
HALKAN KA AKHRISO W/W .MOGTIMES ISNIIN 12-KA ABRIIL 2021
RA’ISUL WASAARE ROOBLE OO XILALKA ISKUGU BEDDELAY 2 WASIIR
Ra’iisul Wasaaraha xilka siihaya ee Sooma aliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xi lalkii u kala badalay laba wasiir oo ka tirsan xuku umadda Soomaaliya.
Wasiirkii Gaadiidka iyo Duulista Hawada Max amed Cabdullaahi Oomaar ayaa laga qaaday xilkii uu hayey, waxaana loo dhiibay xilka Wasiirka Sha qada iyo Arrimaha Bulshada.
Sidoo kale Duraan Axmed Faarax oo ahaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa loo magacaabay xilka Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
Isbedelka uu sameeyey Rooble ayaa ka dam beeyay dalab ka yimid Madaxweynaha muddo xil eedkisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu tixgeli yay.
Ma cadda sababta keentay tallaabada uu qaad ay Rooble, waxaana xusid mudan in Oomaar uu ka mid yahay wasiirada ugu muddada dheer, isaga oo horey ula soo shaqeeyey ra’iisul wasaare Xa san Cali Kheyre, halka Duraan uu xilka joogo un wax ka yar 6 bilood, isaga oo la magacaabay mar kii uu xilka la wareegay Rooble.
Wararka qaar ayaa sheegay in isbeddelan ay ka mid tahay arrimaha siyaasadeed iyo danaha ku xeeran xilliyada doorashada.
Iskushaandheynta kooban oo uu Maanta sam eeyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiin ta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ay ku soo aadeysaa xilli uu dhamaaday muddo xileedka Hay’adaha dowladda, isla markaana khilaaf uu ka taagan yahay doorashada.
Sidoo kale waa markii ugu horeysay ee uu Ra’I sulwasaare Rooble isku shaandheyn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada tan iyo markii uu 19 Sept ember 2020 magacaabay Xukuumadiisa kusoo aaday xilliga kala guurka siyaasadeed.
XOG: WAANWAAN LAGA DHEXBILAABAY MADAX DA SOOMAALIDA IYO WARARKII U DAMBEEYEY
M/Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda dadaallo xoogan oo ay wadaan dhinacyo kala duwan, kuwaas oo la doonayo in la’isugu soo dhoweeyey madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka.
Dadaallada socda ay aa ujeedkooda waxa uu yahay sidii ay markale mi iska wadahadalka isugu soo noqon lahaayeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliyda, si xal loo wada gaaro.
Wararka ayaa sheegaya in dadaallada iyo waanwaanta socota ay qeyb ka yihiin wakiilada beesha caalamka, siyaasiyiin, hoggaanka ururada bulshada rayidka iyo dhaqanka.
Ilo ku dhow dhinacyada wada dadaalladaasi ayaa shaaca ka qaaday in madaxda dowladda fed eraalka iyo qaar ka mid ah kuwa dowlad goboleed yada ay ka cagajiidayaan waanwaanta laga dhexbillaabay ee lagu doonayo in dib loogu sii ambaqaado wadahadallada.
kale xubnaha wada dhexdhexaadinta ayaa ra jo wanaagsan ka muujiyey inay guuleysan doonto waanwaantooda, islamarkaana ay dib u billaaban doonaan shirarkii u dhexeeyay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul gobole edyada.
Dhowaan ayey aheyd markii dowladda Soomaa liya ay shaaca ka qaaday inay fashilmeen wadahadalladii gogol xaarka ee ka socday Teendhada Afisyoone ee Muqdisho.
ROOBLE OO AMAR SIIYAY HAY’ADDAHA AMNIGA DOWLADDA FEDERAALKA
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka So omaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay Taliyeyaasha Ciidamada dowladda Feder aalka.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Xoogga ka fuliyeen Gobolada dalka, xoojinta amniga Caasimadda iyo u diyaar garooga dhinaca amniga inta lagu jiro bi sha barakeysan ee Ramaadan.
Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimow oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in kulanka inta uu socday Ra’iisul Wa saare Rooble uu warbixino kala duwan oo xiriiray amniga uga dhageystay Saraakiisha Ciidanka ee uu la kulmay.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa laamaha amn iga ku amray inay dardargeliyaan xoojinta am ni ga Caasimadda dalka ee Magaalada Muqdisho in ta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo xiliyada qaarkood ay dhacaan falal amni darro.
Sidoo kale Rooble ayaa Saraakiisha Ciidanka qey bahooda kaladuwan ugu baaqay inay wada sha qeyn yeeshaan, isla markaana la iska kaa shado sidii looga hortegi lahaa wax kasta oo keeni kara amni darro dhacda.
Si kastaba Kulankaan uu Ra’iisul Wasaare Ro oble la qaatay Saraakiisha laamaha amniga dow lad da ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo la guda galayo bisha barakeysan ee Ramadaan oo marar qaarkood ay dhacaan falal amniga lid ku ah.
TALIYE ODAWAA YUUSUF OO FARRIIN U DIRAY CIIDA MADA XOOGGA DALKA
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka sareeyo guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa Ciidanka Xoogga dal ka Soomaaliyeed ugu hambalyeyay Sanadguur ooda 61aad ee kasoo wareegatay markii la aasaasay Ciidamada 12 April 1960kii.
Taliyaha Ciidanka Xooga dalka ayaa guud ahaan Ciidanka Xoogga dalka ugu hambalyeey munaasabadan ee aas aaska oo sanada jirsaday 61sanno, isagoo ku boggaadiyay Cii damada howlgal ada ay wadaan.
"Run ahaantii maanta waa maa leyn weyn, Wax aa lasoo maray marxa lado kala duwan, maantase Ciidanka XDS wuxuu marayaa marxalad ah geed curdun ah oo u baahan waraab ayuu yiri Jeneraal Odawaa.
General Odowaa Yuusuf Raage ayaa saraakii sha ,saraakiil xigeenada ,Dableyda, Alif leyda iyo waliba qoysaskooda ayuu hambalyo u diray da baal dega Aas aaska sanad guurada Ciidanka Xo ogga dalka iyo sidoo kale guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
"Waxaan Allah SWT uga baryayaa in uu naxari istii janno siiyo dhamaan shuhadadii naftooda u hurtay difaaca Qaranka iyo ilaalinta sharafka muw aadiniinta Soomaaliyeed, inta dhaawaca ahna Rabbi ha siiyo Caafimaad degdeg ah, inta Caafi maadka qabtana waxaan u rajeynayaa in ay hal kooda kasii wadi doonaan difaaca Qaranka” ayuu sii raacsiiyay Qoraalkiisa. Ugu dambeyn Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa shaaciyay in la jooji yay Munaasabad loogu dabaaldegi lahaa sanad guurada Ciidanka, isagoona sababta loo joojiyay Munaasabadda ku sheegay inay tahay Arrimo la xiriira Cudurka COV ID19.
CIIDAMO BADAN OO LA GEEYAY BARAHA KOONTAR OLADA XARUNTA MADAXTOOYADA
Ciidamo farabadan oo ka tirsan Booliska dow ladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Hay’adda NISA ayaa saakay lagu arkayaa baraha Koont aroolada lasoo galo Xarunta Madaxtooyada Soo maaliya.
Ciidamadan oo wata gaadiidka nooca dagaal ka ayaa ku sugan inta badan waddooyinka soo ga la iyo kuwa kabaxa Xarunta Mad axtooyada, wax aana la sheegayaa in Ciidanka halkaas ay dhigtay dowladda Federaalka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlama anka Federaalka ee muddo xileedkoodu dhamma aday ayaa Maanta waxaa la filayaa in kulan aan caadi aheyn ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee ku dhex taalla Madaxtooyada.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay ka doodista Mooshin ku saabsan Doora shooyinka Qaranka, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay Guddoonka Golaha Shacabka, loona diray Xildhibaanada.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in kulan ka uu ka bilowdo Xarunta Villa Hargeysa, waxaana qaar kamid ah Xildhibaanada ay sheegeen in Gud doonka uu doonayo in muddo kordhin uu u sam eeyo hay’addaha dowladda iyo Madaxwey naha waqtiga ka idlaaday.
Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ka horyimid qorshaha lagu doonayo in muddo kor dhin loogu sameeyay Baarlamaanka iyo Farmaajo, iyagoo ka digay tallaabadaas oo ay ku tilmaameen mid dalka uga sii dari karta xaaladda Cakiran ee uu ku jiro.
BOQORKA URDUN IYO WALAALKIIS OO MEEL LAGU WADA ARKAY, KADIB KHILAAFKII
Boqorka dalka Jordan Cabdullah iyo dhaxal sugihii hore ee dalkaas oo sidoo kale walaalkiis ah Amiir Xamza ayaa me el lagu wada arkay markii ugu horreysay tan iyo intii uu muranku soo kala dhex galay, iyagoo maan ta ka wada qeyb galay xafladda sanad guurada 100aad ee xornimada dalkaas.
Warbaahinta dowladda ayaa soo bandhigtay sawirrada qoyska boqortooyada oo ku sugan aqalka Raghdan ee Amman.
Xamza ayaa Isniintii la soo dhaafay she egay inuu daacad u noqonati Boqor Cabdalla kaddib markii ay dhexdhexaadin ka dhex same eyeen qoyska boqortooyada, labo maalmood kaddib markii milatarigu uu uga digay inuu ku dhaqaaqo falal ay ku sheegeen inay wiiqayaan ammaanka iyo xasiloonida Jordan.
Arbacadii la soo dhaafay, Boqorka Jord an ayaa sheegay in meesha laga saaray is ma andhaafkii ka dhex taagnaa isaga iyo walaalkii oo ay isku aabbe yihiin isla markaana Xamza uu boqortooyada kula sugan yahay qoyskiisa.
MIDOWGA MUSHARAXIINTA OO DIIDAY MUDDO KORDHIN LOO SAMEEYO FARMAAJO
Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha So omaaliya ayaa kasoo horjeestay qorshe lagu do onayo in hay’addaha dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo loogu sameeynayo muddo kordhin.
Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed oo saqdii dhexe ee xalay warb aahinta kula hadlay Muqdisho ayaa waxaa uu she egay in xiligaan dalka uusan u baahneyn muddo kororsi, isagoona eedeyn u jeeday Madaxweyne Farmaajo.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in Madaxweyna ha uu dhowr jeer kasoo kacay shirar looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka taagan, isla markaana uu ugu damb eeyay shirkii Madaxda uga socday Teendhada Afisyo oni, kaasi oo fashilmay.
Waxaa uu Shariifka ka dig ay isku day kasta oo la gu doonayo in muddo kordhin loogu sameeyo Mad axda dowladda ee waqtigoodu dhammaaday, isag oona xusay in arrintaas ay abuuri karto qalalaaso siyaasadeed oo dalka galo.
Sidoo kale waxaa uu Sheekh Shariif nasiib dar ro uu ku tilmaamay in iyada oo ay Maanta ku beeg an tahay munaasabadda Ciidanka Xoogga Dalka ee 12 April ay Madaxtooyadu isku daydo inay ay ku boobto awoodda ciidanka, muddo kordhin aan sharci aheyn.
"Waxaan aaminsanahay inay tahay Khiyaano Qaran in iyadoo doorashada laga heshiin karay oo ay dowladdu dayacdey in maanta la isku dayo muddo kororsi, waxaana leenahay hogaanka dow ladda waqtigeedu dhamaadey waad ambateene soo noqda, oo Soomaaliya ha u horseedina inay dib ugu laabato wixii laga yimid” ayuu yiri Shariifka.
Ugu dambeyn Sheekh Shariif ayaa shacabka So omaaliyeed, dowlad Goboleedyada iyo iyo Beesha Caalamka u sheegay in wixii ka dhasha muddo kororsiga la qorsheeyay in aan lala wadaagi doo nin Madaxda dowladda Federaalka ee waqtigoodu dhammaaday.
QM, MIDOWGA YURUB, IGAD IYO AU OO FARRIIN CAD U DIRAY DF IYO DOWLAD GOBOLEEDYADA
HALKAN KA AKHRISO W/W .MOGTIMES ISNIIN 12-KA ABRIIL 2021
..