Cabdiraxmaan Cabdishakuur "Tareenkii Farmaajo wuxuu soo gaaray boosteejadii muddo kororsiga"

0
Monday April 12, 2021 - 15:25:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdiraxmaan Cabdishakuur "Tareenkii Farmaajo wuxuu soo gaaray boosteejadii muddo kororsiga"

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

     Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay inuu u xuubsiinayo sida uu yiri hoggaamiye kooxeednimo.

      Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inuu Madaxweynuhu ka dhabeynayo damiciisii ahaa muddo kordhinta in dhawaalaba lala xiriirinayay.

      "Tareenkii Farmaajo wuxuu soo gaaray boosteejadii (Station) muddo kororsiga ee muddaba laga digayay. Afar sano oo kali talisnimo ah ayuu maanta uga xuubsiibanayaa hoggaamiye kooxeednimo. Kama masiir duwanaan doono dagaal ogaayaashii dalka soo maray, sababtoo ah awoodu hub iyo ciidan maaha, iyagaaba ka ciidan iyo hub badnaa, qaar ka mid ahna gobolo badan ayey ka talinayeen. Awooddu waa sharciyada ku siinaysa aqoonsi gudaha iyo dibada ah.” Ayuu yir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

      Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri "Waxaan shacabka ugu bishaaraynayaa in uusan hankiisu hirgeli doonin. Dadka isagaa u tabaryar, sababtoo ah hubanti la’aan ayuu ku noolaan doonaa, kuwa haatan u heesayana midba subax ayuu ka dhaqaaqi doonnaa.”

       Waxa kaloo uu yiri "Keliya waxaa nalaga doonayaa in aan halista si isku mid ah u aragno, dulmiga iyo dulaysiga wada diidno. Taasina waxay ku imaan kartaa in aan abaabulkeena xoojino, tilaabooyinka aan qaadaynana noqdaan kuwo qiyaasan oo aan gaabisna ahayn degdegna ku jirin, si abeesada luqanta nooga duuban isaga bixino.”

      Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa warkan ku sheegay qoraal uu dadka kula wadaagay bartiisa xiriirka dadweynaha.

Hadalka Ina Warsame ayaa imaanaya, xilli Xildhibanaada Golaha Shacabka ay maanta Xarunta Villa Hargeisa ku leeyihiin kulan ay kaga doodayaan Mooshin la xiriira doorashooyinka dalka.



XIGASHO:DHACDO.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip