Qorshaha FARMAAJO uu gacanta ugu dhigayo 120 ka mid ah xildhibaanada cusub

0
Saturday July 17, 2021 - 23:04:51 in Wararka by
  • Visits: 440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qorshaha FARMAAJO uu gacanta ugu dhigayo 120 ka mid ah xildhibaanada cusub

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Loolanka guddiyada doorashada ee Soomaaliya, gaar ahaan guddiga gobollada waqooyi, wuxuu banaanka usoo saaray Istaraatiijiyadda doorasho ee madaxweyne Farmaajo, oo isku dayaya in mar kale dib loo soo doorto.

Farmaajo ayaa xoogga saaraya sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa maamulka doorasho ee xildhibaanada gobollada waqooyi, beelaha Banaadiriga, beesha Shanaad iyo kuwa beesha uu kasoo jeedo ee Gedo.

Marka la isku geeyo xildhibaanada Farmaajo uu doonayo inuu gacantiisa kusoo saaro waxay ku dhow yihiin 120, hase yeeshee inay u codeyn doonaan marka uu saaro kadib, waa su’aal kale.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday wuxuu ku guuelystay inuu gacanta ku dhigo inta badan hoggaanka guddiyada doorashada ee ka shaqeynaya doorashada xildhibaanada, si ay ugu sahlanaato in lasoo doorto xildhibaano taageersan.

Farmaajo ayaa rumeysan inuu 90% xildhibaannada ka imaanaya Somaliland ee lagu dooranayo Muqdisho uu isagu soo saaran karo, codkoodana heli karo, waana taas sababta toddoba ka mid ah 11-ka xubnood ee guddiga doorashada ee xildhibaanada waqooyi ay u yihiin taageerayaashiisa,

     Qorshaha Farmaajo ayaa ah in meesha laga saaro siyaasiyiinta waayo aragga ah ee Somaliland, ee aan la isku haleyn karin, taas beddelkeedna lasoo saaro dhallinyaro daacad ah oo laga keenay Somaliland, kuwaasi oo la dejiyey hoteellada Muqdisho.

Farmaajo ayaa doonaya in ugu yaraan 50 ka mid ah xildhibaanada labada aqal ee beesha Direed uu isaga soo xusho.

Farmaajo ayaa sidoo kale rumeysaninxildhibaanada lagu dooranayo Garbahaarey, ee 16-ka ah ay wada noqon doonaan kuwa taabacsan, isaga dagaal adag u galay in magaaladaas ay degto beeshiisa doorasho lagu qabto.

Villa Somalia ayaa sidoo kale ahmiyad weyn siisay guddiga maamulaya doorashada xildhibaanada Banaadriga, oo ka yimid dhinaceeda. Waxaa qorshuhu yahay in shanta xildhibaan ee Banaadiriga ay gebigood noqdaan kuwa ka socda dhanka madaxtooyada.

Sidoo kale, xildhibaanada beesha Shanaad oo lagu soo kala doorasnayo HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa la rumeysan yahay in intooda badan ay u gacan geli doonaan Farmaajo.

Xildhibaannadan ayaa badankood iminkaba taageera Farmaajo, waxaana ka mid ah Khadiija Maxamed Diiriye iyo Maxamed Cumar Dalxa, iyo xubno kale, umana baahna Farmaajo inuu soo saaro kuwa cusub ee wuxuu ku dadaalayaa in ayaga ay dib usoo laabtaan.

Halka uu Farmaajo ka filayo xildhibaanada ugu badan ayaa ah doorashada ka dhaceysa Koonfur Galbeed, oo uu maamulayo madaxweyne goboleedka kaliya ee 100% daacadda u ah Farmaajo.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu soo dooranaya xildhibaanada ugu badan oo gaaraya 77, waxaana qorshuhu Farmaajo uu yahay inuu xaqiijiyo in ugu yaraan 50 mid ah ay noqdaan taageerayaashiisa.

Marka la isku geeyo, Farmaajo wuxuu ku rajo weyn yahay in ugu yaraan 120 ka mid ah xildhibaanada cusub ay noqdaan taageerayaashiisa, hase yeeshee taasi kama dhigna in 120 ay isaga u wada codeyn doonaan, sida aan ka barangay doorashooyinkii hore, waase billow fiican.

Qorshaha FARMAAJO uu gacanta ugu dhigayo 120 ka mid ah xildhibaanada cusub



Warbixintan oo muuqaal ah hoos ka daawo.

XIGASHO:-CAASIMADDA.NET


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip