Ra'iisul Wasaaraha Xil-Gaarsiinta Oo Gaaray Degmada Awdheegle + Ujeedka

0
Monday April 12, 2021 - 15:13:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha Xil-Gaarsiinta Oo Gaaray Degmada Awdheegle + Ujeedka

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa duhurnimadii Maanta gaaray degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Socdaalka uu Ra’iisul Wasaare ku tegay degmada Awdheegle ayaa waxaa ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil kale, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

      Ujeedka Rooble ee Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb qaadan lahaa Munaasabadda Ciidamada Xoogga dalka oo u dabaal degaya Sanadguurooda 61-aad ee kasoo wareegatay markii la aas-aasay Ciidamada 12 April 1960-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa Ciidamada ku boggaadiyay guushii maalmo kahor ka gaareen weeraradii Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Bariire iyo Awdheeglle, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

Al-shabaabn ayaa dhawaan weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Saldhigyada Ciidamada ay ku leeyihiin Bariire iyo Awdheeglle, waxaana weerarka Ciidanka dowladda looga dilay in ka badan 20 Askari, halka shabaabka uga dhinteen Askar farabadan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip