Taliyihii Haramacad oo loo magacaabay Taliyaha booliska Banaadir.

0
Monday April 12, 2021 - 13:53:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii Haramacad oo loo magacaabay Taliyaha booliska Banaadir.

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

    Warqad ka soo baxday Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Taliyihii booliska gobolka Banaadir, Saadaq Joon, loona magacaabay Farxaan Maxamuud Qaaroole oo ah nin dhallinyaro ah.

     Farxaan Qaaroole wuxuu ahaa Taliyihii ciidamada Haramacad oo u badan dhallinyaro.

     Muddadii uu taliyaha u ahaa Haramacad, waxay fuliyeen howlgallo kala duwan. Midkii ugu dambeeyay wuxuu ahaa dagaalkii Beledxaawo ay kula galeen ciidan uu hoggaaminayay cabdirashiid Janan oo hadda dowladda la heshiiyay.

        Waxay horey uga howlgaleen Dhuusamareeb oo ay kula dagaallameen ciidamadii Ahlu Sunna. Sidoo kale waxay si joogto ah uga howlgalaan magaalada Muqdisho.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip