad Yaasiin

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka ka dhashay kiiska sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar ka tirsaneyd Hay'adda Nabad Sugidda Soomaaliya oo la sheegay inay shabaab dishay. Kiiska gabadhan oo la waayay dhammaadka bishii Juun ayaa khilaaf weyn ka dhex dhaliyay madaxweynaya iyo raysal wasaaraha Soomaaliya kadib markii Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu sheegay in uu shaqada ka hakiyay Agaasime Fahad Yaasiin.

Go'aankaas oo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tilmaamay mid sharci darro ah oo aysan waxba ka jirin. Raysal wasaarahu waxa uu si ku meel gaar ah agaasimaha guud ee hay'adda sirdoonka ugu magacaabay Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe).

Haddaba waa kuma Fahad, ninka xuddunta u ah khilaafka?

Si rasmi ah looma oga halka uu ku dhashay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir laakiin waxa ay baasabooradiisu muujinayaan in uu ku dhashay magaalada Mandheera ee dalka Kenya bishii Luulyo 1978. Wax badan lagama oga noloshiisii hore iyo barbaarintiisii carruurnimo, waxaa se la og yahay in uu ku noolaaday magaalooyinka Muqdisho iyo Baled Xaawo.

Si banaan yaal ah, weli Fahad ugama sheekeyn waxbarashadiisii, laakiin dad yaqaan waxay BBC u sheegeen in uu waxbarasho u tagay dalka Yemen kadibna uu dib ugu soo noqday Soomaaliya, halkaas oo uu kala jaan-qaaday ururo diimeedyadii ka jiray Soomaaliya. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya inuu wax ku soo bartay dalka Bakistaan, sida lagu qoray machkad Mareykanka laga leeyahay ee The American Enterprise Institute. Laakiin BBC-da si madax banaan uma xaqiijin karto.

Ururkii Itixaad ee Gedo

Dad kala duwan waxay BBC u sheegeen in uu Fahad ka mid ahaa dhallinyaradii ku biirtay xarakooyinkii diimeed ee sida weyn ugu sii faafay Soomaaliya sagaashameeyadii.

Waxaa la rumeysan yahay in uu qeyb ka ahaa dhallinyaradii la shaqeyneysay ururka Itixaad ee gobolka Gedo kula dagaalamay ciidamada Itoobiya. Balse ma ahayn askari dagaalama, sida ay sheegeen dad kala duwan.

Waxaa lagu tilmaamaa nin si wanaagsan diinta u bartay, kuna adag, isaga oo si wanaagsan ugu hadla afka Carabiga.

Fahad iyo shaqada weriyenimada

Wuxuu Fahad bilaabay shaqada warbaahinta horraantii 2000kii, isaga oo wax ku qori jiray boggii caanka ahaa, ee sida weyn loo akhrisan jiray ee Somalitalk. Waxa uu wax ka qori jiray shirarkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka socday dalka Kenya, siyaasada iyo hoggaamiye kooxeedyada Soomaaliya. Waxa uu Fahad wareystay dad caan ah oo uu ka mid yahay madaxweynihii dowladdii ku meel gaarka ahayd ee Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo Muqdisho kula kulmay. Wuxuu qori jiray maqaallo lagu dhaliili jiray hoggaamiya kooxeedyadii Soomaaliya iyo dowladihii ku meel gaarka ahaa ee Cabdiqaasim iyo Cabdullaahi Yuusuf.

Shaqadiisii Al- jasiira

Sannadihii 2005 ilaa iyo 2011-ka Fahad Yaasin waxaa uu wariye u ahaa telefishinka Al-Jazeera qeybta Carabiga ee fadhigiisu yahay magaalada Doxa ee dalka Qatar. Waxaa uu u uga soo warrami jiray dalalka geeska Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto. Waxaa lagu xusuustaa wareysigii uu la yeeshay Sheekh Xasan Turki oo hogaaminayay ururkii Ras Kambooni. Waxa uu sidoo kale wareystay hogaamiyaal ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Qiyaastii 2014 ama 2015 ayuu ku biiray xarunta daraasaadka iyo cilmibaarista ee Jasiira, taas oo u noqotay marin uu kasoo galo siyaasada Soomaaliya.

.

XIGASHADA SAWIRKA,AL JAZEERA

Qoraalka sawirka,

Fahad Yaasin

Sida uu siyaasadda Soomaaliya ku soo galay Fahad Yaasin

Waxa uu markii ugu horreysay si toos ah loogu arkay siyaasada xilligii uu socday ololaha doorashada Soomaaliya ee 2012kii. Waxaa la sheegaa in uu qeyb ka ahaa kooxda olelaha doorashada musharax Xasan Sheekh Maxamuud oo markii dambe ku guuleystay doorashada. Waxaa loo magacaabay Fahad Yaasiin in uu noqdo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee xukuumaddii Cumar Cabdirashiid, xilkaas oo uu iska diiday.

Waxa uu sanadkii 2016kii hormuud u noqday ololaha doorashada madaxweynenimada ee madaxweynaha hadda xilka haya ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Kadib doorashadii madaxweyne Farmaajo, waxa uu Fahad noqday agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya kahor inta uusan noqonin madaxa Hay'adda Sirdoonka oo markii hore uu ka noqday agaasime ku xigeen.

Waxaa lagu tiriyaa in u yahay shakhsiga ugu saameynta badan dowladda madaxweyne Farmaajo, saameyn ballaaran uu ku leh go'aannada iyo tallaabooyinka siyaasadeed ee madaxweynaha. Waa lagu kala qeybsan yahay kaalinta uu ku leeyahay dowladda. Dadka qaar baa u ammaana, halka qaar kalena ay ku dhaliilaan. Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faalooda arrimaha Soomaaliya waxa uu ku tilmaamay in uu Fahad wax weyn ku kordhiyay dowladnimada Soomaaliya.

"Waxkasta oo laga tabanayo iyo waxkasta oo lagu tuhunsan yahay ba, waxaa jirta arrin aan dood ka taagneyn oo ah in uu yahay nin hay'adeed oo karti badan, wuxuu sameeyay xoghayntii ugu horeesay ee madaxtooyada Somaaliya ee sida xoghayn la yaqaano u shaqeysa tan iyo burburkii iyo taliska sirdoonka sida uu u habeeyay tan iyo intii uu ku biiray", ayuu yiri Ibraahim Faarax Bursaliid oo la hadlay BBC.

Laakiin Barafasoor Cabdi Ismaaciil Samatar lama dhacsana hab fikirka iyo dhaqanka siyaasadeed ee Fahad Yaasiin.

"Inta aan aniga ka aqaannana ,Fahad ma ahan qof garan kara inuu arko waxa umadda oo dhan u dan ah. Wuxuu arki karaa dowladnimadu inay qabyaalad ku dhisan tahay. Qofka ugu fariidsan ma raadiya ee kan uu isaga wadan kara ayuu raadsadaa. Xaga dambe qofkii ka maamulayay dowladda ayuu isu arkaa, waana taasi sababta loo yiri waa milkiilaha dowladda," ayuu yiri Cabdi Ismaaciil Samatar oo la kulmay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

.

XIGASHADA SAWIRKA,RADIO DALSAN

Qoraalka sawirka,

Fahad yasiin waxay xulafo dhaw yihiin madaxweynaha Soomaaliya

"Sanadkii 2012-kii, wuxuu bilaabay inuu door weyn ku yeesho siyaasadda Soomaaliya, isagoo sida la sheegay u isticmaalaya lacag ka timid dalka Qadar, inuu ku gato codadka xubnaha baarlamaanka Soomaaliya. Illaa iyo dhawaan, wuxuu ahaa Fahad mid leh kaalin ay Qatar u isticmaasho siyaasadda Soomaaliya, isaga oo aan muuqaneyn, taasoo gaarsiisay heerka guusha siyaasadda ee uu u tallaabay, " waa sida lagu qoray machkad Mareykanka laga leeyahay ee The American Enterprise Institute.

Dabeecadaha gaarka ah ee Fahad Yaasin

Fahad Yaasiin waa nin is qariya, oo aan lagu arkin fagaareyaasha, islamarkaasna aan kasoo muuqan warbaahinta wixii ka dambeeyay doorashadii madaxweyne Farmaajo ee 2012kii. Ma jiro sawiro iyo muuqaallo badan oo laga qaaday mudadaas, taas oo astaan u ah in uusan dooneynin in laga helo maclumaadka la xiriira shaqadiisa iyo shaqsiyadiisa ba. Ma leh bog rasmi ah oo loo yaqaan oo ka furan baraha bulshada.

Waxaa lagu sheegaa in uu yahay nin aad loo ilaaliyo, oo aan si sahlan lagu arki karin. Intaa waxaa u wehliya in uu ku adag yahay go'aamadiisa siyaasadeed.

Dad la kulmay qaarkood oo BBC-da la hadashay oo ka gaabsaday in magacooda la xuso waxay ku sheegeen nin afgaaban oo hadal dhowrsoon misana aad uga fiirsada hadalka afkiisa ka soo baxaya.

Xigasho:-bbc.com/somalia





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip