Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay J/Hoose Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

0
Monday April 12, 2021 - 11:21:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay J/Hoose Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Qarax xoogan ayaa barqanimadii Maanta ka dhacay degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.

       Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland oo ku sugnaa Garoonka diyaaradaha degmada Afmadow.

       Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in qaraxa laga maqlay inta badan xaafadaha Afmadow, waxaana ku geeriyooday 5 Askari oo ka tirsan Maamulka Jubbaland oo joogay halka uu qaraxu ka dhacay.

      Al-shabaab oo ka hadashay qaraxaas ka dhacay degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegatay Mas’uuliyadiisa, iyagoona tilmaamay inay ku dileen 5 Askari oo uu ku jiray Nin Sarkaal.

      Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaan ilaa iyo hadda ka hadlin qaraxa khasaaraha geystay ee barqanimadii Maanta ka dhacay degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana degan haatan xaaladda degmadaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip