DFS oo waqtigeedu dhammaaday, waxay dalka ku riixi doontaa kala-tag iyo fowdo" Cumar C/Rashiid"

0
Monday April 12, 2021 - 13:27:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DFS oo waqtigeedu dhammaaday, waxay dalka ku riixi doontaa kala-tag iyo fowdo" Cumar C/Rashiid"

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Sanoter ka tirsan Xildhibaannada Aqalka Sare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ka digay in la joojiyo wada-hadallada ku saabsan xal ka gaarista Arrimaha doorashooyinka.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in joojinta wada-hadallada ay horseedi karto xaalad hubaal la’aan ah oo uu dalka galo.

 

"Joojinta wadaxaajoodyada doorashooyinka waxay bulshada u horseedi doontaa xaalad hubaal la’aan ah, iyadoo su’aal la gelinayo mustaqbalka dalkeenna ayuu yiri” Sanoter Cumar Cabdirashiid.

Sidoo kale Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake waxaa uu sheegay in Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkeedu dhamaaday ay dalka ku riixayaan kala-tag iyo fowdo.

Hadalka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Sanoter Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli aan wax heshiis ah laga gaarin doorashada, isla markaana ay joogsadeen wada-hadalladii doorashooyinka.



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip