MUUSE BIIXI oo boqolaal maxaabiis ah cafis u fidiyay

0
Tuesday April 13, 2021 - 19:43:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MUUSE BIIXI oo boqolaal maxaabiis ah cafis u fidiyay

    Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta cafis madaxweyne u fidiyay maxaabiis badan oo ku xirnaa xabsiyada deegaanada Somaliland, bilashada bisha Ramadaaan darteed. Madaxweynaha ayaa wareegto uu soo saaray ku sheegay inuu cafis u fidiy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta cafis madaxweyne u fidiyay maxaabiis badan oo ku xirnaa xabsiyada deegaanada Somaliland, bilashada bisha Ramadaaan darteed. Madaxweynaha ayaa wareegto uu soo saaray ku sheegay inuu cafis u fidiyay 484 Maxbuus oo hore loogu xukumay dembiyada fudud, taasi oo uu fulinayo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, sida lagu sheegay qoraalka Madaxweynaha. "In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 484 (Afar Boqor iyo Afar iyo Siddeetan) maxbuus," ayaa lagu yiri wareegtada madaxweynaha Somaliland. Waxa kale oo lagu yiri qoraalkaas "Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya, sida ku xusan qodobka 92aad ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan". Cafiska uu madaxweyne Biixi u fidiyey maanta boqolaalka maxbuus ee dambiyada fudud u xirnaa ayaa waxa uu daba socda soo jeedin uu 6-dii bishan April uu u gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland. Ma aha markii u horeysay ee madaxweynaha Somaliland uu cafis u fidiyo maxaabiis, ayada oo sanad ka hor uu cafis Madaxweyne u fidiyay maxaabiis badan oo tiradoodu dhameyd 574-maxbuus oo ku xirnaa xabsiyada Somaliland, si looga hortago faafida cudurka dunida faraha ba'an ku haya ee Coronavirus/Covid-19.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip