Wararkii ugu dambeeyay ee Kulankii Golaha Shacabka.

0
Monday April 12, 2021 - 13:02:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay ee Kulankii Golaha Shacabka.

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Kulankii Golaha Shacabka ee Maanta ayaan weli furmin, waxaana jira Xildhibaanada qaarkood oo goor sii horeysay tegay Xarunta Villa Hargeysa iyo kuwo ka maqan.

Waqtigii loo qorsheeyay in uu furmo kulanka Golaha Shacabka ayaa la dhaafay,waxaana Xildhibaanada qaarkood oo goordhow gaaray Xarunta Villa Hargeysa ay sheegeen in Ciidamo Boolis ah ay maanta oo dhan wadada ka celinayeen.

 

Ajandaha Kulanka Maanta ee golaha Shacabka ayaa waxa uu yahay ka doodista mooshin ku saabsan arrimaha doorashooyinka, iyada oo siyaasiyiin & Xildhibaano kale ay sheegeen in ujeedka uu yahay in muddo korrsi loo sameeyo Hay’adaha dowladda.

Saadaq Cumar Xasan oo ahaa taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa ka hor inta aan xilka laga qaadin waxaa uu sheegay in uu joojiyay Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka sababo la xiriira inay doonayeen qalalaase abuur iyo inay muddo kororsi sameeyaan.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadaha soo socsa uu kulanka furmi doono, isla markaana Xildhibaannada ay u baxeen inay soo dukadaan iyo inay soo qadeeyaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip