Iiraan oo fariin hanjabaad ah u dirtay Israa'iil

0
Tuesday April 13, 2021 - 19:55:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iiraan oo fariin hanjabaad ah u dirtay Israa'iil

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in dalkiisa "uu ka aargudan doono" weerrar lagu soo qaaday xarun dhulka hoostiisa ku taal oo nukliyeerka lagu farsameeyo, arrintaas oo uu ku eedeeyay Israa'iil. Saraakiisha Iiraan aya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in dalkiisa "uu ka aargudan doono" weerrar lagu soo qaaday xarun dhulka hoostiisa ku taal oo nukliyeerka lagu farsameeyo, arrintaas oo uu ku eedeeyay Israa'iil. Saraakiisha Iiraan ayaa sheegay in xarunta lagu kobciyo uranium-ka ee Natanz ay bartilmaameed u aheyd "argagixiso nukliyeer" oo dhacday Axaddii, kaddib markii la soo tabiyay in korantadii ay tagtay. Waxaa halkaas laga howlgaliyay qalab cusub oo lagu kobcinayo uranium-ta. Israa'iil ayaanan weli wax war ah umuurtaasi ka soo saarin, hasayeeshee warbaahin ayaa waxa ay soo xigatay ila wareedyo sirdoon oo sheegaya in howlgalka ay u filyeen waaxda internetka ee sirdoonka Israa'iil ee Mossad. Waxay sheegeen in tani ay geysatay waxyeelo ka baaxad weyn tii ay Iran sheegtay. Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa u sheegay New York Times in qaraxa weyn uu gebi ahaanba baabi'iyay nidaamkii awoodda gudaha ee madaxa-bannaanaa ee keenayay tamarta ay gabi ahaanba burbureen. Waxay ku qiyaaseen inay qaadan karto ugu yaraan sagaal bilood si dib loogu bilaabo kobcinta halkaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip