HALKAN KA AQRISO W.WARGEYSA MOGTIMES 17-APRIL-2021

0
Saturday April 17, 2021 - 09:14:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 605
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGEYSA MOGTIMES 17-APRIL-2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Xog: Beelaha HAWIYE oo go’aamiyey shirweyne lagu gaarayo go’aan xasaasi ah

    Waxaa M/Muqdisho ee caasimada dalka si weyn uga socda qaban-qaabada shirweyne ay iskugu

 Imaanayaan Beelaha Hawiye, sida ay Caasimada Online u xaqi ijiyeen siyaasiyiin iyo xildhibaano kasoo jeeda beesha.

Shirkaan ayaa waxa lagu wadaa in todobaadka soo socda uu ka furmo M/Muqdisho, waxaana kasoo qeyb-galaya; waxgaradka, siyaasiy iinta, madaxdii hore iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle.

      Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online, shi rkaan ayaa waxa laga soo saari doona go’aan adag oo ka dhan ah qaraarkii uu dhawaan Golaha Shacab ka ugu sameeyay muddo kordhinta madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed C/hi Farmaajo.

     Sidoo kale waxaa shirkaas inta uu socdo caddeyn doona mowqifkooda ku aadan muddo kororsiga Mad axweynayaasha Galmudug iyo HirShabelle, kuwaasi oo lagu wado inay ka warbixiyaan waxay kala soo kulmaan Madaxweyne Farmaajo marka ay la kulmaan iyo mowqifka ay ka qaateen muddo kororsiga.

    Shirkaan ayaa waxa u imanayaa, xili ay labadii maalin ee u dambeeyay kulamo xasaasiya uu dhex-maray Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynayaa sha Galmudug iyo HirShabelle oo ayaga lagu tirin jir ey inay kamid yihiin maamulada taabacsan madaxw eynaha waqtigiisu dhamaaday, Farmaajo.

    Madaxdaan ayaa isku afgaraty in dalka doorasho aado oo aan la taageerin muddo kordhinta, iyadoo 2da Madaxweyne D/Goboleed ay dalbadeen in Farma ajo marka hore uga soo digaan qatarta muddo ko rdhinta, taasi oo ay si adag uga hor-imaadeen beesha caalamka.

    Arrintaan ayaa kusoo aadeysa xili ay xaalada dalka kasii dareyso, tan iyo markii uu G/Shacabka ku dhaw aaqay muddo kordhinta, waxaana intaas wixii ka da mbeeyay magaalada Muqdisho ka socday abaabulo ka dhan ah tallaabadaas.

Yaa Baajiyey in Maamulka Farmaajo uu Weeraro Taliye Saadaq John?

     Saacado colaadeed iyo isku dhex yaac kadib, wax aa Shalay deggan xaala dda caasimadda Muqdisho iya da oo la sheegayo in la hakiyey weerar ay ciidam ada dowladda ku qaadi lah aayeen taliyihii hore ee boo liiska gobolka Banaadir  Saadiq Maxamed John.

      Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoorq oor ayaa ku guuleystay inuu kala qaado ciidamo u dhowaa iney isku dhacaan, waxaana wararku intaas ku darayaa inuu John helay damaanad qaad la xiriira in aan lagu xad gudbin, uu na hoygiisa ku laabtay.

Halkee Wax Bilowde en?

Habeen hore afurkii kadib ayaa mar uun la arkay taliye Saa daq John oo tikniko badan watay, oo ka guuray hoygiisa isaga oo aaday dhanka xerada Shiirkole ee waqooyiga Muqdisho, isaga oo halkaas ka sameysay saldhig iyo difaac, waxaa xigay ciidamo dowladda ah oo isgoysyo badan la dhigay.Ilo ku dhow Saadaq ayaa sheegaya inuu sidaasi sameeyey ka dibmarkii uu ka war helay in weerar lagu yahay hoyga uu ka deganaa magaalada Muqdisho, iyada oo mar kaasi ka hor laga qaaday xilka, lagana xayuubiyey gar aadihii.

Yaa Garab siiyey Saadaq John?

      Marka laga soo tago shacabka Muqdisho, waxaa uu sidoo kale Saadaq gacan ka helay siyaasiyiin ba dan, oo ku baaqay in la difaaco Generaalka oo aan lala bixin.

      Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee aqalka sare Ab shir Maxamed Axmed ayaa Facebook ku qoray sidan: Aniga oo ka duulaya metalaada dadweynaha deega an doorasheedkegya iyo waajibka dastuuriga ee iga saaran ilaalinta xuquuqda aadanaha guud ahaan iyo gaar ahaanba waxaan ugu baaqayaa madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee u haliilaya daadinta dhiiga shacabka in uu ka waantoobo ku xadgudubka xuquuq da aadanaha iyo meel marinta dhagarihiisa qarandum isnimo.       Guddoomiye Abshir oo sii hadlaya ayaa yiri ‘Waxaan sidoo kale u sheegayaa madaxweyne-hore Farmaajo in uu si shaqsi ah u qaado doono ha dhowaato hase dheeraatee mas’uuliyada qof kasta oo ku dhinta ama ku dhaawacma duulaanka sharci dara da ah ee uu si aargoosi ah ugu beegsanayo Gen. Saadaq Cumar Xasan’.

    Wasiirka dekadaha Galmudud ahna xildhibaan gol aha shacabka Saabir Shuuriye ayaa sida qoray ” Wa xa aan codkayga ku biirinayaa waxgaradka iyo aqoon yahanka Soomaaliyeed ee ugu baaqay madaxweyna hii hore ee Soomaaliya Farmaajo in uu ka joogo daa dinta dhiiga shacabka, Waxa aan xasuusinaynaa Farmaajo in Weerarka ay ciidanka uu sida gaarka ah u soo soocdey ku qaadeen deegaanka Shiirkole uu yahay mid la doonayo in lagu banaysto daadinta dhi igga maatida deegaan gaar ah.

     Wasiir Saabir oo sii hadlaya ayaa yiri ” Reer Shiirk ole iyo beelweynta deegaanka Muqdishu waxaan ugu baaqayaa iney is difaacaan oo aan lagala bixin wiil kooda sharci darada darajadiisa looga qaaday had ana loo socdo dhiigiisa. Farmaajo flimkaan horaan u soo fiirsanay hadduu adiga ku dhaafay ee waxaad ka hesho waxba hanaga siin.

      Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa isna ka mid ahaa dadkii ka digay dagaalka wax aa uuna qoray ‘ Waxaa Xalayy magaalada Muqdisho laga soo sheegayaa dhaqdhaqaaq ciidan iyo argagi xin xaafado shacab oo ka mid ah Muqdisho taasoo lo oga gol leeyahay in la weeraro Gen. Saadaq John oo la isugu daray laba maalmood gudahood in xilka laga qaado, garaadihii si sharciga baalmarsan looga rifay, saacadaana la rabo in la weeraro oo naftiisa iyo tan ilaaladiisaba iyo shacabka deegaanadaas ku noolba halis la geliyo. Dalka Soomaaliya waxaa burburiyey ku takrifal awoodeed iyo in ciidamada loo adeegsado si sharciga baalmarsan, amar qaldan oo dano gaar ah lagu fushanayana ayadoo la laynayo saraakiil iyo shacab intaba.

       Wasiir Fiqi ayaa hadalkiisa kusoo afjaray "Waxa an ciidamada la faray weerarka aan ugu baaqayaa in aysan qaadan amar qaldan isla markaana ay ka baaq sadaan in ay daadiyaan dhiig dhabarka u saaraya da nbiyo lagula xisaabtami doono mustaqbalka aan dheereyn”  .Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa isna Facboogga ku qoray "Caawo weerarka Farmaajo iyo koo xdiisa ay ku qaadeen Shiirkole waa fal sharci ga baal marsan oo lagu qab jabinayo reerka uu ka dhashay Generaal Sadaq oo la doonayo in dhaxdoo da lagala soo baxo. Aniga oo ah Xildhibaanka Genr aal Sadaq waxaa dhammaan ugu baaqayaa inta aan ku matalo kursiga iyo Soomaalida xaq darada neceba in loo wa da istaaago difaaciisa, hogaamiye kooxeedka Farma ajo ahna la tuso xadkiisa.

        Xildhibaan Mahad Salaad ayaa isna waxaa uu qoray "Farmaajo Xalay wuxuu u diray Gen Biixi oo ilmo adeer ay yihiin in uu weerar ku qaado Gen Saa daq Joon. Dagaal qabiilaysan weeye waxa Xalay uu hurinayo Farmaajo. Waxaan ugu baaqayaa qaraaba da in la iska difaaco Farmaajo iyo qowleysatada la so cota. Saadaqna dhexdeena aysan kala bixin Farm aajo iyo ina adeerkiis Biixi”.   Waxaa sidoo kale dadkii hadlay ka mid ahaa oo Sa adaq John difaacay, isla markaana bulshada ugu baa qay in lala safto odey aasha dhaqanka Habargidir iyo Imaamka Mudulood.

    Waanwaanka Madaxweynaha Galmudug:

     Ugu dambeyntii, iyada oo xaaladda ay kacsan tahay ayaa waxaa soo dhex galay madaxweynaha Ga lmudug Axmed Kaariye Qoorqoor isaga oo u tagay Saad aq kadibna ku qanciyey labada dhinac in xaa ladda la dejiyo, tiiyoo keentay in Generaalka lala galoheshiis ah in gurigiisa dib ugu laabto, lana nabad geliyo .Xigasho:Goobjoog News

Xog: Xasan Sheekh iyo  Sheekh Shariif oo u guuray xaafado cusub

     Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sh.Max amuud ayaa Shalay u guuray xarun uu ka sameystay degmada Kaaraan, gaar ahaan aagga Mirinaayo, oo ku taalla waqooyi-Bari Muqdisho, isla markaasna deriska la ah G/Sh/ Dhexe.

Warar kale oo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinya in ma daxweynihii hore Shariif Sh.Axmed uu dhankiisa xar un ka sameystay degmada Yaa qshiid, gaar ahaan xaafadda uu ka soo jeedo ee SiiSii, islamar kaana la filayo in uu Dorraad u guuro.

     R/ Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kh ayre ayaa isna isu diyaarinaya in uu isla Dorraad u gu uro degmada Dayniile, halka Musharrixiinta Cabdira xmaan Cabdishakuur, Cabdul Qaadir Cosoble iyo Da ahir Geelle ay ku sugnaan doonaan deegaanadooda ku xeeran Garoonka diyaaradaha.

     Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in musharixi inta mucaaradka ah ay u diyaar garoobeen tallaabo milatari oo ka dhan ah Farmaajo, haddii xalka beesha caalamka uu meesha ka baxo.

      Marka la eego afarta xarumood ee ay musharrixii ntu degeen ayaa ah goobo istaraatiiji ah, haddii uu da gaal ka qarxo caasimadda, waxa ayna xusheen go obo ay taageerayaashoodu ku badan yihiin.

      Iibsiga hubka ayaa sare u kacayay Muqdisho laba dii bil ee la soo dhaafay, iyada oo ay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ay billaabeen in ay is hubeeyaan, taas oo walwal badan ku abuurtay dad ka caasimadda.

      Warar aan la xaqiijinin ayaa sheegaya in golaha badbaadada Qaranka ay qorsheynayaan in madaxwe yne kumeel gaar ah doortaan oo muddo cayiman dal ka doorasho ku gaarsiinaya, taas oo iska hor imaad ka dhalin karta Muqdisho

      Arrimahaan ayaa ugu wacan cabsi amni oo ka jirta M/Muqdisho kadib markii ay dowladda Soomaali ya sameysatay muddo korarsi Madaxweynaha iyo G/ Shacabka ah iyo qalalaaso amni oo Habeen hore magaalada ka dhacay.

Xog: DF oo dibad-baxyo ka abaabuleysa qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka

     DFS ayaa abaabuleysa banaanbaxyo ka dhacaya qaar ka mid ah magaalooyinka dalalka Reer Galbeed ka, kuwaas oo lagu taageerayo muddo kororsiga 2da sano ah ee uu sameystay Farmaajo.

     Dibad-baxyadan ayaa la qorsheynayaa inay ka dhacaan magaalooyin ay ka mid yihiin London oo UK ah, Minneapolis, Columbus iyo Washington oo Mar eykanka ah, iyo magaalooyin kale oo ku yaalla qaar ka mid ah dalalka kale ee Yurub, sida Sweden, Nor way, Belgium, Germany iyo kuwa kale.

     Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheeg een Caasimada Online, xubno ka mid ah maamulka G/Banaadir oo uu ka mid yahay guddoomiye ku xige enka gobolka ee dhanka amniga ayaa loo xil-saaray abaabulka banaan-baxyada, kuwaasi oo lacago bo qolaal kun oo dollar ah billaabay inay u diraan abaabu layaal kale oo ku sugan dalalka ay ka dhacayaan dib ad-baxyada.    Dibad-baxayaasha ayaa taageeri doono muddo ko rorsiga dowladda, ayada oo aan lasoo hadal qaadi do onin, balse taa beddelkeed boorarka lagu qori doono erayo lagu dalbanayo doorasho qof iyo cod ah, iyo in dimqoraadiyadda ay tahay in shacabka loo ogolaado inay codeeyaan.

     Doorashada qofka iyo codka ayaa aheyd qiilkii loo adeegsaday muddo kororsiga, inkasta oo xaqiiqda ay tahay, qof kastana uu og yahay in doorasho qof iyo cod ah aysan Soomaaliya ka dhici karin.

     Dowladda ayaa rumeysan in dibad-baxyada ay be ddeli karaan ra’yiga beesha caalamka kana yareyn ka raan cadaadiska, sida ay xubno ka mid ah dadka arrin tan ku lugta leh u sheegeen Caasimada Online.

Si kastaba, siyaasadaha dalalka reer galbeedka ay aa si ka duwan Soomaalida ah, kuwa aan ku shaqeyn dareen, balse ku dhisan daraasaad iyo xog-ogaalni mo, sidaas darteedna aysan dibad-baxyo lacag lagu soo abaabulay waxba ka beddeli karin. Xigasho:caasimadda.net

Ciidamada Xoogga Oo AMISON Kala Waree gayo Qorshaha Amniga Dalka

Shir labo maalmood uga socdey Taliska Ciidanka AMISOM iyo Taliska Ciidanka Xooga Dalka ayaa la isku afgartey oo ku soo gabagaboobey in taliska Ciidamada xoogga

dalka lagu wareejiyo hogaaminta Qorshaha Howlgala da Amniga Dalka lagu sugaayo, si hore loogu socdo.

Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey iyo Midoowga Afrika ayaa ku heshiiyay in joogitaanka Ciidamada AMISOM lagu daro ilaa bisha December 2021 balse hogaaminta qorshaha amniga Dalka lagu wareejiyo Dowlada Federaalka iyo Taliska Ciidanka xoogga dalka islamarkaana Ciidamada Ami SOM ee Dalka jooga ay ka wada Amarqataan DFS  gaar ahaan Wasaarada Gashaandhiga iyo Taliska ciidanka xoogga dalka.

     Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raage ayaa ku booriyay waxyaabaha kasoo baxay shirkaan ay noqdaan kuwa laga miro dhaliyay oo aysan qoraal ku koobneyn.  "Waxaa loo baahanyahay qorshaan inuu noqdo miro dhal si dalka looga saaro argagixisada dhibaatoo yinka ku haya shacabka waana muhiim inaan si wadajir ah uga shaqeyno”

     Dhankooda hogaanka ciidamada amison ayaa soo dhaweeyay waxaana ay sheegeen inay xoojinayaan howl-galada ka dhanka ah waxa ay ugu yeeraan arga gixisada oo qeyb-ka ah waxyaabaha loo ekmday, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Saraakiil laga shaki qabo in aysan daacad aheyn oo laga qaaday xilalkii G/Banaadir

     Wixii ka dambeeyey 12-kii bishan April oo mudo 2sano ah uu waqtiga xil-heyntiisa ku kororsaday mad axweyne Farmaajo, waxaa bilaawday is bedello xoog leh oo ku socda saraakiisha ciidamada, gaar ahaan booliska, kuwaas oo qaar xilalkii laga qaaday, qaarna goobo kale loo bedelay.

      Taliyeyaashii saldhigyada degm ooyinka Waaberi, Wadajir, Deyniile, Shibis, Cabdicasiis iyo Howlwadaag ayaa intooda badan isku shaandheyn lagu sameeyey, halka qaar looga shakiyey inay xiriirro la leeyihiin Tal iyihii hore ee booliska Gobolka Banaadir Jeneral Saa daq Joon iyo musharaxiinta mucaaradka ah xilalkii laga qaaday.

     Taliye ku xikeenkii qeybta booliska gobolka Banaa dir, Taliyihii qeybta Galbeed Yuusuf Xundubey iyo tali yeyaashii saldhigyada Waaberi iyo Howlwadaag ayaa xilalkii laga qaaday.

      Taliyihii saldhigga degmada Wadajir Saciid Cali Baryare ayaa la dalacsiiyey, waxaana ku xigeen loo ga dhigay Farxaan Qaroole, iyadoo loo magacaabay Taliye ku xigeenka qeybta booliska gobolka Banaadir, sidoo kale Cabdibaasid Maxamuud ayaa loo magaca abay taliye ku xigeenka qeybta Waliyow Cadde, halka taliye ku xigeenka Qeybta Galbeed loo magacaabay sarkaal lagu magacaabo Daa’uud Axmed.

      Madaxda xukunka dheereysatay ee DFS ayaa la sheegay in shaki weyn ay ka qabaan saraakiisha qa ar, waxaana weli socota shaandheynta ka dhanka ah saraakiisha ay uga shakiyeen inay xiriir laleeyihiin Jen eral Saadaq Joon iyo siyaasiyiinta kale ee mucaar adka ah.

     Sidoo kale, xil ka qaadista lagu sameeyey saraakii shaan waxay kusoo aadeysaa, iyadoo 12-kii bishaan ciidamada booliska ah ee ka howlgala gobolka Ban aadir ay isku hareereeyeen madaxtooyada, kadibna ay hor istaageen kulankii udo kororsiga lagu sameystay ee xildhibaanada golaha shacabka.Amarkii lagu hor istaagay xildhibaanada waxaa bixiyey Jeneraal Saadaq Joon, balse saacado kadib ayaa ciidamada laga wareejiyey wadooyinkii ay xireen kadib markii deg deg xilka looga qaaday Saadaq Joon, waxaana hadda la ugaarsanayaa saraakiishii amarkaas ka qaadatay.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in maalmaha soo socda saraakiil kale xilalka laga qaadi doono, qaar kalena loo wareejin doono xilal kale, kuwaas oo loo arko inaysan daacad u aheyn Farmaajo

Cabduweli Gaas” Shabaab ayaa fadhiya Afg ooye & Balcad ma dhici karto doorasho qof & Cod ah”

     R/Wasaarihii  hore ee Soomaali ya marna soo nqo day Madaxweynaha Puntland Ca bduweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay Go’aan kii muddo kordhinta ahaa oo ay gaareen Golaha Shacabka iyo xaaladaha siyaasadeed ee xilligaan Soomaaliya.

     Cabduweli Gaas waxaa uu sheegay in go’aankaas uu yahay mid qaldan oo  sharci darro ah, isla marka ana Golaha Shacabka, iyaga waqtigooda uu dhamaa day, isla markaana aysan sameyn karin wax muddo kordhin ah. Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Cabduweli Gaas oo Wareysi siiyay Tv-ga Somali Ca ble in Go’aanka Baarlamaanka ay gaareen uu yahay mid dalka oo dhan saameeynaya, isla markaana bur burinaya dowladninada jirta, sidoo kalena saameyn kara dhinaca amniga.

     "Waa sharci darro waa go’aan qaldan oo waqti qa ldan kusoo aaday waayo Baarlamaanka,isaga ayaaba waqtigiisa dhamaaday in uu soo saaro ma aheyn go’aan dalka saameeynaya oo amniga saameeynaya, wax la aqbali karana maahan ayuu yiri” Cabduweli Gaas.

     Waxaa uu ku eedeeyay Xildhibaannada golaha Shacabka ay hal dhinac u hiiliyeen, halkii ay aheyd inay dhex-dhexaad noqdaan oo ay qaataan doork ooda xaaladaha kajira Soomaaliya.

    Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaarihii  hore ee Soomaa liya marna soo nqoday Madaxweynaha Puntland Md.Gaas waxaa uu sheegay in mudada 2da sanada ah aan dalka doorasho qof & Cod ah ka dhici karin, welina Al-Shabaab ay joogaan, Balcad & Afgooye si da uu hadalka u dhigay.

     Hadalka R/Wasaarihii  hore ee Soomaaliya marna soo nqoday Madaxweynaha Puntland Cabduweli Max amed Cali Gaas ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya ay weji kale yeelatay, kadib markii Xildhibaannada Golaha Shaca bka Isniintii todobaadkaan ay muddo labo sano ah ay u kordhiyeen hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Puntland Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadal kii Madaxweyne Farmaajo

       Maamulka Puntland ayaa si kulul ugu jawaabay hadalkii madaxweyne Farmaajo, kaasi oo uu ku she egay in maaamulada Puntland iyo Jubbaland caqa bad ku yihiin qabsoomida Doorashada.

     Qoraal uu soo saaray Afhayeenka madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Jaamac Dabaraani ayaa waxaa uu sheegay in farmaajo uu wado marin habaabin busho iyo in uu khiyaaneyay shirkii Afisy ooni.

     "Madaxweynaha Wakhtigu ka dhammaaday Farm aajo fashil ka weyn ma jiro inaa sharci daro kursiga kusii fadhido, Waxba ha ku marin habaabin bulshada faragelin baa la inagu hayaa, iyada hadii ay noqotona adaa koobka ku qaaday markii aad qof Soomaali ah wadan kale u dhiibtay!

     Waxaa kale oo nasiib daro ah inaa been ku olole yneysid, waana caalamadaha guul darada marka qof ku uusan sharci ku fadhin, meelno laguma oran Dow ladda ha la dumiyo. waxaa keliya ee lasoo jeediyey madaama 17 Sept kadib uu adiga wakhtiga ka dhac ay in aad Doorashada u qabato Sidii Madaxweynihii ka horeeyay”Afhayeenka madaxwey naha maamul Goboleedka Puntland.

     Qoraalka oo dhinacyo badan taabanayay ayaa wa xaa uu inta ku daray in Madaxweyne Farmaajo uu si ku tala gal ah shirkii Afisyooni u fashiliyay, waxaana uu sheegay in dhowr maal mood ay soo jeediyeen Pu ntland iyo Jubbaland in shirka dib la isugu soo laabto, balse taasi uu diiday Madaxweyne Farmaajo.

     ”Markii noogu kaa danbeysay adiga oo muuqaal di yaarsan jeebka ku haysta ayaa la Shirtay Madaxda, Khiyaano iyo Fashilin Shir inay ahayd cidkasta waa ogaatay! Waxaa tiri aan isu soo laabano, kadibna mar kiiba waadigii amray in la baahiyo in Shirka Fashilm ay, maalmo ayaana lagu laha soo laabo Shirka ha fa shilin” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland.

DF oo dacwad kusoo oogtay lix qof oo isugu jira ajaaniib iyo Soomaali caan ah

DF oo dacwad kusoo oogtay lix qof oo isugu jira ajaaniib iyo Soomaali caan ah

                Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saartay qoraal ay ugu yeereyso 6-eedeysane oo u badan ajaanib, kuwaas oo loo heysto inay ku kaceen falal basaasid ah oo ay faafiyeen xogo ku saabsan amniga Qaranka.

Eedeysanayaasha kala ah:

1 –Matt Brydan

2–Kheyre Cabdiraxmaan Raage

3 –Rashiid Cabdi

4 –Emmanuel Deisser

5 –Robison Colin

6 –David Hopkines

                Ayaa lagu war gelinayaa inay hor tagaan Maxkamadda gobolka Banaadir oo uu ka furanyahay gal-dacwadeed ciqaab ah oo ay ku muteysteen inay ku kaceen falal ay ka mid yihiin faafinta xogaha amniga Qaranka, sameynta basaasid siyaasadeed iyo mid ciidan, waxayna ku xadgudbeen shuruucda dalka, sida lagu sheegay qoraalkan.

                Afar ka mid ah ragaan waa ajaanib, halka labada kale ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

                 "Maxkamadda gobolka Banaadir waxay fareysaa eedeysanayaasha kor ku xusan inay maxkamadda yimaadaan maalinta Sabtida ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 29-05-2021, si ay isaga difaacaan eedda loo heysto,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Maxkamadda gobolka Banaadir.

                Raggan dacwada laga gudbiyay waxaa ka mid ah Mitt Bryden oo ah agaasimaha hay’adda Sahan Research oo horay dalka looga mamnuucay, waxuuna mar soo noqday xiriiriyaha guddiga daba galka cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea.

Xigasho:caasimadda.net

Magacyada Xildhibaanadii ka dambeeyey in Farmaajo ku darsado 2 Sano

Golaha Shacabka ee waqtigoodu dhammaaday ayaa fadhi uu yeeshay 12-kii bishan waxaa uu Farmaajo



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip