SHIR xasaasi ah oo dhex maray mucaaradka, Deni, Madoobe iyo Cabdi Xaashi

0
Tuesday April 13, 2021 - 19:06:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 172
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SHIR xasaasi ah oo dhex maray mucaaradka, Deni, Madoobe iyo Cabdi Xaashi

    Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay shir u dhaxeeyey xubnaha Midowga Musharaxiinta, Guddoomiyaha Aqalka Sarre, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ayagu ku wada mideysan Madasha Bad-baado Qaran. Xogta ay helayso Caasimada Online ayaa sh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay shir u dhaxeeyey xubnaha Midowga Musharaxiinta, Guddoomiyaha Aqalka Sarre, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ayagu ku wada mideysan Madasha Bad-baado Qaran. Xogta ay helayso Caasimada Online ayaa sheegay in madaxdaan ka shireen muddo kordhintii uu shalay sameeyay Golaha Shacabka, midaasi oo ka hor-imaaneysa sharciga dalka iyo digniintii muddooyinkii dambe laga soo jeedinayay arrintaas. Waxay shirkaan diirada lagu saaraya sidii mowqif mideysan looga soo saari lahaa muddo kororsiga dowladda. Kulankooda oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa labada dhinac waxay ka soo saari doonaan go'aan siyaasadeed oo ay uga jawaabayaan tallaabadii shalay ee Baarlamaanka. Waxaa laga deyrinayaa xaalada siyaasadeed ee dalka oo laga cabsi qabo inay gaarto heer gacan ka hadal ah, kadib markii uu golaha shacabka soo saaray qaraar labo sanno muddo kordhin loogu sameynayo hay'addaha dowladda, midaasi oo ay ka hor-imaadeen mucaaridka iyo qaar kamid ah madax goboleedyada dalka. Waxaa gebi ahaanba soo xirmay albaabkii wada hadalada oo la filayay in dib loogu laabto Teendhada Afisyooni, kaddib markii shalay Golaha Shacabka ay u sameeyeen Farmaajo muddo kordhin labo sano. Dowladda federaalka ayaa dhawaan shaacisay inuu fashilmay shir maalmo uga socda madaxda sarre ee dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka teendhada Afisyooni, kaasi oo ay dadaal badan ku bixisay beesha caalamka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip