Wasiirka Amniga Galmudug oo soo dhaweeyay talaabada uu qaaday Saadaq Joon

0
Monday April 12, 2021 - 15:40:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga Galmudug oo soo dhaweeyay talaabada uu qaaday Saadaq Joon

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Macallin Fiqi ayaa bogaadiyay tallaabadii uu saaka qaada Taliye Saaddaq Joon, taas oo uu kaga horyimid in mudda kororsi loo sameeyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

"Talaabada uu qaaday taliyaha gobolka Banaadir ee ciidanka Boolisku waa mid bogaadin mudan, waana mid kor u qaadaysa sumcadda Ciidamada Booliska oo waayadii danbe oo dhan dhiiqooyin lugaha loo galinayey.”Ayuu yiri wasiir Fiqi.

"Todobaadkii hore waxay ciidamada Boolisku jidadka ku celinayeen xildhibaanno si sharci darro ah loogu diidayay in barlamaanka ay tagaan, maantana qeybtii faraxsanayd maalmo ka hor ayaa la celiyey weliba ayadoo tan danbe ay heysato xujo wanaagsan oo ah in looga hortagayo go’aan qaldan oo Barlamaanka ka soo baxa in uu sabab u noqonayo dhibaatada amnidarro iyo xasilooni la’aan soo waajahda dalka.”Ayuu sii raaciyay.

Hadalka wasiir Fiqi ayaa ku soo beegmay, saacado kooban kadib markii Taliye Saaddaq Joon uu sheegay in uu joojiyay kulankii Baarlamanka, kana horyimid in mudda kororsi loo sameeyo dowladdd inkastoo markiiba xilka laga qaaday.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip