HALKAN KA AQRISO W.WARGEYSA MOGTIMES 13-APRIL-2021

0
Tuesday April 13, 2021 - 11:59:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGEYSA MOGTIMES 13-APRIL-2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Taliyaha Booliska G/Banaadir oo sheegay in uu joojiyay Kulankii Golaha Shacabka

    Taliyaha Ciidamada Booliska G/Banaadir Saadaq Cumar Xasan ayaa sheegay in ay joojiyeen Kulankii loo balansanaa ee Shalay ee G/Shacabka, kaas oo ajandihiisu ahaa ka doodista mooshin la xiriira doora shooyinka. Taliye Saadaq oo War baahinta la hadlay ayaa wa xaa uu sheegay in sababaha kul anka ay u joojiyeen ay tahay ina ysan dhic in wax la boobayo, iyo in mudo ko rorsi la sameeyo bal se waxkasta lagu dhameeyo in la gaaro isfaha m siyaasadeed.

    Waxa uu si cad u sheegay in xilligan aysan u cun tamin in G/Shacbaka oo uu u dhaartay in uu amnigoo da ilaliyo inuu dilo ama uu dhibaateeyo, waxaana uu Xildhibaannad uu ugu baaqay inay degaannadii laga soo doortay dib ugu laabtaan si ay doorasho uga soo galaan.

     "Baarlamaanka soomaaliya waxaan leeyahay 4 sa no ayaa joogteen 4tii sano waa idinka soo dhamaatay waa la idin soo doortay Doorasho dib ugu Laabta”

     Adigo lagu soo doortay haku fikirin inaa wax boob to ayuu yiri” Taliye Saadaq Joon.

     Taliyaha C/B/G/Banaadir Saadaq Cumar Xasan waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Amniga G/ Banaadir uu mas’uul ka yahay mucaarad iyo muxaaf id intaba muhiimna ay tahay in qof walba oo Soomaa li ah uu si amni ah ku joogo.

  R/Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayuu ugu baaqay in uu Qaato Doorkii sa Hoggaaminta Waddanka dibna loogu laabto Miis ka Wadahadalka. Go’aanka uu qaatay Taliyaha C/B/ G/Banaadir Sa adaq Cumar Xasan  ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Shalay aad loo hadal hayay in Xil dhibaannada G/Shacbaka ay muddo kororsi u same eyaan Madax weynaha uu mudo xileedkiisa uu dha maaday ee Max amed C/hi Farmaajo.

Taliye Saadaq John oo xil ka qaadis lagu sameeyey

     Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, Ca bdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Shalay xilka qa adis ku sameeyey taliyaha qeybta guud ee G/ Bana adir,Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) oo saaca do, ka hor shaaciyey inuu joojiyey kulankii Shalay ee Baarlamaanka FS.

 

       Wareegto kasoo baxday xafiiska taliye Xijaar ay aa lagu sheegay in xilka taliyaha C/B/G/ Banaadir loo magacaabay Farxaan Maxamed Aadan (Qaroole), kaas oo loo dalac-siiyey Gaanshaanle Sare.

     Farxaan ayaa horey u ahaa taliyaha ciidamada si da gaarka ah u tababaran ee Haramcad ee ka tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

      Xilka qaadista Saadaq John ayaa timid, kadib saa cado uun markii shaaciyey in Booliiska Soomaaliye ed, gaar ahaan kan G/Banaadir uu joojiyey kulankii baarlamaanka oo qorshuhu ahaa in looga doodo mo oshin ku aaddan muranka hareeyey doorashooyinka.

    Arrintan ayaa uga sii dareyso xaaladda cakiran ee uu haatan ku jiro dalka, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqa xooggan ee ka socda M/Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xildhibaanada G/Shacabka Oo Ansixiyay Sharc iga Jiheynta Doorasho Qof Iyo Cod

     Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaan ka FS ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa Shalay kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ee M/Muqdisho.

     Ajendaha kulankii  Shalay ay yeesheen Xildhibaa nada ayaa waxaa uu ahaa ka doodista Mooshinka do orashooyinka Qaranka oo dood dheer ay ka yeeshe en Xildhibaanda Golaha Shacabka.

      Xildhibaanada Baarlamaanka ee muddo xileedk oodu dhammaaday ayaa ansixiyay sharci gaar ah oo jiheynta doorashooyinka heer Federaal oo ah doora sho qof iyo Cod ah, waxa ana Xildhibaanada ay ku co ddeeyeen gacan taag.

      Mooshinka ayaa waxaa u codeeyay oo oggolaa tay 143 Xildhibaan halka ay diideen 3 Xildhibaan, wa xaana ka Aamusay 1 Xildhibaan kaliya, isla markaa na waxaa natiijada ku dhawaaqay Guddoomiye Ma xamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

     Sharcigan ay oggolaadeen Xildhibaanada G/sha cabka ayaa qodob kamid ah dhigayaa in la qaato ni daamka doorashada tooska ah ay qabanayaan Gu ddiga doorashasa Qaranka, taa oo lagu qabanayo mu ddo 2sano ah.

Guddoonka Golaha Shacabka oo ka soo saaray sharci gaar ah arrimaha doorashooyinka

      Guddoonka G/Shacabka ayaa soo saaray sharci gaar ah oo  jiheynta doorashooyinka heer Federaal kaasoo ah doorasho qof iyo cod ah, iyadoo la faray Xukuum adda in Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyin ka Qaran looga dambeeyo arrimaha la xiriira doora shooyinka heer federaal, gacan buuxdana lagu siiyo meel marinta waajibaadkooda dastuuriga, sidaas da rteed waxaa awood loo siiyay muddo 2sano gudaho od inay doorasho qof iyo cod ku qabtaan.

      Qodobada uu baarlamaanka soo saaray ayaa wa xaa ka mid ah mid muddo 2 sano ah lagu qabanayo doorashada  

HOOS KA AKHRISO

 

Wasiirka Amniga Galmudug oo soo dhaweeyay talaabada uu qaaday Saadaq Joon

       Wasiirka Amniga D/G/Galmudug, Axmed Macal lin Fiqi ayaa bogaadiyay tallaabadii uu Shalay qaada Taliye Saaddaq Joon, taas oo uu kaga horyimid in mudda kororsi loo sameeyo dowladda Federaalka Soomaaliya. "Talaabada uu qaaday taliyaha gobolka Banaadir ee ciidan ka Boolisku waa mid bogaadin mud an,waana mid kor u qaadaysa sumc adda Ciidamada Booliska oo waayadii danbe oo dhan dhiiqooyin lugaha loo galinayey.” Ayuu yiri wasiir Fiqi.

"Todobaadkii hore waxay ciidamada Boolisku jidadka ku celinayeen xildhibaanno si sharci darro ah loogu diidayay in barlamaanka ay tagaan, Shalayna qeybtii faraxsanayd maalmo ka hor ayaa la celiyey weliba ayadoo tan danbe ay heysato xujo wanaagsan oo ah in looga hortagayo go’aan qaldan oo Barlamaanka ka soo baxa in uu sabab u noqonayo dhibaatada amnidarro iyo xasilooni la’aan soo waajahda dalka.” Ayuu sii raaciyay.

Hadalka wasiir Fiqi ayaa ku soo beegmay, saacado kooban kadib markii Taliye Saaddaq Joon uu sheegay in uu joojiyay kulankii Baarlamanka, kana horyimid in mudda kororsi loo sameeyo dowladdd inkastoo markiiba xilka laga qaaday.

Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday in la arkay bisha Ramadaan

        Wasiiru dowlaha wasaaradda awqaafta iyo arrim aha diinta XFS Maxamuud Macalin Yaxye ayaa ku dhawaaqay in maalinta beri ah ay ta hay maalinta koowaad ee bisha Ra madaan, ka dib markii degaano ka tir san Puntland iyo Hirshabeele lagu ar kay bilashada bisha Ramadaan, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamuladaas.    Beri oo bisha Abriil tahay 13 waa maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan sanadkan 1442 Hijriya.


Maamulka Gobolka Banaadir oo War kasoo saaray Xaaladda Amni ee Muqdisho

    Maamulka G/Banaadir ayaa sheegay in M/Muqd isho ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada mniga, isla markaana aysan aqbaleyn in fowdo alaga abuuro. "Waxaa halkan kala wadaagay aa umadda Soomaaliyeed in xaalad am ni ee caasimadda  ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada amniga qeybah ooda kala duwan aniga oo ku amaaney no firfircoonida iyo feejignaanta dheeriga ah” ayuu yiri Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo ah G/ku xigeen ka amniga iyo siyaasadda G/Banaadir oo la hadlayay warbaahinta dowladda.

      Waxaa Shalay ka bilowday dhismaha G/Shac abka ee BF ee M/Muqdisho Kulan ay leeyihiin xildhib aannada oo looga hadlayo khilaafka ka taagan doora shada waqtigeeda la soo dhaafay.

     Waxaana goor sii horeysay taliyihii booliska G/Ba naadir Saadaq Joon oo muuqaal uu soo duubay la ba ahiyay uu ku sheegay inuu joojiyay shirka golaha taa soo markii dambe keentay in taliyaha Booliska Soo maaliya Janaraal Xijaar uu isna ku dhawaaqo in xilkii laga qaaday taliye Saadaq John.

      Mucaaradka ayaa ku eedeynayaa guddoonka G/ shacabka inay doonayaan inay muddo kororsi u sam eyaan hay’addaha DFS ee waqtigoodu dhamaaday.

FARMAAJO oo war kasoo saaray muddo kordhin ta uu Mursal sameeyey Shalay

     Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/hi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey muddo kordhinta uu Baarlamanku she egay inuu sameeyey hay’adaha dowl adda oo ah laba sano.

     Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri "Madaxweynaha ayaa til maamay in Xukuumaddu ay qaadaneyso doorka ka ga aaddan fulinta sharcigan ay ansixiyeen G/Shacab ka oo dalka u jiheynaya doorasho toos ah, dibna ugu soo celinaya Shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaan ka ay ku aaminayaan talada iyo masiirka qaranka.”

      Md.Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay inuu ugu baaqayo shacabka Soomaaliyeed in ay dhexda u xir taan sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen wax uu ugu yeeray "fursaddan taariikhiga ah, ugana qeyb qaadan lahaayeen geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.”

      Md.Farmaajo sidoo kale ayaa uga mahadceliyey saaxiibbada Soomaaliya ee dadaalka la garab taagan sidii loo sii xoojin lahaa hannaanka dimuqraadiyade ed ee dalka oo marxalado kala duwan soo maray, ha se yeeshee wuxuu uga digay faro-gelin.

     "Madaxweynaha ayaa adkeeyey in hay’adaha Do wladda oo ka duulaya Dastuurka dalka, waajibaadka qaran ee ay wakiilka ka yihiin, curfiga diblumaasiga iyo mabaadi’da caalamiga ah inaysan aqbaleyn farag elinta shisheeye ee arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreyso doorashooyinka dalka oo ah arrimo ay u ma daxbannaan yihiin shacabka iyo DFS,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Midowga Musharixiinta oo Farmaajo u aqoon saday "Hoggaamiye kooxeed”

     Midowga Musharixiinta oo goor dhaweyd shir jara a’id ku qabtay M/Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo khilaafka ka taagan doo rashada dalka.

     Midowga Musharixiinta ayaa si cad u sheegay in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed C/hi Farmaajo ay hadda u aqoonsan yihiin inuu yah ay "Hoggaamiye Kooxeed” fadhiya Madaxtooya da. Shirka jaraa’id ee midowga musharixiinta ayaa waxaa hadallo kala duwan ka jeediyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, R/ wasaa rihii hore ee XFS Xasan Cali Kheyre iyo siyaasi Cabdi raxmaan Cabdishakuur Warsame.

      Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa she egay in dalka aysan ka jirin wax sharciyad ah xilli gaan, Farmaajana uu la mid yahay hoggaamiye koox eed fadhiya Villa Somalia .

     Cabdiraxmaan ayaa sheegay in hoggaamiye koox eedyadii soo maray dalka ay Farmaajo ka ciidan bad naayeen, islamarkaana ay ka talin jireen qeybo bad an oo dalka kamid ah sidaas oo ay tahay ugu damb eyntii laga adkaay.

     Siyaasi Cabdiraxmaan ayaa Taliyaha ciidamada Booliska General Xijaar uga digay inuu madaxweyne Farmaajo ku taageero qaab qabiil ah taasna ay dalka u horseedi karto qalalaase.

       Madaxweynihii hor ee Soomaaliya Xasan Sh.Ma xamuud ayaa sheegay in dalka uu ku jiro halistii ay muddo badan ka digayeen isla markaasna loo baah an yahay in laga gudbo halistaas. R/w/hii hore ee So omaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inay Ma daxweynaha waqtigiisa dhammaaday M.C/hi Farmaa jo ka hor taagan yihiin inuu dalka geliyo dagaal sida uu hadalka u dhigay.

    Md.Kheyre ayaa sheegay in dhibaatada ka taagan dalka uu mas’uul ka yahay ninka diiday in dalka ka dhacdo doorasho, wuxuuna si cad carabka ugu dhuf tay in Md.Farmaajo uusan diyaar u aheyn doorasho xor iyo xalaal ah.

     "Shalay waxay mareysaa in ciidankii Soomaaliy eed ay ku kala qeybsameyn damaca madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday, dariiqa uu dalkaan ku wado    waa god,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

      Ugu dambeyn Xasan Cali Kheyre ayaa boggaadi yey go’aankii uu qaatay taliyhii xilka laga qaaday ee Gobolka Banaadir Saadaq Joon.

Aqalka Sare oo ka horyimid muddo kordhinta uu Shalay sameeyey golaha shacabka

     Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka So omaaliya Cabdi Xaashi ayaa ka hor-yimid oo sharci-darro ku tilmaamay go’aanka uu Golaha Shacabka muddo kordhin laba sano ah Shalay ugu sameeyey hay’adaha dowladda.

     Cabdi Xaashi ayaa tallaabadaas ku tilmaamay ‘mid hal dhinac ah’, oo uga sii dareysa xiisada doora shada, islamarkaana sharci darro ah oo gebi ahaan ba baalmarsan sharciyadii do wladnimo ee dastuurka dalka ku dhisna. Waxaa uu walaac ka muujiyey in qaraarka gola ha shacabka ee labada sanno ugu kordhiyeen hay’ad aha dowladda uu dalka u horseedo xasiloni darro siy aasadeeda iyo mif amni oo halis ah.

     Cabdi Xaashi ayaa qoraalka ku yiri "Go’aanka ha lka dhinac ah ee G/hacabka ee muddo-xileedkiisu dhammaaday wuxuu Dalka u horseedayaa xasilooni darro siyaasadeed oo ay wehliyaan khataro amni iyo xaalado kale oo aan hadda la saadaalin karin. Sida oo kale, go’aankaasi wuxuu sii fogeeyay xal laga ga aro doorashooyinka Dalka isaga oo si toos ah u balm aray sharciyaddii dowladnirnada ee ku dhisnayd Dastuurka iyo shuruucda kale ee Dalka.”

      Sidoo kale waxa uu madaxda sare ee dalka usoo jeediyay inay kusoo laabtan xayndaabka sharciga, ay ada oo go’aan ka gaarista doorashada loo marayo ni daamka wada-ogolka ee wada-hadalada dhinacyada isku haya doorashada oo muddooyinkii dambe ka socday Muqdisho.

      "Sidaas darteed, waxaan ugu baaqeynaa Madax weynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, R/wasaar aha XFS  muddo xileedkeedu dhammaad ay, Guddo onka Golaha Shacabka ee muddo-xileedkiisu dham maaday in cagligu shageeyo laguna soo noqdo xe endaabka sharciga ah ee Dalka u yaalla iyo Heshiis kii September 17, 2020 oo ay ansixiyeen 2da Aqal ee BFS, si degdeg ahna loo wada fariisto miiska wada-hadalka; si Dalku doorasho u aado.” G/shacabka ay aa Shalay isugu yimid kulan uu ka maqan yahay Aqa lka Sarre, kaasi oo ay ku meel-mariyeen muddo kor dhin

DFS oo waqtigeedu dhammaaday, waxay dalka ku riixi doontaa kala-tag iyo fowdo” Cumar C/Rashiid”

     R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Sanoter ka tirsan Xildhibaannada Aqalka Sare Cumar Cabdira shiid Cali Sharmaake ayaa ka digay in la joojiyo wa da-hadallada ku saabsan xal ka gaarista Arrimaha doorashooyinka.

    Qoraal uu soo dhigay Bartiisa twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in joojinta wada-hadallada ay horseedi karto xaal ad hubaal la’aan ah oo uu dalka galo.

    "Joojinta wadaxaajoodyada doorashooyinka waxay bulshada u horseedi doontaa xaalad hubaal la’aan ah, iyadoo   Su’aal la gelinayo mustaqbalka dalkeen na ayuu yiri” Sanoter Cumar Cabdirashiid.

      Sidoo kale Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake waxaa uu sheegay in Madaxda DFS ee muddo xileed keedu dhamaaday ay dalka ku riixayaan kala-tag iyo fowdo.

      Hadalka Sanoter Cumar Cabdirashiid ayaa waxa a uu kusoo aadayaa xilli weli aan wax heshiis ah laga gaarin doorashada, isla markaana ay joogsadeen wada-hadalladii doorashooyinka.

3 qorshe oo ay wadeen beesha caalamka oo ay fashilisay madaxtooyada

       Safiirada QM, M/Yurub, Mareykanka iyo UK ayaa ku guul-darreystay tallaabooyin 3 ah oo ay qaadeen oo lagu wiiqayo awoodda Farmaajo, islamarkaana lagu raadinayo xal doorasho oo uu san qeyb ka aheyn, sida ay ogaatay Caasimada Online.

      Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii wak iilada beesha caalamka ay ka quusteen in la helo xal looga gudbo is-mari waaga doorashada, oo uu qeyb ka yahay Farmaajo, hase yeeshee qorshayaashooda ayaa waxaa fa shilisay madaxtooyada Somaliya.

Qorshayaashaas oo la damacsa naa in lagu wiiqo awooda Madaxweynaha ayaa kala ahaa  1- Saaxiibada Caalamka ayaa isku dayay in hogg aanka doorashada Soomaaliya uu la wareego R/ Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, islamarkaana ay qeyb kala noqdaan maamul gobaleedyada dalka, taas oo ugu dambeyn la sheegay in ay ka socon wey say dhinaca Rooble kadib cadaadis uga yimid Villa Somalia, si uu u diido.

     2- Beesha Caalamka waxay isku dayday in ay he shiiyaan maamul gobaleedyada dalka islamarmaana go’aan mid ah ka qaataan arrimaha la isku hayo ee doorashada, waxaana kulamadii dhici lahaa ka baaq day maamulada taabacsan Villa Somalia oo lagu cad aadiyay in aysan ka qeyb gelin. Haddii maamulada heshiin lahaayeen waxaa meel cidlo ah kusoo dhici lahaa madaxtooyada oo u muuqan laheyd caqaba dda doorashada.

      3- Beesha caalamka waxay isku dayday in khilaaf ka doorashada Soomaaliya ay kala hadasho Gudd oonka Golaha Shacabka oo cabsi weyn laga qabo in uu ku dhaqaaqo muddo korarsi, waxaana la sheegay in arrintaasna sidoo kale socon weysay kadib cadaad is kale oo la saaray guddoonka Golaha Shacabka, isagana u dhego nuglaaday.

      Tallaabooyinka beesha caalamka ayaa keenay in wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ay qoraal u dirto Golaha Ammaanka, kaasi oo looga digay "far o-gelinta” arrimaha doorashada.

    Waxaa taasi xigay in Habeen hore uu baarlamanka shaac iyey in Shalay uu dhacay kulan looga hadlayo "doora shooyinka qaranka,” lana rumeysan yahay in muddo kordhin lagu sameynayo, waxaana muuqata in saam eyntii beesha caalamka ee Soomaaliya ay daaqadda ka baxday.

Ra’iisul Wasaaraha Xil-Gaarsiinta Oo Gaaray Degmada Awdheegle + Ujeedka

    R/Wasaaraha XFS ee xilgaarsiinta Maxamed Xus een Rooble ayaa duhurnimadii Shalay gaaray D/ Awdheegle ee G/Sh/Hoose ee Maamulka K/Galbeed.

Socdaalka uu R/Wasaare ku tegay D/Awdheegle ayaa wax aa ku wehlinayay Taliya ha Ciidanka Xoogga dalka Jen.l Odawaa Yu usuf Raage iyo Saraakiil kale, iyadoo halkaas lagu soo dha weeyay.

      Ujeedka Rooble ee Sh/Hoose ayaa waxaa uu yah ay sidii uu uga qeyb qaadan lahaa Munaasabadda Cii damada Xoogga dalka oo u dabaal degaya Sanadg uurooda 61-aad ee kasoo wareegatay markii la aas-aasay Ciidamada 12 April 1960-kii.

R/Wasaaraha XFS ee ilgaarsiinta ayaa Ciidamada ku boggaadiyay guushii maalmo kahor ka gaareen wee raradii Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Bariire iyo Awdheeglle, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

      Al-shabaabn ayaa dhawaan weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Saldhigyada Ciidamada ay ku le eyihiin Bariire iyo Awdheeglle, waxaana weerarka Cii danka dowladda looga dilay in ka badan 20 Askari, halka shabaabka uga dhinteen Askar farabadan.

Wasiir Oomaar oo iska diiday xilka cusub ee loo magacaabay + Sababta

        Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed C/hi Salaad Oomaar oo maa lin ka hor laga qaaday xilkaas, ayaa iska diiday xil ka le oo loo magacaabay.Wasiir Oomaar ayaa Dorraad wareegto ka soo baxday xafiiska ra’iisul wasaare Rooble loogu wareejiyey wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, balse qoraal uu ku baahiyey bartiisa Faceboo k-ga ayuu hadda ku sheegay in uusan   diyaar u aheyn qabashada xilkaas.

     Waxa uu sheegay in go’aanka uu isaga diiday qa bashada xilka wasaaraddaas uusan la xariirin siyaas ad oo ay ku kalifeen arrimo u gaar ah, isagoo si cad u sheegay inuu weli taageersan yahay siyaasadda ma daxweyne Farmaajo ee Nabad iyo Nolol.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip