Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay xil ka qaadistii General Saadaq Joon

0
Monday April 12, 2021 - 14:44:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 173
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay xil ka qaadistii General Saadaq Joon

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Midowga Musharixiinta ayaa ka hadlay xil ka qaadistii lagu sameeyay maanta taliyihii ciidamada booliska gobolka Banaadir General Saadaq Joon.

 

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen qaar ka mid ah musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in talaabada uu qaaday Saadaq Joon ay tahay mid ku dayasho mudan.

    Madaxweynihii hore ee dalka ahna guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa soo dhoweeyay tallaabada uu qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Jen. Saadaq John, isagoo ugu baaqay Saraakiisha kale inay tallaabadaas oo kale qaataan.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay shirkan jaraa’id ayaa ku tilmaamay tallaabada uu qaaday General Saadaq mid ku dayasho mudan;

"Maanta waxa ay maraysaa in ciidanka Soomaaliyeed ku kala qeybsamaan damaca madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday,dariiqa uu dalkan ku wado god buu ku wadaa. Taliye Saadaq wuxuu muujiyay tusaale ay mudan tahay inay ku daydaan ciidamada kale”ayuu yiri Xasan Cali Kheyre

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah musharaxiinta ayaa codsi u direy ciidamada;


"Waxa kala qeybsan waa ciidanka, kuwa la magacaabay waxa laga rabo waa in la idin adeegsado, kuwa hadda la magacaabay ee taleefanka lagula hadlayo Fahad iyo Farmaajo waqtigooda waa dhamaaday”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip