Taliyaha Booliska G/Banaadir oo joojiyay Kulankii Golaha Shacabka

0
Monday April 12, 2021 - 11:16:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Booliska G/Banaadir oo joojiyay Kulankii Golaha Shacabka

    Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan ayaa sheegay in ay joojiyeen Kulankii loo balansanaa ee Maanta ee Golaha Shacabka, kaas oo ajandihiisu ahaa ka doodista mooshin la xiriira doorashooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan ayaa sheegay in ay joojiyeen Kulankii loo balansanaa ee Maanta ee Golaha Shacabka, kaas oo ajandihiisu ahaa ka doodista mooshin la xiriira doorashooyinka
Taliye Saadaq oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in sababaha kulanka ay u joojiyeen ay tahay in aysan dhicin wax la boobayo, iyo in mudo kororsi la sameeyo balse waxkasta lagu dhameeyo in la gaaro isfaham siyaasadeed.

Waxa uu si cad u sheegay in xilligan aysan u cuntamin in Golaha Shacbaka oo uu u dhaartay in uu amnigooda ilaliyo in uu dilo ama uu dhibaateeyo, waxaana uu Xildhibaannad uu ugu baaqay inay degaannadii laga soo doortay dib ugu laabtaan si ay doorasho uga soo galaan.


Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Amniga Gobolka Banaadir uu mas’uul ka yahay mucaarad iyo muxaafid intaba muhiimna ay tahay in qof walba oo Soomaali ah uu si amni ah ku joogo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayuu ugu baaqay in uu Qaato Doorkiisa Hoggaaminta Wadanka dibna loogu laabto Miiska Wadahadalka.

Go’aanka uu qaatay Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maanta aad loo hadal hayay in Xildhibaannada Golaha Shacbaka ay muddo kororsi u sameeyaan Madaxweynaha uu mudo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip