Madaxweynaha Galmudug oo lagu wado in saacadaha soo socda uu magacaabo Golaha Wasiirada

0
Tuesday August 25, 2015 - 12:23:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 877
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Galmudug oo lagu wado in saacadaha soo socda uu magacaabo Golaha Wasiirada

    Madaxweynaha Galmudug oo lagu wado in saacadaha soo socda uu magacaabo Golaha Wasiirada Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu magacaabo Golaha Wasiirada maamulkiisa, kadib wada tashiyo uu mu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Galmudug oo lagu wado in saacadaha soo socda uu magacaabo Golaha Wasiirada Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu magacaabo Golaha Wasiirada maamulkiisa, kadib wada tashiyo uu muddooyinkii u dambeeyay ka waday magaalada Cadaado. Sida ay sheegayaan wararka aanu ka heleyno Cadaado Madaxweyne Guuleed ayaa la filayaa in maalinta berri oo Arbaco ah uu ku dhawaaqo Golaha Wasiirada maamulka Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug ayaa dhowaan Baarlamaanka Galmudug ugu kordhiyay 15 cisho oo dheeraad ah inuu ku soo magacaabo Golaha wasiirada, kadib markii ay dhamaatay mudadii 45-ka cisho.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug, kuxigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ay isku afgarteen inta badan liiska Golaha Wasiirada inta kalena la filayo in ilaa caawa la dhameystiro.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa laga yaabaa in Golaha Wasiirada maamulkiisa ku soo daro xubno ka tirsan Musharaxiinta iyo shaqsiyaad kale.
Sidoo kale waxaa iyana la sheegayaa inay dhici karto in xubno ka tirsan Ahlusuna ee maamulkiisa ka soo horjeeda inuu ku soo daro golaha Wasiirada.
Lama oga sida loogu qanci doono Golaha Wasiirada uu soo magacaabi doono Madaxweynaha Galmudug, iyadoo dhowaan markii la doortay uu la kulmay mucaarado uga yimid Ahlusuna iyo dhinacyo kale oo ay ka mid tahay Maamulka Puntland.
Xigasho:-Jowhar.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip