Daawo: Puntland oo soo bandhigtay ciidamo 'kasoo goostay' Gorgor iyo Haramacad

0
Tuesday April 13, 2021 - 17:46:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Puntland oo soo bandhigtay ciidamo 'kasoo goostay' Gorgor iyo Haramacad

    Maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacyo kusoo bandhigay saraakiil ay sheegtay inay kasoo goosteen ciidamada dowladda federaalka, gaar ahaan Kamaandooska Haramcad iyo Gorgor.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacyo kusoo bandhigay saraakiil ay sheegtay inay kasoo goosteen ciidamada dowladda federaalka, gaar ahaan Kamaandooska Haramcad iyo Gorgor.


Saraakiishan oo dhamaantood tobabar gaar ah kusoo qaatay dalka Turkiga ayaa sheegay inay dowladda federaalka uga soo goosteen, kadib markii ay arkeen midab-takoor iyo musuq-maasuq baahsan, sida ay sheegen.

"Markaan aragnay caqli xumada iyo midab takoorka ka taagan federaalka, waxaan go’aansanay in aan wadankeena kusoo noqon,” ayuu yiri mid kamid ah Saraakiishaan la sheegay inay kasoo goosteen ciidamada dowladda federaalka.

Mas’uuliyiinta soo dhaweynta usameysay saraakiishan ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan askari kasta oo kasoo horjeeda aragtida dowladda dhexe, oo ay madaxdeeda si weyn isku hayeen muddooyinkii dambe.

Sidoo kale, waxay baaq u direen saraakiisha dalka dibadiisa lagu soo tababaray ee kasoo jeeda deegaanadooda inay dib ugu soo noqdaan deegaanadooda, si ay u difaacaan dalka iyo dadkooda, sida ay hadalka u dhigeen.

"Saraakiishaan waxaa rabnaa saraakiisha ciidamada dowladda Puntland ee hananaya ciidamada, waxaa hanta ciidamada saraakiisha dhexe ee kabtan, labo xidigle iyo xidigle, waana inta u muhiimsan ee anagu raadineynay, waana la idin magacaabaya,” ayuu yiri Wasiirka maaliyada Puntland oo hadal ka jeediyay munaasibada soo dhaweynta Saraakiishaan.

Dhawaan ayey aheyd markii sidan oo kale ay xukuumadda Somaliland usoo dhaweysay Saraakiil ay sheegtay inay kasoo goosteen ciidamada dowladda federaalka, gaar ahaan Kamaandooska Haramacad iyo Gorgor, kuwaasi oo ka deyrinaya xaalada ciidamada dalka iyo madaxda maamusha.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip