Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah riday

0
Tuesday April 13, 2021 - 19:56:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah riday

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,



 

 

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ee Militirga Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday askari ka tirsan Ciidamada dowladda, kaas oo qof Shacab ah ku dilay duleedka Magalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiran.
 

Maxkamadda ayaa waxaa la horkeenay Dable Galad Xaashi Warsame oo katirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya Gaar ahaan NabadSugida, waxaana lagu helay dilka qof Shacab ahaa.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Gashaale Maxamed Aamiin oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in Dable Galad Xaashi Warsame lagu riday xukun dil toogasho ah.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ayaa waxaa ay horay xukuno kala duwan waxaa ay ugu riday askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo xubno kamid ah Al-Shabaab, kuwaas lagu helay dambiyo kala duwan.



SAWIRKA ASKARIGA LA XUKUMAY




 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip