Galmudug oo War kasoo saartay weerar Sarkaal & Askari lagu dhaawacay

0
Tuesday April 13, 2021 - 19:53:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 178
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Galmudug oo War kasoo saartay weerar Sarkaal & Askari lagu dhaawacay

    Hawlgal Ciidamada Ilaalada xeebaha Galmudug ay dhawaan ka sameeyeen xeebaha Badweynta Hindiya ee Galmudug ayaa sababay in doon weyn oo si sharcidarro ah uga kalluumaysanaysay inta u dhaxeysa Hobyo iyo Ceelhuur ay rasaas xooggan ku furtay doomihii ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hawlgal Ciidamada Ilaalada xeebaha Galmudug ay dhawaan ka sameeyeen xeebaha Badweynta Hindiya ee Galmudug ayaa sababay in doon weyn oo si sharcidarro ah uga kalluumaysanaysay inta u dhaxeysa Hobyo iyo Ceelhuur ay rasaas xooggan ku furtay doomihii ay saarnaayeen Ciidamada. War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka oo dhaay 11-kii Bisha April 2021 uu dhaawac ka soo gaaray sarkaal iyo askari ka tirsan ciidamada marines-ka oo hawlgalkaas qeyb ka ahaa. Sidoo kale Warka Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada ilaalada Xeebaha Galmudug oo iska difaacay weerarkaas ayaa ku qasbay in doontaas ay ka cararto halkaas weerarka ka dib. Bil ka hor ayey aheyd markii ciidamada ilaalada xeebaha Galmudug ay ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan doon laga leeyahay dalka Yemen oo si sharcidarro ah uga kaluumaysnaysay aagga xeebaha Galmudug. Ciidamada ilaalada Xeebaha Galmudug ayaa hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga xeebaha Galmudug, isla markaana lagula dagaalamayo kalluumaysiga sharcidarrada ah ee doomaha iyo maraakiibta shisheeye ay ka wadaan xeebaha degaannada Galmudug.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip