WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 18-KA ABRIILE 2016-KA

0
Monday April 18, 2016 - 09:45:40 in Wararka by
  • Visits: 800
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 18-KA ABRIILE 2016-KA

    KU DHAWAAD 200 OO TAHRIIBAYAAL SOMALI AY KU JIRAAN OO KU GEERIYOODAY BADDA Doon ay la socdeen dad tahriibayaal ah ayaa waxa ay ku degtay badda, xilli ay ku guda jir een Safarkooda ku aadan Tahriibka oo ay ku doonayeen inay ku gaaraan Yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KU DHAWAAD 200 OO TAHRIIBAYAAL SOMALI AY KU JIRAAN OO KU GEERIYOODAY BADDA Doon ay la socdeen dad tahriibayaal ah ayaa waxa ay ku degtay badda, xilli ay ku guda jir een Safarkooda ku aadan Tahriibka oo ay ku doonayeen inay ku gaaraan Yurub.

 

Doontaan ayaa la sheegayaa Qiyaastii inay saaran yihiin Qiyaastii dad kor u dhaafaya 400 oo ruux, kuwaasi oo la aaminsan yahay in intooda badan ay dhinteen, halka ay jiraan dad ka badbaaday.

Safaaradda Somaliya ee dalka Masar waxa ay xaqiijisay in doontaan ay degtay, laakiin Saf aarada waxa ay ka gaabsatay inay shaaciso tirada saxda ah ee Doontaasi saarneyd, maadaama ilaa hada aanan la hayn Numbar sax ah.

Dhalinyaro Somali ah oo ka badbaaday Doonta degtay ayaa la sheegay inay gaareen Jaze erado ka mid ah dalka Greece, kadib markii dhalinyaradaasi oo qaarkood dabaal yaqaanay ay daba asheen, ugu dambeyna ay heleen gurmad markab oo gaarsiiyay Jazeerad Greece ku taal.

Ilaa hada si dhab ah looma haayo tirada saxda ah ee dhimatay, laakiin dadkii ugu badnaa ee doontaasi saarnaa ayaa halkaasi ku geeriyooday sida Warbaahinta caalamka ay tabinayaan.

Faadumo Abdi Diiriye waa mid kamid ah ehellada dadka ku dhintay badda. Seddax wiil oo qaraabadeeda ah, oo ayada kula noolaa magaalada Qaahira ayaa kamid ah dadka dhintay.

"Waan ogeyn waana uga digay laakiin qof illaa Somaliya soo lugeynaayay oo soo maray Ito obiya, Sudan oo taagan badda lama celin karo”, ayey tiri Faadumo.

Dad badan oo Somali ah ayaa Baraha Bulshada kuwada xiriirto ku soo qoraayay Hadalo Ta csi ah oo ay ku sheegayaan in qaar ka tirsan Qaraabadooda ay ku geeriyoodeen Doonta degtay.

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA IYO RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA OO KA WADAHADLEY ISKAASHIGA DHAQAALAHA LABADA DAL IYO GOBOLKA BAHIR DAR,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa shalay kul an ay kaga hadlayaan iskaashiga labada dal ku yeeshay magaalada Bahir Dar ee dalka Itoobiya.

Labada hoggaamiye ayaa dhinacyada siyaasadda iyo amniga ka sokow si qota dheer uga wadaxaajooday iskaashi dhaqaale oo dhinacyo badan oo labada waddan dhex mara.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaasi ka soo jeediyay fikir ku saabsan in labada dal ay abuuraan guddi iskaashi oo heer wasiir ah, iyadoo taladaasina uu soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaare Desalegn.

Labada dal ayaa ka wada shaqeyn doona horumarinta barnaamijyada mihnadaha iyo shaqo abuurka, maalgashiga, beeraha, tiknoloojiyadda iyo arrimaha bulshada.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Desalegn ayaa waxay kaloo ka wada hadleen suurag alnimada in waddamada Geeska Afrika ee kala ah Soomaaliya, Itoobiya, Djibouti iyo Suudaan ay sameystaan suuq ganacsi oo ka shaqeeya kobcinta dhaqaalaha.

SHIR MADAXEEDKII AMNIGA AFRIKA OO SHALAY LAGU SOO GABAGABEEYAY DALKA ITOOBIYA

Shir Madaxeedkii 5aad ee Madasha Sare ee Amniga Qaaradda Afrika (Tana HighLevel For um on Security in Africa) oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Bahir Dar ee dalka Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya ayaa shalay si rasmi ah loo soo gabagabeeyay.

Shirkan ayaa arrimihii ugu waaweynaa ee diiradda lagu saaray waxaa ka mid ah waxqabadkii shantii sanno ee la soo dhaafey, xaaladda nabadgelyada iyo amniga ee Africa, doorka qaaradda ee amniga caalamka, iyo fikrado isdhaafsi la xiriira tayeynta amniga iyo xalinta xasara daha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah madaxd shirkan ka qeybgashey ayaa sheegay in kulankan aaraadii la isku dhaaf sadey ay waxtar u leeyihiin in Afrika ay mashaakilaadkeeda xal u hesho, doorna ku yeelato go’aam ada arrimaha caalamka.

Madaxda shirkan ka soo qeybgashey waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaarahja Itoobiya, Hailem ariam Desalegn, Madaxweynaha Togo , Faure Essozimna Gnassingbé, Madaxweynaha Jamhuuri yadda Suudaan, Field Marshal Omer AlBashir, Madaxweyneyaashii hore ee Botswana, Mauritania, Xoghayihii Guud ee hore ee Qaramada Midoobay Kofi Annan, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qar amada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, wakiilo ka socdey dalalka kale ee Afr ika, beesha caalamka iyo khubaro caalami ah oo arrimaha amniga qaabilsan.

Guddoomiyaha Madasha Sare ee Amniga Afrika, Olusegun A. Obasanjo oo ah Madaxweyn ihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, ayaa kula dardaarmey ka qeybgalayaasha inay si ficil ah uga shaqeeyaan sidii Afrika ay doorkeeda uga cayaari lahayd arrimaha caalamka.

RA’IISUL WASAARE CUMAR OO KHUDBAD KA JEEDIYEY SHIRWEYNIHII DALALKA ISLAAMKA EE ISTANBUL.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdi rashiid Cali Sharmaarke, ayaa magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga uga qeyb galay shirwe ynihii dalalka Islaamka oo looga hadlayay kala qeyb sanaanta ka dhex jirta dunnida Islaamka, la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah ee sida xun u adeegsanaya magaca Islaamka. waxana kulankan martigeliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Tayyib Erdogan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo khudbad dheer ka jeediyey shirka ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Jamhuuriyadda Turkiga ee marti gelisay shirkan dalalka Islaamka, wuxuuna ka war amay hormarrada ay ku talaabsatay Dawladda Soomaaliya oo taageerro ka heleysa shacabkeeda.

R.Wasaaraha ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in caalamka islaamku isku tiirsanaado, isagoo sidoo kale ka hadlay dhibaatada Argagixisada iyo sida loogu baahan yahay in wadajir loo wajaho, waxaana uu Alle ka baryey in dhammaanba dalalka Islaamka dhibaatada heys ata uu ka dulqaado.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay madaxda dalalka Islaamka ee kasoo qeybgalay shirka, waxana ay ka wada hadleen waxyaabihii ugu danbeeyey arrimaha Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka dalalka Islaamka kala dhexeeya Soomaaliya.

MUQDISHO OO SHALAY GABDHO WALAALO AH LOOGU GEYSTAY DIL IYO DHAAWAC

Laba gabdhood oo walaalo ah da’dooduna tahay 18jir iyo 16jir ayaa shalayy kooxo bistoola do ku hubeysan waxay ku weerareen xilli ay marayeen xaafada Macalin Nuur ee Degmada Dhark enleey oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah Dhalinyaro Bistoolado ku hubeysnaa ayaa rasaas ooda uga qaaday, waxaana halkaasi ku geeriyootay mid ka mid ah labadii gabdhood, halka gabadha kale dhaawac ka so gaaray.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in gabdhahan walaalo ah ee midna la dilay tan kalana la dhaawacay ay ahayaeen gabdho arday ah ayna xiligaasi kusii jeeday xaruntooda waxbarasho, wax aana da’da gabdhahan lagu sheegay 18-sano jir iyo 16-sano jir.

Ciidamada amaanka oo gaaray halka uu dilkan ka dhacay ayaan ku guuleesan in ay gacanta kusoo dhigaan ragii ka dambeeyay dilka loo geestay gabdhahan walaalo ah, lamana oga waxa ay ahaayeen kooxdan dilka geesatay iyo sababta ay u beegsadeen gabdhahan ardayda ahaa.

Dhinaca kale magaalada Muqdisho ayaa caadi ka noqotay in la dilo hooyooyinka Soomaa liyeed iyo gabdhaha soo baxaya, waxaana marar kala duwan magaalada lagu dilay Hooyooyin bad an oo ku hoolanaa korinta caruurtooda iyo gabdho da’yar ah.

WARARKA: HAWEENEY SOOMAALI AH OO QASAB LOOGA DEJIYEY DIYAARAD

Haweeney Somali Marykan ah oo lagu mgacaabo Xakiimo Cabdulle ayaa la sheegay in si khasab ah looga soo dejiyey Diyaarad ay ku safri lahayd, kadib, markii Kaaliyaha Duuliyaha Diyaaradda aragtay iyadoo Kursiga ka beddelanayso Rakaab kale oo dhinac fadhiyey.

Xakiima Cabdulle oo Labis Islaami wadatay ayaa ka codsatay Nin la fadhiyey Kursiga Diyaar adda inuu u beddelo, wuuna ka oggolaaday, balse, Kaaliyaha Diyaaradda ayaa degdeg ugu tegtay, kuna amartay Haweeneyda Soomaalida inay ka degto Diyaaraddaasi oo ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Southwest Airlines.

Kaaliyaha waxay ku dooday inaysan Rakaabka isku beddeli karin Kuraasta, balse, ma jirto qoddob ka mid ah siyaasadda Shirkadda Diyaaradda Southwest Airlines oo mamnuucayo inay Rak aabka kala bedeshaan Kuraasta.

Haweeneyda Rakaabka markii ay weydiisay sababaha ay uga degayso Diyaaradda, Kaal iyaha Duuliyaha jawaab cad ma siinin, balse waxay ka codsatay inay ka degto Diyaaradda.

Wargeyska The Independent ayaa qoray markii ay Boliska joogay Albaabka Garoonka weyd iiyeen sababaha Haweeneyda Rakaabka looga soo dejiyey Diyaaradda, waxay Kaaliyihii ku jawaa btay inaysan raalligelinin rakaabka kale.

Xakiima Cabdulle keligeeda ayey ahayd markii ay ku safri lahayd Diyaaradda, si ay u soo booqato Qoyskeeda, waxayna mar kale iska diiwaan geliyey Diyaarad kale oo ay ku safartay.

Dhinaca kale, Golaha Xiriirka Islaamka ee Maraykanka (The Council on American Islamic Relations (CAIR) ayaa ashtako ka muujiyey Dhaqanxumidda Shirkadda Diyaaraddaha ee Southw est Airlines, waxayna ugu baaqeen inay jawaad cad uga bixiyaan sababaha Haweeneyda Muslim adda ay si khasab ah uga dejiyeen Diyaaradda.

Zaynab Jawdari oo ka tirsan Golaha Xiriirka Islaamka ee Maraykanka ayaa u sheegtay Telefishinka CBS inay xaqiiq ahaan arrintaasi Muslimiinta ku abuuri karto qeylodhaan.

Waxay ugu baaqday Shirkadda Southwest Airlines inay tababar siiyaan Shaqaalaha, si ay dabeecad wanaagsan kula dhaqmaan Rakaabka, gaar ahaan Muslimiinta, oo haatan lagula kaco gefaf aan garowshiyo lahayn.

Sidoo kale, Xaaska Haweeneyda Soomaalida ee laga dejiyey Diyaaradda ayaa sheegay in Xaaskiisa loo beegsaday sababo la xiriirta Diinteeda iyo qaabka ay u labisnayd.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Shirkadda Diyaaradaha ee Southwest Airlines waxay ku sheegtay inay Shaqaalahooda qaadeen Nidaamka Saxda ahaa iyo inaysan Shirkaddu ahayn mid Rakaabka sabab la’aan kaga dejiya Diyaaradda.

AMISOM OO KA HADASHAY DIL AY CIIDAMADEEDA U GEYSATAY DAD RAYID AH

Qoraal ka soo baxay Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ayaa waxa ay ku sheegtay in ay ka xuntahay dil loo geystey dad rayid ah deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Sh/Hoose.

Warbixintan ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM oo ku sugan bar kontarool uu ku soo beegmay baabuur xowli ku socda, hase yeeshee ciidamada ay rasaas digniin ah ku rideen balse uu baabuurkii uu joogsan waayay.

"Ciidamada ayaa waxa ay u qaateen markaa kadib in gaariga uu yahay mid doonaya in uu isku qarxiyo ciidamada ayna saaran yihiin maleeshiyaad ka mid ah Alshabaab waxayna ku rideen rasaas sababtay inay ku dhinteen afar ruux oo rayid ah.”ayaa lagu sheegay warbixinta AMISOM ka soo saartay weerar lagu diley dad rayid ah.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in AMISOM ay aad uga xuntahay dhimashada dadka rayidka ah ayna tacsi u direyso ehelada dadka dhintay.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in la sameeyay guddi baara sababta shilkan uu u dhacay iyadoo guddigan uu la shaqeyn doono ciidamada dowlada federalka iyo kuwa maamul goboleedka koofur galbeed. Guddigan ayaa sidoo kale waxa uu soo saari doonaa tallaabada laga qaadi doono cidda ka dambeysay falkan.

WASIIR ISRA’EL AH OO DIIDAY IN UU SALAAMO OO UU GACANTA GELIYO HAWEENAY WASIIRAD AH OO KA SOCOTAY FARANSIISKA

Wasiirka caafimaadka ee Isra’el Yaakov Litzman ayaa diiday in uu gacanta geliyo oo uu sal aamo wasiiradda caafimaadka ee Faransiiska Marisol Touraine oo booqasho ku tagtay Isra’el 31kii bishii ina soo dhaaftay ee sannadkan.

Wargeysyada ka soo baxa Faransa ayaa arrinkaasi ku tilmaamay in ay tahay arrin fool xun ah,mana ahan buu yiri wargeysku markii ugu horraysay oo Yaakov arrintaasi ku kacayo,sidoo kale sannadkii 2012 markuu wasiirkan soo dhoweynayay wasiiraddii caafimaadka ee Belgium,wuu u diiday in uu gacanta geliyo oo uu salaamo.

Dhinaca kale xisbiga uu madaxa ka yahay wasiirka caafimaadka ee Isra’el ayaa sheegay in arrintaasi oo ah in ragga aysan dumarka gacanta gelin oo aysan salaamin ay tahay arrin diini ah,wa xayna ku qoran tahay buu sheegay xisbigu: diinta Towreedka.

Dhacdadaas oo aad uga carootay wasiiradda caafimaadka ee Faransiiska ayaa ku jawaab tay oo tiri:waxaan leeyahay gacmo nadiif ah,arrinkan noocan oo kale ahina waxaa ku kaca kuwa mayalka adag,aad bayna anigu ii dhibaysa,bay tiri wasiiradda.

Wasiiradda caafimaadka ee Faransiiska waxay kaloo booqasho ku martay bariga dhexe, kuwii carabta ahaana ee ragga markii ay soo dhoweynayeen wey gacan geliyeen oo salaameen.

BOOLISKA OO SHEEGAY INAY GACANTA KU DHIGEEN DADKII KA DAMBEEYAY DILALKII LOO GEYSTAY HAWEENKA ..

Taliska ciidamada Booliska Gobolka Banaadir, ayaa ka hadlay dilalkii ugu dambeeyay ee 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loo geystay Haween ku sug naa Degmooyin ka tirsan Muqdisho.

Jeneral Cali Xersi Barre (Cali Gaab) Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir oo shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay gacan ku dhiiglayaashii fuliyay dilalka loo geystay Haweenka.

Wuxuu sheegay ciidamada Booliska inay soo qabteen kuwii dilay Cibaado Cali Cagla oo ah eyd Haweenay 70 jir ah, taasi oo habeen hore gurigeeda ay ku dileen rag hubaysan oo Bistoolado watay.

Cali Gaab ayaa sidoo kale sheegay inay gacanta ku soo dhigeen ragii ka dambeeyay dilkii iyo dhaawacii loo geystay shalay labo Hablood oo lagu kala magacaabo Fowsiyo Jamaal Hassan Hilowle oo ah Gabadha geeriyootay iyo Shankaroon Jamaal Hassan Hilowle oo ah Gabadha dhaa waca ah.

Gabdhahan oo Shaqo u socday ayaa la weeraray xilli ay saarnaayeen Mooto Bajaaj mareys ay Xaafada Macalin Nuur, gaar ahaan Masaajidka Salaam ee Degmada Dharkiinley.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay ragga hubaysan ee dilkaasi Gab adha geystay inay doonayaan inay dhacaan Mooto Bajaajka, waa sida uu yiri.

Ka sokoow Hadalka Taliska Booliska ka soo baxay wararka madaxa Banaan ayaa sheegaya raga hubaysan ee shalay dilka Gabadha fuliyay inay wateen gaari NOHA ah rasaasna ay ku fureen Mootadii ay saarnaayeen labadaasi Gabdhood, kadibna ay ka baxsadeen goobtaasi.

KOONFUR GALBEED OO BAAQ UDIRTAY DHALINYARADA KA TIRSAN SHABAAB

Taliska ciidanka Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay dhalinyarada ka tirsan ururka Alshabaab ee dagaalka kula jira ciidanka maamulkaasi iyo kuwa AMISOM in ay hubka dhigaan islamarkaana ay isku soo dhiibaan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.

Taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cara ase oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay fariintaasi udirayaan dhalinyarada ka tirsan Alsh abaab islamarkaana ay joojiyaan dagaalka.

Dhalinyarada ka tirsan ururka Alshabaab ayaa waxaa dhowr jeer loo jeediyay baaqyo ku aadan in ay hubka dhigaan.

Waxaana dhalinyaradaasi ay wali ku adkeysanayaan fikirkooda ku aadan dagaalka ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

TARTAN QUR’AAN AKHRIS AY KA QEYB GALAYAAN ARDAY KA SOCOTA 18KA GOBOL OO KA FURMAY MUQDISHO

Tartan xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ay soo qaban qaabisay Jimciyadda AlIshraaq ayaa shalay ka furmay magaalada Muqdisho, iyadoo tartankan ay ka qeyb galayaan araday Soomaaliyeed oo ka kala socday 18ka Gobol ee dalka, iyagoo ku tartami doona 114ka Qur’aanka Kariimka,

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimc aale oo furay Tartanka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in Gobalka Banaadir uu martig aliyo tartankan Qur’aan akhriska ah, uuna u rajeynayo ardayda inay guul ka soo hooyaan tartanka.

Sidoo kale waxaa ka qeyb galay qaar ka mida Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Guddoomiyaha Jimciyadda AlIshraaq Maxamed Cabdiqani Siidow ayaa sheegay in uu socon doono muddo shan cisho ah, isla markaana ay ardayda ka kala keeneen 18ka gobol ee dalka.

Qaar ka mid ah ardayda ka qeyb galaysa ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin ka qeyb galka tartanka qur’aan akhriska.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Sheekh Cumar Faaruuq Sheekh Cab dicasiis ayaa sheegay in Wasaaraddu ay soo dhaweyneyso, isla markaana ay tani qeyb ka tahay howlaha Wasaaradda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in tartanka uu wax weyn ku soo kordhinayo carruurta baratay xifdinta Qur’aanka kariimka

Xildhibaan Maxmed Amiin Xasan oo ka mid ah guddiga Diinta iyo Awqaafta ee baarlamaanka Fede raalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in tani ay dareen gaar ah ku abuureyso guud ahaan shac abka Soomaaliyeed, waxaana uu ardayda ka qeyb galaysa u rajeeyay inay ku guuleystaan xifdinta Qur’aanka, isla markaana abaal marino kala duwan lagu bixin doono.

KHASAARAHA DHULGARIIKA ECUADOR OO KORORTAY

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirka ku dhuftay dalka Ecuador ayaa gaartay 235 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 1,500 oo kale.

Dhulgariirkan oo cabirkiisu ahaa 7.8. ayaa dhacay fiidnimadii Sabtida, waxaana uu argagax ku beeray dalka dagan caasimadda Ecuador ee Quito, iyadoo ay burbureen guryo badan, waddo oyin iyo magaallooyin ku yaalla galbeedka Ecuador.

Madaxweynaha Ecuador Rafael Correa oo safar ku joogay Talyaaniga, ayaa si deg deg ah dib ugu onqday dalkiisu, wuxuuna sheegay in ahmiiyaddiisa koowaad ay tahay in la badbadiyo dadka ku hoos jira burburka.

"Wax kasta dib ayaa loo dhisi karaan, laakiin nolol lama heli karo, taasina ayaana waxa i dha awacaysa" Sidaasi waxaa yiri madaxweyne Correa.

Madaxweyne kuxigeenka Ecuoador Jorge Glass oo booqda meelaha dhulgariirku ka dhacay ayaa sheegay in 235 qof ay dhinteen.

Dhulka xeebaha oo u dhawaa xuddunta dhulgariirka ayaa saameyn badan uu dhulgariirku ku reebay, gaar ahaa Pedernales, oo ah meel loo dalxiis tago, waxayna u muuqataa in dhulgariirku uu dhulka la simay.

Mas'uuliyiinta ayaa sheegay inay jireen 163 jeer oo ay dhaceen dhulgariiryo yaryar oo daba socday kii weynaa.

Lix gobol oo ka tirsan Ecuador ayaa waxaa lagu dhawaaqay xaalad degdeg ah.

BOGGA CAYAARAHA

 

Kala Horeenta Premier League

AFC Bournemouth 1 2 Liverpool

Arsenal 1 1 Crystal Palace

Leicester City 2 2 West Ham United

No

kooxda

P

W

D

L

F

A

GD

Pts

1

Leicester City

34

21

10

3

59

33

26

73

2

Tottenham

33

18

11

4

60

25

35

65

3

Man City

33

18

6

9

61

33

28

60

4

Arsenal

33

17

9

7

56

34

22

60

5

Man United

33

16

8

9

40

30

10

56

6

West Ham

33

13

14

6

54

42

12

53

7

Southampton

34

14

9

11

45

35

10

51

8

Liverpool

32

14

9

9

52

43

9

51

9

Stoke City

33

13

8

12

37

43

6

47

10

Chelsea

33

11

11

11

49

45

4

44

11

Everton

33

9

14

10

53

44

9

41

12

Watford

33

11

8

14

32

37

5

41

13

Bournemouth

34

11

8

15

41

57

16

41

14

W/Bromwich

33

10

10

13

31

40

9

40

15

Swansea City

34

10

10

14

34

45

11

40

16

C/ Palace

34

10

9

15

36

43

7

39

17

Norwich City

34

8

7

19

35

60

25

31

18

Sunderland

33

7

9

17

39

57

18

30

19

Newcastle

33

7

7

19

35

61

26

28

20

Aston Villa

34

3

7

24

23

65

42

16

Kala horeenta gool dhalinta ee 10 ka ciyaaryahan ee ugu sareeyo

Jamie Vardy 22 Harry Kane 22 Sergio Aguero 21

Romelu Lukaku 18 Riyad Mahrez 16 Odion Ighalo 14 Jermain Defoe 13 Olivier Giroud 12 Diego Costa 11

GylfiSigurdsson 11

Kala Horeenta Italy Serie

Sampdoria 0 0 AC Mila Bologna 0 1 Torino

Carpi 4 1 Genoa Inter 2 0 SSC Napoli

Atalanta 3 3 Roma Fiorentina 3 1 Sassuolo

H/ Verona 1 2 Frosinone Juventus 4 0 Palermo

Udinese 0 0 ChievoVerona Lazio 2 0 Empoli

 

No

kooxda

P

W

D

L

F

A

GD

Pts

1

Juventus

33

25

4

4

62

17

45

79

2

SSC Napoli

33

21

7

5

66

29

37

70

3

Roma

33

18

11

4

70

36

34

65

4

Inter

33

18

7

8

44

30

14

61

5

Fiorentina

33

17

8

8

54

36

18

59

live6

AC Milan

33

13

11

9

42

35

7

50

7

Sassuolo

33

12

12

9

41

38

3

48

8

Lazio

33

13

9

11

44

42

2

48

9

ChievoVerona

33

12

9

12

38

40

2

45

10

Torino

33

11

9

13

42

44

2

42

11

Genoa

33

11

7

15

38

41

3

40

12

Empoli

33

10

9

14

36



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip