Wasiir Oomar oo diiday Wasaaraddii loo magacaabay

0
Monday April 12, 2021 - 20:18:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Oomar oo diiday Wasaaraddii loo magacaabay

    Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar oo shalay laga badalay Wasaaradda duulista hawada loona badalay wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ayaa iska diiday in uu xilkaasi qabto. War uu soo saaray ayuu ku sheegay in uusan diyaar aheyn in uu qabto xi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar oo shalay laga badalay Wasaaradda duulista hawada loona badalay wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ayaa iska diiday in uu xilkaasi qabto. War uu soo saaray ayuu ku sheegay in uusan diyaar aheyn in uu qabto xilkaasi oo uu isaga tagay uusana aqbalin midkii loo badalay. "Waxaa sharaf ii ah in shalay oo ay taariikhdu ahayn April 11 2021 la Ii magacaabay wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada. Wasaaraddan oo aad muhim u ah waxay u baahan tahay Wasiir dardar geliyo howlaha baaxadda leh ee Ka socoda wasaaradda. Anigoo Jecel inaan u shaqeeyo waddankayga hooyo, suuragal iima aha xilligan inaan qabto shaqada muhimka ah ee la ii magacaabay. Sidaa aawgeed waxaan Ka cudur daaranayaa qabashada xilkaa muhiimka ah. Duruufo qoys iyo kuwo shakhsiyadeed ayaan ii saamaxaynin inaan hawshaa galiyo tamarta, wakhtiga iyo firfircoonida ay u baahan tahay masuuliyaddan baaxadda weyn. Waxan uga mahadnaqayaa madaxweyne Farmaajo iyo raiisal wasaaraha fursadda qaaliga ah ee ay ii siiyeen inaan u adeego inta tabartayda ah waddanka iyo shacabka Somaliyeed. Muddadii aan xilka u hayay ummadda Soomaaliyeed waxaa suura gal ah in uu khalad iga dhacay, ma khaldame waa Ilaah. Waxaan ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay iga cafiyaan khaladaadka laga yaaba inuu iga dhacay.


 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip